SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wadaaddadu ma dad baa mase waa diin?

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 Maxamed Cabdulle Xassan wuxuu ahaa geesi hamaan ah oo aan aadami iyo axad kale midna ka cabsan, wuxuuna sheegay in qofkii ay asaga ismaandhaafaan uu diinta islaamka ka baxay. Diinta islaamka oo asaga oo aan dhalan jirtey ayuu wuxuu Maxamed Cabdulle u ekaysiiyey in ay tahay qayb naftiisa ka mid ah.

Haddii wadaad xoolodhaqato ah, oo weligiis tukan jirey uu ku adkaysto in uu xoolihiisa dhexdooda muslim ku ahaanayo, ee uusan rabin in uu ku biiro xerta saalixiyada wuxuu Maxamed Cabdulle ku andacoon jirey in uu wadaadkaasi gaal yahay oo ay dilkiisa iyo dhaciisu jihaad islaami ah yihiin!

Si caddaan ah ayuu Maxamed Cabdulle Xassan wuxuu ugu bareeray in ay diinta islaamku asaga laftiisa ka mid tahay, oo uusan qofka soomaaliga ahi muslim ahaan karin haddii uusan asaga taageerin, taasina waxay keentay in ay asaga iyo xoolodhaqatadii soomaaliyeed si foolxun dhiig ugu faroxasheen, oo ay tobannaan kun oo soomaali ahi aakhiro u guureen.

Taariikhdii daraawiishta waxaa si basarxumo ah u dhaandhaamay humaagyadii siyaasada soomaaliya hoggaanka ka noqday, wayna iska caddaayeen sababaha basarxumadaas keenay. Waxay madaxdaasi ogaayeen in haddii sawir qurxoon laga bixiyo kuwii ayaga la dabeecadaha ahaa ay ayaga laftoodu yeelanayaan sawirro wanaagsan, waayo waxaa isu ekaa jidkii uu Maxamed Cabdulle hayey iyo waddooyinkii ay ayagu markaas ku taagnaayeen. Labadaas wadiiqo oo isku tooraha ahi waxay ahaayeen in qofka madaxda ah la iska ammaano, oo qofkii aan taageeradiisa u xamaasooni uu gaal Alle ka fog yahay.

Taariikhda Lagama Been Sheego Qore: kancaan.

Farsamadii dhagarta ahayd oo uu Maxamed Cabdulle Xassan diinta u huwadey si uu ugu gaaro damaciisii xukun jacaylka ahaa waxaa mid la nooc ah damcay Maxamed Siyaad Barre. Qaabkii uu Maxamed Cabdulle Xassan u maray in uu naftiisa dadka diin uga dhigo iyo habkii Maxamed Siyaad Barre waa ay kala duwanaayeen. Ninka hore wuxuu dadka u sheegay in haddii asaga la khilaafo diinta la khilaafay, wuxuuna dadka tusay calaamado diineed oo mardabo ah.

Maxamed Siyaad qaabkaas ma uu marin ee wuxuu isku deyey in uu muujiyo in ay diinta had iyo jeer masuul ka yihiin dadka madaxda siyaasadda ahi. Wuxuu sheegay in madaxdii siyaasadda oo waagii ay diimuhu soo degayeen noolaa ay hadba la jaanqaadi jireen sidii ay markaas arrintu ku habboon tahay.

Wuxuu Maxamed Siyaad Barre arrintaas daliil uga dhigtay in ay diinta ku jiraan aayado isnasakhaya, oo uu taas macneheedu yahay in ay aayaduhu siyaasadda la socdaan oo middii maalintaas siyaasadda taagan aan waafiqi karin la nasakhi jirey, si ay horumarka nolosha iyo diimuhu u wada socdaan!

Maaddaama uu markaas asagu siyaasi ahaa wuxuu isu arkey in uu hawsha nasakhaadda asagu u xilsaaran yahay, wuxuuna nasakhaaddii ka bilaabay aayado dhaxalka ku saabsan iyo kuwo ku saabsan in ay dadku is addoonsan karaan. Arrintaasi dadka soomaalida ah qaarkood waa ay u cuntami weydey, waxaana sababteedii u godgalay toban iyo dheeraad nin oo si qayaxan nasakhaadda madaxweynaha uga horyimid.

Haddii uu Maxamed Siyaad Barre markii uu nasakhaadda ku fakarey qaadan lahaa waddadii saaxiibkiis Maxamed Cabdulle Xassan waxaa laga yaabaa in aysan dadka badankoodu sabab diineed uga dideen, taasna waxaa u sahli lahaa labo arrimood. Midda kowaad asagu dalka oo dhan ayuu gacanta ku hayey oo sidii daraawiish loolama dagaallami karayn. Midda labaad lamana fahmeen in uu diinta khayaano ku hoos wado, waayo soomaalidu waa dad maskaxfalluuq qaba, oo dareenkoodu ma uu qoddo dheera. Intaas waxaa dheer in ay labada xilli kala duwanaayeen oo uu Maxamed Siyaad ku soo aadey goosh aysan dadku diinba u soo jeedin ee ay heesaha iyo shukaansiga xiisaynayeen.

