SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 WARARKA SHIRKA SOOMAALIDA EE KASOCDA KENYA
  • Dawladda Mareykanka oo warsaxaafadeed ka soosaartay shirka Soomaalida
  • RRA oo Heshiisey

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

War-1-25,Septembar,Mbagathi,Nairobi.
Dawladda Mareykanka oo warsaxaafadeed ka soo………………………

Warsaxaafad warqad qoraal ah oo la soo gaarsiiyey Xarunta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uu ka socdo Mbagathi ,ayaa u qornaa sidan :-

Dawlada mareykanka ayaa ka hadashay shirka nabadeynta soomaalida ee kenya martigalisay, Hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida iyo wakiiladda Bulshada Rayidka ka wada xaajoonaya arrimihii dhacay toddobaadkii la soo dhaafey sidii dib loogu heshiisiin lahaaa.

Arrimihii dhacay toddobaadki la soo dhaafey waxay muujiyeen in ay madaxda Soomaalida karti u leedahay in ay xaliso khilaaf dhexdooda ah,oo meel dhexe isugu yimaadaan,si wadajir ah oo raali la isaga yahay ugu wada heshiiyaan. Hase ahaatee ,waxa badan oo kale ayaa weli harsan oo u baahan in wax laga qabto,si loo gaaro nabad waarta iyo xukun negaada .

Dib u heshiisiinta hadda socotaa waxay mareysaa marxalad aad muhiim u nah ,oo horey u sii marineysa meelmarinta barlamaan dadweynaha ka wakiil.

Dawladda Mareykanku waxay ku boorinaysaa dhamaan kooxaha Somalida in ay si dhab ah,horey ugu sii wadaan dadaalkooda dib u heshiisiineed.waxaa kale oo ay dawladda mareykanku mar kale ugu baaqeysaa dhamaan ka qayb galayaasha shirka nabadeynta soomaalida in ay sugaan meelmarinta hawlaha mudan waxkaqabashada,inta lagu guda jorro geedi socodka nabada raadineed,gaar ahaan xulashada xubnaha xildhibaanada golaha shacabka .arrintaasina waa in ay u dhacdaa si aan mugdi iyo madmadow midna laheyn.

Qoraalka warsaxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa Adam Ereli,Afhayeen ku xigeenka Wahintong,DC,
Septembar,22,2003.
Dhamaad.

War-2-25,Septembar,Mbagathi.
RRA-da oo heshiisiisay…………………………..

Wadamada safka hore iyo IGAD ayaa waxa ay isku taxlujiyeen dhameynta khilaafka labada garab ee RRA,si loo mideeyo Mowqifka Siyaasad RRA,lana dhameeyo khilaafkii dhexyiilay Qawmiyada Digil iyo Mirif oo soo taaganaa in muddo ah.

Maalintii 23-bishan ayaa shir la isugu keenay Guddoomiayaasha labada garab,waxaana
Talooyinka waxgaradka ,hogaamiye dhaqameedyadda iyo guud ahaan Soomaalidaayaa waxay qoreen qoraalkan oo ku saxiixan Magacyadooda.

Anagoo ah hogaamiyayaasha RRAwaxaan ku heshiinay qoddobadan soo socda.
1-In la joojiyo colaada laguna baaqo xabad joojin .
2- In la magacaabo guddi kormeera xabad joojin,isla markaana dhaqan galiya.
3-Inta la helayo jawi isaaminaad maleeshooyinka waxa ay sii joogayaan goobahooda.guddi ayaa la dhisi doonaa oo ka shaqeeya isku dhafka maleeshooyinka.
4-In khilaafka siyaasadeed lagu xaliyo wada hadal.
5-In la dhiso gole ku meel gaar ah oo ka kooban 21-xubnood oo si wadajir ah guddoominaya Xasan Maxamed Nur “shaati gaduud”iyo Sheekh Aden Maxamed Nur Madowe,kaa soo shaqeyn doona labo bilood oo soo socota.

Waajibaadka goluhu waxaa ka mid ah:-
1-In uu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada garab.
2-In uu diyaariyo doorasho guud oo loo dhan yahay si loo helo dib u heshiisiineed waarta.
3-In la kordhiyodadaalka loogu jirro siduu u guuleysan lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee haatan ka socota Mbagathi.
4-In digil iyo mirifle la heshiiyaan beelaha deris la ah.
6-In si wadajir ah loogu wada shaqeeyo mira dhalka heshiiskan.
Si heshiiskan u dhagalgalo waxaan ka codsaneynaa Somalida iyo hogaamiayaasha Siyaasadda ,IGAD,Beesha Caalmaka(Qaramadda Midowey,Midawga Yurub,Midawga Afrika iyo Jaamicadda carabta) iyo saxaafadda guddaha iyo dibada ka codsaneynaa in ay nagu taageeraan hirgalinta heshiiskan.
MAHADSINIDIIN.
Dr.Xasan Maxamed Nur(Shati-Gadud) Sheikh Aden Maxamed Nur( Madoowe).
Dhamaad.

Abdikarim Aden hussein.
mbagathi,Nairobi.
Abdikarimhussein@hotmail , Akariim@yahoo.com , abdikarimhussein@lycos.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 25, 2003

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD