Aqoonyahnka Somalida Ogadeniya iyo kaalinta ay halganka kaga jiraan.
Hassan Moalin
hasmoa@yahoo.com
Nin u dhaqdhaqaaqa xaquuqal insaanka ayaa waxa u yidhi isaga oo ka
hadlaaya aqoonyahanka madaw ee Marykanka ”waxa jira aqoonyahan madow ah oo
bulshada ay ka dhasheen culays uun ku haya,faaiido ay u keenaan iska daaye”.
Aniga waxay ila tahay in uu aqoonyahanku ka koobanyahay iftiin wax hogaamiya
marka uu kacaan ama halgan jiro, waliba waxa weeye xadhiga isku xidha
waxyaabaha aan lataaban karin & waxyaabaha lataaban karo.
Sidii aynu u dhibaatada dadkeena haysata uga saari lahayn oo aynu ugu
dagaalano xoriyadeena, waxa kaliya ee aynu ku gaadhi karaa waa in aynu dadkeena
wax bartaan, marka aan sidaas leeyahay u jeedadaydu ma aha in halganka lagula
jiro gumaysiga Itoobiya la joojiyo ee waxa aan kawadaa hadii ay dadkeenu wax
bartaan si sahlan ayaynu guusha aynu higsanayno ku gaadhi lahayn.
Waxa aan u kala qaybiyay aqoonyahanka Somalida Ogadeniya 3 kooxood oo kala
ah:
· Aqoonyahn wanaagasan
· Aqoonyahn xun
· Aqooyhan jahwareersan
Waxanan sidan ugu kala qaybiyay aqoonyahanka Somlaida Ogadeniya in aan si
fiican dadka maqaalkan akhrisanaya ama dhagaysanya aan ugu kala qeexo, koox
waliba waxyaabaha ay ku sifoobaan si aan sharaxaad uga bixiyo.
Waxan u malaynaa in ay cadahay in aqoonyahan kasta uu ilahay ku manaysatay
aqoon u ummadiisa iyo dalkiisaba uga faa’iidayn karo haddii u aqoontiisa
sifiican u adeegsado.
Waxaan halkan isku dayayaa bal in aan tuso akhristayaasha ama
dhagaystayaasha, sidee baynu u aragnaa aqoonyahanka Somalida Ogadeniya,
kaalintii looga baahanaa halganka ma ka soo baxeen? Iyo sidii aynu u kala ogaan
lahayn muhimada iyo khatarta ay halganka iyo umaddooda u leeyihiin.
· Aqoonyahanka Wanaagsan’
Aqoonyahanka wanaagsan waxay leeyhiin aragti fog oo aad u fiican wax badan
oo horumar lehna waxay u qabtaan wadankooda & bulshadooda. Waxay awood u
leeyihiin in ay xaliyaan arimaha bulshada,siyaasada, dhaqaalaha iyo
dhibaatooyinka dhaqan ee ka dhex abuurma bulshada ay ka dhasheen. Guud ahaan
aqoonyahanka wanaagsan waa iftiinka dhabta ah ee bulshada Somalida Ogadeniya.
Waxa kale oo ay yihiin hogaamiyayaal qaali ah oo mabda leh, naftoodana way ku
kalsoonyihiin ismana sheegsheegaan. Aqoonyahanka wanaagasani waa aamin
bulshdiisuna way ku kalsoontahay, waxayna hadh iyo habeen u halgamayaan oo ay
naftooda, maalkooda & wakhtigoodaba u hurayaan, sidii ay dadkooda dhibka
haysata uga saari lahaayeen
· Aqoonyahnka Xun
Aqoonyahanka xun waa kuwa naftooda uun ka fikira, aragtidooduna badanaaba
waa mid wax dumisa, waxay bulshada la dhex ordaan been iyo walaac. Kooxdani
waxay had iyo jeer diyaar u yihiin in ay shisheeyaha u shaqeeyaan oo ay
dadkooda iyo dalkoodaba baabiyaan. Hamigooduna waa in ay awood iyo lacag helaan,
waana laba wajiilayaal, wax mabda ahana kuma shaqeeyaan, kuwa waxqabadka ahna
way eedeeyaan si ay dhaliishooda u qariyaan, marmarka qaarkood waxay ka shidaal
qaataan oo ”refrence” u ah garaad aan cilmi ku dhisnayn oo qabiilkoodu u
yeedhiyeen, carabkoodana sida hubka wax gumaada ayay u siticmaalan ,bulshadoodana
culays bay ku hayaan, waana mashaqysatayaal marka runta loo kaco.
· Aqoonyahanka jahwareersan
Kooxdan saxdexaad ee aqoonyahanka ahi aad bay danaysatayaal u yihiin,
aqligooduna wuu yarayahay, jahwareerkan oo ay ugu wacan tahay(lack of identity)
ama (identity crises) ”dal uu leeyahay oo uu ku abtirsado ma uu garanayo” mar
Soomaliya dhinaceeda ayuu hanqaltaagi, mar Ogadeniya marna Itoobiya. Waxay
kooxdani u oomanyihiin in ay wax xukumaan. Aqoonyahanka jahwareeresan had iyo
jeer dhinaca dabayshu u socto umbay iska raacan, xaaladoodu waa halkeebuu roob
ka da’ay?, waxay dan kaleeyihiin oo aan nafttooda ahayna majirto, si dhib yarna
way u milmaan, hadday Mareykanka, Ingiriiska ama dalal kale u qaxaan waxay
dhabarka u jeeddiyaan bulshadii ay ka dhasheen oo u baahan!! wax kastana way ka
cabsoodaan, war hanna gubina iyo waxyaabo kale ayay aamin sanyihiin, isku kalso!
oni malaha.
Waxa lawada ogsoonyahay in 77kii wixii kadanbeeyay ay Somalida Ogadeniya aad
iyo aad wadanka gudihiisa iyo dibada ay wax u barteen, waxana dhaqan iyo caado
inoo ahayd marka u ilmo u dhasho dadkeena in loogu ducayn jiray in uu noqdo
ilmahaasi kii dalkiisa , dadkiisa iyo diintiisaba anfaca. Waxayna qoyskii
dhalayna u rajeeyaan in uu ilmahoodu noqdo maalin maalmaha ka mid ah Hogaamiye,
Macalin, Diriktoor, Professor, Engineer Janan iwm.oo u noqdo masuulkii bari oo
ay wadankooda iyo dadkoodaba si daacad ah ugu shaqeeyaan. Hadaba dhaqanka
dadkeenu sidaas buu ahaan jiray , waalidiinteenana wax walba ha ku qaadato ee
waxay ku dadaali jireen sidii ay wax inoo bari lahaayeen
Imisa ayay ducadaasu looduceeyay barigii u yaraa anfacaday, oo masuliyadii
dadkiisa iyo dalkiisa ka saarayd ka soo baxday?
Sua’ashan waxa aan u dhaafi akhristayaasha qoraalkan in ay iyagu ka jawaaban.
Waxaan la kulmay qaar ka mid ah aqoonyahanka Somalida Ogadeniya intooda
badanina waa anaaniyiin(mester anaa), dan iyo heellana ka malaha wadankoodii
iyo dalkoodaba, in ay aqoonyahan fikradiisu sidaas yahay la’arkona waa mid
murugo leh, sababta oo ah waxay iloobeen masuuliyadii iyo wajibaadkii dadkooda
iyo dalkoodaba kasaaraa. Waxaa iyadauna murugo kale leh sii ah dadkii
aqooyahanka ahaa ee aan dhibaatooyinka dadkooda iyo dalkooda haysata aan ka
damqanayanin oo hadda dibada dagan oo daawadayaal ka noqday waxyaabaha
wadankoodii ka dhacaya.
Ninkii walaalkeena Marykanka madow ahaa sida u sheegay weeyaane, kuwa aan
maanta aqoontooda wax ugu qabanin dadkooda iyo dalkooda oo u baahan waa
aqoonyahan beenbeen ah, oo waliba culays ku ah bulshaduu ka dhashay. Waxan
rajaynayaa in ay mar dhici doonto in maxkamad la saaro laguna iqaabo
waxayaabaha hagardaamada ah ee ay ummadooda iyo halganka lagula jiro gumaysaiga
Itoobiya ugaystaan.
Waxa iyaduna xusid mudan in loo mahad noqo oo loo hanbalyeeyo aqooyahanka
dadaalka ugu jira hadh iyo habeenba sidii ay ummadooda Somalida Ogadeniya
aayahooda uga tashan lahayeen. Geesiyiintii naftooda huray si ay wadankooda u
xoreeyaana waxa lagayaabaa in ay dadka qaarkood iloobaan ,laakiin taariikhda
ayaan maraba ilboobaynin, waxaa xasuusan doona jiilal faro badan oo soo socda.
Rajada Wayn ee aynu mustaqbalka sugaynaa waa aqoonyahanka wakhti kasta
hawsha ugu jira in ay dadkeenu wax noqdaan, waxayna ummadooda u qaban karaan
waxyaabo faro badan oo ay ka mid yihiin, sidii loo kasban lahaa dad u dhashay
wadamada reer galbeedka oo ay qadiyadeena ka dhaadhiciyaan oo ”activist” inoo
noqda oo fagaare kasta oo la isugu yimaado qadiyadeena u dooda, sidii naag
Profaysarad ahayd oo Denish ah oo shir aannu ka qayb galay oo arimaha geeska
Afrika lagag hadlayay, u doodaysay sidii loo aqoonsan laha qadiyad aan saldhig
sharci lahayn, oo la hubo in qadiyadeenu 100% ka saxsanyahay kana xaqsantahay,
miyeynaan sidaas oo kale yeeli karin?
In aynu faafino dhibaatooyinka dadkeena lagu hayo oo aynu ka qayb galo shir
walba oo arimaha xaquuqal insaanka & siyaasada geeska Afrika lagag hadlaayo.
Qof kasta oo aqoonyahan ah waxa wadankiisa iyo dalkiisaba ka saaran waajib
in uu wax u qabto, hadaba hadii aynu taas isla garano, muhiim ma aha in jago la
inoo wada magacaabo ama cid amar aynu ka sugno ee qof waloowba inta meesha aad
joogto aad ka guntato waa in aynu waajibka ina saaran iyo kaalinta inagu aadan
aynu buuxinaa
Dadka caadiga ahna waxa saaran iyagan masuuliyad wayn in ay wax laqabtaan
aqoonyahankooda wanaagsan ileen kaligood waxaba ma qaban karaane. Si guusha
kama danbaysta ah loo gaadho aniga waxay ila tahay dhibaatada aqoonyahanka
Somalida Ogadeniya haysata waa midnimo la’aan , waxaynu la wadaagnaa arintaas
Soomalida iyo wadamada Afrikaan oo idil, waxayna dugsanaysaa sababo badan.
Waxaan hubaa hadii ay aqoonyahanka Somalida Ogadeniya ay isuyimaadaan oo ay
ka wadashaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka dadkeena & dalkeena
haysta si degdeg ah oo sahalan ayaa xal loogu heli lahaa. Bulsho waliba oo
aduunka ku nool aqoonyahanku waa kuwa ugu garaadka sareeya, laakiin hadii ayna
midnimo iyo daacadnimo jirin oo aan lawada hadal, kaas oo kusalaysan anshaxa
madani ah, & adeegsiga mabaadiida cilmiga wadahadalka iyo wadaxidhiidhka
(communication principles), aqoonyahanka waxba ma taro hadii taas la waayo.
Waxaa waajib ku ah qofka aqoonyahanka ah ee Soomalida Ogadeniya in uu ka
qaybqaato halganka lagula jiro gumaysiga Itoobiya, waxaana loo baahanyahay inta
la iska dhigo meel doonista rabitaan shaqsiyadeedka, waa in aqoonyahankeenu u
guntadaa sidii ururka jira loo xoojin lahaa ! korna loogu qaadi lahaa abaabulka
shacabkeenna qurbaha ku nool (diaspora) ee intooda badan qadiyadda ka jiifa, oo
aan ku dadaalo sidii ay qadiydooda u taageeri lahaayeen.
Waana in aan dadaal dheeraad ah u gallo sidii ay inta badan shacbiga
Ogadeniya ay legitimacy iyo walaayada u siin lahaayen(ugu hiilin lahaayeen)
ururka ONLF. Iyada oo aanan hilmaamaynin in fikrado lagu kala gadisnaan karo,
haddii u yoolkeenu yahay in aynu dhibaadad dadkeena ka saaro waxa inoo
dhaxeeyaaba waa wax yar oo farsamo(technic) ah umbuu noqon karaa, waa hadii ay
daacada inaga tahay in dadkeena dhibka laga saaro. Guusheena oo hadda maalin ay
nooga dhawdahay aynan jirin ilaa iyo maalintii u Ingiriisku Itoobiya inagu
wareejiayay,sababta oo ah Itoobiya oo aan mid ahayn, awal mid bay inoo ahayd oo
waxaa jiray wax la yidhaahdo( ya itobiya andhinat) isku mar bay inagu soo duuli
jireen, maanta qolo waliba deegaankeeda umbay ilaashanaysaa ee qoloqolo ku soo
duuli m! ajirto iyo halgankeena oo maanta heersare maraaya.
Waxaa kale oo xusid mudan qaar ka tirsan aqoonyahanka Soomaalida Ogadeniya
ayaa waxay dabada lagaleen qabiil, arintanina waa dhibaatooyinka ugu waa wayn
ee aqoonyahanka kala fogeeyay sababta oo ah, dhibaatooyinkii Soomaaliya ka
dhacay ayaa saamayn wayn ku yeelatay, laakiin waxa aynu wada ogsoonahay qabiil
heerka uu Soomaaliya gaadhsiiyay iyo faaiido daridiisa, guul waxaa lagu gaadhi
karaa urur(oraganization) hadaf iyo stratijiyad leh. Gaar ahaan aqoonyahankeenu
waxa uu aqooyhahanka kale kaga duwanyahay, wadankeena oo gumaysatayaal faro
badan oo kala duduwan ay gacanta ku dhigeen oo ay raadad badan oo kala nooc ah
ay bulshada dhexdeeda ku reebeen sida Viruska la iskutalaalo oo ka mid yahay
cudurka cusub ee SARS(Severe Acute Respiratory Send rum) ” cudurka halista ah
ee ku dhaca neef-mareenka” kaas oo da! dka si sahalan ay isu qabadasiin karaan
, waa in aynu la dagalamnaa sida ay dunidu cudurkan ula dagaalamayso, oo aynu
xakamaynaa, waxaana lagu xakamayn karaa aqoonyahanka oo si wada jir ah uga qayb
qaata dabargoynta cudurka qabiilka.
Waxaa cad in ay aqoonyahanku yahay lafdhabarka & iftiinka bulshada, ee
go’ooyin aan ahayn dhiniciina ayay ka jiiftaaye kaca oo ummadiina wax u qabta
indinka ayaa la idin sugayaaye!!!!!!!!.
”Qofkii ONLF qabiil ku raacaa wuu khaldanyahay,
Qofkii ONLF qabiil ku diidaana wuu khaldanyaha”
Midnimo waa xoog
Xoogna waa xoriyad
Xoriyadna waa nolol!
Sadxeda kooxood ee aan aqoonyahanka Somalida Ogadeniya u kla qaybiyayna
bulshada ayaa nin walba waxa u yahay ku sifayn
Guul & Gobonimo ayaa inoo rajaynayaa.
Hassan Moalin
hasmoa@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
UNICEF: Somalia Has Unique Chance to Halt AIDS
Read Here.... [Reuters.com]
.. WARAYSIGII ABDULLAHI
NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK
..
FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|