|
Shirwaynaha 2aad ee golaha masaajidda soomaalida America
ee Columbus, Ohio,U.S.A. oo Qabsoomay Taariikhdu markey aheyd August 30-September 1, 2003.
Shirwaynaha waxaa ka dhacay 10 maxaadaro oo ay soo jeediyeen culumada
ka soo qayb gashay shirka, iyadoo laga tixraacayo muxaadarooyinkii
iyo kulamadii kala duwanaa ee saddexda maalmood ka socday Masjid
Ibnu Taymiya ee magaalada Columbus, Ohio. Waxaa laga soo koobi karaa
qodobada soo socda:
1. In dadka ku nool galbeedka ay ilaashadaan diintooda iyo
dhaqankooda islaamiga ah kana digtoonaadaan waxyaabaha halista u
ah arrinkaas gaar ahaan ubadka iyo haweenka iyo da'yarta.
2. Dadwaynaha soomaaliyeed iney naftooda ka badbaadiyaan cudurka
qabyaaladda ee khatarkta ku ah bulshada soomaaliyeed.
3. In lagu baraarugo fadliga uu leeyahay barashada cilmiga
sharciga ah, gaar ahaan qofku intuu dhalin yar yahay.
4. Dhibaatooyin weyn ayaa haysata qoysaska soomaalida oo
burbur badani ka dhacay intii ummaddu barakacday, in labada is
qabaa guriga burburka ka ilaaliyaan, mid walbaana ilaahay ka cabsado,
waxa uu leeyahay iyo waxa lagu leeyahay.
5. Nolosha aduunka inaan lagu kadsoomin, lana xusuusto
dhimashada, aakhirana indhaha lagu hayo, arrinkaasna qofka
sacaadadiisu iney ku jirto.
6. Salaaddu waa tiirka islaamka, waa xiriirka qofka iyo Rabi
ka dhexeeya, qofkii ka tagaana waa qof diintiisii dumiyey, Rabina
xiriirkii uu la lahaa uu gooyey.
7. Dadka muslimiinta ah waxaa waajib ku ah inay qabsadaan sunada
Nabi Maxamed calayhi salaatu wa salaam, kana digtoonaadaan bidcada oo
ah shay kasta oo lagu cibaadaysto oon diinta asal ku lahayn.
8. Tarbiyadda caruurta iyo da?yarta waajib culus ayaa ka saran
waalidiinta iyo bulshadaba, shir waynuhu wuxuu aad iyo aad ugu
xeeldheeraaday in ilmaha lagula dadaalo tarbiyadda islaamiga ah
9. Tawxiidka waa asalka islaamka iyo asaaskiisa, sidaa darteed
ayaa loo baahan yahay qof walba oo muslim ah in uu tawxiidka adkeeyo.
10. Dadka muslimka ah waxaa loo dardaarmayaa inay khilaafka
iska ilaaliyaan.
11. Shir waynaha wuxuu baaq u diray shirka dib u heshiisiinta
soomaaliyeed ee Nayroobi, in uu ku booriyo in shareecada islaamka
loo noqdo, dastuur kusalaysanna ummadda loo dhigo wuxuuna ka digay
jid kasta oo quraanka iyo sunnada ka fog in aan wanaag lagu gaarayn.
Arrimahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa shir waynuhu ku falanqeeyey
iyadoo cajlado maqal iyo muuqaal ahba, waxaa ka helaysaa meelaha
cajladaha iyo webside-yada islaamiga ah sida: www.risaala.com,
E-mail: webmaster@Risaala.com, Tell: (612) 455-2665,
Cell: (612) 998-1485.
Ugu danbeytii shirka waxaa culumada la weydiiyey su’aalo aad iyo aad
u muhiim ah, culumadana kheyr allaha siiyee waxey isku dayayeen
su’aal walba oo la soo weydiiyo in sidey tahay uga qanciyaan ahelkeeda,
oo ay jawaab sax ah siiyaan. Markii in muddo ah su’aalaha ay socdeen
ayaa waxaa dad weynihii faraha badnaa oo ay tiradooda gaareysey
qiyaas ahaan dhowr kun ayaa waxey culumada soomaaliyeed ka codsadeen
in ay u duceeyaan, saa culumadii intey aqbaltu yiraahdeen ayey mudo u
dhaw 30 daqiiqo u duceynayeen ummada islaamka dhamaantood, qaasatan
soomaalida, gaar ahaan dadka qurbaha jooga in uu ilaahey diintooda
ka fidneyn, oo caruurtooda ka habaabin, iwm.
Runtii aqristow waxyaabihii aan ku arkey shirkaas, iyo wax yaabihii
aan ka faa’ideystey, iyo wax yaabihii aan kala kulmay shirkaas wax aan
qoraal ku soo koobi karo ma ahan, laakiin waxaana nasiib laheyn
qofkii awoodey inuu shirkaas ka soo qeyb galo oo aanan ka soo qeyb
galin wahsi iyo aduunyo jaceyl owgeed, sidoo kale waxaa nasiib leh
qofkii fursadaas dahabka ah ka faa’ideystey, oo la kulmey culumadii
soomaaliyeed badankood intii qurbahaha joogtaye.
Culumada kheyr ilaahey ha siiyee waxey inoo sheegeen, oo ay inagula
balameen in ay sanadkiiba hal mar la dhigi doono shirkaan oo kale,
oo sanad kasta laga dhigi doono state………..state-kaasoo ka mid ah
state-yada ay soomaalida dagantahay.
Ugu danbeytii waxaa walaalehey u dardaarmayaa u dhaqanka diinta
islaamka meel walba oo ay joogaan, waxaana ku baraarujin lahaa in
ayna sahlan oo ayna fududeysan shirkaas, ee ku dadaal in aadan ka
baaqan kan soo socda insha’allah, una sii tabaabusheyso hadda, oo
jadwal u sii dajiso, si aadan uga baaqan shirka.
Walaalayaal kanni waa walaalkiin oo idin leh waxaa inoo balana
sanadka cusub, iyo shirka cusub, iyo state-ka cusub oo la iskugu
imaan doono insha’allah, iyo walaalaha muslimaadkaa oo mar kale is
arka. Wabilaahi towfiiq wajazaa kumu laahu kheyran. Shukran.
PS. Wali culumada inooma sheegin sanadka cusub state-ka uu shirka
ka dhici doono, iyo waqtiga uu dhacaayo, ee sidaa ula soco.
Waa qoraalkaan idiin soo gudbiyey Osmanbilad @ Masjid Ibnu Taymiyah &
Islamic Center, oo ku yaala magaalada Columbus, Ohio,. U.S.A.
osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Sept 3, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|