| SHIRWEYNAHA DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYEED, 
 MBAGATHI, NAIROBI CIDDAY KHUSAYSO  Nin Durbaan Tumay ilaaq Dalbay! 
  Tix raac warqadda ku taariikhaysan 30kii 
 Ogos’03, oo uu ku saxeexan yahay Ibraahim Maalim Mohamed (Ibraahim ‘Xiirte’), 
 loose yeeriyay.  Marka hore waa kuma saxeexuhu? Ibraahim 
 ‘Xiirte’ waa nin ah qalin ay kuwo kale wax ku qortaan, hadba wixii ay iyagu ka 
 dhowrayaan magacooda. Ibraahim ‘Xiirte’ wuxu qoraalka loo yeeriyay ku bixiyay 
 digniin aan cid ay u socoto sheegayn iyo weliba haddidaad. Ciddii loo digayo 
 ama la haddidayo, waxaa loo bahan yahay in loo jeediyo oo la yiraado war hebel 
 iyo hebelow, ‘Xiirte’se awoodahaa ma leeyahay oo uu digniin iyo haddidaad ku 
 bixin karo? Kuwaa ku adeegta Ibraahim ‘Xiirte’, wax ay halku dheg ka dhigteen 
 in ay hadba markii ay dhiiqo galaan, ciddii dhiiqadooda aragtaba ku sheegan 
 kuwo shirka fashilinaya. Marka hore aan isweydiine, yaa shirka laga 
 fashilinayaa ama taabbo galkiisa looga ayaan roon yahay? Mase Ibraahim ‘Xiirte’ 
 iyo kuwa asaga ku adeegta baa shirka keligood iska leh?  Qoraalka Ibraahim ‘Xiirte’ loo yeeriyay, waxaa 
 ku sheegan wax lagu tilmaamay “Go’aan Taariikhi Ah, ee 5tii Luulyo 2003”. Waxaa 
 kale oo ku sheegan in koox yar oo ka tirsanaan jirtay bulshada rayidka ah iyo 
 kuwo kale oo iyaguna yar oo ay is bahaysteen, keligood diideen go’aankaa.
  Marka hore aan weydiino Ibraahim ‘Xiirte’, 
 kuwa asaga ku adeegtaa oo odhaadaa u yeeriyay way dhuumanayaan eh, waa kuwee 
 cidda bulshada rayidka ah ka tirsanaan jiray oo aan hadda ka mid ahayn? Yaase 
 awood u leh oo ka bixiyay ama ka bixin kara bulshada rayidka ah? Ma jirto cid 
 awooddaa lihi, Ibraahim ‘Xiirte’ iyo ku-adeegtayaashiisa mid koodna. 
  Marka labaad, bulshada rayidka ahi wax ay ka 
 kooban tahay ka-soo qayb  galayaasha shirka oo dhan, marka laga reebo 
 kooxaha hubaysan (SRRC/G-8) iyo TNG. Qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah 
 waxaa hormuud u ah oo ugu horreeya madax dhaqameedyada ama Issimo, Duubab, iwm: 
 Iimaano, Boqorro, Ugaasyo, Salaadiin, Islaano, Malaaqyo, Wabarro, iyo Odayaasha 
 kale oo bulshada Soomaaliyeed aqoonsan tahay, sida Nabadoono, Cuqaal, 
 Kaabbo-qabiilo, iwm. Waxaa kale oo ka mid ah bulshada rayidka ah: 
 aqoon-yahannada iyo mutacallimiinta kale, haweenka, qorayaasha, weriyayaasha, 
 fannaaniinta, siyaasiinta, diplomaasiyiinta, wakiillada Soomaalida dibedda ku 
 nool (The Diaspora), iwm. Qaybahaa kala duwan oo dhan ee bulshada rayidka ah, 
 kuwo badan oo ka mid ahi waa saluugsan yihiin, waana diidan yihiin go’aan 
 ku-sheega 5tii Luulyo, oo ay faaninayaan Ibraahim ‘Xiirte’ iyo 
 ku-adeegtayaashiisu. Goob-joogayaasha beesha caalamka oo shirka maal-geliyaana 
 si cad bay uga marag kaceen saluugaa.  Qoraalkaa loo yeeriyay Ibraahim ‘Xiirte’ waxaa 
 lagu af-lagaadeeyay Wargeyska Kulmiye oo waajibkiisii gutay, eedda keliya oo 
 loogu soo gabanayaana waa maxaad dhiiqada u aragtay? Warka uu Wargeysku ku soo 
 saaray qoraalkiisii 25 Ogos’03, wuxuu ahaa mid run ah oo xaq ah, eex iyo hiil 
 toona cid uma gelin. Laba beri kahor 5tii Luulyo, bulshada rayidka ahi kulan ay 
 yeesheen waxaa lagaga dooday waxa ku soo bixi doona go’aankaa kor ku sheegan ee 
 5tii Luulyo. Aragtiyo kala duwan iyo talooyin isu-soo dhoweyn intaba lahaa baa 
 madasha kulankaa laga soo jeediyay. Markaa kaddib, Guddoomiyihii baa loo 
 wakiishay in uu isku soo dubbarido wixii ka soo baxay dooddaa, waxaana loo 
 ballamay in kulan dambe bulshada rayidka ahi arrimaha ka yeelato. Weriyayaasha 
 Wargeyska Kulmiye oo hadda la eedaynayaana goob-joog bay ahaayeen. 
 Guddoomiyihii kulan dambe, sidii lagu ballabay, lama yeelan bulsha-weynta 
 rayidka ah, oo intuu khiyaameeyay oo ka been sheegay rayi goodi, buu sidii uu 
 doonay ugaga qayb galay meeshi lagu soo abaabulay go’aan ku-sheega 5tii Luulyo. 
 Waana waxa shirka dhibaatada u keenay, oo ilaa maanta lagu muransan, horena 
 loogu gudbiwaayay. Sidaa Wargeyska Kulmiye sheegay iyo hoggaamin xumaanta 
 guddomiyihii baa keentay kala qaybsanaanta bulshada rayidka ah ilaa maanta.
  Qoraalkaa Ibraahim ‘Xiirte’ loo yeeriyay waxaa 
 kale oo lagu aflagaadeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee NOVIB oo lagu eedeeyay in 
 ay Shirka carqaladaynayso. Iyadana ma waxaa loogu soo gabanayaa oo loo haystaa 
 maxaad dhiiqada u aragtay? Kaddib markii nin Sharci yaqaan ahi, oo magaciisa la 
 yiraado Ababu Namwamba, uu hay’ddaa u soo diyaariyay warbixin uu ku duray 
 Mashruuca Axdi Qarameedka loogu talo galay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee 
 mustaqbilka. Hay’ddaa NOVIB wax badan bay u qabatay ummadda Soomaaliyeed oo 
 waxtarka u baahan, iyagaana ka marag kacaya wax qabadyada hay’addaa, waana gef, 
 gunnimo iyo abaal ka dhac in maanta af-xumo loogu abaal gudo.  Mabda’a bulshada rayidka ahi waa in aanay kala 
 raacin qaybaha kale ee shirka oo u tartamaya xukun doon, waase in ay intii 
 karaan kooda ah isu soo dhoweeyaan afkaarta kala duwan ee qaybaha kale si loo 
 gaaro dib-u-heshiisiin dhab ah, kaddibna Soomaalidu wax u wada qabsan karto, oo 
 aan go’aanno si afduub ah loo soo abaabulay, oo aan berri shaqayn kari doonin 
 lagu deg-degin.  Ayaan darro, guddoomiyihii bulshada rayidka 
 ah, asaga oo ahaa nin loo han weynaa wuu ka leexday mabdaa kor ku sheegan ee 
 bulshada rayidka ah, wuxuna la saftay qaybaha iska soo horjeeda midkood, asaga 
 oo madax dhaqameedyadana quudhsaday oo ka dhigaya kuwo aan waxba ahayn, sidaana 
 ugu tuntay dhaqanka Soomaaliyeed. Qaybta uu guddoomiyihii raacay iyo meesha uu 
 hadda jiraba, sharaftiisiina amaahiyay wax ay si cad ugu qeexan yihiin Qodobka 
 4aad ee warqadda tixraacan oo loo yeeriyay Ibraahim ‘Xiirte’ oo uu ku saxeexan 
 yahay. Hase yeeshe, qaybta dhexdhexaadka ah ee bulshada rayidka ahi marna ka 
 leexan mayso kana daali mayso mabda’eeda kor ku tilmaaman.  GABAGABO:  Bulshada rayidka ahi, shalay tamar baan lahayn, 
 maantana tubta toosan baan ku taagan nahay, berrina taariikhdaa noo marag furi 
 doonta. Aflagaaddo iyo gafaf naloo geysto midna ugama tanaasulayno waajibaadka 
 iyo mabda’ayaga toona, bulshada rayidka ah oo dhammina sidaas bay ku midaysan 
 tahay.  Ka qayb galayaasha Shirweynaha Dib-U-Heshiisiiinta 
 Soomaaliyeed iyo akhristayaasha kaleba dhammaan waa salaamantihiin.  Waxaa qoray Guddiga Qaybta Dhexdhexaadka ah ee 
 Bulshada Rayidka ah.  Mbagathi, Nairobi, 3 Ogos 2003.  Qoraalkan waxaa lasoo gaarsiiyey SomaliTalk 
 Nairobi maanta September 7, 2003. 
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 |    .... 
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com     Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh 
qoraaga ku saxiixan |