|
Boqoradii Quruxda Hema Malini oo Soo
Galaysa Baarlaman-ka Hindiya.
Abdiaziz Ahmed Mousa Hindiya .
abdiaziz2@hotmail.com
Actre-ad
Hema Malini Oo Ahayd Boqoraddii Quruxda Ee
Sanadihii 1970 ilaa 1980 ayaa Ku Biiri Doonta Dhawaan Baarlamanka Hindiya Hema
Malini Oo Aad Looga Jeclyahay Dalkeeda Hindiya Ayaa Ololaheeda ay ku Noqonayso
Xubin Baarlamaan ka bilaabi Doonta Dagmada Gurdaspu oo ku taal Gobolka Xagga
waqooyi xigee Punjab Ee Dalka Hindiya Jagadan ay Doonayso Actre-dda Caanka ah
Ee Mrs Hema Malini waxa Retire Ka Noqoday Mudane Rajya Sabha oo In Badan ka
Tirsanaa Baarlamaanka Hindiya Mudane Rajya waxa uu Quudareeynayey in uu mar uun
Noqodo Madaxda Caan-ka ah Ee Hindiya Sida Raysal wasaare iyo Madaxweyne laakiin
ma uu siin Nasiibkiisu laakiin waxa uu filayaa Mudanahaasi in Hema Malini ay
Noqon Doonto mar uun raysal wasaaraha Hindiya.
Hema Malini Oo Siyaasadda Hindiya Soo Gashay
Imika waxa ay muddo Hore u Ololaysay Xisbiga Xagg Jira Ee Talada Dalka Hindiya
Haya Ee BJP oo Imikana Ay u Sharaxan tahay Mrs Mema Malini Waa la Hubaa in ay
Soo Gali Doonto Aqal-ka Baarlamaanka Hindiya laakiin waxa laga Rabaa In ay
Noqoto Mid Xagg Jira oo mar walba la Safan Siyaasadda Kooxda Mitid-ka ah ee
hunduuga BJP.
Lala Kirshna Advani oo Ah Raysal wasaare Ku
Xigeen-ka Dalka Hindiya ahna Madaxda Ugu Caansan Dalka India Ahna Nin Neceb
Pakistan iyo Kooxaha Muslimka ah ayaa Ololaha ay ku Noqonayso Xubin Baarlaman
Hema Malini ka Bilaabay Gobolka Punjab
Warfaafinta Dawlada Hindiya ayaa laga Badiyay
Hadal haynta Gabadhaasi Si loo xasuusto Quruxdeedii ay caanka ku ahayd.
Actre-da Hema Malini oo ahayd Gabadhii Ugu
Caansanayd xagga Film-hindiga Sanadihii 1970 ilaa dabayaaqadii 1980 Oo Dad
Badan oo Somali ahi Ay Daawan Jireen Aflaamteeda Sanadahaasi
ayaa Noqon Doonta Siyaasiyad Cusub oo
baarlaman-ka Soo gali Doonta Hema Malini oo Iyadu laf ahaanteeda markii laga
daba Dhacay Quruxdeeda iyo Qoob ka Ciyaarkeega Isku Bixisay "Boqoradii Quruxda
Aduunka Aan Soo Mari Doonin" Ayaa Guursatay Laba Nin waxana ay Dhashay Acter-ad
Esha Deol Ee Imika Iyana caan ka ah Dalka Hindiya .
Abdiaziz Ahmed Mousa Hindiya .
abdiaziz2@hotmail.com
Qoraaladii hore ee Cabdicasiis
SomaliTalk sept 3, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|