SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Xisaab la’aan Xero-daraawiish

Qore : Burhaan Axmed Daahir, E-mail : Burhaandaahir@hotmail.com

  • Ilimo awdan, Oodo dhacan san,

  • Talo asqaysan, Ayaan arkaa.

  • Aragoo maqaloo aammus !

  • Aammusi waayay,

  • Uurku taalladii baa, Afku igaxadaayaa,

  • Anigoon ogayn baan oranayaa

  • Ulajedddadaan abbaarayaa

  • Aayaha dambeetaan adkaynayaa.

(cali Sugulle)

Xeel-dheerayaasha culuumta bulshada iyo siyaasadda ee arrimaha Soomaalida u dhuun daloolaa qaar badan oo kamid ahi waxay aaminsan yihiin dhibaatada ilaa maanta loo maaro la’yahay ee gayiga Soomaalida caamyeeshay in ay ka dambaysay oggolaansho la’aanta kala duwanaanta fikirka iyo dood-wadaagga ee dhalatay markii shacabka talada xoog laga qaaday ee fikirkii xorta ahaa iyo talawadaaggii bulshadaba ay afduubeen koox saraakiil millatari ah oo talada dalka xoog ku boobay dalkana ka hirgaliyay xukun millatary oo shacab-diida oo fikirka xorta ah iyo is cabbiraadda ku xajiimooda, kaasoo lagu magacaabay Kacaankii Ciidamada ee 21 kii Oktoobar 1969 kii. Kacaankaasi oo aakhirkii dalka burbur iyo baaba’ aan waxba ka tegin dhaxalsiiyay.

Iyadoo haddaba geeridii Xuknkii millatariga ee cabburinta badnaa maanta laga joogo toban sano iyo dheeraad ayaa degaammada Soomaalida ee ismaamulladu ka tisqaadeen burburkii dowladdii dhexe kadib, waxaa ka muuqda ifbaxyo lagu tilmaami karo talisyo cadaadis badan kuwaa oo dib usoo celiyay falsafadihii iyo caadooyinkii uu caanka ku ahaa taliskii xukunka boobay ee Generaal Maxamed Siyaad. Waxaana dad badani ka dareen qabaan in xukumaddii kacaanka ee dhacday oo shaatigii baddalatay ay dhawr iyo toban sano dabadeed dib usoo saddex kaclaysay. Mar kaclayntii Kacaankaa waxay ahayd markuu curtay, laba kaclayntiina waxay ahayd rubicii danbe ee sannadihii toddobaatannada.

Saddex Kaclayntii Kacaanka

Warbaahinta gudaha iyo dibadda ee Soomaalidu dhawaan waxay qoreen war sheegayay xarig suxufiyiin , warkaasi oo ay ii xajiijiyeen dabadeedna ilo xog-ogaal ah oo aan xograadin toos ah la wadaagay. Waxaa maalintii dabayaaqadii bishii tagtay (23/8/2003) magaalada Gaalkacyo xabsiga la dhigay suxufi Aadan Nuur Maxamed oo xubin ka ah ururka PEN ee qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed iyo bahweynta caalamiga ah ee PEN International isla markaana ah warfidiyeen la yaqaan oo ka tirsan wargeyska Yamayska iyo Radiyo Gaalkacyo ahna mid ka mid ah suxufiyiinta aadka u firfircoon ee hormuudka u ah saxaafadda Puntland. Waxaa isla maalintaa isagana xabsiga loo taxaabay suxufi Daahir Cabdulqaadir (Daahir Aflow) oo ah wariye ka tirsan wargeyska Bulsho, ahna wakiilka Gaalkacyo u jooga wakaaladda wararka ee IRIN.

Labada suxufiba waxaa la sheegay in la dhigay xabsiga magaalada Gaalkacyo iyaga oo aan la marin xarigooda wax maxkamad ah. Amarka xarigga waxaa la sheegay in uu amray Duqa magaalada Gaalkacyo oo amar aan qoraal ahayn ku bixiyay. Sababta loo xiray Daahir Cabdulqaadir lagama bixin faahfaahin cad, sababtase uu duqa magaaldu u xidhay Aadan Nuur, warbaahintu waxay tilmaantay in ay tahay arrin laxidhiidha qoraallo uu dhawaan wargeyska Yamaysku faafiyay, waxayna ahaayeen qoraallo xambaarsanaa dhaliilo la xiriira in uu maamulka magaalada Gaalkacyo ka gaabinayo dadaalkii iyo habsami-u-maamulkii looga baahnaa hawlaha horumarinta degmada. Gaar ahaan, sida ay qeexday warbaahintu, Duqa magaalada Gaalkacyo wuxuu dhibsaday daabacaadda waraysi wargeyska Yamaysku daabacay oo Aden Nuur la yeeshay ganacsade, Cabdicasiis Aw Yuusuf oo ka mid ahaa guddi loo xilsaaray xaraashka dhul ahaa hanti qaran (xeradii Daraawiishta), dhaliilana u soo jeediyey habkii arrintaas loo maamulay iyo guud ahaan habka loo maamulo arimaha degmada Gaalkacyo ama Gobolka Mudugba. Duqa Gaalkacyo wuxuu Xubin Lafdhabara ka ahaa Guddigaa loo xilsaaray xaraashka hantida qaran ee xero Daraawiish.

Sida la xaqiijiyey ammin ku dhow 30 saacadood ka dib ayaa xabsiga lagasiidaayey suxufiyiinta iyaga oon wax maxkamada la keenin sidoo kalena aan xitaa xariggooda oobbiga ama faylka dacwadaha lagaliyo ee saldhigga ay ku xirnaayeen aan la marin. Si fudud ayaa loogu sheegay in ay iska baxaan oo aan wax dacwada loo haysan. Sida xaqiiqda ahna, mas’uuliyiinta garsoorka ee Gobolka iyo dagmaduba waxay caddeeyeen in aanay la socon xarigga Suxufiyiinta. Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka iyo guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Mudug ayaa labaduba xufiyiinta hortooda ka caddeeyay in aanay waxba kala socon oo xataa aan la ogaysiin xariggooda.

Sida xubno booliiska saldhigga ka tirsani ay tibaaxeen cidda kaliya oo amarka suxufiyiintaa bixisay ayaa la xaqiijiyay in uu ahaa Duqa magaalada Gaalkacyo Xuseen Yabaq oo amar aan qoraal ahayn ku dalbay xarigooda. Intaa waxaa dheer in mid ka mida suxufiyiintu uu goobjoogka ahaa iyadoo Duqa magaaladu uu si hanjabaada ugu amrayo askarta saldhigga in ay qolyare (qol ciriiriya oo maxaabiis doora laysugu geeyay, nadaafaddiisuna aanay fiicnayn) ku ridaan.

Xilligii la soo daayey weriyayaasha waxaa hanjabaad iyo digniin kusii sagootiyay Duq Xuseen Jaamac Yabaq, oo mid ka mida suxufiyiinta kula kulmay albaabka hore ee saldhigga oo uu kasii baxayay, waxaana sidoo kale la ii xaqiijiyay in ilaa maantadan sadaradani qormayaan ay socoto hanjabaadda uu Duqa magaaladu u gaysanayo suxufiyiintii xabsiga laga soo daayay.

Haddaba waxaa la yaable sababta Duqa magaalada ku qasbaysa in uu ku kaco fal aan sharciga waafaqsanayn oo heerkaa gaarsiisan isaga oon haba yaraatee tixgalin qawaaniita garsoorka iyo sharciga u dagsan maamulka dowladeedba. Sidoo kalena tallabadaasi waxay xad-gudub ku tahay xuquuqda asaasigaa ee muwaadinka. Waxaa layaab kale ah sida bareerka ah ee mas’uulkaasi u quursaday hay’adihii garsoorka ee gobolka ee uu shaqadoodii u gacan dhaafay, isagoo xitaa u quuriwaayay inuu wargaliyo mas’uuliyiinta uu mas’uuliyaddooda ku xad-gudbay ee shaqadoodii gacan togaaleeyay dharaar cad.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Afeef hore lahaw ama adkaysin dambe”. Haddii Duqa magaalada iyo ragga kale ee fartu ku godan tahay ee hantidii qaran ee la xaraashay shacabkii lahaana ku daba joogaan, xisaabna ka doonayaan, ay dhib sadaan way diimaha dadka, qoraallaadda sahanka u ah xaqiiiqo raadinta iyo baadi goobga hantida qaran ee ummadda, suxufiyiintuna hormuudka ka yihiin, ciddii ka hadasha ama wax ka qortana xabsiga lagu asturo, saw ma aha fulaynimo iyo kalsooni-xumo ay muujiyeen kuwii hantida ummad ku dhaqday? Hadday sidaa deg-degga ah u damqan ogyihiin una adkasi xunyihiin, maxaa markii hore xisaab la’aan xoolaha umaadda (Xero-Daraawiish) u geeyay? In ay marka hore cantuugo weynaadaan marka dambana maxaa naloo sheegayaa ka qayliyaan oo dad la xiro saw gardarro aan geed loogusoo gabban ma aha?

