SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB
Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Waxaa af-Soomaali u tarjumay: Cabdulfataax M. Cabdulle


 Halkan ka daawo sawirada dayax gacmeedka
 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Dayaxgacmeed ay Yurub dhistey oo magaciisa la yiraahdo Smart-1 ayaa 27kii september saacaddu markii ay ahayd 23:14 GMT, ka shiraacdey (blasted off) Xarunta “Kourou Spaceport” oo laga maamulo adeegga loo dirayo hawada sare ee ku taal French Guiana.

Laba iyo afartan daqiiqadood ka dib, markii la direy dayaxgacmeedkaas ayaa hawl-wadeennadii dhulka ha hagayey waxay sheegeen in qaybtii hawada u duuleysey ee ka tirsaneyd makiinaddii dhulka ka kacdey ay sidii loogu talagaley uga furatey (released) makiinadda inteeda kale (Ariane 5 rocket launcher) oo ay u abbaartey wadiiqadii loo qorsheeyey.

Smart-1 waxaa uu tijaabo ku sameyn doonaa xawliga uu hawada sare ugu soconayo, kadibna wuxuu sawiri doonaa (map) sagxadda guud ee dayaxa dushiisa (lunar body's surface) marka uu soo noqon doono sannadka 2005.

“Mar haddii cir-bixiyeennadu ay hawada sare u bexeen, micnuhu maaha in ay soo heleen wax kasta oo halkaas ka jira oo ay tahay in la ogaado”, sidaas waxaa yiri Prof. David Southwood, oo ah madaxa Hey’adda Sayniska ee Adeegyada Hawada Sare ee Yurub (European Space Agency).

Smart-1 oo ah dayaxgacmeed aan dad saarneyn (unmanned) ayaa soo baari doona in uu “dayaxu” biyo leeyahay iyo in kale. Baaritaankaas waxaa kale oo uu soo uruurin doonaa xog sax ah (precise data) oo ku saabsan kiimikada uu ka sameysan yahay.

Macluumaadkaasi waxay xaqiijin doonaan aragtida ah in dayaxu uu ka abuurmay isku-dhicis (collision) u dhexeysay dhulka iyo shey kale muddo aan sidaas uga fogeyn marki habka ama nidaamka ku wareegidda qorraxda (cadceedda) uu ahaaday.

Laba dayaxgacmeed oo ku hawl leh isgaarsiinta ayaa iyagana garab socdey Smart-1 oo isku mar lala direy. Labada dayaxgacmeed ee kale, mid waxa leh Talafishin laga leeyahay dalka India, kan kalena waxa uu la shaqeynayaa Internet-ka Yurub.

Waxaa af-Soomaali u tarjumay: Cabdulfataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | September 29, 2003

UNICEF: Somalia Has Unique Chance to Halt AIDS Read Here.... [Reuters.com]

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD