|
Bismillaah:
Buntland Republic
Waxa soo socota jamhuuriyada
Buntland
Axmed Moxamud | moxamud19@hotmail.com
Waxa soo socota jamhuuriyada Buntland ,waa hadii shirka kenya dhicisoobo!!!.
Waxa la hubaa inay Aduun weynuha aqoonsi u doonan doonaan jamhuuriyadaha (Buntland
& somaliland ),sababta ay aqoonsiga u raadsanayaan waxa weeye Somalida ay wax
ka dhexeeyaan ayaa caaq ku noqotay oo aan wax u ogolayn ,sidaa darteed iyaguna
waxay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.
Waxaan cinwaankaa u soo qaatay waxaan ka tarjumayaa go?aanka shacabka ku sugan
jamhuuriyadaha soo socda ama xaqiiqda ay ku jiraan shacabkooda iyo
degaanadoodaba ,taasoo ay jawaab ugu dirayaan kuwa Somalidu ka degi
weydey,xaqiiqatan waxay somalidu u xabisnaayeen qabqablayaasha isugu tegey
caasimadii ummada somaliyeed lahaan jirtey inkastoo aanay maanta ahayn
caasimadii ummada Somaliyeed ee ay tahay magaalo reer leeyahay, qolyahaasoo ka
qabashada bartay dhiiga iyo hantida dadka aan hubaysnayn ee wali ku sugan
muqdisho una gaysta had iyo jeer dil,dhac,la wareegid hantiyeed .
Hadaba dadkaasi waxay xumaysteen kana dhigteen bahalo galeenka waa caasimadii
ummada ka dhexeyn jirtey ,iyadoo caasimada dadkii camiri jirey ay ka kala
imanjireen min Saylac ilaa iyo Afmadow iyo inta u dhaxaysa iyo ilaa kililka
5aad,ka dibna qabqablayaasha iyaga ah looga tegey(haajirey) meeshaas ay
xumaysteen, ruuxkastaa qabtay meeshii uu awel ka yimi,waayo waxay noqotay god
halaq ku jiro wixii u galaba qaniinaya.
Waxay somalidu sugaysey qabqablayaasha kala haysta Caasimadii hore muddo ku
dhawaada 13-sanadooda,waxaana loo qabtay 14 shir kan hada socdaa ugu
dambeeyo.hadaba ma xaqbaa inay isku dayaan in wali waqti loogu daro si waxay
dhacayaan ay u sii wataan ummaduna u baaba sanaato ? Jawaabta caamka ahi waa
maya.
Hadaba arinta shirkan somaaliyeed ee hada loo fadhiyo waxay u egtahay ,mid ku
socota fashil axmaqnimo,fashilkaasoo ka imanaya dhanka xamar,sidaa daraadeed
waxaan odhan lahaa dadka xamar ku legdamaya xaaladiinu meel xun bay taagan
tahay oo dadkiinii baabi se, ha keenina ujeedadiina khaaska in somaliyi ku kala
tagto,idinkoon u daneeneen shacabkiina,waayo waxa ka imanaya burbur aan dawo
lahayn,ogaadana in badan bay somaliyi idiin samirtay ,idin madax buuxisey,ha ku
keenina in qaranka somaaliyeed sabatiina u burburo.
Waxay ila tahay dadku wey daaleen waqtigii hore ee ku sinaa 13ka sanadood ee
baaba la ahaa ,in sidaa la sii ahaado cidi ka yeeli meyso,puntlandna hada
waqtigan la joogo daashey oo dhawaaqaasi waa ka soo socdaa, runtiina caqliga
saliimka ma ogolaanayo in dhulka nabada iyo maamul ka jiro uu daba socdo dhulka
foodadu ka jirto.dhulalka nidaamka iyo kala danbaynta lehna isma sii jiidan
karaan kuwa dhaca iyo burburku foodada joogtada ku yahay .
Puntland waxay u badan tahay in ay ku dhawaaqan doonaan jamhuuriyad ka madax
banaan Somali inteeda kale ,waa hadii somalidan xamar qasaysa caaq(axmaq) ku
noqoto oo shirku fashilo, waliba waxa jira walaalaha la baxay somliland in
badan bay dooneen inay la go?aan goboladooda iyo wixii kuraaca ,taasoo
somaliduna dhamaan ku diiday, iyadoo somliwalba si diidmadiisa u sharxayo ,hadana
hadii puntland la timaado sheekadan waxay ila tahay wax is hor taagaya ma
jiraan.
Waxaan ku soo gunaanadayaa shirkan waa kii ay somaliyi isku raaci lahayd ama ku
kala tegi lahayd ee ha la wada dhawro sidii uu ku najixi lahaa.
Maanta Somalidu guud ahaan waxay u baahan tahay amaan iyo sharci cadaalad ku
dhisan,iyo inay helaan waxa ay deriskoodu haystaan karaamo dal ahaaneed.
wa billaahi tawfiiq
Axmed Moxamud | moxamud19@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 |
Updated 9/9/03
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |