Dood Furan : Damaca Reer Bari iyo Duliga reer Muqdisho.
“ Sidaad isu doorisaan iyaad isu doorataan “
Hadraawi , Socdaalkii nabada, July 2003
Qore: Hussein abdi-Gendisch
Hoss_abdi@msn.com
North Carolina. USA
Waxaa dad badani dunida daafaheeda ku nool aad ula yaaban yihiin sababta
soomali gaar ahaan reer koofur wax u qabsan la' yihiin si qarankii dumay
ee soomaaliyeed dib loogu yagleelo oo ay caruurtooda mustaqbal laa'aanta uga
samata bixiyaan, dumarka iyo inta da'da ahna ugu caafiyaan dandarada
,Silica iyo saxariirta. Somaali yaa hore ugu maahmaahday markaan tabar
hayeyna talo ma hayn, Hada oo an talo hayana tabar ma haayo. Malaha taas
ayey reer koofureed gaar ahaan reer bari iyo reer muqdisho ku sifoobeene.
Maxaa sababay in 13 sano oo soomaali wax ka qabsan kartay aanu galo hurdo
dheer oo aan marna laga soo toosin. Waxa ay iigu muuqata in ay faraha ka
baxday rajadii laga qabay in soomaali dib u istaagto , waxaana soona baxday
inaan ku jiro como ama suuxdin siyaasadeed iyo mid fakir intaba . Waxaa
hubaal ah inaan ku tagi doono hadii aan la helin talo Iyo figrad caafimaad
qabta oo ina badbaadisa. Waxaa is waydiiyey sa'aalo dhowr ah oo aan u
malaynayo in ay saldhig u yihiin dhibaatda jirta oo aan ku soo bandhigay
warqadan furan oo loo baahan yahay in si wanaagsan looga baaraan dego si
xalkeeda si aan sharaftii soomaaliyeed ee luntay ciida looga jafo Una helno
xal waafi ah..
...........
S1 . Maxay soomaali ku dagaashay mase laga heshiin karaa waxii lagu dagaalay
?.
J1.Hadii aan Suaashan si wanaagsan uga baaran dagno waxaa kuu soo baxaya in
soomaalida wixii ay ku dagaashay aanay garan ama aysan rabin in laga
heshiiyo taasoo marka hore lama huraan tahay in la fahmo in waxa lagu
dagaalay uu yahay awood siyaasadeed. Awoodaas oo hore loogu isticmaalay
eex qabiil oo salka ku haysa figrad qaabdaran oo ah " dalka aniga oo
kaliya baa leh oo ka yeelaya sidaan doono waayo reer hebel baan ka dhashay
". waxaa kale oo awoodaas loo isticmaalay ka aargoosi siyasadeed (
political vendetta ) oo ku wajahan dadka aad u malaynayso in ay siyaasad
ahaan kaaga soo horjeedaan oo dhulka lagu aaso siyaadad ahaaan . Taasoo
keentay in dad badan xabsi loo dhigo ama loo dilo. Waxaad moodaa in
soomaalidu ay u kala ordayso labadaas arimood sidii ay u fushan lahayeen.
taaso hore faraha looga gubtay. miyaanay soomaalidu dad fikiraya ahayn in
arinmaahan ay saldhig u yihiin wixii qaranka soomaaliyeed dumiyey , in dib
loogu noqdaana ay tahay arin maxsuulkeeda aan laga fikiri karin
(unthinkable ), waxaa ay ila tahay in soomaaliya aanay dowladi ka dhalan
doonin inta ay is fiirsanayaa qabaalika waayeyn oo doonaya ina ay ummada
korka uga farristaan tasoo ay adkaan doonto in xukunka dib looga kiciyo
hadii ay mar u qabsadaan si sharci aha inta ay arintan maanka ku hayaan .
Mida kale waxaa ay ila tahay in dani ugu jirto soomaali oo dhan in xukunka
aanu qabsan qabiil weyn qatar ku ah jiritaanka qabaailka kale tasoo lumin
karta qaranimada soomaaliyeed.
S2. Soomaali kofureed nadaba ay radinayaan ma rabaan. daacaddse ma yihiin ?
J2. Waxaa Dad badan oo soomaali ah u muuqata in qabaailka qaarkood aanay
rabin in Dowlad ka dhalato soomaaliya . dadka diidan in dowladi dhalato
waxaa loo kale saari karaa sedex qaybood.
a) qabaaikal soomaalida qaar ka mid ahi waxaa ay Ku haystaan macaash aad u
baaxad wayn dhulka qabaalikoodu ta taliyaan , macaashkaa oo ku salaysn awood
qabiil , bililiqo iyo isbaaro , Duty free commerce ama canshuur la’aan
taasoo hadii dowlad dhalato ay la sinaan doonaan muwaadinada kale tasoo aan
marna u cuntami karin . Si hadaba ay u sii haystaan maalin ku dharagga
waxa ay maciin bideen in ay meesha ka saaraan qaran dhan oo soomaaliyeed oo
u fadhiya dartood. waxaa ay ka macaashaan dekeddaha , gegeda dayuuudaha,
isbaaralyda canshuurta ka masaakiin badeecadooda keensada suuqa iyo
baaburayda jidka marya. taasoo aan waxba loo qaban iyo beero xaaraan iyo
xalaal intaba lagu helay . Waxaa kale oo ay dhoofiyaan khayraadkii dalka
iyagoo wax ay u aaba yeelayaan aysan jirin(Xaalufin qaran) . Waxaa ay il
tahay in lagu howlgaliyo balanqaad in xoolahooda ay hasytaan loo amaan gelin
doono hadii dowlada waxa ka dhisaan. Hadii kalase malaayiinta ay maanta
haystaan ay dhumi doonto maadaama hadii dhaqaale la dhiso loo baahan yahay
dabadgelyo iyo degenaan qaran oo lagu ilaaliyo ^ stability" iyo iyadoo lagu
soo rago xanibaad shaqaale.(Freezing assets ) hadii ay diidaan in qaranka
dib u dhiskiisa at ka qayb qaataan.
b) Qaar kale oo qabaailka soomaalida kamid ah waxa doonyaaan in wadanka
dowlad ka dhalato si ay u helaan magacii iyo noloshii way hore u haysan
jireen waxaa se ay ka dhaqaaqi la yihiin in iyaga xukunka loo dhiibo hadii
kale aanan marna qaadan karin xukun qolo kale oo ay hore u maamuli jireen
maamusho oo si daacad ah uga qayb qaataan.( unreasonable ego ) waxaana ay
mar kasta oo la dhiso dowlad ku bilaaban dumin si aysan u meelmarin xukun
aysan iyagu hor boodayn.Waxaa ay ila tahay in dowlada la dhisayo laga siiyo
qaybo sare kuwooda ay taladu ka go'do lana soo dhaweeyo ee aan la fogayn.oo
aan laysku maaweelin kuwo magac qabiil haysta laakiin aan lahayn wax raacsan
oo dowlada laga qaybgeliyo.
c) Qaybta sedexaad ee qabaailka soomalida kamid ahi waxaa ay jeebka ugu
jiraan Codow sommaaliyeed oo waxaa ay ka baqayaan in dhibaatadii hore loogu
gaystay mar kale soo noqoto, iyagoo indhaha ka qarsaday tan amxaarku ku hayo
iyo mida soomaali ku haysa xeryaha qaxootiga ayna keentay dowlad la'aantu.
soomaali meel kasta oo ay joogto waxaa soo wajahday dibaatdani iyadoo aan
qabiilka ay ka dhasheen cidina warsan ayey meelkasta ku baaba'san yihiin .
waxaa ay runtii la mid noqdeen dadk loo yaqaan zingery or chips oo aduunka
meel ay degan yihiin aan la aqoon ee marba meel u guura( One coutntry to
another very year), qolooyinkani waxa ay maciin bideen in aan waxba la
helin oo sidaan loo joogo. waxaa ay ila tahay in la siiyo regional status
gooni ah . taasoo ay arimahooda ka tashadaan oo aan amrna dowlad dhexe oo
xoog lihi dhalan oo dhibaatdii u soo noqon. (Decentralization ), Waxaa ay
ila tahay in loo ogolaado Regional autonomy.
S3. Maxay qowmiyada qaarkood Isu maamili la’yiin oo dadkooda ugu samayn la’
yihiin hay’ado ama xoog kala celiya ugana soo horjeedaan qorshahaas hadii
qolo kale soo jeediso , qaarkoodna u raadinyaan in iyaga muhiimada in dalka
maamulaan la siiyo islamarkaana ay jirto kartid ximo ku wajahan wax
qabadkooda.yaa lagu abaal marin karaa hogaaminta dalka ma qofkii wadanka wax
ka qabta mise qoladii badan, taasoo aan raad raac la fahmi karo ku fadhin
balse ku qotonta islaweyni iyo qab aan kuwa kale qadarin oo laysku
maandhafay. ?
J3.Waxaa amakaag ah in qomiyadaha qaarkood aay ay rumasteen ama iska
dhaadhiciyaan wax aan suurta gal ahyn, waxaa ay aaminsan yihiin in ayiga
xaq u leeyiin in dadka intooda kale u hogaansamaan oo la dabgalo iyagoo aan
saldhig u samayn wixii lagu raaci lahaa. Wax ay soomaali u qabtaan daaye
aanay kale maxlixi Karin kuwa dad ugu dhow. meeshaan soomaaliya la yiraahdo
kama jirto wax la yiraahdo monarchy(constitutional or absolute ), hadii at
jirtana ma ahan mid leh dad raacsan oo tiro badan jiraan. soomaalidu waxaa
ay wax qabsan jirtay xoog iyo xeel intaba taasina maanta ma suurto geli
karto ee waxaa ay baahantahy in wax ku qabsadeen danaha gaarka iyo mida
qaranka oo la isu geeyey waa tan kaliya ee dowlad la usgu imaan karo ka
dhalan karto. kuwa ay la tahay in ay guul gaareen iyo kuwa ayla tahay in
laga guulastay waxaa ay ila tahay inaanay heshiis ahayn ee waa inay meel
iskugu yimaadaan laga wada hadlo dhibkii dhacay iyo in qolo guul gaartay
aanay jirin balse uu naga wada lumay qaran iyo magacii soomaaliyeed.
dhibaatadii dalka soo martay waxaa la rabay in aay dadka soomaaliyeed ay ku
tusaale qaataan oo ay kordhiso fikirkooda ku saabsan wanaaga ay leedahay
nabadu iyo dhibaatada dagaal sokeeye. Tustana runta kama danbeesta ah In wax
garadka ah uu ka ay isku danta yihiin oo ay iska qabtaa kan ugu dugaalay
qabiilka ee miyiga ka yimid ee rogay qarankii jiray . waxaanse aad ula
yaabay mar aan booqasho ku marayey dalalka yurub in meelkasta oo aad marto
ay wali soomaalidu fadhi ku dirir ku jiraan,( dad aan geeljiraha waxba
dhaamin ) waxaa is waydiiyey marar badan tolow soomaalidu ma daalaan
miyaa oo war iyo reer hebel sidaa baa sidaa la yeelay iskama dayaan. Maxaa u
diiday in ay wanaag ka hadalaan oo dantoooda shaqsi raacdaan Tan qarankana
qorshaheeda horseedaan. Tusaale aahan 10 nin oo soomaliyeed oo hal qolo ka
soo jeeda oo fadhida tareen station-ka Oslo Norway ayaan mar aan tareen ku
sugayey amakaag igu noqotay waxa ay ka hadlayaan iyo waxa ay isku hastaan
.waxaa taa ka darneed in laba marka loo qaybiyo qayb ka mid ah uu madaxu
cadaa. Waxaa camal kale oo wanaagsan laga sheekeeyo inoo diiday caadifad
qabiil oo kii aysan ku jirin ku tilmaanta inuu yahay wax ma tare.
S4. Maxaa keenay in soomaali waxaad ka waysay laga raadiyo cadow soo jiraan
ah oo soomali oo dhan dhaxal wareejinya lababda boqol sano eee socdana ay
adkaan doonto in la saxo. ?
J4. Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad nomad ah oo aan soo marin
xadaaradaha hore Humarku ka soo bilawdo gaar ahaan waxa loo yaqaano
faudalism
tasoo gaar ahaan dadka xoola dhaqatada ah ay ku yartahay ama aysan jirin
qiimo uu dhulkoodu ugu fadhiyo maka laga reebo maalintaa uu xoolaha
daaqsaday, balse u guuraa meel kale oo ka roon meesha ay cawska ka waayeen.
beeralayda iyo kaluumeysatada aaya ugu dhow wax xoogaa ka fahmay qiimaha
dhulka taasi waxaa ay keentay in aan la garanyn waxa dhulka iska leh iyo
cida uu ka dhumayo hadii la waayo . sideedaba soomaali waa ay isku caydaa
ama isku xumaysaa qoladii dhulkooda aad u jecel . taasi waxaa ay kamid tahay
wax yaabaha lumiyey waxa loo yaqaan nationalism. Dadka soomaaliyeed isuma
qiimeeyeaan aqoonta kartida iyo qofka soomaaliga ahi leeyahay eee waxaa ay
qiimeeyaan hadii qofkaasi yahay qabiilkooda oo kaliya .
Waxaad arkaysaa qof national treasure ah oo qof qabiilkiisa ahi ku faanayo,
taasoo lumisa sharafta qofkaasi leeeyahay maadaam lagu riday sanduuqii
qabiilka. somaalida waxaa ay jeceshagay in ay aanay kala rayn oo qofkoodna
ogolaan in laga raayey ama adkaaday. kii guuli raacdayna ma ogolaado in uu
qolada uu ka raayey ka qaado cadaadiskaa loo gaysto qofka tabarta yar,
sidaas darteed ayey soomalida dhamaanteed waxaa ay wada noqdeen. dad guul ku
nool ah lakiin runtii wada ah guul daro ku nool aan markasta garan karin
meesha guul daradu ka timid iyo sida looga gudbi karo. Waxaa amaan noqotay
reer hebel lagama adkaan karo waayo itoobiya ayey xirriiir wanagsan la
laayehiin oo ay ka helaan hub iyo saanad. laakiin waxaa maqan reer hebel
qaranimadii soomaaiyeed ayey dhaafsiisteen ficil qabiil aan aan marna noqon
karin danta qaran soomaaliyeed. kuna qasabta qabaailada la degan in iyaguna
raadiyaan qolo kale oo sidaas oo kale u taageerta soomaali ama ajnabi kuwii
ay doonaan ha ahaadeene. wixii doonaya in ay soomaali waxa ka noqdaan waxaa
ay ila tahay in soomaali oo kaliya ka raadiyaan waayo soomaaliya soomaali
baa leh. kuwa salka codow gashadayna waa ay sii kal durkinayaan soomaali
isu keenideeda.
S5. Soomaalidu ma qabiil bay isku haysataa mase shaqsiyaad xunxun oo aan la
aamini karin baa qabiil adeegsanya islamarkaan kicinaya dhaawacyo hore oo
dadku iska hilmaameen oo dib inoogu celinya halaag hore faraha looga
gubtahy.?
J5. Waxaa ay ila tahay in soomaaliya mar ay qabiil isu isku haysatay aty
jirtay balse maanta ay dhamaatay, in qof loo dilo ama loo dhoco waayo waa
reer heballkii xukunka doonayey iyo kii haystay . wixii laysku haystay
meesha waa ka baxeen. Waxaa laysku haystaa siyaasad iyo awood qolo kasta
doonayso in ayidu maamulka qaranka maroogsato ee aanay qabiil isku haysan
isuna nacbayn. maxaa uu kuu dhibay qofka degan Xudur and Kismaayo , Qardho
iyo Iskushuban and Ceelbuur iyo Mareeg. Gabiley am a Dahar jawaabtu waa
waxba. laakiin hogaamiyaha meeshaas ka soo jeeda Dhulkaas waxaa uu doonayaa
in cadaadiis iyo reerkaygu haku maamuleen ka shaqeeyaan. taasna soomaali
waa ay diiday ogolaana mayso, kii raadinayana waqti ayuu ika dhuminayaa ee
runta waxaa weeye in aanu geedka u hoostiisa fariisano oo wada hadalo ,
qoryahana iyo codowga soomaaliyeedna uga soo tagno halkii ay ka yimaadeen ee
dhulkooda ahayd. Maxaa keenay in lays xaqiro oo runta laga indha daboolaado.
reer hebel dhulkaas maleh , kuwaan baa ka soo horeeyey. war kii yimid 200
sano ka hor iyo ka hada soo galay dhulku waa uu inaga badan yahay hadii aan
qofna qof guriga uga jirin waanu ku wada noolaan karaa ee . waxaa ay u
baahan tahay in lagu qiimeeyo kii soo horeeyey kii gadaal ka yimidna sida uu
dhulka uga dhowro dhibaatada.
S6. Hadii aad qabiilku badan yahay ma xaq bay u siinaysaa in iyagu madaxwane
noqdaan, yaase soomaali tirakoobay ?.
J6. Waxaa ay ila tahay in dadka tiradoodu aanay qiimo badan sameeynayn
waqtigaan hada la joogo ee dadka waxaa lugu qiimeeyaa sida ay u urusan
yihiin ama ay wax iskaga maqlaan. tiro badana waxa dhaanta in yar oo tayo
wanaagsan. tusaale hadaan u soo qaadano dadkaa carabta loo yaqaano ee aan is
xijno inaan isku meel ka soo jeedno ee degan jasiiratul arab waxaa ay kor u
dhaafeen 300 milyan oo aan waxba ku heshiin .waxaana had iyo jeer ka
firficoon oo ka tayo wanaagsan dhowr boqol oo kun oo reer singaboor
laakiin leh qorsho dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wadnkoodu yahay hal
magaalo. Sidaas darteed 300 oo kun oo hal qabiil oo soomaali ah ka soo
jeeda ee aan isnabad gelin , ee maydku maalin kasta jidadka yaalo dumarka
aan daryeelin, caruurta aan wax la barin, ceel aanu u qodnayn , korontana
warkeeda daa waxaa dhaanta 50 kun oo meel kuwda nool oo kala amaan hela. wax
kal celiya samaystay. daryeelo dumarkooda iyo caruurtooda . arintaan hadii
aan isla fahamno waxaa ay keenaysaa inaan lasku qiimaayn anaa badan ee
laysku qiimeeyo anigaa dadkayga nabad iyo asluub wada noolaadho ka
dhexdhaliyey soomaalina u sii gudbin kara nabad waarta oo dhexdooda ah.
S7. Maxaa soomaalida ku qasbay hadii aad hogaamiyahooda qaloocan diido in
ay u badalaan in aad qabiilka nacabtahay.?
J7.Hadii aad iswadiiso maanta yaa soomaaliya hogaamin kara oo qaranka
soomaalia dhibaatadana ka saari kara ee aan aan qoladii aad ka dhalatay
ahayn ee aanay kuu muuqan waxaa aad tahay dhibaatada soomaaliya haysata mid
ka mid ah. adiga iyo kuwo kula mida ayaa aqristoow qarankan soomaaliyeed ka
socon la'yahay oo qofna ha eedayn ee adigu inaad is saxdo howsha qaranka ka
biloow . nin ani yiri dad iska reeb ayey soomaali ku maahmaahdaa ama nin
isfaanshay waa ri isnuugtay taasoo dhaqanka soomaaliya ceeb ku ah faanka iyo
inaad tiraado aniga reer hebel ah. hadii aanay soomaalidu wax ka barteen
dagaalkii sokeeye waxaa lag rabaa inaay kasaan in qofku isagoon qabiil
nacayb u qabin uu diidi karo shaqsi balse waa in laga helaa inuu qof kale oo
qabiilkaas kamid ah wax la jecelyahay taasi waa sifaha lagu yaqaano qofka
soomaaliga runta ah muslinkana aan magac uun ka sheegan ee ku dhaqma.
S8. Maxaa looga waayey in qof qabaailka uu ka dhashay yiraahda war heedhe
waxaa loo baahan yahay nin aan reeraheena ahayn oo xilka loo dhiibo Qof
soomaali oo dhan ka gadmi kara si uu inooga saaro dhibaatada soomaali ku
habsatay.
J8. Waxaa dad badan ii aan anigu ka mid ahay u riyaaqeen dad kala duwani
aay aad u taageereen dowlad laga dhisay carta iyo kuwa badan oo ka horeeyey,
balse waxaa markiiba soo baxday in aanay qabaalika soomaalida ahi intooda
badan qaadan karin qof ka soo jeeda gobole kale , kuwa mudug ka yimid ha ugu
daraadeene. waxaa taa kasii daraada markii madaxweynihii la magacaabay uu
lumiyey kuwii taageersanaa iska daa kuwa kale oo uu kasbado e. waxaa uusan
kasin waxa soomaali luminayso hadii uu guulaysan waayo. hadaba maxaa inoo
keenay in qabaailka intooda badani yiraahdaan aniga wax ha la i siiyo oo
aanay marna oran war heedhe kuwaan ku daalaye sheekadoodu ma dhaafayso Cali
iyo Caydiide Meelkale aan wax ka doono , oo soomaali u cuntami kara.
Tusaale : Hadii qolo soo saarto Cabdilaahi yuusuf oo kale waa lama huraan in
sooomaalida koofureed oo dhan ay diidayaan dagaalna ay ka xigaan tasoo ay
ila tahay in ay ku diidayaan shaqsi ahaan balse hadii ay keenaan oday kale
oo ay isku hayb yihiin sida Cabdirisaaq Xaaji xuseen ( Raiisal wassarihii
hore ee soomaliya ) , oo si ku meel gaar ah labo sano loogu dhiibo in
soomaali intooda badani riyaaqi lahayd . raalina ka noqon doonaan. Marka
waxaa soomaali ku guubaabin lahaa inta aanay qof soomaalida kale hor keenin
in ayigu intixaamaan oo uu noqdo mid ka gadmi kara soomaalida inteeda kale
( ama ay qaadaan tirakoob dadka raacsan ) waayo Qabiilna xoog lagu
maquunin waa.
S9. Maxaa inoo keenay in siyaasiyiinta hawiyuhu Iyo daarood is colaadiyaan,
si kan kale waxba ugu qabsoomin, Isaaquna iska ilaaliyo labadoodaba ,
layacaana danaha dadka iyo dalka ay ka dhasheen iyadoo ay muuqato in
midkoodna aanay dan u ahayn in sidaan lagu sii jiro. Maxaase Mudug iyo
waqooyi ka dhigay meesha saldhiga uh cudurkaan qabiilka uu soomaali dilooday
?.
J9. Ku loolanka Siyaasada kalka soomaaliya waxaa saldhig u ahaa sedexda
qabiilka ee kale ah daaroodka , Hawiyaha iyo Isaaqa, tasoo isjiijiidkoodu
uu soomali ka socon la'dahay waxaa markii ugu horeeysay wadanka madax ka
noqday Hawiyaha , 1960-65 dowladii Aadan abdulle Osman (hawiye ) iyo
raisal wasaare u ahaa Cabdirashid Cali sharmaarke( daarood) , taasina waxaa
ay markii ugu hooreesay qadisay reer waqooyiga oo markiiba ku dhaqaaqay
sidii ay uga go'i lahaayeen kana xumaaday awooda ay maroogsadeen reer
koofureedku ( southern dominance ). Waxaa dib u xussuusin mudan in
go'itaanku ay bilbaabay 1961 kadin markii dhalin yaro saraakiil cusub ahi
ay bilaabeen dhaqdhaqaas magaalda burco. Waxaa taa ku xigay dowladii labaad
ee qarankan ee la soo dhisay Aadan Cabdilee Osman iyo Cabdirisaaq Hagi
Hussein-1965-68 oo markale Loogu doortay tasoo marka kale ku dhamaatay
madaxwayne aan aad u xoog badnayn iyo wasiirka kowaad oo awood aaad u xoog
badan dalka ku maamula. waxaa ay reer kofureedku ka yiraahdeen arintan (
rashiid ka qaad risaaq u dhiib inta kale ma raashimaa) . tii sidexaad iyo
Doorashadii dbayaaqadii lixdamaadkii iyo dowladii sedexaad ee qaranka
soomaalida 1968-69 waxa isbahaystay Cabdirashid cali sharmaake iyo Maxamed
ibraahim cigaal oo reer waqooyi ah tasoo badashay saadaashii awooda
siyaasadeed ee qaranka isla markaana walwal badan galisay qabaal badan oo
koofurta degan , waxaa si ba'an looga guulaystay hawiyaha oo u kale
qaybsamay in ay kala tageeraan Abdirashid Cali Sharmaake iyo Aadan Cabdile
Osman.
Arrintani inkastoo qasaare lixaad leh ka soo gaaray bahda Hawiya hadan waxaa
ay ahayd mid caafimaad qabta waayo waa markii ugu horeeysay ee qabiikii
awooda haystay ay doortaan hogaamiye qabiilkooda ka duwan iyagoon helin
jagada ku xigta ee raisal wasaaraha. Dad badan oo reer koofureed ah oo
xasuusan arintan ayaa weli La tahay in arintani ay suurtagal tahay mar
labaad oo meel cidla la soo istaajiyo. Waxaan marna dhicin in hawiyaha iyo
isaaqu ay mar qura wadanka madax ka noqdaan, Taasoo lagu sigtay dhowr jeer
kadiin markii la riday maamulkii golihii sare ee kacaanka, waxaa muuqata in
aan walaalaha daarood marna qaadan karin arintan. reer waqooyigu waxaa ay
yiraadaan inta soomaalida koofureed ka soo hagaagayso ma doonayo inaan wax
ku darsano taaso ah arin macno wayn samaynaysa marka loo fiiriyo fikirkooda
iyo taariikhda wixii dhacay. hadiise dowlad koofurta laga dhisay ay
hawiyihu madax ka noqdaan , waqooyi oo maqan , waxaa inamanysa in reer
waqooyi oo isaaqa iyo kuufur oo hawiye ah ay awooda ugu sareeysa qaranka
qaybsadaan taasina ay qatar ugu muuqato bahda Daarood. sidoo kale hadii
doraadka madaxwayne ku meelgaar ah laga dhigo waxaa ay Hawiyihu filayaan in
dib loogu noqdo xaqdaradii kacaanka ka hor jirtay iyo tii kacaankii 21
october keenay ee aan la faaiidin . waxaa kaliya ee labadoodu isugu iman
karaan waa iyadoo uu madaxwayne ku meel gaar ah laga dhigo qof Daarood ama
Hawiye aan midna ahayn. hadii la waayana laga dhigo qof jeeda qabaalika
yaryar ee Hawiye ama Darood. oo aan qatar wayn ku ahayn jiritaanka
daaroodka ama hawiyaha taasi waa tan reer soomaaliland nabada ku haystaan si
loo kala badbaadiyo kuwa xooga badan ee ku hardamaya hogaanka soomaaliland.
Dhinbaatada ugu badan ee reer muqdisho haysata ma ahan gudoomiye kooxeed oo
kaliya ee waxa jira ganacsato maalin taajir ah ah oo aan ku xisaabtamin
in dhaqaale uu u baahan yahay nabadgelyo kuwaas oo ku naaxay kana
faaidaystay burburkii qaranka aan marna rabin in qaran la yagleelo
waxaana ugu cadcad kuwa arinytan ka danbeeeya .Maxamed daylaaf oo aay madax
wayne cabdiqaasin is xigaan iyo kuwo kale oo ay isku bah yihiin oo ay ka
mid yihiin Xuseen Goleey, Xuseen Cali Salaad , Cabdirahsid Shire ilqayte,
Saciid Nuur gariish , Saciid olow iyo xildhibaan marada dowlada ku hoos jira
ee layiraahdo Xaaf. dhinaca waqooyiga muqdisho iyadan waxaa jira sidoo kale
kuwa la mid ah kuwaa koofurta ee haysta ganacsiga xad-dhaafka ah aan marna
dan ka lahayn dad waynaha reer xamar iyo ihaanada ay ku jiraan ka baxaan
( misery ) kuwaasoo howsha ay waqooyiga muqdisho ka wadaan ay la mid tahay
tan reer cadiqaasim iyo reerahoodu ay koofurta ka hirgaliyeen xiriir
hoosana la leh waxaa kuwaas ka mid ah odayga xamar aad looga yaqaan ee
al -xaaji abuukar cumar cadaani, engineer enoow iyo xaaskiisa Khadija
cosoble , Maxamed Cali gaange iyo wiilka Isaaq iidow. arintana waxaa laban
laaban noqotay maalin ku dherigii Xoosh KIBRAY ee dowladii Maxamed
siyaad Barre ee la riday Tasoo aan la aqoon meeshii xoolahaasi ku
danbeeyaan waxaana muuqan in reer muqdisho garteen meeshan laga xaysto iyo
kuwa wiiqaya in nabad laga dhaliyo xamar iyo nawaaxigeeda iyo cida ay danta
u tahay ee dhiigaas qubanaya.
S10. Maxaa loo la' yahay dhalin yaro soomaaliyeed oo aqoon sare u leh
dalkooda iyo dadkooda oo ilaa xad ka madax banaan tribal erogance ama
caadifada qabiil ee dumisay qarankii soomaaliyeed ?
J10. Jawaabta suaashani waa mid soomali badani iswaydiisay loona baahan
yahay in si wanagsan looga doodo. Waxaa ay iigu muuqataa in dhalin yarada
soomaaliyeed ee maanta jirta ay sedex qaybood u qaybsan yihiin taasoo
kasabtay in uusan jirin ficiltinimo qaran mid qabiil moogiye. Waxaan u kala
qaybiyey.
A) Ubixii kacaanka- waxaa ay ku soo barbaareen kacaankii 21 octoober oo mar
kasta daacad u ahaa kaadirintia kacaanka halkii laga rabay in dhalinta lagu
ababbiyo wadaninimada waxaa lagu qasbay in ay maalin kasta qaadaan heestii
aanu wada xasuusano ee Guulwade. Waxaa lagu ababiyey in loo dabaal dego
October not 1 luulyo and 26 juunyo , waxaa ay propaganda dowladu iyo
heesihii iyo suugaantii loo jiheeyey “ horta qabo siyaad car nin kale ku
soo dara “ taasi waxaa u tustay dhalin tii ku abaabtay kacaanka in qarankan
uu leeyahay qabiil . waa waxaa ay ilaa hada qaar soomaalida ka mid aanay u
arki Karin calankii soomaaliyeed. Kuwani waa kuwa ugu da’da wayn
dhalinyarada soomaaliyeed waana run ahaantii kuwa laga rabay in ay qaranka
soomaaliyeed samata bixiyaan balse wali ku jira hurdo sheer oo an la aqoon
goor laga soo kacayo.
B) Ubixii dagaalka ama mooryanaata. Qaybtani waxaa kuwa ku soo barbaaray
isbaarada qabiilka iyo dagaaladii sokeeye oo intooda badani ku jiraan waxaa
loo yaqaano truama of war, waxaa walli isuu muuqda cadaawada cabiilka iyo in
aan soomaaliya lagu noolaan Karin hadii aadan reer hebal ama ahayn ama ku
tiirdanay waxaana kuwaas afduuub ku haysta hoggaamiyeyaasha dagaalka oo
yiraahda meesha kaliya ee aad nabad ku helli karto waa adigoo aniga I adeeca
ina dab jooga. Waa yaabe qof gacmaha dhiig ku leh ma daba joogi
karaa.maryaanta dagaalka ku barbaartay 14 sano ee la soo dhaafay wax rajo ah
oo laga sugayo ma jirto hadii aan baraarijin xoog leg loo gelin islamarkaana
aan loo helin xoog looga hor tago iyaga iyo qoryaha ay wataan. Inta kale ee
dhalinyarada ah ee aan dagaalka ku jirin sidii wax laaga qaban lahaa aan u
isticmaalin qalainkooda hadii ay wax kale waayaan waxaa ay ila tahay in ay
yighiin dad aan tirsanay. Dad waxaa ugu liita nin maqan oo aan la tabin iyo
nin jooga oo aan muuqan.
C) Ubixii aan wax arag- Waa ubuxa ku soo barbaaray 13 sano ee indha
laa'ta iyo dar xumada soomaaliya ka jirta oo aan diin iyo wadanimo ka fog
tasoo salka ku haysa hab qabiil oo la'aantiis aanad jiri karin
sooomaaliya. Hadii kale ay noqonayso in wadanka iskaga tagto hadii aanad
lahayn wax ku difaaca iyo in aad kamid noqoto waxa loo yaqaan looma
ooyaan, tasooo guud ahaan soomaali gaar ahaan reer muqdisho oo lagu
tilmaami jiray in ay yihiin dad darisnimada ku wanaagsan ay ka dhiidhi
waayaan dhaawaca loo gaystay qabaailka aan tabarta ciidan lahayn. ubaxaan
aan wax arag waxaa marmarka qaarkood la yaab ku noqota marka ay maqlaan in
soomaaliya nabad ka jiri jirtay oo ay haweenku inta ay baabuur wataan
magaalada mushaaxi jireen iyadoo cid ilaalisa aysan jirin. waa dhibaatada
ugu wayn ee soomaaliya ku habsatay intii ka danbeeysay dowladii hore , waayo
dal aan wax barin jiilkooda yar yar ee beri noqon doona hoogaamiyeyaasha
qaranka waxaa u danbeeyn doonto halaag iyo horumar la'aan. dib u fiiri
wadamada caruurtooda si wanaagsan wax u baray iyo sida ay u hore ugu mareen
iyo kuwa aan education fiican lahayn sida ay waligood ugu jiraan dib dhac
dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid bulsho intaba
Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan Furan hadii aan la helin dhalinyaro ,
haween iyo ganacsato isku duuban oo doonayaa in dantooda Gaar ahaaneed laga
hor mariyo danta guud ee qaranka isla markaana u haylan doonayana in
dowlad ay taageersan yihiin laga dhaliyo dalka oo balan qaada in ay
ilaalinayso danahooda isla markaan daryeelaysa danta ummada soomaaliyeed
iyo iyadoon hogaamiya kooxeed Cadaadis la saarin oo aan xanibaad lagu soo
rogin dhaqaalahooda , lagana mamnuucin in ay dibada aadan gaarahaan , Kenya
itoobiya , jabuuti iyo dubai in aan marnaba aan la sugaynin in ay dowlad
salkeedu yahay reer muqdisho la helo cidii doonta ha hogaamisee. Waxaa kale
oo cad in hadii soomaali dhisato dowlad reer muqdisho ka maqan yihiin ama
xoogaa yari kaga jiraan ay kordhi doonto ihaanada reer muqdisho soo gaarta
ayna masuul ka noqon doonaan dib u dhacaas hogaamiye kooxeedyada iyo
ganacsatada xaaraan quuto yaasha ah ee ku dhargay dhiiga reer muqdisho.
Dhamaad
Hussein abdi-Gendisch
Hoss_abdi@msn.com
North Carolina. USA
F.G
Hussein abdi, waa aqoon yahan soomaliyeed oo Degan dalka maraykanka gobolka
North Carolina, wax ku bartay Jamacadii Ummada soomaaliyeed ee Gahayr
compus, kana qalin jabiyey kuliyadii dhaqaalaha 1986. wax ku bartay
Jaamacada dhaqaalaha ee Murray State university , kentucky ,USA. Waxaa uu
shahaadada sare ee cilmiga maamulka dowlada ka qaatay North carolina C.
University. Waxaa u leeyehay xaas iyo lab caruur ah.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |