Sida la wada ogsoon yahay wakhtigu waa shay aad muhiim ugu ahaa dhamaan 
 aduunka meel kasta oo aad tagtid, aduun weynaha qayb ka mid ah waxaad arkaysaa 
 dadku sida ay wakhtiga u qiimeeyaan ina ku xisaabtamaan laxdada ama 
 ilbidhiqsiga, hadaba waxaa su'aasha is weydiinta mudan tahay hadaynu soomali 
 nahay ma uga faa'iidaysanaan wakhtigeena sidii loogu tala galay ama laynaga 
 rabay. Shaki kuma jiro in haddii aynu jawaab u raadino su'aashaas jawaabteenu 
 80% ay u badanayso xaga mayada, taas oo ay ugu wacan tahay inagoo aaminsan maah 
 maahyo iyo halku dhigeedyo aad moodo inaysan ku haboonayn wakhtigan xaadirka ah 
 ee aynu ku jirno, kuwaas oo ay ka mid yihiin "CAADO LA GOOYA CADHO ALLE AYEY 
 LEEDAHAY" Oo macnaheedu yahay maadaama oo bulshadeena soomaaliyeed caan ku 
 ahayd inay dariiqa is tuban, wakhtiga lumayaan, gidaarada fariistaan, meelaha 
 aan dantu ugu jirin ka sheekeeyaan, iyo wixii la mid ah. 
 Hadaba inagoo ilo gaar ah ku eegayna dhinacyo fara badana ka eegayna 
 muhiimada wakhtiga waxaa haboonaan lahayd inaynu wax ka bedelno sida aynu 
 maanta ku sugan nahay kana faa'iidaysano wakhtigeena qaaliga ah maadaama oo 
 aynu wada ogsoon nahay in wakhtigu yahay mid aad u muhiim oo haddii uu mar ku 
 dhaafo aan mar labaad ku soo mari doonin. Kuma soo koobi karo dhanbaalkayga 
 muhiimada wakhtiga oo qof walba ooo inaga mid ah wuu ka dheregsan yahay 
 ahmiyada qotoda dheer uu inoo leeyahay wakhtigu, balse waxaan jeclaan lahaa 
 inaan xuso dhowr qodob oo ay lagama maarmaan tahay inaan ku dabakho, kuna ayido 
 ahmiyada iyo lama huraanka qaaliga ah ee wakhtigu. 
 Hadaan wax yar ka eegno maah maaha xaga wakhtiga ku saabsan , wakhtigu waa 
 seefe intaanu ku goyn goy, wakhti lumay lama helo, wakhtigu waa lacag, wakhtigu 
 waa duulaa, wakhtiga iyo mowjadaha badu midna kuma sugaan, wakhtigu waa dahab, 
 wakhtigu waa dabayl, iyo kuwo kale oo badan baa loo daliilsadaa miraha iyo 
 faa'iidooyinka wakhtiga, hadaynu ka eegno dhinaca diinteena dahiran ee sharafta 
 leh axaadiis aad u fara badan baa ka warantay qiimaha iyo qaayaha u leeyahay 
 wakhtigu bal aan ka soo qaadano mid aad u muhiim ah oo waano iyo wacdaro inoogu 
 filan. NEBIGU S.C.W. Wuxuu yiri ka faa'idayso, dhalinyaradanimada intaadan 
 gaboobin, ka faa'idayso caafimaadka intaadan xanuunsan, ka faa'idayso wakhtiga 
 intaadan mashquulin. ,markaa aad bay u muhiim u tahay inaynu wada ogaano 
 qiimaha wakhtiga. 
 Waxaynu arkaynaa dhalintii oo halkii laga filayey inay isbedelo ka muujin 
 lahaayeen ka dib markii ay yimaadeen wadamada reer galbeedka aad moodo hal 
 bacaad lagu lisay, waxaan uga jeeda runtii ugamay soo bixin sidii loogu tala 
 galay inay uga faa'iidaystan wakhtigooda, halka badh ay isku mashquuliyaan 
 hurdo, qaad, sigaar, iyo makhaayadaha oo ay kaga sheekeeyaan qabiilka, badh 
 kale ku lumiyaan wakhtiga riwaayado, saneemooyin gidaarada oo la istaago, iyo 
 meelo aan haboonayn oo wakhtiga lagu dilo, waxay iiigu yaab badnayd maalinkii 
 aan la kulmay laba wiil oo dhalinyaro ah oo meel fadhiya ka dib markii aan 
 weydiiyay waxay meesha ku sugayaan ii sheegay inay wakhtiga rabaan inay halkaas 
 ku dilaan, waxaadna in badan ka maqlaysaa dhalinta iyagoo ku andacoonayaa 
 waxaanu qabaanaan weynay iyo wax aan qabto ma i haysaa, halka dadka qaarna 
 wakhtiguba ku yar yahay oo aanay helin meel wakhti lagu hakado. 
 Waxaan uga gol leeyahay inay aad u baraarugaan dhalintu meel iyo waa ay 
 joogaanba maadaama kuwa wadankii jooga ay ka rajo fiican yihiin kuwan jooga 
 wadamada reer galbeedku waxaa wacnaan lahayd inay hurdaadad ka kacan una 
 bislaadaan sidii ay hurdada dheer iyo mahsanaanta uga kaaf toomi lahaayeen. 
 Waxaan jeclaan lahaa inaan sii wado mawduuucan iyadoo aan wakhtigu ii saamaxayn 
 waxaan ku soo af jarayaa ama ku soo gunaanadayaa in aynu baraarugno maadaama ay 
 bulsho waliba hogaankeedu ku xidhan yahay dhalinta oo hadaynu noqono dad wax 
 barta, noqon doono dad berito hogaamiyayaal u noqda wadankeenii hooyo, lama 
 huraana waa caws jilaal wadankeena uun baa mudan in loo barto wax si aynu u 
 noqono hogaamiyayaasha cusub ee berito.