SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 GOLLAHA SRRCda OO KULAN LA YEESHAY GUDIGA FARSAMADA IGAD. IYAGOO HOR DHIGAY DHOWR QODOB OO XASAASI AH.

Gollaha SRRCda oo september 1deedii kulan la yeeshay gudigga farsamad igad ayaa soo hor dhigay qodobo ku wajahan shirka ka socda kenya.

waxa ka mid ahaa in aan waxba laga badalin heshiiskii shantii juun in aan la badalin deerow iyoxasan abshir hadii uu shirku burburayo waa sida ay shegeen,in aan talada loo daynin salaadiinta,o in aan wax laga badalin heshiiskii dastuurka iyo siduu u dhignaa midna.qodobadan ayaa jawaabtooda laga sugayaa gudiga farsamada igad. iyadoo mar kale ay kulan iskugu iman doonaan goluhu maalinta barri ah iyagoo sii wadaya shirarkooda.

Arrimahan ayaa ah kuwo ka hor imaanaya siyaasiyiinta kale ee joogta shirka maadaama ay doonayaan in qodobadan wax laga wax laga badalo,warar ku dhaw gudiga farsamada oo aan la hubin ayaa sheegaya in gudigu qorshayanayo in badalaad kusameeyaan Xasan abshir iyo deerow,arrintan badalaadooda oo ka dambaysay kadib markuu madaxweyne dowlada KMG ah sheegay in aysan labdaas xubnood matalin magaca TNG da,isla markaana uu badalaad ku samaynayo maadaama uu markii hoore isagu magcaabay.

dhinaca kale wali waxaa la filayaa maalmaha soo socda in wafdi ka socda jamhuuriyada la magac baxday somaliland ay yimaadaan shirka,sido Dr C/qaasim ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn loo hadal hayo in uu yimado shirka maalmaha soo socda.

shirka nabadaynta oo galay bishii 11aad waxaa l afilayaa in goor dhaw lasoo gabagabeeyo iyadoo balse khilaafaadka ayaan ahayn kuwo yar oo dhibaatadeda leh waxa uu wali muran xoogan ka taagan yahay ansaxinta dastuurka.balse wax walba waxaa ka muhimsan iyadoo la gaaro heshiis guud.

canabmumtaz@hotmail.com

somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2003

QORAALADII HORE EE CANAB MUMTAAZ

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD