SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Ayman AlSawaahiri oo cajalad maqal ah soo diray

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Ayman Alsawaahiri oo ah ku xigeenka hogaanka sare ee urrurka Al-Qaacida ayaa cajalad maqal ah oo kaga codsanayo muslimiinta Pakistaan iney xukunka ka tuuraan l madaxweyne Musharaf, ayaa laga sii daayey telefeyshinka Al carabiya maalintii axada aheyd ee ina soo dhaaftay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Ayman Alsawaahiri uu soo dirro cajal maqal ah oo uu ugu hanjabayo Mareykanka iyo xulafiisa, hase ahaatee cajaladan maqalka ah ee lasoo diray telefeyshinka Al- carabiya ayaa gebi ahaanba ka duwan kuwii horey loo soo diri jiray, waxaana codka cajaladaasi oo ah Ayman ka codsaday muslimiinta dalka Pakistaan iney afgembiyaan madaxweye Musharaf-ka dalkaasi oo ku sheegay inuu qiyaameeyey muslimiinta isagoo la saftay Mareykana kuwaasoo xukunka ka tuuray maamul islaami ah oo ka jiray dalka Afgaanistaan iminkana ay doonayaan iney ciidamo dheeraad ah u diraan dalka Ciraaq.

Ayman Alsawaahiri waxaa uu sheegay in Pakistaan oo ah cadowga koowaad ee Hindiya uu Musharaf gacanta u gelin doono hadaan laga hortegin ay imaneyso dhibaato weyn waxaana uu intaasi ku daray hadalkiisa in Masharaf uu lamid yahay hogaamiyaha Falastiiniinta Yaasir Carafaat oo Israa'iil iyo Mareykanka maxbuus ugu ah xafiiskiisa islamarkaasina uu aqbalay Yaasir Carafaat wixii ay Yahuuda iyo Mareykanku doonayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Al-sawaahiri waxuu ka digay qatar xoogan oo ku soo socota muslimiinta caalamka isagoo taasi tusaale u soo qaatay booqashii dhawaan ra'iisal wasaaraha Israa'iil ku tagay dalka Hindiya ayuu ku sheegay in taasi ay tahay macnaheeda isbaheysi cusub oo la abuurayo si loogula dagaalamayo Islaamka.

Iska wada duubo cajaladahan tirada badan ee dhambaal ahaanta looga soo daayo telefeyshinada Al carabiya iyo Al-jazeera ayaa ah kuwo ay hogaamiyeyaasha urrurka Al- Qaacida ku doonayaan iney wax ugu sheegaan muslimiinta maanta sida weyn ugu careysan Mareykanka iyo xulafadiisa markii ay ku xirriirsheen waxa loogu yeero argagaxisada haatana dagaalka aan qarsoodiga aheyn kula jira dunida Muslinka.
Inkastoo codka Ayman Alsawaahiri ay tahay jug kale oo xoog oo dhaawaceysa qorshaha maamulka Washington iyo guullo ay sheegteen iney ka gaareen aragagaxisada.

Ma dheereyn markii talefeyshinka Al-jazeera laga siidaayey muuqaalkii Ayman Al-sawaahiri iyo Osama Bin Laadin oo ay labadooduba maamulka Washington sheegeen iney ku dileen dagaalkii ay ku qaadeen dalka Afgaanistaan halkaasoo xarun u aheyd maamulkii Taalibaan iyo Al- Qaacida, waxeyna muuqaladii Bin Laadin iyo saxiibkiis cadeeyeen in geeridii lugu sheegay aaney wax ka jirin.

By, Ikraam
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com  

Faafin: SomaliTalk.com | September 29, 2003

 

UNICEF: Somalia Has Unique Chance to Halt AIDS Read Here.... [Reuters.com]

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD