| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
|
Qofkii
raba inuu la hadlo amse wax usheego Cabdiwaaxid fadlan ismuuji oo ha isqarin
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com
sallaan qiimo badan ka dib
waxaan maalmahan arkay dad qoraalo usoo qoraya websityada somalitalk iyo
shabakadaha kale badidoodna wax ka sheegaya qoraaga Cabdiwaaxid
Khaliif,ayagoo mucaaradaya aaraadiisa ku wajahan wadankii hooyo.
Waxaa walaalahas usheegayaa waxaad ku dhaqmaysaan waa xan,xanna waa la
wada ogyahay cawaaqib xumadeeda,waxaan u iri xan,cabdiwaaxid isma qarin
oo xitaa sawirkiisa ayuu soo galiyay shaashadda internetka,laakiiin
kuwiina wax ka sheegaya intaad magaca email aan jirin soo qorataan ayaad
toos u abaartaan,qaarkiina goodis aan haboonayn ayaa hadaladooda ka
muuqda,marka waxaan idiin leeyahay 20 jir rer mudug ah alla ma qarin oo
waa kaas si toosa u muuqdee idinku haka hadlinina darbi gadaashiis,waana
dambi weyn qofka inaad gadaal ka xamato,ama iska aamusa amase is cadeeya
oo joojiya xanta aad kuhaysaa walaalkiin cabdiwaaxid.
Halna ogaada Cabdiwaaxid ma ahan nin si toosa ula dagaalama amase col ula
ah qof gooniya ,ee waa nin wixii markaas jira oo uu qoonsado ka gaysata
aaraadiisa,haddaad dib uraacdo qoraaladiisii,waxaad arkin isagoo mar la
hadlaya somaliland ,marla hadlaya puntland,mar worlordska koofurta,mar
meles sanaawi iyo itoobiya,hadoo udambaysay waxuu durayay kibligaatka
shirka Nayroobi,xitaa arimaha bulshada wuu kahadlaa dib uraac gabaygiisii
Qurbow Adigaa iska leh,iyo qoraalo kale oo nuxur badan sida kii Qiimaha
Dhulka Iyo qadarin la,aanta soomaalida.
Runtii dadka wax usoo qoray Cabdiwaaxid kulli mawada xumayn oo waxaan aad
ula dhacay ninkii soo qoray ::
macnaha kelmadaa Aji::,isagoo waliba cabdiwaaxid aan ku raacsanayn
xarfaha ushido sida Ajji,oo kale taasoo kale waa dood cilmiyeed oo laga
doodi karo laakin intaad hadba magacaan jirin soo gashatid emailka,haka
sheegin walaalkaa qadarinta mudan oo laga yaabo inuu noosoo gudbiyo
waxdadka anfaca waxaan ka codsanayaa walaalaha sharafta mudan ee maamula
websityda inay dadka is qariya oo waliba qof wax ka sheegaya ayna soo
gudbib aaraadooda ilaa laga garto.
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 24, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|