Magaca rabigeen sida guud iyo gaar ahba u naxariista, haddii aan nahay
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed, waxaa naga go'aan ah sidii aan ugu adeegi
laheyn shacbiga Soomaaliyeed, sidii maalin uun ay u suurta gali laheyd in
shacbiga Soomaaliyeed ka soo kabtaan musiibooyinkii, iyo raadadkii ay ka
dhaxleen, reebeenna dagaaladii sokeeye ee ka dhacay jamhuuriyadda Soomaaliya.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed Wuxuu ku dadaalayaa isagoo kaashanaya
shacbiga Soomaaliyeed sidii mar kale loo suurta galin lahaa ama loo soo celin
lahaa sharaftii iyo qaranimadii shacbiga Soomaaliyeed uu ku lahaa shucuubta
dunida.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka xun yahay xaaladda uu ku sugan
yahay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee qarka u saaran in uu burburo,
ayay nala tahay ayaandarro soo wajahday mar kale shacbiga Soomaaliyeed.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed isagoo ka duulaya mabda'a wadatashiga iyo
nabad ku wada noolaanshaha ku dhisan "Caddaalad, Nabadgalyo iyo Midnimo",
ujeedinayaa madaxda Siyaasadda, Dhaqanka, Shacbiga Soomaaliyeed, Bulshada
Caalamka, gaar ahaan wadamada daneynaya xal u hellidda xaaladdada murugada leh
ee ay ku sugan yihiin ummadda Soomaaliyeed.
Hogaamiyayaasha Siyaasadda
1- In aad isu xil saaran dib u soo celinta Nabadda, Xasilloonida iyo dib u
soo nooleynta qarannimada iyo midnimada Soomaaliyeed; soona af jaraya
dagaallada sokeeye ee dalka ku baahay, una horseedaan dhisme dowlad
Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay.
2- In aad si wadajir ah ugu howl gashaan soo celinta sharaftii ummaddeena,
kana qeyb qaadataan dib u dhiska qarankii Soomaaliyeed ee burburay.
3- In khilaaf dhexdiina ah aad ku xalisaan si nabad iyo wadahadal ku dhisan,
xisaabtana ku daraya shacbiga Soomaaliyeed ee dhibaatoonaya ku dhawaad 13 sano.
Madaxda Dhaqanka
1- in aad qeyb balaalaaran ka qaadataan xal u hellidda mushkiladda daba
dheeraatay ee ka jirta.
2- In aad horseed u noqotaan badbaadada dadka iyo dalka
Soomaaliyeed.
3- In aad qeyb ballaaran ka qaadataan soo celinta nabadda iyo
daganaanshiyaha dhex marta beelaha Soomaaliyeed.
Ummadda Soomaaliyeed
1- In aad meel iska dhigtaan cadaawadda gaartay qaangaarka ee aad ku
kala qeybsanteen.
2- In aad ka shaqeysaan sidii dalka nabadgalyo waarta loogu soo dabaali
lahaa.
3- In aad ka qeyb qaadataan dhisme nidaam suuragaliya in ay dib u soo
noolaadaan adeegyadii bulshada.
Shirka Mbagathi, Kenya
Marka hore waxaan inta isu xil saartay xal u hellidda dhibaatada Soomaaliya
uga mahadcelinaynaa dadaalka iyo dulqaadka faraha badan ee ay u yeesheen shirka
ku dhawaad halka sano ka socda dalka Kenya, una rajeyneynaa in uu noqdo kii
nabadgalyo u horseeda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Qilaafaadka madaxda Soomaaliyeed
Ma ahan markii ugu horreysay ee ay soo maraan dalalka iyo shacbiyada
adduunyada kooxo iyo shaqsiyaad aan u naxariisan dadkooda.
Ma ahan wax ay ka sugayaan in xilligan oo uu socdo dib u heshiisiin qaran in
weli kooxo iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed is hortaagaan iyadoo kooxiba kooxda kale
ku eedeyneyso in ay iyadu ka mas'uul tahay shirka qarka u saaran in uu burburo.