Haddii uu sidii Maxamed Cabdulle oran lahaa “Ninkii aniga i khilaafaa waa gaal oo diinta waxaa lagaga baxaa in aniga la i maandhaafo“ wuxuu heli lahaa taageero weyn. Waxaa arrintaas daliil cad u ah in uu Maxamed Siyaad markii danbe oo uu xukunkii Migisto la hardamayey ay dad badani ku tilmaameen in uu ahaa mujaahid islaami ah. Arrintii nasakhaadda weli waa uu aamminsanaa markaas uu mujaahidka ahaa, waxayna wadaaddo badani iftoodeen in ay dadkii kacaanka mucaaraday ahaayeen gaalo diinta islaamka ka baxay.

Maanta xataa dad badan ayaa rumaysan in madaxdii hoggaaminayey mucaaraddadii ku kacay kacaanku ay gaalo yihiin. Waxaa marmar badan saxaafaddu soo qortay in uu Cabdiqaasim Salaad Xassan gaalo ku sheegay niman ay ka mid yihiin Silaanyo iyo Cabdullaahi Yuusuf.

Maxamed Siyaad baa nimankaas iyo kuwo kale had iyo jeer “gaalo“ ku tilmaami jirey, waxaana ku raacsanaa wadaaddo ay ka mid ahaayeen shiikh Maxamed Guuleed oo hadda mootan iyo shiikh Cumar Faaruuq oo hadda gacansaar weyn la leh Cabdiqaasim iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

In hoggaamiyeyaashii mucaaradka gaalnimo lagu tilmaamo waxaa barbar socda in had iyo jeer loo duceeyo Maxamed Siyaad Barre. Idaacadda BBC waxaa maalin dhaweyd laga sii daayey Cabdiqaasim oo leh: “Labadii madaxweyne oo Soomaaliya iiga horreeyey oo kala ahaa Aadan Cabdulle Cismaan iyo Alle ha u naxariisto ee jaalle Maxamed Siyaad Barre waxay ku fariisan jireen kursi dahab ah“!

Horta marka kowaad labo madaxweyne keli ahi soomaaliya ma soo marin ee waa ay ka badnaayeen, waxaana jirta qiso qosol badan oo aan anigu goobjoog ka ahaa, oo daliil loogu soo qaadan karo sababta uu mudane Cabdiqaasim Salaad madaxweyneyaasha labo uga soo reebay. Meel Yurub ah baan waxaan ku arkay saddex nin oo soomaali ah oo hilib doofaar iyo bariis isu dulsaaran yihiin, waxaana hilibkii diidey mid ka mid ah, markaas ayuu mid kale ku yiri:

“Waaryee! Oo haddaanad wax dufan leh afka saarayn, heede dee, sidaad u noolaan?“

Wuxuu ninkii doofaarka ka caagganaa ku jawaabey:

“Waar heedhe! Dee anigu xaaraan iyo xalaal ugama jeedo, ee dee bahalka waan ka yara wiswisaa!“

Midkii saddexaad baa wuxuu hadalkii kaga qaybgalay:

“Waryaahee! Dee haddii aad caynkaas u wiswis badan tahay inta xunee aad ka shakisan tahay uun iska tuur oo inta nebigaaga ku sallidid, dee bariiska oo qudha iska cun“.

Inta xun oo uu iska tuurayaa waa hilibka doofaarka, wuxuuna cunayaa bariiskii uu hilibku dulsaarnaa! Haddaba Cabdiqaasim wuxuu madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray iska tuuray inta xun oo uu ka wiswisay, waxaase uga sii fiicnaan lahayd in uu Aadan-Cadde laftiisa iska tuuro, si uusan ula mid noqon nin bariis maraq doofaar leh cunay, oo uu shakiga yaqiin uga baxo!

21kii Octoober Qarankii Soomaaliyeed uu tabey shicibkuna waa u darsadey.
Qore: Yusuf Osman

“Alle ha u naxariisto” in Maxamed Siyaad lagu yiraahdo lafteeda waxaa jirta qiso cilmiyaysan oo ku saabsan. Nin macallim ka ah qaybta cilmunafsiga ee jaamacadda Gothenburg ayaannu ka mid ahayn dad uu khudbad u jeediyey, wuxuuna nagaga qosliyey arrin cilmi ah. Waxay arrintu ahayd in markii ay dadka keligitaliyeyaasha ahi geeriyoodaan ay dadkii ay ayagu tabobarteen oo indhaha xirnaa u maleeyaan in ay meydadkii diktaatoorradu jannadii ilaahay aadeen. Wuxuu macallimkaasi intaas raaciyey ”Waxaa la mid ah dumarka laga dhintay oo ayaguna nimankoodii dhintay mooda in xagga Rabbi laga casumey“.

Hadalka haddii la soo koobo nin ku dhiirradey in uu qur’aanka nasakhi karo waa xaaraan in “Alle ha u naxariisto“ loogu duceeyaa, wuxuuna ina Salaab-Boy ka mid yahay dadkaas uu barafasoorka cilmunafsigu inoo sheegay, mana uu fahmin naxariista Rabbi.

In Maxamed Siyaad Barre sida nabi oo kale loogu daydo ayaaba ka sii yaab badan in loo duceeyo! Wuxuu maalmihii ina dhaafay Cabdiqaasim sheegay in uu Cabdalle Deerow iyo Xassan Abshir ku xukumay dil toogasho ah, taas oo uu sheegay in uu uga dan lahaa in uu xagga toogashada kala mid noqdo ninkii indhaha u kala furay, Maxamed Siyaad; oo uu sida cilminafsigu sheegay rumaysan yahay in uu jannada ilaahay xaggeeda u dhoofay.

“Gabayre, Caynaanshe iyo benbiileyaashii badnaa oo tiirarka lagu xiray denbiyadii waaweynaa oo ay xilligii jaalle Siyaad qaranka ka galeen waxaa ka weyn xumaanta ay maanta Soomaaliya ku sameeyeen Cabdalle Deerow iyo midka kale oo aynu dilka ku xukunnay“ ayaa Cabdiqaasim laga sheegay asaga oo gaar ula hadlaya beel soomaali ah oo nabadda iyo dawladda Kenya ka soo socota u baahan, laakiin lagu dirayo.

Soomaalidu waxay ku maahmaahaan “Ninkii ciid kugu qubay calooshiisa ayuu ku tusay ee waxba kuma uu yeelin”. Wuxuu Cabdiqaasim muujiyey in uu dad soomaali ah toogan lahaa haddii uu tabar u leeyahay, laakiin tabari kula tol ma aha! Arrintaan waxaa ka murugoonaya hanfadihii horay loogu dagay dhalanteedkii Ismaaciil Cumar iyo Carta, laakiin debinkaboodyadu awalba waxay ogaayeen in uusan geel carruuri qaadday fogayn!

Maqaalkaani wuxuu ku wareegaalaysan doonaa in ay wadaaddadu diin yihiin iyo in ay dadka ka mid yihiin sidii loo kala garan lahaa. Maxamed Siyaad Barre ma uu ahayn wadaad diinta caalim ku ah, laakiin Maxamed Cabdulle Xassan waxaa la sheegaa in uu diinta wax ka yaqiin, hase ahaato ee labada ninba waxay damceen in ay soomaalida xagga diinta ka maraan, si ay taageero u helaan. Labadaba wax baa uga hirgalay qorshihii ahaa in lagu tilmaamo mujaahidiin islaami ah oo diinta Rabbi gaalada ka waardiyeeya.

Waxaa sidii labadaas nin oo kale mujaahid islaami ah lagu tilmaamay Maxamed Faarax Caydiid, oo ay qandhuufooyin yaryari kala gaareen ciidamadii qaramada midoobey oo Soomaaliya gaarey 1993. Maxamed Faarax Caydiid diinta kuma uu gabban ee wuxuu ahaa jenneraal jabhad ah oo aan naftiisa diin ku hafrin ee iska jabhadeeya, laakiin waxaa mujaahidnimo uusan codsan dhuunta ka geliyey wadaaddada soomaalida qaarkood.

Xalka Soomaaliya waa DIINTA ISLAAMKA
Cabdullahi Gulled Ali

Waxaa yaab leh in uusan Maxamed Faarax Caydiid sida badan diinta farogashan jirin, hase yeesho ee ay niman uu Cumar-Faaruuq ka mid yahay u bixiyeen “Jenneraalkii diinta koryeelay“! Waxaannu fadhiney Cumar-Faaruuq oo markii uu jenneraalkaasi geeriyoodey leh: “Nin baa diinta iyo ummadda soomaaliyeed difaaci jirey, jumcadii uu dhintay jumcadii ku xigteyna waxaa dalkeenna hooyo soo weerartay dawladda Itoobiya, waayo waxay ogaadeen in uu jenneraalkii mujaahidka ahaa aakhiro jiro, raxmatullaahi calyhi!“. Khudbadaas aad ayuu shiikh Cumar-Faaruuq ugu dhexqiirooday, wuxuuna markii ay muxaadaradaasi sii dhammaanaysey lahaa xabeeb uu codkiisu xirmay!

