SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 SOMALIDA XAGGE LAGA SOOGALAY?

abdisalam elmi   jamaame61@hotmail.com  

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

BISMILLAAHI.

ALSALAAMU CALEYKUM WW.

WAXAAN DOONAYAA INAAN MARKA HORE SU'AAL WAYDIIYO DADKA SOOMAALIYEED EE DHIBAATADU KU HABSATAY,QOF WALBA OO WAX GARAD AH JAWAAB AYAA MASKAXDIISA KU SOO DAGDAGAYSA, HALAGU RAACO AMA HALAGU DIIDEE,OGOWNA ARAGTI KASTA WAXAY LEEDAHAY DAD TAGERA IYO DAD KA HORYIMAADDA,WAXAANA LAMA HURAAN AH KOL HADDAYNU DAD MUSLIM AH NAHAY IN MIIZAANKEENNU UU NOQDO MID ISLAAMI AH EE UUSAN NOQON MID QOFKA HAWADIISA IYO WAXA MASKAXDIISA KA GUUXAYA AY KA XOOGBATAAN.

ANIGU WAXAAN LEEYAHAY SOOMAALIYA 2 MEELOOD AYAA LAGA SOOGALAY:

[1] WAA DHANKA UMURADA[MADAXDA]. IYO

[2]WAA DHANKA CULIMADA[CULIMAA,ULSUU]AMA CULIMADA XUN,WAXAA LAGA YAABAA QOFKA CAAMIGA AH[JAAHILKA] AH INUU ISYIRAAH MAWAXAA JIRA CULIMO XUN XUN WAXAAN LEENAHAY HAA WAXAA JIRA CULIMA XUN SIDA NUSUUSTA KU CAD.

NABIGEENII MUXAMMAD[SCW] WUXUU YIRI:

HADDII LABO AY HAGAAGTO UMMADDU WAA HAGAAGAYSAA[ALCULIMAA WAL UMARAA]

HADABA SIDE AYEY KU XUMADEN LABADAN QAYB EE BULSHADA MUHIMKA:

WAXAANB KU BILLAABAYAA AL CULIMAA INSHAA ALLAAH:

UM MADDA SOOMAALIYEED WAXAY AHEYD UMMAAD ISLAAMKA QAADATAY WAQTIGII SAXAABADA RASUULKA SCW AY DHULKA XABASHIDA U SOO HIJROODEEN AYAGOO AAN SEEF LALA GALIN ISLAAMKOODU NADIIF AYUU AHAA ILAA XILLAYADII GUMAYSTAHA,GUMAYSTAYAASHII WAA U CUNTAMI WAYSAY DADKAAS BOQOLKIIBA BOQOLKA MUSLIMKA AH EE XITTAA SHIICO AAN LAHEYN EE WADA SUNNIGA AH,WAXAY BILLAABEEN INAY ARRINKAS BEENIYAAN,WAXAY LA TASHADEEN DAD DABA DHILIF U AH OO WAX KASTOO AY U BAAHANYIHIIN U FULIYA WAXOOGAAGOODANA KA QAATA OO DIIN IYO AAKHARO AAN WAX DAN AH KA LAHEYN,DADKII DABADHILIFYADA U AHAA GFUMAYSTIHII WAXAY KU TALIYEEN IN DAD SOMALI AH DIBADAHA LOOQAADO OO LA SOOBARO WAXYAABO DADKII WAAGAAS NOOLAA AYSAN AQOON SIDA LUUQADO AJNABI,TAARAR LA ISKULA HADLO SI DADKAAS MUSLIMIINTA AH BADWDANA AH LOO KHALDO OO DAD AAN DIIN WAX SHAQO AH KU LAHEYN LOOYIRAAHDO WAA AWLIYO ALLE OO [GAYBKA]WAXYAABAHA NAGA DAAHSAN EE ALLAAH LA KALIGA YAHAY AYEY WAX KA OGYIHIIN ILAA HEER LA GAARSIIYAY IN LA YIRAAH QAAR KA MID AH CULIMADA SOMALIYEED OO BAXAR BUXUUR AH AYAA DHULKA ALLAH SWT LA FADISAY WAXAY KU QORANYIHIIN BUUGGAAG LA BARAKAYSTO OO QOF MUSLIM AH GURIGIISA YAALLA OO UU U WAYNEENAYO SI UUSAN KITAAB ALLAAH EE DAAHIRKA AK EE SAMAAWIGA AH UUSAN U WAYNEYN.RAGGAAS AAN KA SHEEKEYNAYO HADDAN MAGACYADOODA SHEEGO WAXAAN KA BAQAYAA IN TAN KA DHACDO WAX BADAN LAGA SHEEKEYN DOONO WAASE HADDII LA IGA DALBADO INAAN SHEEGO ANIGOO WAXYAABO CADCAD HAYA,IN AWLIYO ALLE ISKA DHAAFEE DADKAAS AYSAN DIIN WAX SHAQO AH KU LAHEYN BAL AY JAWAASIIS AHAAYEEN LA QARAABTA GUMAYSTAHA DHIBKA MAANTA NA HAYSTANA AY QAYB WAYN KU LEEYIHIIN ILAA MAANTANA DAD BADAN AY KU DHUNSANYIHIIN SUNNADOODII DAD HABAAJINTA AHEYD AYAGOO UMALEYNAYA INAY NIMANKAAS XAQ KU TAAGNAAYEEN WAXAAN MAQAALKAAN U QORAY:

NABIGEENNI AYAA YIRI: XAQA SHEEG QARAARBA HA AHAADEE.

MARKII DADKII DIINKOODII INAY DIB U SAXAAN U SOOJEESTEEN SHAYAADIINTII DIIN LA DIRIRKA CAADEYSTAY WAXAY BILLAABEEN INAY DADKII KA HOR ISTAAGEEN XAQAAS U SOO IFTIIMAY, WAYSE KU HUNGOOBEEN OO MAANTA WAXAAN DHIHI KARAA MA JIRO QOF SOMALI AH OO AAN NIMANKAAS DIIN XUMIDOODA AAN GARAN MA JIRO QOF ASAGU INDHO LA'AAN AMA AYAAN DARRO U SOO HOYATAY WAA GOONIDIIS.

QORAALKAYGA WAAN SII WADI DOONAA INSHAA ALLAAH.

ALUMARAA AMA MADAXDANA MARKII AAN QORAALKAAS HORE DHAMMEEYO AYAAN BILLAABAN DOONAA INSHAA ALLAAH.

WALLAAHU CALAA MAA NAQUULU WAKIIL

WALSALAAMU CALEYKUM WW.

abdisalam elmi   jamaame61@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]