Hadalkii uu dhawaan ka jeediyay saxaafadda Col. C/laahi Yuusuf waxuu ahaa
mid laga xishoodo, haddii aaney isaga laftiisa dooneyn in uu shirku noqdo mid
bur-bura, sababna u noqda soo noqoshada dagaalladii sokeeye ee horseeday
halaaga ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu mar kale ka codsanayaa Madaxda
Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa shirka iyo kuwa ka maqan ama isaga baxay iyo
International Community in la badbaadiyo shirka isla markaana aan la iloobin
waqtigii iyo qarashkii faraha badnaa ee lagu bixiyay, haddiiba ujeedadu ay
aheyd in la badbaadiyo shacbiga Soomaaliyeed.
Kulankii ay dhawaan ku yeesheen Muqdisho madax Soomaaliyeed
Kulankii ay dhawaan ku yeesheen magaalada Muqdisho C/qaasim Salaad, Muuse
Suudi, Col. Hiiraale, Xaabsade iyo wakiilada SNF iyo SPM-ta Jees, haddii aaney
ujeedadiisu aheyn in madaxdani ay iska kaashadaan diidmada shirka ka socda
Kenya, xalna loogu helayo dhibaatada Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay ka
taliyaan ee koofurta Soomaaliya.
Sida la og yahay kuma heshiin iska daa maslaxad Soomaaliyeed oo la helo'e
dhisme nidaam suuragaliya una horseeda dadkooda goobaha ay dagan yihiin in ay
ku nabad galaan.
Isbaheysigoogu waxaan u aragnaa "Cadowgeeygu cadowgiisu waa saaxiibkeey",
waxaanan idiin xusuusineynaa wixii isku diiday in qaarkood is arkaan iyagoo hal
magaalo wada joogo muddo ku dhaw 4 sanadood.
Waxaanan u soo jeedineynaa in wixii ay uga soo baxeen shirka aysan kaafin
karin shacbiga dhibaatoonaya ee Soomaaliyeed.
Xuquuqda Aadanaha iyo Soomaaliya
Waxaa ayaandarro ah sii socoshada xadgudubyada ka dhaca guud ahaan caalamka,
gaar ahaan kuwa sida naxiista daran uga socda dalka Soomaaliya.
Xadgudubyadan liddiga ku ah xuquuqda bini'aadamka ayaa si joogta ah uga
dhacaayay waayihii ugu dambeeyay goobo ka mid ah magaalooyin ay ka mid tahay
Muqdisho sida Dhaca, dilka, Afduubka joogtada ah ee ganacsiga isu badalay oo
kooxo hubeysani ku hayaan shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aan is difaaci
karin.
Sidaas darteed wuxuu Golaha wadatashiga Soomaaliyeed la garab taagan yahay
taageero "Maadi iyo Macnawi ah" kooxaha u ololeeya dhawrida xuquuqda aadanaha
gaar ahaan, kuwa ka howl gala goobaha ay sida joogtada ahi uga dhacaan falal
dambiyeedyan caadada noqday.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu qeyb ka noqon doonaa sidii loo suura
galin lahaa isla markaana cadaaladda loo horkeeni lahaa kooxdii ay ku cadaato
in ay ku gabood fashay xuquuqda aadanaha iyo tacadiyadii dhacay.
Maalinta Nabadda adduunka
21/09/2003 Maalintan oo uu adduunweynahu u aqoonsaday maalinta nabadda
aduunka darteed, wuxuu Golaha wadatashiga Soomaaliyeed ugu baaqayaa shacbiga
Soomaaliyeed sidii ay mar kale u suurta galin lahaayeen in si nabadgalyo ah
dalka loogu wada noolaan lahaa.
Beesha Caalamka
1- In adduunweynuhu aragti mideysan ka yeesho xal u hellidda arrimaha
Soomaaliya.
2- In adduunweynuhu joojiyo taageerada hubka iyo lacagaha ay siiyaan kooxaha
ka jira dalka Soomaaliya iyo madaxdooda.
3- In adduunweynuhu la soo garaan gargaarkii ay shacbiga Soomaaliyeed ka
sugayeen.
Eedeymaha loo jeediyo Dowladda Ithiopia
Marka hore waxaan shacbiga iyo dowladda Ithiopia uga mahadcelineynaa soo
dhaweyntii iyo martigalintii ay shacbiga Soomaaliyeed u fidiyeen qaran
burburkii ka dib, marka xiga shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay dalkeeda,
intaa ka dib:-
Waxaan xusuusineynaa madaxda dowladda Ithiopia anagoo qadarineyna xuduudaha
dheer ee labada jamhuuriyadood ama labada dal ka dhexeysa darteed, in aaney
marna suuragal noqon doonin nabadgalyo ka aslaaxda gobolka, haddii aaney
madaxda Ithiopia daacad ka noqonin xal u hellidda dhibaatada Soomaaliya.
Waxaan mar kale xusuusineynaa madaxda Ithiopia abaalkii ay u madaxdii
Soomaaliyeed u galeen xilligii ay la dagaalamayeen kaligii taliyihii Mingistu
Heylu Mariam.
Xadgudubka cunaqabateynta Hubka
Waxaa wax laga xumaado ah faragalinta joogtada ah ee dalal ka tirsan
caalamku ku hayaan arrimaha gudaha ee dalkeena Soomaaliya.
Qaran burburkii ka dib waxaa dalkeena ku soo qulqulayay hub aad iyo aad u
fara badan kuwaas oo dalalka qaarkood madaxda Soomaalida u siinayeen hub iyo
lacag laguu sii murjinaayo xal u hellidda mushkiladda daba dheeraatay ee
Soomaaliya.
Kuma koobna sida in badan ay sheegeen madaxda Soomaalida qaarkood isla
markaana eedeymo ay u jeediyeen dowladda Ithiopia uun ay in mas'uul ka tahay
hubka la soo galiyo dalka Soomaaliya.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu sidoo kale eedeymo u jeedinayaa
dowladaha dalalka Ereteria, Yemen, Masar, Liibiya iyo dowladda Ithiopia
faragalinta joogta ah oo ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu dalalkan iyo kooxaha Soomaalida ee ay
taageeraan, una adeegaan uga digayaa faragalinta qaawan ee ay ku hayaan
arrimaha Soomaaliya.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu aaminsan yahay in aaney xal u aheyn
dalalkan iyo shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ka mas'uulka ah sii socoshada
dhibaatada murugada leh ee heysata shacbiga Soomaaliyeed, isla markaana dacwad
liddi ku ah u gudbin doono ururada caalamiga ah sida Qaramada midoobay, Midowga
Yurub, Ururka Jaamacadda Carabta, ururka Islaamka, Kan Afrika iyo maxkamadda
Adduunka.
Argagaxisada adduunka iyo Soomaaliya
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu mar kale si cad u cambaareynayaa
howlgallada huwan magaca diineed iyo weerarada ay kooxo naxariis daran ku
hayaan dadyoowga ku nool dunidan.
Waxaa aad u yaraaday dulqaadka bulshada caalamka u hayaan waxa loogu yeero
argagaxisada caalamiga ka dib weerarkii kooxo naxariis-darani ku qaadeen World
Trade Center sanadkii 11/09/2001, halkaas oo ay dad rayid ahi oo aan waxba
galabsan ku waayeen naftoodii iyo maalkoodii.
Nasiibdarro Soomaaliya waxay ka mid noqotay dalalka lagu eedeeynayo in ay
gabaad u noqotay kooxahan, nabad iyo dagaanshiyo la'aanta ka jirta Soomaaliya
darteed, isla markaana madaxda Soomaalida qaarkood si ay taageero arrintan ku
saabsan uga helaan sheegeen in ay Soomaaliya joogaan "Burcaddan Caalamiga ah".
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu aad uga xun yahay dhacdooyinkan foosha
xun ee soo wajahay guud ahaan dadyoowga ku wada nool adduunkan dushiisa, hadaba
waxaan xanuunka la wadaageynaa qoys kasta dhibaatadii ka soo gaartay mashaqadan.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu mar kale International Community- ga u
xaqiijinayaa in kooxahani aan marna laga soo dhaweyn doonin, una noqon doonin
gabaad ay ku dhuuntaan, kana howl galaan gudaha jamhuuriyadda Soomaaliya.