SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Labo soomaali ah oo isku gubtay xerro qaxoooti oo ku taal dalka jordan.

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Wararka ka imanaya dalka Jordan magaalo madaxdiisa Camaan ayaa sheegaya in labo soomaali ah oo ka mid ah xaqootiga tirada badan ee kasoo qaxay dalka Ciraaq intii socday dagaalkii lugu qaaday ayaa isku dayey iney is gubaan iyadoo naftooda waxyeelenaya,waxaana ay falkan u sameeyeen iyagoo xafiiska dalkaasi u qaabilsan qaxoootiga ay kaga doonayeen in arrintooda wax laga qabto.

Mas’uul sare oo ka tirsan xafiiska qaxootiga dalkaas oo u warameyey wakaalada wararka ee Faransiiska ayaa sheegay in labadan soomaalida ahi ay isku dayeen shalay oo arbaca ah iney naftooda iyo xafiiska qaxootiga ay gubaan, islamarkaasina mid kamid ah loo qaatay cisbitaalka dhaawacii kasoo gaaray dabka uu is qabadsiiyey awgeed hase ahaatee aanu ka bixin wax faalo ah sida ay xaaladiisa tahay.

Mas’uulkan ka tirsan xafiiska qaxootiga oo magaciiisa la yiraahdo Siteen Baruuniyah ayaa intaas hadalkiisa ku daray in hada ka hor dad ciraaqiin ahi ay falkan oo kale ay ka sameeyeen xerada ay ku jiraan iyadoo halkaasi mid kamid ah uu dhaawac kasoo gaaray, balse aan wax tafaasiil ah laga bixin qasaaro kale oo halkaasi ka dhacay. Wasiirka arimaha gudaha dalkaasi oo falalkii hore ee dab isqabad siinta ah ayaa ku tilmaamay mid aan la aqbali karin waxyaabaha bani’aadnimada ka baxsan ee ay sameynayaan dadkaasi qaxootiga ah. Sidoo kale waxaa uu sheegay wasiirkaasi in dowladiisu ay il gaar ah ku eegeyso dhibaatada dadkan qaxootga ah ee ku heysta xeryaha qaxootiga.

Xerada lugu magacaabo Ruweyshid ayaa ku jira qaxooti tiradooda gaareyso 1200 oo qof, 160 kamid ahi ay yihiin Soomaali iyo Suudaan, halka kuwa kale ay yihiin Ciraaqiyiin, Iiraan iyo kurdi u jooga xeradaasi siyaalo kala duwan.

Dhanka kale xaalada guud ee qaxootiga ku sugan xeradaasi ayaa aad loogu deyrinayaa iyadoo qaarkood la sheegay iney xaaladoodu caafimaad liidato, inkastoo ay Dowlada dalkaasi ka balqan aaday waxqabad iyo daryeel hadana wax kasoo naas cad balan qaadyadasi ma jiraan cabashada qaxootigaasi ka soo yeerayana ay tahay mid soo kordheysa maalin walba.

Bishii Agoosto ee sanadkan ayaa qaxooti tiradooda gaareya 400 oo falastiiniyiin ah kuna suganaa xerada Ruweyshid ay dowlada Jordan u fidisay cafis iyadoo ay siisay sharci ay dalkaasi ku joogaan maadaama la sheegay in qaarkood ay qabaan xaasas u dhashay dalkaasi Jordan.

Guud ahaan qaxootiga faraha badan ee ku sugan xeradasi ayaa badidooda waxey yihiin kuwo kasoo cararay dagaalkii Ciraaq ee ay Mareykanka iyo Ingiriisku ay ku qaadeen bishii maarso ee sanadkan, halkaasoo ay xukunka kaga tuureen maamuulkii muddada dheer ka tilaneyey ee uu hogaaminayey madaxweyne Saddaam Xuseen.

Ikraam Cali-kaar

Gothenburg, Sweden

ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 25, 2003

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD