SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hasha Geela Cuuntaa u Cabaad Badan

Muhumed Hersi (Nugidoon)
mgabiley@yahoo.ca

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Waxaa baryahan dambe isa soo taraya qoraalo iyo guluf dhul boob ku salaysan.

Waxa jirta sidaan dhamaanba aan la wada soconno in gudoomiyaha Ururka Cddaaladda iyo Daryeelka (UCID) ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe uu BAAQ soo saaray. Baaqaasoo anan aniga laftayduba jeclaysan erayada la adeegsaday iyo qaabka loo soo diyaarshay intaba. Uma jeedo ujeedada baaqa ayaanan jeclaysan, ee waxaan u jeedaa qaabka loo diyaarshay.Ujeedada, iyo dunucda baaqaas iyo baaq kaloo ka soo baxay isna Xisbiga KULMIYE ee Somaliland oo ahaa maamulka Majeerteeniya inaanu sinaba u sheegan karin dhul Somaliland leedahay, waan ayidsanahay, waanan ku raacsanahay baaqaas boqolkiiba boqol. Waxa la wada ogsoonyahay, in Somaliland iyo Somaliya ay yihiin laba dal oo walaala ah, derisna ah, ay mutantahayna in soohdima mucayinka ah ee ku qeexan xuduudaha caalamiga ah ee caamahaan aduunka, gaar ahaan Ururka Afrika (AU) cahdi qarameedyadiisa ku qeexan. Cahdi qarameedkaasoo dhigaaya in aan soohdimaha ay curiyeen xoogaggii Reer YURUB aan aba yaratatee taako la! ga badalin.Dadbaa ku dooda weligayaaba Soomaalaan aheen ma guumaystaa xuduudnoo sameeyay, wax Somaliland la yidhaa ma jiraan. Intaan xoogagga Reer Yurub qaybsan Afrika gabi ahaanteed marka laga reebo Abassynia oo hadda loo yaqaan (Ethiopia) iyo dalka Liberia, xiligaas oo ahaa 1884kii, dal SOMALIA la yidhaa ma jirin, runay run beenayna been!Marakaad abwaagta mahadhada dib u miliilicsato, waxyaabaha laga qoray Geeska Afrika waxa ugu da' weyn buugga la yidhaahdo "FUTUUX-AL-_XABASHA" oo la qoray qarnigii 16, amin haatan laga joogo afar-boqol oo sanadood. Waxana buugga Futuux-al-xabasha qoray nin asalkiisu ahaa carab muslim ah.Buugaas, qoraagu ma xusaayo mar qudha dal la yidhaahdo SOMALIA ama AS-SOOMAAL,ama ARDA- SOOMAAL. Way ku qorantahay ARDAL-XABASH, way ku qorantahay AWDAL (haatan waa SAYLAC ), oo waagaas ahayd caasimad iyo dal intaba ay leeyihiin muslim! iinta ku dhaqan Geeska Afrika oo Soomaali iyo iskugu jiray dadyaw kale.

Akhristow dadka Somaliyeed ee ku noolaa cariga Geeska Afrika, wax xukuumad ah ama dawlad ah, oo la sheego intaan reer YURUB Afrika iman , wax jirtay boqortooyadii UMMAT-UL-AJUURAN ( waxa burburiyay xoogaggii Faarisiyiin iyo Cumaaniyiin).

Sida aan wada ogsoonahay waxa kaloo jirtay Dawlad la odhan jiray MAMLIKAT-UL-HUDA, oo ka dhisnayd HARAR(HERAR) dalka Ethiopia.Qofkii u horeeyay ee wax ka qora boqortooyada muslimka ahayd waa MAMLIKAT-UL-HUDAA ye, wuxuu ahaa Richard Francis Burton (1821-1890), nin asalkiisu ahaa reer YURUB, haybtana ka soo jeeday Ingriiska. Buugga u ka qorayna waxa la yidhaa:"FIRST FOOTSTEPS IN AFRICA or, An Exploration of Harar".

Maanta dadka reer Herar,waxaynu u naqaannna Herari,Soomaali uma aragno. Richard Burton se wuxuu buuggiisa ku sheegayaa in ay Harar(Herar) ahayd caasimadda soomaalida dadkuna walow ay qoomiyado kala duwan isgu jiraan ay Soomali yihiin.

Akhristow aan u galo dunucda hadalkayga eh, tiiyoo Soomaali reer-reer u kala degantahay oo hadday dhibaato dhexdeeda ka dhacdana ku dhamaysata gar naqsi iyo xeer dhaqameed, dhammaan qabaa'ilka Soomaaliyeed tix galiyaan oon fikir wadaninnimoba innagu jirin ayay reer YURUB yimaadeen. Dhulkii Qabaa'ilka Soomaaliyeed deganaayeen ayay u kala qaybiyeen British Somaliland, Italian Somaliland, French Somaliland intii soo hadhayna dalal Afrikaan ah oo ay xagga diinta cashiiro ka yihiinbay ugu yabooheen.

Akhristayaal, markuu xaal halkaa maraayo, ayaa waxaa dhacay dakaalkii aduunkee labaad. Guluftaa beesha aduunka dhex martay waxay sabatay in dad badan oo u dhashay Afrika guud ahaan, gaar ahaanna Soomali ay ka qayb galaan. Raggii Afrikada kale iyo raggii Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dagaaladaas iyaggoo qaarkood ka tirsanyihiina ciidamada Talyaaniga, qaarkoodna ka tirsanyihiin ciidamada Ingriiska, ay kuwa kalena ka tirsanyihiin ciidamada Fransiiska ayaa waxay soo arkeen oo ay ka dagaal galeen dalal xor ah, oo iyagu ismaamula, cid kalena dusha ka haysan!

Taasi waxa dhalisay in markii uu dagaalkii adduunkee labaad dhamayday 1945, dhaqdhaqaaqyo fara badan oo gobonimo doon ah isla oogsadeen Afrika guud ahaan, gaar ahaan dhulyowgii la kala odhan jiray British Somaliland, Italian Somaliland, French Somaliland.dhaqdhaqaayaadaasi waxay alooseen urur qarameedyadii la kala odhan jiray S.Y.L., S.N.L., U.S.P, U.D.F. iwm.

Waxaa dhacday in QARAMADA MIDOOBAY (UNO), ku talisay in dawladda Talyaanigu Mamusho Italian Somaliland , oo hadda loo baxshay SOMALIA ay gacnta ku hayso ilaa muddo cayiman, iyadoo waa dawladda Talyaaniga eh ka wakiil ah Qaramada Midoobay(UNO). Ujeedada ka dambaysa gacan ku hayntu ay tahay in la taba baro, waa Italian Somaliland eh , oo haatan loo baxshay SOMALIA, si ay u hanan karan hanaan iyo qaab dawladnimo.

Akhristow markuu xaalku haakaa maraayo, ayaa waxa dhacday urur qarameedyadii British Somaliland iyo dawlada Ingriisku inay soo af jareen, herdankii siyaasadeed iyo xurguftii dhaqdhaqaayadii gobonimo doonka ee dadweynaha ku dhaqan British Somaliland.Waxa la isla af gartay in British Somaliland gobonimo aan shuruud ku dhisnayn, oo taam ah oo buuxda qaataan!.

Bishhii June 26, 1960kii, waxa beerta xooriyadda ee magaalada Hargeisa laga taagay calankii u horeyay ee dad Somali ihi ay yeeshaan.Waa kii habeenkaa, habeenada kale ka tilmaaman , abwaankii weynaa CABDILAAHI SULDAAN (TIMACADDE) Alla ha u naxariistee, gabaygiisii caanka ahaa (kaana siib kanna saar) ka tiriyay. Waa kii laha Timacadde:

Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan sarmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su'aala hadhow


Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax

----- ilaa dhaammaad oo ahaa:

Subxaanow waa mahadaa!
Subxaanow waa mahadaa !
Subxaanow waa mahadaa!

Wagaas waa 1960kiiye, 17 dal oo ay Somaliland,Somalia, Nigeria ka midyihiin ayaa gobonimadoodii hantay. Waxa sanadkaa loo bixiyay sanadkii Afrika.waayo waa tiradii ugu badnayd ee intaasoo dal(17) isku mar gobonimadooda hantaan.Waxa dhacday in Somalinad iyo Somalia midoobeen bishii July 1, 1960. Marka xeerarka caalamiga ah loo eego, midowgaasi (the unity of Somaliland & Somalia) wuxuu ahaa sharcidarro. Maxaa yeelay, dadka wax afti ah lagama qaadin. Waxay ahayd sharciyan, in labada shicib weyne ee labada dal ee walalaha kala deggan in ay codkooda dhiibtaan. Qaabka cod bixintuna sidan u dhignaato:

a)- ma rabtaa in Somaliland iyo Somalia midoobaan?

  • i)- HAA.
  • ii)- MAYA.

Akhristow, haddii ay markaas dadka inta (HAA) u codaysay ay ka bataan inta (MAYA) u codaysay labada dal midoobaan. Haddiise inta (MAYA) u codaysay ka bataan inta (HAA) u codaysay labada dal mid welba halkiisa ku ekaado oo anay isku darsamin.Bal u fiirso waxa YURUB ka dhacaya, iska daa laba dal oo isku biiree, xatta lacagtii ayaa loo codaynayaa, waa sidaa sida qumani!

Jiritaankii Somaliland ayaa waxaan ka door bidnay inaan walalahayaga kale ee guumaystuhu na kala qoqobay meel isugu keenno. Waxanan ka bilownay isku darka Somaliland iyo Somalia tiyoonaan wax shurud ah ku xidhin (maxaa se naga raacay!). Maadhadaasoo maqal iyo muuqaalba leh waxaad ka helaysa haddaad rabtid BBC da laanta af Soomaaliga, ee London, England.

Is moog udbihiibay asalaysaaye, annagoon ka war qabin waxa nagu soo fool leh, ayaan waxaannu ku heesi jirnay si qiiro wadaninimo ku jirto anagoo tebaynna kuna taamaynna inaan soo xero gelino walalahayaga kale ee Soomaaliyeed ee weli hoos rafanaya GUUMAYSTAHA madow. Heesaha wadaniga ah (patriotic songs) aannu ku heesi jirnay waxaa ka mid ah:

  • NFD dhankeedaa dhincaa Jabuuti
  • Dhulka la iga haystoo ee dhaxal wareegay
  • inaan dhagar ku galo, oon dhiig ku shubo ayaan ku dhaarsannee!

Mar kale anagoo xusayna dadyowga soomaliyeed ee ku nool dhuglka imika loo yaqaan Kilinka shanaad, ayaanu qaadi jiranay heestani:

Hawd iyo danood haadaamo mee?

Dawladdii rayidka ahayd ee la soo doortay, waa tii la afgambiyay 1969, wixii ka dambeeyayna nin rag ihi wuu ogsoonayahay, doqonna cidi u sheegi mayso. Dadbaa waxay ku doodaan, dhibaatado Soomaaloo dhanbay so gaadhay, Soomaalina wey is wada dishay.Waxaan kuwa sida ku andacooda leeyahy, kuwa aad sheegaysaan waa daagaal ooge iska caabiyaya dagaal ooge ka le oo la mid ah. Tiiyoo isku itaal layahaad artgtaan waxa dhacaya, ee bal qiyaasa dhibta iyo wax yeeladu inta ay leegtahay, marka dawladi xooggii, maalkii, isgaadhsiintii, gaadiidkii, sir doonkii, xog hayntii, diyaaradiihii, taangiyadii, iyo hubkii qaranka loo adeegsado dan qabiil, tiyoo aargoosi lagu daba jiro, wax waayo hore dhacay oo kaba horeeyay dhalashada dawlad Soomaaliyeed.

Markii wax Alluuni ogyahay na qabsadeen, waxay noqotay inaan dagaalanno, oo rag iga tag kaagama taggee, wuxuu ku taggaa la tusaaye,rag iska dhicino. Wixii ka racaanay waa la wada ogsoonyahay.Ma mahadin taliskii macangagga ahaa, turuq iyo itaal maalintaasaa ugu dambasay, dhulkuuna afka daray.

Waxa la yidhi : ' mar idage Allah ha dago, laba idagase anaa dagan!' Taas weeyi ta keentay la soo noqoshada gobonimadii aannu daayacnay Soomaali jacayl awgeed. Taas weeyi ta nagu khasbaysa inaanaan mar dambe Somali weyn ku riyoon!

  • Yaa wadnaha ka toogtay midnimaadii Soomaaliyeed?
  • Yaa Soomaali holaca iyo cadaawadda maanta dhex taala sababay?

Jawaabta, akhristayaasha ayaan u dhaafayaa.

Weedhahan soo socdaa waxay daba joogaan qoraaladii ninka la yidhaahdo,

Mohamed Mohamoud Guutaale oo marna iska dhigaya, nin nabad iyo sulux ka shaqaynaya, marna laba beelood oo walaal ah oo meel wada dega , oo axyaa casaba ah u ka la dab qaadaya, oo isku diraya.

Waxaan ku idhi Gutanlow, laba iska kaa jecel ayuu dhexdooda dhurwaa kugu cunine gaabso,

tixdanna iga qabo:

  • Gabaygii waayadan ma tirin loo godayn jiraye
  • Guutaaloo nin welba halkuu gabal ugu dhacuu awrka tu'iyaaye
  • Gel anad guuntis hubin waa la gadaf maraa abide
  • Gar darane Eebbe ma jecloo waad galalafaysaaye
  • Gabigeedba Soomaal anoo meel isugu gee leh
  • Oo gaaridaan qabiyo dayrshay gabankayba
  • Oo goodirka hawd iyo farow garab wareegaaya
  • Waa taad guddoon wada gasheen sir qarsoodiya he
  • Waa taad ku goeyseen inaan go' haybta aan ahaye
  • Waa taad gummaad iyo is tidhi soona dabar gooye
  • Waa taad gaalo caddiin duuliyaal Koonfur Afrika ka keenteene
  • Waa tay garnayl iyo i ladhaceen omos gariir weyne
  • Afarta ma ka la gaabiyee ma isku sarab gooyay
  • Ma gilgilay kaygu waa muunad gooniya he
  • Maatana gedeedbaan wadaa gilingilkeediiye
  • Geesh qarana iyo adoo dawlad gooddi jiidaaya
  • Waa taan gabanba meel ku wadhay gaanka haarta lehe
  • Waa tay gaashaanliyo iyo kornaylba i hor gucleeyeene
  • Waa taan gigay sidii gaal saancaddaale ehe
  • Gayigii markaan dhiciyayay maxastii soo hoyatay
  • Waa taan guubaabiyo u lalabay shir guddoonade
  • Waa taan gogasha fidiyeen wacay raggii wada galaalnaaye
  • Gobto waxay shalay kala furatay madafac girigtii yeedhay
  • Ee galowgu gaydhamuu rag goodku ku casheeyay
  • Gayi' la dhiciyaa iyo geshi la qaadyaaba.
  • Waa kii gu'gii sagaashan-iyo-kow Burco la isku gacan qaaday.
  • Ee Garaad iyo Suldaan dhamaan naabad loo guddonsadaye
  • Nimaan garaad lahaynbay la tahay waad ka gaasirye
  • Guule halkuu gogga kuu dhiguu cuudna kugu siiyo
  • Waa lagu galaashaa adoon sooba gaarufane

Hadal iyo gabagabadi, waxa la yidhi, Hasha geela cunta ayaa u cabaad badan, intaad wax la ogyahay gaystay adoo iigu hoos dhuumanaaya Soomalinimo, Soomaalinimo, ayaad maantana gobolo Somaliland leedahay rabtaa inaad hoos gayso maamulka Majeerteeniya.

Ood weliba ku doodaysaa in lagu damcaayo, adoo adigu wax damcaya ah.

Dab shidka adoo kale ah, Afweynaba waxba u tari waa, waabase C/lhi Yuusuf, oo qabqable dagaal ah (war lord), oo waligiisba dhiiga tolkii ku ceesha, quutsadana! Khariidad warqad lagu dhigay oon sal iyo raadtoona lahaynna waxba kuu qaban mayso, ee taa ogsoonow.

Somaliland waxay ka koobantahy, SANAAG, SOOL, TOGDHEER, SAAXIL, Gobolka HARGEYSA iyo AWDAL, sidaa ku xakama ruug, ku seexoo ku soo toos , haddi kale weglada tumo!

Muhumed Hersi (Nugidoon)

mgabiley@yahoo.ca

Faafin: SomaliTalk.com | September 24, 2003

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]