SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

SOOMALI-NIMADU MAXAY LA QEYMA TAHAY MAANTA?

QEYBTII LABAAD

QORE: abdullahigulled@hotmail.com

Hubaal waxaa ah in ummad kastaa oo horumar xaga dhismaha mujtmacooda ah gaartay ay daliishanayaan waxyaabo asal u ah horumarka ay gaareen, waxaa sidoo kale lagu gartaa hadal heynta ay hadal hayaan noloshoodii tagtay, iyo wixii ay soo mareen oo dhibaato iyo wanaagba ah. Waxaa kaloo jirta hadal heynta noocaan ah ee la hadal hayo wixii la soo maray xiligii tagay in iyana laga heli karo mujtamacyo bur buray sida somalida oo kale, waloow ay dadka noocaan ahi ka sii qaadayaan niyad jab iyo kalsooni xumo ah in ayan marnaba suura gal aheyn in waxwalba sidoodii ku soo noqdaan, marka loo eego kuwa iyagu weli dhisan horumarkana sameeyey.

Hadaba maanta waxaan jeclaan lahaa in qoraalkeygan aan ku bayaansho dhowr arimood oo aan is iri armay muhiim inoowada yihiin, in aanu isu tebino isna wada gaarsiino, kaayaga ogsoon iyo kaan ogsooneynba. Arimaha aan jeclahay in aan bayaansho waxaa ay u kala baxaan labo qeybood kala ah dadkeenii somaliyeed iyo dalkeenii somaliya.

A: Dadkeena somaliyeed waxaa ay ahaayeen kuwo marxalada kala duwan soo maray, waxaana ugu badnaa saddex qeybood oo kala ah Xoolo-dhaqato, Beeraley, iyo Magaalo joog. Muhimada aan ka leeyahay ma ah in aan sharaxo sida ay kala yihiin saddexdaan qeybood, balse waxaan uga gol leeyahay in badanaaba ummad kastaa oo caalamkan ku nool ay soo wada martay ugu yaraan laba ama saddexda qeyboodba, iyada oo maanta labo kamid ahi ay yihiin kuwo dhaqaale fara badan lagu baxsho si ayan u baabi’in, oo tartarkan cusub ee nololeed oo maanta socdaayi ay ula saan qaadaan. Beeraha iyo xoolaha ayaa ah kuwa noolaha ilaahay noloshoodu geliyey, waxaana lagu kala duwan yahay hadba sida looga faa’ideysto, oo xooga loo saaro.

Soomaalidu waxaa ay tahay dadyoow iyagu xooggoodu ilaah afka gashay oo hadalkoodu uu ka awood badan yahay nidaam kastaa oo umad loo dejiyaa, si ay dantooda u wada ilaashadaan. Ceebeynta soomaalidu ceebeyso xoolo-dhaqashada, iyo beerahaba, oo ay marwalbaa ka door bidi jireen ku xirnaan-shaha wadamada dibeda oo ku cadaadiyey in dadweynaha somaliyeed ay ka fogaadaan waxyaabaha waagii dambe loo baxshay wadani [waxyaabaha wadanka ka baxa], ahna kuwo runtii caalamka aanu ku nool nahay heer sare uu ku gaaray iyo nidaamkii xumaa ee dowladeed oo aanan haba yaraatee daryeel siin dadka aanan ka quusan iyagu rajada beer-falashada, iyo xoolo-dhaqashada, ayaa la oran karaa in ay hoos u dhigtay rajadii aheyd rabitaanka wadanka, iyo awoodiisa soo jiidasho oo badanaaba dhalisa kal gaceyl dheeraad ah oo uu qofku u qaado wadankiisa aaminana.

Hadaan tusaale u soo qaato, waxaa badanaaba somalida ku nool qurbaha ay isweydiiyaan dhibaatada guud ee afrika ka wada jirta awgeed, waxa soomaalidu ay mar walbaa u noqdaan kuwa ugu badan ee soo gala europ-ta, amaba wadamada kale oo ay dunida islaamku ugu badanyihiin. Hadaanu soomaali ahaan is bar-bar dhigno wadamada deriskeena ah, waxaa dhaceysa, in almost la oran karo soomaalidu waxaa ay jebisay rekord-kii safarka umadi uga baxdo wadankeeda, iyada oo badanaaba sababta koowaad laga dhigi karo dagaalka sokeeye ee rajo darada dhigay in badan oo soomaalida ka mid ah.

Tusaale kale ayaa laga hayaa madaxweynihii kenya ee hore Daniel Arap Moi in uu yiri “Kenya waxaa xaq ku ah in ay u fiirsato waxa somaliya ka dhacaya, soomaalidu waa ay isleysay, wadankoodana waa ay burbursheen, waxaana ay haatan marti ku yihiin wadankeena, iyaga oo hela dhaqaale kaga yimaada eheladooda oo dibedaha ka soo taakuleeya, la’aantoodna waxaa ay soomaalidu ahaan lahaayeen sida kenya oo qaxday, inleyn cidna uma maqna, wadankoodiina ka barakace”.

Tusaalaha iigu yaabka badan ee aan maqlay ayaa ahaa mid uu ii sheegay nin oday ah oo u dhashay wadanka Brundi “kana mid ahaa madaxdii xilka laga xayuubshay ee wadankaa inta dagaalka sokeeye uusan halkaa ka dhicin” oo aanu Business school wax ka wada baran jirnay, in uu maalin maalmaha kamid ah ku tilmaamay xaalada murugsan ee wadankiisa ka taagneyd mid soomaali-garoowday inaga oo markaasi iskuulka wada fadhina, kana hadleynay dhaqamada kala duwan.Ninkaan ayaan ka codsaday in uu ii sheego sababta ku kaliftay in uu wadankeyga soomaaliyeed heerkaa gaarsiiyo, maadaama aanu aheyn saaxiibo runtii aad isaga war haya, waxaa uu iiga sheekeeyey in “xaalad soomaaliyowday” ayan aheyn mid uu isagu abuurtay, balse ay tahay waxyaabaha hada lagu bartay luqadaha cusboonaaday ee siyaasada loo adeegsado, waxaana uu ii sheegay in uu dhowr jeer ka maqlay idaacadaha afka fransiiska ku baxa in ay aad u adeegsadaan kalmadaas iyo kuwo badan oo hada cusub.

Akhristoow waxaa xiligaa intii ka dambeysay aan aad ugu guda galay hab dhaqameedka somalida oo aan aniguba kamid ahay, intooda badan ee qurbaha ku nool iyo sida ay u qaabileen kala duwanaanshaha iyaga iyo wadamada ay ku nool yihiin. Waxaa badanaaba dhacda in soomaalidu ay iyagu u arkaan in la dulminayo, hadaad u fiirsatana ay yihiin iyaga kuwa dadka isku soo jeedinaya, waxaana lagu tilmaamaa in ay yihiin Very Conservative amaba dad aad ugu dhaggan afkaartoodu in ay tahay mida ugu saxsan, qaladba haduu jirana uu yahay midka iyaga lagu hayo, xaq maqana uu yahay mid xagooda ka maqan. Aqristoow waxaad ogaataa in waxa soomaalida kala qeybiyey in ay kamid tahay garasho la’aanta danta guud, iyo xaqdhowrka guud ee ku saleysan dantoodu in ay tahay tan ummada iyo ilaalinta danta guud in ay tahay tan gaarka ah ee qof walbaayi leeyahay.

Qofka somaliga ah waxaa uu matalayaa diintiisa ka sokow wadankiisa, iyo muuqaalka ummada uu ka soo jeedo. Ilaalinta arintaasina waxaa ay waxtar ku tahay dalkiisa iyo diintiisa iyo aaminka guud ee wadankiisa laga qaadan karo. Waxaan ku soo qatimayaa arin kaloo iyaga yaabisay subax aan u socday skoolka aan sare ku soo xusay ayaan ka dhageystay gaari aan watay raadiyihiisa war bixin laga soo saaray ajaanibta guud, ee ku dhaqan yurubta, sida ugu fiican ee ay u shaqeysan lahaayeen, ugana fogaan lahaayeen waxa la yiraahdo social welfare amaba lacagta soomaalidu u bixisay ceyrta [ oo ah magac runtii la asiibay]. Hadaba nin kamid ah ragii arintaa loo xilsaaray baaristeeda ayaa waxaa uu waxoogaa dulmar ah ku sameeyey ajandaha ay hayaan isaga iyo kooxdiisa isaga oo ku qanancsan howsha uu hayana waxaa uu yiri “ hadii howshani sida aanu uga soo shaqeynay loo hirgeliyo, aanan laga quusan xili kastaa ha qaadatee, waxaan hubaa in cid walbaa ay jeclaan doonto shaqada loo soo bandhigo xitaa somalidaba.”

Waa socotaa insha allah................

Walaalkiin

WADAN IY NABAD INSHA ALLAH

QORE ABDULLAHI GULLED ALI

E-MAIL abdullahigulled@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE A. GUULEED

Faafin: SomaliTalk Sept 3, 2003

Afeef: Aragtida qoraalak waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]