SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 Qoraal Kasoo Baxay Beesha Yibraha Soomaaliyeed

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Madasha shirka ayaa waxaa ka socota tartan siyaasadeed ,kaas oo beel waliba ay ku tartameyso tirada xubnaha baarlamaanka, Beelaha laga tira badan yahay ayaa iyagana loo aqoonsadey beesha shanaad.
beesha Yubraha ee Soomaaliyeed ayaa maanta qoraalkan ka soo saartey xarunta shirka uu ka socdo ee Mbagathi.

Qoraalkan oo rasmi ah watana Astaamaha warqadaha Orjinalka ayaa ka hadlaya taariikh ay ku lee yihiin Beelaha Soomaalida iyo xiriirka ka dhaxeeya Beelaha ay wadaagaan Beesha shanaad.
waxa u ku bilwdey sidan.

Beesha Yibraha Soomaaliyeed ee Baahsan
Somali Yibro Scattered Clan
A scattered clan in the horn ruled Somalia as a kingdom for centuries
(Minority in locations but not in figure)


Taariikh Septembar 25th, 2003
Mbagathi, Kenya LM. : SYSC/04/03

Ku : Guddoomiyaha iyo Gudiga Farsamda IGAD
Ku : Hogaamiyayaasha Siyaasadda Soomaaliya
Ku : Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Ergada Soomaaliyeed
Ku : Goobjoogayaasha, Diblumaasiyiinta Beesha Caalamka
Og. : Saxaafada & Warbaahinta Gudaha iyo Dibada

Ujeedo: CODSI BAAQ CADDAALADEED IYO XOG WARAN

Marka hore naga gudooma salaan qiimo iyo qadarin mudan, salaan ka dib, waxaan qoraalkan idiinku soo bandhigeynaa codsi baaq cadaaladeed iyo xog waran ku saabsan dhibaatada iyo ismaandhaafka ka dhex aloosan beelaha isbahaysiga ama kuwa ku kulma barka (0.5) taaso wax dhalateeda ah beello qaarkood is tuseen iskuna madadaaliyeen siday doontaba hanoqotee in ay iyagu iska leeyihin barka 0.5. Hadaba madaamo ay Beeshayadu sad iyo xaq ku leedahay kootada Beela isbahaysiga, sida ku cad qodobadan hoos ku qoran waxaad dareemi kartaan in ay beelahan arrintoodu tahay mid aad u cakiran ahna kaaf iyo kala dheeri, taasay xaaladeedu tahay mid gaar ah kana duwan mida afarta Beellood ee kale. Si hadaba loo dareemo baaxada xaladan gaarka ah ayaan u soo bandhigeynaa qeybaha ay warqadani ku socoto.

1. Beelahan ku kulma (0.5) waa beellaha ugu dhibaatada badan, waxayna ku muteysteen sababahan soo socda:-

. Ma aha Beelo aqoon isu leh.
. Ma aha Beello wada dhashay ama dhalasho wadaaga.
. Ma aha Beello hal meel wada degga.
. Ma aha Beello isku midab ah ama isku muuqaal ah.
. Ma aha Beello isku isir ah ama isku dhow inaba.
. Ma aha Beello isku farsamo ah ama iksu duruuf ah.
. Ma aha Beello isku dhaqan ah (Hide hoose ayaa jira marka laga reebo kan guud).
. Ma aha Beello is tiro yaqaana.
. Ma aha Beello is tayo yaqaana.
. Ma aha Beello hogaan dhaqan iyo mid siyaasadeed horey u soo wadaagay.
. Ma aha Beello dhiig wadaaga sida mag bixinta.
. Ma aha Beello horey wax u soo kala qeyb san jiray.
. Ma aha Beello ay ka dhaxayso xidid iyo xigaalo soo jireen ah.

2. Beelahan ku kulma (0.5) waxay 4ta Beellood ee kale kaga duwan yihiin sidan:-

. Waa Beello aan lahayn hal abtirsiinyo oo mideeyasa sida 4ta Beellood ee kale.
. Waa beello saldhig u ah dhaqaalaha iyo wax soosaarka dalka laguna quudhsado.
. Waa Beello aan wax qeybsigan siyaasadeed mooye aan horay wax kale isugu iman.
. Waa Beello nabadeed oon hubeysnayn dagaala galin.
. Waa Beello fara badan oon wada lahayn hogaamiye saxiixa ah, marka laga reebo laba mooye, iyagoon beelahoodu hubaysnay sidii ay shirweynaha (Plenary) uga doodeen, mana ka xumin, balse taas hada doodayadu ma ah.
. Waa Beello dhibaatooyin badan kuna sifoobay Looma Oyaan, Looma Araan.
. Waa beello aad u fara badan aanan muuqan tiro ahaan, deegaan ahaan qaab dhismeedka bulshadda Soomaaliyeed iyo tan farsamo ama ganacsi aawadeed.
. Waa Beello duruufaha nolosha iyo tan farsamo ay ku kaliftay inay ku kala baahaan, gobolada dalka iyo kuwa dariskaba, dabadeetana la wadaaga 4ta beelood ee kale xeer, qaadhan iyo dhiig, (beel ka mida ah 0.5 oo diidi kartaa ma jirto).

3. Dhibaatada iyo duruufaha aan qoraalkan ku qeexnay awgii:-

Laga yaabo haba yaraatee in ay beelahani wax qeybsadaan ama wuxuun isugu garaabaan, isugu tanaasulaan, ama isku qadariyaan, isuguna xushmayaan, iyado boob iyo damac waalan oon caqliga gali Karin meesha ka socod.

. Sida kor ku cad xaalada beelaha ku kulma barka (0.5) waa mid gaar ah (xaalad gaar ah - An exceptional case) oon caadi ahayn kana duwan mida 4ta Beellood ee kale una baahan xal gaar ah (exceptional salutation) iyo in dhinacyada warqadani ku socoto ay u indha dheraadaan, isla markaana ay u raadiyaan xal iyo furdaamin gaar ah si loogu dhawaado cadaalada iyo xaqa.

. Duruufaha beelahan haysata waa mid aan caadi ahayn, faallo iyo sharaxaad intaa ka badan uma baahna, balse si ay ugu suurto gasho qofka caadiga ah inuu fahmo baaxada ay le'eg tahay dhibaatadani, waxay u dhigantaa iyado la yiraahdo Hawiye ama daarood midba midka kale ha u qaybiyo ama saxiixe ayuu u yahay iwm.

Sidaas darteed madaama ay dad badan iyaga uun is indho buuxiyeen kuna hadaaqaan waxyaabo aan loo dulqaadan Karin ayaan jecelahay anagoy naga ahayn qabyaalad ama qabiil jacayl balse ay lagama maarmaan noqotay in aan wax yar ka ifinno beeshayada Yibraha sidan: -

1. Beesha yibruhu waxay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed kuwa ugu faca weyn uguna taariikh dheer, isla markaana ka soo taliyey dalka kuna leh ilbaxnimo, astaamo, dhaqan soo jireen ah hadana noqday taariikh, isla markaana wada saameyey Soomaalida oo dhan meel kasta oy joogaan.

2. Tiro ahaan ma yarin ee deegaan ahaan baan geeska oo idil ugu baahsan nahay sababo badan awgeed taaso magacyo kala duwana naloo kala yaqaan dalalka geeska, iyadoo Soomaalida guud ahaan aanay xog badan ka haynin beeshayada, Balse waqtiga ugu dhakhsaha badan ayaan rajeynaynaa inay soo baxdo cilmi baaris hada socta, taaso tilmaami doonta dadka beeshan ka farcamy magacyada loo kala yaqaan ama ay u kala baxaan iyo meelaha ay ku kala nool yihiin iyo cidaha ay haatan gaashaanbuur layihiin, taaso wax badan ka qaadi doonta mugdiga saaraan taariikhdii hore ee Soomaaliya iyo ilbaxnimadeedi lagala dagaalamay gudaha iyo dibada.

3. Ma ku abtirsano beelaha aan walaalaha nahay ee kala ah Dir, Darood, Hawiye, Digil & Mirifle, balse aan deegaan la wadaagno anagoo qiyaasayna inaan ka fac weynahay ereygaasna raali nalooga noqonaayo, taaso hubaal ay tahay in aan hal isir ama fir aan la wadaagno.

, Cadayn iyo Jawaab ku saabsan kootada 0.5 siyaabaha ay ku timid taaso wax badan ka sixi doontaa sadbursi doonka iyo qaladka la'iska dhaadhiciyey shirkan hada socda:-

Sida lala socdo dib u heshisiintu Soomaaliyeed waxay ku bilaabatay hab urureed ama jabhadeed laga bilaabo shirkii 1991 Jabuuti, 1993 Adiss Ababa, Sodare iyo Qahira iyo meelo kale. Shirarkaas sadex urur ayaa beelaha 0.5 uga qeyb galay jiray waana (USR, SAMO, SANU).

Awood qeybsi siyaasadeed kii ugu horeeyey wuxuu ahaa kii shirkii SODARE ee (Ethiopia), shirkaas waxaa lagu saleeyey 5 qeybood oo isir ama hab abtirsiiyo leh sida:-
.Ururada Hawiye (Hawiye factions)
. Ururada Daarood (Darood factions)
. Ururada Digil & Mifirleh (Digil & Mifile factions)
. Ururada Dir (Dir factions)
. Ururada kale (Other Factions) kuwaas oo ahaa (USR, SAMO, SANU)

Shirkaas sadexdan urur ee hoos ku qoran ayaa si siman wax loogu qeybiyey on min hal xubin (Gogaamiye) la siiyey:-

1. USR íV United Somali Roots (oo u doodi jiray beello badan oo dulmi isu keenay)
2. (SAMO (oo u dooda beelaha Jareerweyne) iyo
3. SANU ( oo u dooda beelaha Gibil cadka ah).

. Habka 4.5 ee ururro salka ku haya wuxuu dhaqan galay shirkii SODARE.
. Habka 4.5 ee beello salka ku haya wuxuu dhaqan galay Shirkii Carta inkasto beello kale ku soo biireen, ereyga (OTHERS íV oo ah kuwii kale) shirkii carta English ahaan ayuu warbaahinta u galay, markii magacyada ururada (factions) laga saaray ayuu noqday (others) macnaheeduna yahay kuwii kale, madaama aanu jirin magac isir ama dhalasho oo horay loogu magacaabi jiray, laguna heshiiyey magaca isbahaysiga iyadoo la diidayo erayga others.

Waxaan beelaha 0.5 ku kulma ka codsanaynaa una soona jeedinaynaa:-

. In la joojiyo meel ka dhaca iyo aflagaadooyinka sida tooska ah & sida dadbanba la caadaystay.

. In laga waantoobo qabka iyo is qaadqaadka aan la garanayn meelu ka yimid ee lagu hadaaqayo runtiina waa amakaag iyo yaab (Soomaalidu maxay isku Lunsantahay).

. In ay ka waantoobaan shakhsiyaadka iyo beelaha caadaystay oraahda ah Beel Heblo Reerkaas ayey gashaa ama tahay, xaqiiqadi waa wax laga yaq-yaqsoodo oo nasiib daro ah in qof dulmi heeryeysan u dulmi, qadaf iyo xadgudub u tafa xayto isagoo adeegsanaya oraah rakhiis ah oo la mid ah tan qof qof wax u diidan uu ku tilmaamo hebel waa argagixiso iwm.

Hadaba madaama arrintu sidaas u kala cadahay, shirkii Carta cid nalagu lifaaqay ama nalagu daray ama aan ka tirisanahy ma jirto, kooto ayaana naga wada dhaxaysa lagu magacaabo 0.5 waxaanan soo jeedin lahayn in la kala xishoodo oo beel walbaa is ixtiraanto si loo ixtiraamo ama loo xushmeeyo magaceeda.

Mudanayaal, ilaa hada waan iska celcelinaynaa kana xishoonay in aan ku birno arrintan qaloocan ee ah mindi mindi ku taag iyo in jaa'ifo loo geysto beelo kale shakhsi awadii, taaso ka fog danta iyo ujeedada shirka, anagoo u garaabi jirnay mar walba sababaha kor ku xusan awgeed, balse dulqaadkii iyo tanaasulkii wuu naga dhamaaday madaama xishoodki iyo aamusnaantii qalad laga fahmay.

Hadaba, waxaan ka rajeynaynaa in beelaha 0.5 ay nala garataan dulucda iyo xaqiiqda dhabta ah een damacayaga ku xakamaynay, taaso aan rajeyneyno in meel dhexe ah la isugu yimaado wadajirna looga wada qeyb qaato sidii looga midho dhalin lahaa shirkan taaso ay ku jirto DANTA DADKA BEELAHAN kootada 0.5 ku kulma oo xaqiiqdi u baahan nabad, cadaalad sharci iyo kala dabnayn salka ku haysa Qaran Soomaaliyeed oy uga baxaan ciriiriga dhaqaale iyo darxumada ku haysata gudaha iyo dibadda dalka.

Gabagabadii waxaan ka codsanaynaa Gudiga Farsamda IGAD, Hogaamiyeyaasha siyaasada, Hogaamiyaasha dhaqanka, ergada Soomaaliyeed, kuwa bulshada caalamka, Ururada arrimahan ku shaqada leh, aqoonyahanka iyo wax garadka Soomaaliyeed inay nagu taageeraan gacana nagu siiyaan sidii loo qeexi lahaa in beelahan ay arrintoodu tahay xaalad gaar ah, waxaan soo jidinaynaa sidan:-

1. In loo magacaabo guddi dhexdexaad oo ka kooban 4ta oo aqoon fiican u leh beelahan iyo deegaanadood.

2. In talada wax laga siiyo guddiga Farsamda IGAD iyo cidii kale ee xogogaal u ah.

3. In loo kuura galo magacyada iyo jifooyinka hooseya ee qabiilka laga dhigayo ee sad bursiga lagu raadinayo, sababta oo ah qabiil walbaa wuxuu u kala baxaa jifooyin iyo reero.

4. In la jaan gooyo tirada beelaha ku kulma (0.5) laguna xisaabtamo sifaha ay ku mutaysteen.

5. In la dhaafo lagana waantoobo waxyaabaha dhaawacaya shirka ama mugdiga galinaya dib u heshiisiinta sida qoraallo loo nisbaynayo Mwangale inuu bixiyey oo horayna beello badan lagu dulmay, hadu jirana qoraalkaasi waxa xaqiiq ah inaanu beelna xaqeeda siyaasadeed dabooli Karin kana qaadi Karin si kastaba ha lagu beer laxaawsade shakhsiyaadka u fara dhuudhuuban shirka.

6. Ka dibna loo qeybiyo xubnaha baarlamaanka si cadaalada ah oon mugdi ku jirin sababaha kor ku xusan awgeed.

Mahadsanidin,

Wa bilaahi tawfiiq,

Maxamed Xasan Daryeel.
Hogaamiyaha Siyadeed
The Political Leader.


Dhamaad. 

Waxaa soo tebiyey
Abdikarim Aden hussein.
mbagathi,Nairobi.
Abdikarimhussein@hotmail , Akariim@yahoo.com , abdikarimhussein@lycos.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 25, 2003

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]