Jenneraal Maxamed Faarax Caydiid Itoobiya iyo diinta wuxuu u dhawaa Itoobiya, waayo markii uu dagaalkii sokeeye oo aarsiga ahaa bilaabay waxaa laga soo shixnaday xukuumaddii Mingito, wuxuuna dabadeed dalal ay Uganda iyo Itoobiya ka mid yihiin ka heli jirey wixii uu Rabbi uga calfo, diintana Maxamed Faarax xiiso weyn iyo qaddarin uma uu hayn ee shiikh Cumar-Faaruuq ayaa sidii micigamaar banka maray iskiis u uburshuqleeyey!

Diinta lagu qaraabanayo oo la maqaarsaarayaa waxay karaarkii ugu weynaa qaadatay markii ay Carta ku xoomeen dad soomaali ah oo ay badankoodu garka iyo rubadda dhexdooda dhego iyo indho ku lahaayeen. Wadaaddada diinta jeceli shirkaas aad bay u yaseen, wayna ku qosli jireen markii ay arkaan kuwo cimaamado madaxyada ugu duubanaya in ay goobtaas ceebeed diinta Rabbi ku soo bahdilaan.

Wadaaddada xilkasyada ah oo meeshaas yaabka leh ka yaxyaxay, lana yaabay waxaa ugu darnaa shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax-Jeex. Shiikhu waa nin diinta aqoon weyn u leh, waxaana arrintaas daliil u ah in waagii uu jaamacadda Madiina ka qalinjebiyey aqoontiisa lagu soo qoray dhammaan joornaallada dalka Sucuudiga, oo ay saxaafaddu hal toddobaad aqoontiisa ka hadlaysey. In ay sidaas warbaahinta dalkaasi uga hadashay qalinjebinta shiikha waxaa u sabab ahaa in uu ahaa ardaygii ugu buundo sarreeyey ardadii sanadkaas ka baxay jaamacadaha diinta ee dalkaas.

Afartii sano oo uu shiikh Cabdulqaadir jaamacadda dhiganayey wuxuu ahaa ardayda sanad kasta ugu heer sarreeyey jaamacadda, wuxuuna ahaa arday yaab leh oo aan waxba khaldin. Waa ninka keli ah oo Soomaaliya ka yimid oo ay ilaa hadda saxaafadda carabtu aqoontiisa diineed ka hadashay.

Markii uu shirkii Carta socdey baa shiikh Cabdulqaaddir asaga oo dalkiisa ku sugan waxaa lagu yiri “Wadaaddo ayaa Jibuuti u yaacay ee maad la yaacdid“. Shiikhu dabci ahaan nin qosol badan ma uu aha, laakiin maalintaas waa uu qoslay, wuxuuna yiri: ”Meeshayada ayaannu joogaynaa”! Shiikhu muddo dheer ayuu ku xirnaa xabsiyadii uu kacaanku ku silcin jirey ummadda soomaaliyeed, waayo Maxamed Siyaad ragga waa uu kala yaqiin.

Shirkii Carta ujeedka laga lahaa wuxuu ahaa in dalalka carabaha dhaqaale laga helo, waxaana loo baahnaa in ay meeshaas ka muuqdaan dad cimaamado kuwa carabta u eg madaxyada ku sita oo carabiga wax ka garanaya. Xataa kuwii kacaanku ilaaha u ahaa oo aan meel ay qibladu jirto weligood isweydiin baa waxay bilaabeen in ay hadalkooda ku bilaabaan bisin iyo xamdi aan weligood shirkaas ka hor afkooda ka soo bixin!

Dhanka kale haddii laga eego raggii shirkaas dadka ugu baaqay waxay ahaayeen kuwo ay khamro dilootey! In dadka balwadahooda iyo arrimohooda hoose la faaqidaa waa arrin laga habboon yahay, laakiin waxaan marna loo dulqaadan karin in diinta islaamka khamro la hoosgeeyey. Sidaas awgeed waa in aynu si cad u sheegnaa in uu Ismaaciil Cumar Geelle ka mid yahay dadka “Calan cas“ loo yaqaan, oo ah kuwa uu dhiiggoodu khamrada ku shaqeeyo, oo aan habeen iyo maalin khamrada afka ka qaadin!

Markii uu madaxweynuhu cabbitaankaas ay diintu nacday kabbaysanayo ayuu shirka arrimihiisa ka fakari jirey, waxaana la cabbi jirey shakhsiyaad qurbaha ama kacaankii khamrada ku soo bartay oo uu iska dhigayey in uu gooni ula tashado asaga oo og meesha uu usha ka goyn doono.

Kacaankii oo dhigaysan oo meeraxeeran oo uu mid weligi tukadey ku yar yahay iyo mudane Ismaaciil oo dalkiisa wax ku kabbaysanayey ayaa kitaabkii Rabbi la hoosgeeyey! Xoolihii carabaha laga rajaynayey baa waxay dhaleen khamro iyo qur’aan isdabamaraya! Haddii aad ergooyinkii shirkaas iska xaadiriyey faallo ku saabsan rabtid waxaad dib u akhridaa maqaalkii uu magaciisu ahaa “Federalka iyo walaalaha galgaduud“.

Waxaa maadayskaas ugu xallad badnaa in meeshaas wax lagu kabbaysanayey ay dad Yurub iyo Ameerika deggani markii ay cimaamaduhu kuga hillaaceen lacago badan oo badan u uruuriyeen, ayaga oo moodaya in ay Rabbi ugu dhawaanayaan!

Diinta iyo afcarabiga aan laabta jirin ee Sucuudi iyo Masar la maqashiinayey waxaa ka mid ahaa aayado uu Cabdiqaasim Salaad Xassan markii meesha lagu kala tegayey qardadiciyey!

Dad badan oo caamo ah baa in uu shirkii Carta fiicnaa oo diinta islaamka waafaqsanaa waxay u daliishadaan saddex arrimood. Midda kowaad in uu Cumar-Faaruuq joogey, midda labaadna in uu Cabdiqaasim aayado akhriyey uuna dhaartay, iyo midda saddexaad in ay Cabdiqaasim iyo Gallayr carabi kaga hadleen dalalkii carbeed oo ay markiiba ku ordeen!

Maaddaama uu Maxamed Siyaad mujaahid islaami ah ku noqday in uu mar Itoobiya weerar aan xikmadaysnayn ku qaaday, Maxamed Faarax Caydiidna uu mujaahid ku noqday ciidamadii qaramada midoobey dartood ayuu Cabdiqaasim wuxuu damcay in uu mujaahidnimo ka qalqaashado wadaaddada qaarkood. Sidaas darteed ayuu iska caayaa dalalka IGAD ugu waaweyn oo hadda isu xilsaaray in dawlad loo dhiso dalka ay walaalaha iyo deriska yihiin ee Soomaaliya. Haddii uu awood haysan lahaa weerar macne daran ayuu meel ku qaadi lahaa, laakiin wuxuu hadda ku koobmay maahmaahdii ahayd “Af labo daan lihi dood ma waayo“.

Waxaa la hubaa in ay jiraan kuwo diinta been ka sheega oo sidii labadii jenneraal oo le’day mujaahid ku sheega Cabdiqaasim oo saddexdii sano oo danbe jeebkiisa ku guray xoolo aan xisaab lahayn, oo uu magaca Soomaaliya kaga xantoobsaday dunida carabta iyo meshii kale oo sadaqo leh, haddana ka murugaysan dawladda dhawaan dhalan doonta iyo federalka loo dhan yahay.

Geelu markii ay qodaxi muddo cagafta ayuu dhulka la dhacaa, wuxuuna cagafta dhulka ku garaacaa jeer ay qodaxdu ku libirto, laakiin xoolaha kale addinka ay qodaxdu ka muddey ayey tartiib dhulka u dhigaan oo dhutiyaan. Haddaba Cabdiqaasim wuxuu maanta u eg yahay tulud ragaaddey oo cagafta dhulka la dhacaysa. Asaga oo aan diinta jeclayn ayuu isu yeelay calaamadihii ay dalalka muruqyada waaweyni “Argagixiso“ u yaqaanneen, wuxuuna si weercalaannimo ah ugu wacwac yiri dalalkii deriska ahaa oo siyaasadda ay soomaalidii lahayd gabtay waldaaminayey.

Hadal aan laga fiirsan oo Cabdiqaasim ku saabsan ayaannu dhawaan ka maqalnay idaacadda BBC. Wuxuu hadalkaasi ka soo yeeray ninka Puntland hoggaamiya oo magaciisa la yiraahdo Cabdullaahi Yuusuf oo yiri: “Cabdiqaasim nin oday ah oo siyaasi ah waa uu yahay, laakiin wax kale ma uu aha!“. Wax daliil ah oo muujinaya in uu Cabdiqaasim siyaasad wax weyn ka og yahay ilaa hadda lama hayo, waxaana hadalka Cabdiqaasim iyo ficilkiisaba ka muuqata in uu ku habboon yahay in lagu tilmaamo “Guulwade“ uu Ismaaciil Cumar Geelle jeclaaday, ee siyaasinimo noogama ay muuqan!

Hadalkaas caatada ah oo Cabdullaahi Yuusuf wuxuu lahaan karaa labo macne midkood. Midda kowaad waa in uu Cabdullaahi indhokugaraadle yahay oo uu siyaasad u qabo in uu Ismaacii Cumar Geelle karbuuno maran bateri ku guray. Midda labaad waa in uu Cabdullaahi labogalle yahay oo uu xumaan hadalka ula jeedey, xumaantaasina ay tahay in uu arkay Cabdiqaasim oo asaga oo ihaanaysan garoonkii cayaarta laga saaray, oo uu hadalkaas ku sii jiscimayey. Middaas danbe ayuu u dhaw yahay hadalkaas aan macquulka ahayn oo ka soo yeeray Cabdullaahi Yuusuf.

Dhammaan tusaaleyaasha ku saabsan Maxamed Cabdulle Xassan iyo raggaas ka danbeeyey waxay caddaynayaan in ay dadka iyo diintu kala duwan yihiin. Dadka waxaa laga abuuraa nin iyo haweeney isu galmooday dhexdood, waxaana had iyo jeer caloosha ugu jira wasakh, markii ay naftu ka baxdana waxay dadku noqonayaan mayd uraya oo uu dixirigu cuno. Sidaas awgeed dadku diin ma ay ahaan karaan, ee waa noole uu badankiisu xaasid yahay oo uu badankiisu caqli xun yahay.

Dadku waa noole damac xun oo ay badankoodu imaan la’ yihiin. Dadka midka ugu maan gaaban baa isula weyn oo ugu hunguri badan. Dadku waxay jecel yihiin in ay sheegtaan oo ku faanaan wax aysan ahayn. Dadku wax aysan aqoon oo garan karin bay in ay ka hadlaan jecel yihiin, waxaana ugu hadal jecel midka ugu caqli iyo cilmi yar. Dadku inta ay wax lugooyaan baa ka badan inta ay wax caawiyaan, waayo xumaan baa uurkooda ka buuxda. Dadku isma ay jecla, oo qofka waxaa jecel hooyadiis waxaana laga yaabaa in uu aabbihiisna jecel yahay, inta kalese waxaa ka dhexaysa duruuf, hoos oo hoos bayna iska xasdayaan oo xin baa ku kala dhexjira. Dadku qofka kartida badan waa ay neceb yihiin, oo colaad aan macne lahayn iyo xiqdi bay caloosha ugu hayaan, waxayna ku dadaalaan in uusan tillaabo horay u qaadin. Dadku ma ay kala maarmaan, isumana roona! Dadka qofkii fahmaa cawinaad kama dalbo, ee ayaga ayuu caawiyaa, waayo dadku waa haad, waana qadduuc! Dadka Rabbi waa uu karaameeyey, laakiin ayagu isma ay karaameeyaan. Dadka dabeecadohooda lama soo koobi karo.

Waxa sidaas ahi diin ma ay noqon karaan, ee diintu waa arrin kale. Cilmigu guud ahaan waa waxa ugu fiican oo dunida ka jira, laakiin dadka cilmiga yaqaannaa ayagu cilmi ma ay aha, ee waa dad. Dadkana intooda liidata ayaa ka badan inta waxgaradka ah. Qof kasta oo kitaabbo sita oo diinta wax ka bartay waxgarad ma uu aha, oo waxaa aad u badan kuwo calooshooda la cayaara, oo ay nacasnimo maxkaxdooda ku maarowdey. Sideedaba guud ahaan dadka waxaa waxgarad ah oo caqli cuntada iyo galmada dhaafsiisan leh in aad u yar. Inta kale sidii uu Xasanul Bisri sheegay badeecadda ayey qaaliyeeyaan, biyahana waa ay wasakheeyaan, wax kalena nolosha kama ay oga.

Diinta lama khilaafi karo, laakiin dadku waa ay ismaandhaafi karaan. Haddii ay qof diinta aad u bartay iyo qof kale oo muslim ahi arrin ku kala aragti duwanaadaan macneheedu ma aha in uu midka aan diinta aad u aqooni gaal yahay! Qofka diinta yaqaan laftiisa ayaaba gaal noqon kara, ama faasiq noqon kara. Gaalo badan oo badan ayaa diimaha ku takhasusa, waxaana sidaas oo kale diinta islaamka barta muslihiin badan oo aan taqwo iyo cibaado u baran, ee dano kale ku gaaraya.

Si aan diinta laguugu khayaanin waa in aad dadka iyo diinta kala saartid. Diintu kuma ay khatalayso, laakiin dadku khaa’imiin iyo maangaabyo ayey u badan yihiin, diinta lafteeda ayaana sidaas sheegtay.

Xilligii uu nebigu (sallallaahu calayhi wa sallam) noolaa waxaa jirey dad muslimiin la yiraahdo, oo dhammaantood siman, oo kulligood is wada maamuusa, laakiin ma ay jirin wax ”culumo” iyo ”caamo” la yiraahdo oo diinta u kala sokeeya. Dadku diinta waa ay rumeeyn karaan, waana ay ku dhaqmi karaan, laakiin ayagu diin ma ay aha. Midkii aad diinta u bartaa weli waa qof, isla markaas midka bisinka keli ah yaqaannaa weli waa qof, waayo bisinku asaga ka mid ma aha ee waa aqoon uu bartay. Haddii uu qofku muslim yahay diinta cidina kama ay xigto, mana ay jirto cid Rabbi iyo asaga u dhexaysa oo u kala turjuntaa, taasina kuma ay xirna in uu diin badan yaqaan iyo in kale.

Sida ay makhluuqa uu dadku ka mid yahay iyo qur’aanka oo ah diinteennu u kala duwan yihiin, oo u kala fog yihiin waxaannu qayb aad u yar kaga soo qaadannay maqaal cilmi ahaa oo aannu u bixinnay ”Maaweelada ma Rabbi baa abuurtay”, laakiin waxaa arrintaas dulucdeeda fahmi kara qof aqoon ahaan iyo garasho ahaan u dhisan, ee dadka suuqu waxay xiiseeyaan oo ku hafteen xiisadaha siyaasadda iyo qabyaaladda, mana uu soo jiidan karo maqaal hadalka Rabbi iyo midka dadka lagu kala soocayaa. Tusaale ahaan haddii laga doodo qabiilkee buu madaxweynuhu noqonayaa? Ama gobolkee baa Soomaaliya ugu dad badan? Ama qabiilkee ugu tiro badan soomaalida? Ama maamulgoboleed miyaa wax lagu maamulaa mase tuugaysi? Waxaa dooddaas danaynaya ummadda soomaaliyeed intooda badan, oo weliba jecel in si dacaayad ah arrinta loogu nuuxnuuxsado. Haddana arrinta sidaas loo xiisaynayo wax daliil u keeni karaa ma jiraan, ee waxaa lagu saleeyaa caadifad qabiil iyo nacayb gaarsiisan heer uu qofka soomaaliga ahi rumaysan yahay in qabiilkii uu asagu neceb yahay uu dhulka ay degaan aad ku kulul yahay, asaga oo aan malaha degaankooda weligiis arag.

Haddii laga doodo in ay kala duwan yihiin hadalka Rabbi iyo makhluuqa Rabbi ama laga faalloodo kala duwanaanta hadalka xalladda leh iyo midka aan quluudda lahayn waxay dooddaasi noqonaysaa wax aan qofka soomaaliga ah xiiso u lahayn oo lagu marganayo, waxaana laga yaabaa in dadka aan hadalka iyo diinta aqoonta fiican u lahayn qaarkood ay u maleeyaan in Rabbi iyo diinta la caayayo.

Macnaha ku qarsoon in labadaas jinsi oo doodaha ah ay midi bulshadeenna xiiso u leedahay midina aysan nuxur u lahayni waa in uusan qofka soomaaliga ahi jeclayn in uu wax korodsado ee uu ka helo wax uu horay u yaqiin in qaab dacaayad ah looga hadlo. Qofka soomaaliga ahi wuxuu jecel yahay wax uu weligiis ka hadli jirey in hadba waji cusub loo rogo, oo xamaasad la geliyo, ee arrin kale oo cilmi ah haddii loo furo waa uu ka qaloonayaa, wuxuuna eedaynayaa qofkii bilaabay, oo wuxuu u arkayaa in uu ka soo daray, waayo waxaa laga weecday dacaayaddii iyo ismaagmaaggii uu jeclaa. Waxaa jirta maahmaah carabi ah oo leh: ”Dadku waxii aysan aqoon waa ay neceb yihiin”.

Marka laga hadlayo in uu qofku colaad uusan waxba hubsan arrin ama qof u qaadi karo waxaa tusaale laga dhigan karaa waxyaalo badan, laakiin waxaynu hadda sheegaynaa hal qaab oo tusaaleyaashaas ka mid ah. Waxaynu akhriyaynaa qiso ku saabsan nebi Muuse iyo malaggii nafta ka qaaday. Qisada meeshaan ku sheegi mayno in ay diin tahay iyo in aysan diin ahayn, waayo waxaynu ku baaraynaa in uu akhristaha aan diinta ku fogaani gaalnimo u qaato iyo in uu muslimnimo u filo. In uu qofku argagax aan habboonayn ama habboon la didi karo ayeynu naftaada ka baaraynaa, ee bal adiga oo fakaraya qisadaan akhri!:

”Rabbi baa wuxuu nebi Muuse u diray malaggii nafta ka soo qaadi lahaa, wuxuuna malaggii u yimid Muuse, oo wuxuu u sheegay in uu nafta ka qabanayo. Muuse wuxuu malaggii ku yiri ’Ma yeelayo in aad naftayda qaaddid, oo waxaan rabaa in aan iska noolaado’. Malaggii wuxuu Muuse ku yiri ’Muran looma baahna oo waxaa la ii soo diray in aan nafta kaa qaado’, wuxuuna u soo dhaqaaqay Muuse xaggiisa asaga oo raba in uu xoog nafta kaga qabto! Muuse aad buu u xanaaqey, wuxuuna malaggii ku dhuftay dharbaaxo xoog badan! Malaggii il baa ka dhacday oo bannaanka u soo baxday, waana uu cararay! Orodkii uu malaggu Muuse ka cararay ma uu kala goyn jeer uu Rabbi u tegey, oo uu asaga oo ishii dhacday ka lulato ku yiri: ’Waxaad ii dirtay nin aan in uu weligiis dhinto rabin’. Rabbi wuxuu mar labaad soo diray malaggii, wuxuuna ku yiri: ’Waxaad Muuse amartaa in uu neef lo’ ah calaacashii uu kugu dharbaaxay saaro oo uu tiriyo inta ay timaha ay calaacashiisu taabatay yihiin. Markii uu Muuse tirada dhogorta dhammeeyo waa in uu ogaadaa in uu sii noolaan doono sanaddo tira la eg dhogortaas uu tiriyey’. Malaggii oo ordaya ayaa Muuse u yimid, wuxuuna u sheegay fartiintii Rabbi, markaas ayuu Muuse naxay waayo wuxuu ogaadey in kolley iyo kolley uu dhiman doono, wuxuuna yiri: ’Haddeerba nafta ha la iga qaado, waayo dhimasho ma ay kala macaana’. Sidaas ayaa Muuse nafta looga qabtay!”.

Qofkii diinta baranayaa wuxuu ka baran karaa qof kasta oo wax ku dhaama, laakiin waxaa xaaraan ah ni uu dadkaas mid ka mid ah u tacasubo, ama uu u hoggaansamo. Haddii aad qof cajalad uu tafsiir ama xaddiis ku duubay dhegaysatid oo aad maqashid in uu shir aadey ma iska jeclaanaysaa shirkaas?! Maxaa iska galay cajaladdii aad wax ka faa’iidaysatey iyo nin shir lacag u doontay?! Qof kasta ayaa gabay ama naxwe uu yaqaan cajalad ku duubi kara, laakiin adiga maxaa qof danihiisa wata kugu xiray, sow adiguba qof ma ahid?

Ka warran haddii uu qofka aad u tacasubaysaa qabyaalad rumaysan yahay, oo uu adiga iyo hooyadaa idin layn lahaa haddii uu fursad idiin helo? Asaga oo sidaas ah oo aan ku aqoon haddii aad lacag shirkiisa loo uruurinayo 3000 oo doollar ku dartid, oo ay xaaskaagu intay qiirooto kuusheeda iyo kaatumadeeda ku darto ka warran?

Haddii aad arrimaha noocaas ah waa danbe ka shallaydid waxaad ogaataa in dadkii markii hore arrintaas diidanaa ay kaa fiiro dheer yihiin, ugana danbee arrimaha hadda taagan si aan mar danbe laguu dhagrin, waayo caqli kugu filan ma lihid oo waa in masuul lagaa noqdaa.

Waxaas oo dhan waxaa ku baday in aadan dadka iyo diinta kala aqoon, oo aad dadka qaarkood diin u malaynaysid sidii Maxamed Cabdulle Xassan iyo Maxamed Siyaad Barre ay dadka qaarkood diin ugu maleeyeen.

Adigu waxaad tahay qof waddani ah oo muslim ah, waxaadna leedahay xuquuq iyo sharaf aadan cidna marti ugu ahayn. Qofkii kaa aqoon roon asaga ayey anfacaysaa, adiguna haddii aad ka baratid waa ay ku anfacaysaa, laakiin labo arrimood iska ilaahi. Midda kowaad aqoonta uu ku dheer yahay ha ku xasdin, midda labaad ha iska dabagelin oo ha ku sifoobin mirahaan gabayga ah:

  • ”Niman baa xornimdaad lahayd, xoogsadoo dhacaye

  • Adna kama xumaatide rag baad, bada xushlaysaaye

  • Sidii awr xiriir lagu wadaad, xarigga raacdaaye

  • Xilka reer Awaariyo intaad, xididka tuugaysid
  • Dabka xaaska joog meel xillaad, xoogag dheer tahaye”

Waxaa tiriyey aabbahay Xassan Maxamed Geeraare

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003

 QORAALKII HORE EE SHAAFICI

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]