|
Simanaar looga hadlayey khayraadka Badda oo ka
furmay Magaalada Boosaaso
Cawaale Jaamac Salaad
SomaliTalk.com | Bosaso, somalia
jamnaf87@hotmail.com
Waxaa Hotel Huruuse ka furmay Siminaar looga hadlayey Khayraadka Badda ,
siminaarkaasi oo looga gol lahaa in wax laga fahmo khayraadka Badda lana ogaado
, xaaladda ay ku sugan yihiin khayraadka dihin ee ku nool Badaha Somalia.
Siminaarkan ayaa waxaa soo agaasimay wasaaradda kalluumaysiga iyo Dekadaha ee
Dawlad Goboleedka Puntland , waxaana halkaasi furay Agaasimayaasha guud ee
Dekadaha iyo Kalluumaysiga , waxayna xuseen dhibaatada lagu hayo kalluunka ku
nool Badda , waxayna si weyn uga hadleen maraakiibta waaweyn ee Jarriifta Badda
kuwaasoo aan waxba u aaba yeelin.
Dhanka kale waxay xuseen mas’uuliyiinta wassaaradu sida loo dabto aaragoosatada
oo ah hab qaldan iyaga oo sheegay in aad loo ugaarsado xilliga ay siddo ugxanta
, taasi oo gababaabsi ka dhigi karta Aaragoostada .
Siminaarkan oo ay ka qayb galeen Shaqaalaha wassaaradda iyo NGO yada ka
shaqeeya deegaanka iyo dhawristiisa ayaa socon doona laba beri .
Cawaale Jaamac Salaad
SomaliTalk.com | Bosaso, somalia
jamnaf87@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |