SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON, UK
SOMALI CONCERN GROUP-UK OO LA KULMAY WAKIILKA CUSUB EE USA EE SHIRKA DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIDA

Masuuliyiin ka tirsan Somali Concern Group –UK oo ay ka mid ahaayeen Mudane Cali Xaashi Dhoorre, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) iyo Mudane Xuseen Sh. Cali(Damuumaaye), ayaa kula kulmay magaalada Nairobi, Wakiilka Cusub ee dowladda USA u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mrs. Lisa Petterson. Masuuliyiintaasu waxay dipolomaasiyadda uga warrameen sida ay bulshada Soomaalida ah ee dibad ku noolka ah(diaspora) u doonayaan in shirkan lagu heshiiyo Soomaaliduna ay ku dhisato dowlad loo dhan yahay oo ummada Soomaaliyeed ka saarta masiibada daba dheeraatay, macluusha, ammaandarrada iyo colaadaha.

Masuuliyiintaasu waxay Wakiiladda ka codsadeen inay dowladdeeda ka gaarsiiso inay ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay inay USA kaalinta kaga habboon ka cayaarto sidii uu shirka Mbagathi u guuleysan lahaa, Soomaaliyana loogu soo celinlahaa nidaamkii iyo kala dambeyntii, waxayna xuseen in ay taasu tahay waajib in bulshada caalamka iyo gaar ahaan USA ay dowrkooda muhiimka ah qaataan.

Soomaaliya oo nabad, nidaam iyo kala dambeyn lagu soo celiyaa, waxay kaalin muhiim ah ka tahay xasiloonida gobolka geeska Afrika, la dagaalanka argagixisada caalamiga iyo dhowritaanka xuquuqda aadanaha.

Mrs. Petterson, oo ayaduna la hadleysay masuuliyiintaas, waxay sheegtay inay xukuumaddeedu la wadaagto bulshada caalamka in dhibaatada , colaadda iyo nidaam la’aanta Soomaaliya ka jirta la soo afjaro , arrintaasna dadaal ayaan ka geysan doonnaa ayey carabka ku adkeysay diblomaasiyaddu. Mrs. Peterson waxay xustay in wakiilkii xilkan uga horreeyey Mr. Glen Warren, uu si aad ah ugu dadaalay sidii arrintan murugtay wax looga qaban lahaa, ayaduna aysan wax dadaal ah reeban doonin.

Mrs. Petterson, waxay gabagadii u rajeysay Soomaalida in ay ku guuleystaan shirkooda, waxayna tibaaxday inay bulshada caalamku diyaar ula tahay taageero iyo dib u dhis haddii ay Soomaalidu heshiiyaan, xukuumad ay u dhan yihiinna dhistaan.

Ugu dambeyntii, masuuliyiinta Somali Concern Group – UK, waxay Mrs. Petterson uga mahad celiyeen qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameysay, waxayna u rajeeyeen in ay xilkeeda ku guuleysato.

Kulankan wuxuu ka mid ahaa, kulamo joogta ah oo ay Somali Concern Group – UK, waayahanba kula kulmaysay dhamaan hogaamiye kooxeedyada, odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo wakiilada caalamiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, si loo xaqiijiyo geeddi-socodka shirka dib u heshiisiinta ee Mbagathi, Nairobi.

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey Inj. yarisow70@hotmail.com

Original email: Hussein Sheikh-Ali

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD