SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
AAYAH SOOMAALIYA ADINKUU IDIN AGYAAL

W/Q: Axmed Qaasim Faarax
E-mail: caatoos@hotmail.com 
C/o Karachi university
P.o.Box 8423 Karachi, Pakistan.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxa macquul ah aqristoow inuu kusoo jiitay cinwaanka "Aayaha Soomaaliya adinkuu idin agyaal". Oo aad doonayso inaad ogaato cidda uu aayaha Soomaaliya lajiro ama uu agyaal maanta.

"Tastuur" macne ahaan waa xeer; caado; dhaqan. Balse marka aan u eegno macnaha dhabta ah ee uu Tastuur xambaarsanyahay, waa aayokatalainta ummad. Tasuurku waxa loo dejiyaa in aanay ka dhicin iska horimaad xaga sahrciga bulshada dhexdeeda mustaqbalka dambe. Waxa loogagga golleeyahay in uu u noqdo udub-dhexaad dhismaha dowlad ay ummad iskuraacday. Tasuurku cidna (qofna) majebin karto, ciddii jebisana waxa la horkeenaa sharciga. Hadaba, macnaha cinwaanka maqaalkan waa "Aayaha Soomaaliya waxa uu kuxiranyahay hadba qaabka Tasuurka Soomaaliya loo dejiyo."

Run ahaantii, aayaha ummadda Soomaaliyeed ee uu dagaalka sokeeye sida ba’an u aafeeyay waxa uu agyaal dadyawga (qabqablayaasha) kushiraya MBAGATHI, KENYA. Waxa lasoo hordhigay sida aanu wararka kuheyno ‘draft’ (qoraal koowaad oo aan rasmi ahayn) ee lagu doonayey in lagu ansixiyo Tastuur Federal ah ee uu Dalka yeesho. Qodobada loogagga doodayo qoraal-Tastuureedka aan rasmiga aheyn waxa kamid ah waxyaabo aysan damiirta Soomaalinimo u ogolaanneyn in ruux Soomaali ah uu aqbalo ama in loo ansixiyo qaab Tastuureed aayaha dambe ee Soomaaliya cawaaqib xumo xaga sharciga iyo kala dambeynta kuyeelankara. Hadaba, hadii aan kubilaabo qodobada weerarka halista ah kuhaya maskaxda ruur walba oo Soomaali ah oo indheer garad ah ama dhanka san wax kaeega. Waxa ay yihiin (1) Islaanta Amxaarta ah ee iyadoo fool ah kasoo duusha Adasiababa ee kudhasha canug, carriga Soomaaliya meel kamid ah waa Soomaali (canugaas), waxa uuna leeyahay xuquuda qof Soomaali uu y! eelan karo. (2) In diinta Islaamka oo kaliya ay kajirto dalka, laakiin la’ogolaado in dugsiyo iyaga aan Islaami aheyn ay howlo waxbarasho kafuliayaan (kafulinkaraan) dalka; (3) In ay Soomaaliya tahay dal kala Af, Diin iyo Dhaqan ah.

1. Canuga Kudhasha Carro Soomaaliyeed waa Soomaali: Waa layaab! dad iskusheegaya inay yihiin hogaamiyeyaal oo doonaya inay bulsho hoggaamiyaan ama doonaya inay magacooda kuqaraabtaan misena aan wadadeeda kutaagneyn. Aqristoow! Miyaanu aqbali karnaa in uu yahay Soomaali nala xuquuq ah canuga kudhashay ama kudhasha dulka Soomaaliyeed meel kamid ah ee aan Aabihii Soomaali abkii iyo isirkii layaqaan aheyn? Marka aan leeyhay "Islaanta Amxaarta ah ee iyadoo fool ah kasoo duusha Adasiababa ee kudhasha canug, carriga Soomaaliya meel kamid ah waa Soomaali (canugaas), waxa uuna leeyahay xuquuda qof Soomaali uu yeelan karo." Waxa ay katurjumeysaa, hadii maanta la’ansixiyo qodbkan, waxa dhacaysa arintaas oo aan sinaba looga fursaneyn. Waayo qodobka waxa wata Ethiopia oo ah dal aanu deris nahay oo colaad soojireen ah nadhextaal, mar walbana dooneysa inay naga gacansareeyso. Iyadoo danaha ay hiigsaneyso ay yihiin kuwo fog fog, sida in Soomaaliya la’halmaansiiyo dhu! lka ay Ethiopia kaheysato ee Soomaali-galbeed, in dalka Soomaaliya laga suuliyo magaca ah 100% waa wadan Muslim ah iyadoo loo soo marayo Tastuurka ay gacantooda kusaxiixayaan. Aqristoow! Waa maxay macnaha koowaad ee kusoo dhacayo maankaag amarka aad maqasho erayga, "Amxaar"? Run ahaantii, erayga amxaar iyo erayga Yuhuud marka ay maanka qof Soomaali ah kusoo dhacaan waxa uu dareemayaa inay utaaganyihiin cadow aan naxariisan. Taasi waxa daliil u ah, isku day aqristoow inaad caruur Soomaaliyeed kutiraahdo erayada Amxaar iyo yuhuud kana wardhawr waxa ay kaa yiraahdaan. Halkaasi waxaad kafahmeysaa in macno khalafsan oo ay dareemayaan caruurtayada oo aan iyagu ulaheyn wax cilmi ah, waxa "Amxaar" uu yahay ama "Yahuud" ay tahay. Hadaba, waxa isweydiin leh halkee bay caruurta Soomaaliyeed kadhaxleen macnayaasha khalafsan ee labadaasi magac leeyihiin. Marka aan dib u eegno hab dhaqameedkii Soomaalidii hore ee darisnimada iyo colaadda waxaanu kafahmeynaa halkaas in Sooma! alida ay waligeed daris lasoo aheyd Ethiopia, kalana dhaxeyn j! irtay co laad dheer. Tankale magaca "Yuhuud" isagana waxa sababtay in caruurta soomaaliyeed ay u fahmaan eray xun ama khalafsan, dagaalka Yuhuud ay kula jirto dadka reer Falastiin ama dagaalka soojireenka ahaa ee ay Yuhuudu kula jirtay Islaamka waligeed. Waayo, Soomaaliya waa dal Muslim ah diintana soo heystay mudo aad ufarabadan, oo kadanqada dhibaatooyinka soo wajaha Islaamka. Sidaa darted bay caruurta Soomaaliyeed oo aan taariikhiyan lasocon waxa dhacay waayadaas, balse un bulshada aragtideeda kuwajahan labadaas magac "Amxaar" iyo "Yuhuud" kafahmay inay yihiin erayo xun xun.

2. In diinta Islaamka oo kaliya ay kajirto dalka, laakiin la’ogolaado in dugsiyo iyaga aan Islaami aheyn ay howlo waxbarasho kafuliayaan (kafulinkaraan) dalka: Waxa iyadana layaab leh dad sheeganaya inay Islaam yihiin misena aan karunsheegeyn waxa (mabda’ooda) ay aaminsanyihiin. Waa maxay Islaam? Islaam waa isdhiibis uu qof isu dhiibo Eebe weyne isagoo qiraya in uusan jirin Illaah xaq lagu caabudo Alle mooye, Nabi Muxamed na uu yahay rasuulkiisa. Marka qofka intaas laga helo, waxa uu sheegan karaa Muslimnimo. Waxa dad farabadan isaga qaldan Islaam iyo Muslim. Dhab ahaantii, Islaam waa mabda’ halka Muslim macnahiisu yahay qofka mabda’aasi raaca ee qaatay. Hadii aan kunoqdo dadka kushiraya MBAGATHI, KENYA, waxa lasoo hordhigay sida aan kor kusoo xusay qodobo ay kamid yihiin, saddexda aan soo xushay ee aan udareemay in dad aad utirobadan oo Soomaali ah ila qabaan inay yihiin qodobo loobaahanyahay in laga dhii! dhiyo ansixintooda. Qodabka baneynaya in dalka lagu faafinkaro diin aan aheyn diinta Islaamka, waxa uu liddi kuyahay dhaqanka Soomaaliyeed. Run ahaantii qodoka si qeexan uma cadeynayo in la ogolaado in diimo kale dalka lagu dhex faafiyo balse si sibiq ah ayuu ugu jiraa ‘drat’ (qoraalka koowaad oo aan rasmi ahayn) oo ay si lama filaan ama ula kac intaba dadyawgaasi meesha kushiraya u ansixin karaan. Su’aasha dad badan maskaxdooda kusoo noqnoqta waxa ay tahay, "Hadii uu shirkan fashilmo wax alle iyo waxii looga wada hadlay miyey sii jirayaan?". Haa, qodob mar shir Soomaali leedahay looga hergaliyay qaab Tastuureed waxa uu ahaanayaa tusaale waligii dibloo eeggo hadii uu xitaa fashilmo shirkan. Su’aal kale oo ay Soomaali oo dhan isweydiinayaan ayaa waxa ay iyana tahay; Dadka shirka Soomaali magaceeda kumatalayo miyeysan laheyn wax damiir ah oo ay kaga dhiidhiyaan arinta kusaabsan qodobada khalafsan ee aan soomaaliweyn oo dhan u cuntameyn barrina aan u noqoneyn Tas! tuur waara? Su’aashaan jawaabteeda waxa ay agtaal dadka Soomaa! liyeed s aqiir iyo kabiir, waayo waa iyaga kuwa soo arkayey mudo badan qabqablayaasha damiirtooda, waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan iyo garaadkooda inta uudhanyahay intaba. Maalmo kahor, madaxweynaha Kenya "Daniel Arab Moi" waxa uu kahadlay xaaladda Soomaaliya iyo caqabadaha kuhorgudban nabad kadhalata Soomaaliya. Waxa kamid ahaa hadalkiisa, in soomaaliya ay kaguuxeyso aragtidii ay qabeen waagii ay dawladda lahaayeen balse aysan suuroobi Karin inay helaan dowlad inta ay aaminsanyihiin (maskaxdooda kujrto) aragtidaas. Waa maxay aragtida Soomaali ay wada qabaan? Waa dhulka Soomaaliya ay leedahay ee sida sharcidarrada uga maqan oo ladoonayo in Soomaaliya lagu halmaansiyo sifudud, iyadoo loosoo marayo qabqable mooryaan ah oon waxba hambeyn. Hadba, waxa wax lalayaaba ah nin kuleh waligaa nabad helimeysid ilaa aad kasabarto dhulka kaa maqan in aanu hoostagno oo uu naheshiisiiyo. Soomaaliyeey! Ma wax inoo cuntamaa inaanu isudhiibno cadawgayaga isagoon xitaa iska kaaya qariney! n inuu yahay cadawgeena?

3. In ay Soomaaliya tahay dal kala Af, Diin iyo Dhaqan ah: "Ninkii ifka jooggoow maxa aragti kuulaaban". Waa layaab! In ruux Soomaali ah ay kasuuroobi karto in laga dhaadhiciyo in uu dalkiisu yahay kala Af, Diin iyo Dhaqan intaba. Dalkayaga ma inagaa naqaan mise waa nalaga badiya oo noolaga khabiirsanyahay waxa uu yahay? Waxaan filayaa inaysan isweydiin qabqablayaasha iyo dadka kale ee iyaguna shirka kaqeeb-qaadanaya su’aashan. Markasta way fiicantahay inaad kadiktoonaato cadawgaaga xitaa marka aad hoostagto, sida Soomaali manta heysata oo kale. Waxaan shaki kujirin in Ethiopia iyo Kenya ay yihiin labo dal oo deris nala ah misena si xaqdarro ah ay inooga heystan dhul baaxaddiisu aysan yareyn dheel dheelna aan looga harikarin. Marka lagu leeyahay waxaad tahay dal kala Af, Diin iyo Dhaqan ah waxa loogagolleeyahay in marka hore qaab psychological (maskaxiyan) ah laguu kala daadiyo (furfuro) oo lagaa dhaadhiciyo inaadan wax! dhiig ah lawadaagin Soomaali-Galbeed, N.F.D iyo Jibuuti oo aan dhamaanteen dareensannahay inay yihiin walaalahayaga oo shisheeye uu nakalageeyay. Waliba Tastuurka aad kuqorotay inaad tahay dal kala Af, Diin iyo Dhaqan ah waxa uu mustaqbalka dambe dhiirigalin doonaa in Soomaaliya ay kala qolobanto oo ay imaaraddo yar yar isu rogto.

W/Q: Axmed Qaasim Faarax
E-mail: caatoos@hotmail.com 
C/o Karachi university
P.o.Box 8423 Karachi, Pakistan.

Faafin: SomaliTalk.com | September 24, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]