Maxaad u xisaabtamaysaa, xoolahaagana u tirsanaysaa, haddii lagu yiraahdo ama laguu xirto saw gardarro kale, anaa iri iyo kaa xoogweyni ma aha? Kaa xoog weynise miyay soconaysaa? Saw wixii rag hore eedeen maaha? Allow yaa taariikhda wax ka barta.

Xaglo geel wax gunti lagaliyo ka weyn. Xero-daraawiishna wax suxufi la xiro ku baa’ba’a ka weyn. Xero-daraawiish warkeeda Soomaali oo dhan ayaa haysa, xisaabteedana ufadhida, waayo waxay ahayd hanti ummadeed oo lawada lahaa lana wada ilaashanayo, iskaba daa kuwii sabadkooda lagu qashaye (reer Gaalkacyo).

Haddii ay mas’uuliyiintii xaraashku hantidaa qaran ee ay xaraasheen ay hanti kale oo qaran noogu baddaleen oo ay noo taal, iyo haddii ay caddaan noogu hayaan midba, diyaar ayaan uga nahay inay xisaabteeda naga shaafiyaan. Haddii kale oo ay dhunsadeen oo ay dhaqdeense maxay ku diidayaan in la sheegsheego inta arrinku af un ku siman yahay ee shacabku yeelanayaan awood ay kusoo horfariisiyaan mas’uuliyiintaa xaraashka garsoorka iyo caddaaladda ee si ficila loola xisaabtamayo. Madaxda xaraashku afkooda may iska qabsadaan iyagaaba buro sidee. Maxaa xarigga iyo caga juglaynta suxufiyiinta u diray?

Nin ayaa wuxuu doonay inuu toorrey ku dilo nin askari ah oo qori sita, ninkii toorida watey wuxuu usoo orday ninkii qoriga sitay xaggiisii si uu kaw kaga siiyo. Askarigii qoriga sitay ayaa arkay ninkan toorida kula soo ordaya, markaa ayuu garan waayay waxa ninkani ka rabo, malaha qoriguu doonayaa inuu kaa furto ayuu iskula hadlay markaa ayuu ka cararay isagoo qorigiisiina sita, waayo askarigani ma doonayn inuu ninkan shacabka ah dilo, wuxuu is yiri orod kaga baxso aad badbaadid, isna ha kaa badbaadee. Dabadeed wuxuu arkay inaanu ninkani ka haraynba, wuxuu isyiri qoriga u tuur ha qaatee oo ha kaaga haree, kolley qoriga dawladdii lahayd ayaa ka doonan doontee, isgoo markaa islahaa ninkuba wuxuu kugu dilayo oo uu doonayaa waa qoriga un ayuu yiri “ waar qorigii kuu tuuraye qaado oo iga har” kii toorida la haarayay ayaa ku jawaabay “ iima xoortid kaagamana hero” waayo ninkani qori dooni mayn ee dakano (aano) dhiig oo soo gashay askariga ayuu doonay inuu ka guto.

Hadda xarig iyo caga-juglayn maku harayaan suxufiyiintu? Bulshadase barqada dheer hantidoodii la xaraashtay ee meeshii ay martay ka war la’ xisaabtana u fadhida sidaa ma ku haraysaa?

Mise iyagana waad wada xiraysaan? Reer Gaalkacyo oo dhan xabsiyo Qaada ma samaysateen?

Xabsi iyo caga-juglayni waxba kama duwana qorigii askarigu tuuray ee looga hari waayay, ku tagri-falidda maamulka iyo hantida ummaddana laysaga hari maayo, xilli ay noqotaba waa tii laga xisaabtamo. Waxaanu lahayn ninkii badsadaa ladaabtaa waa ku laqanyoon.

Sidaan doonnaan u dhaqmayaa waxaan doonana waan qaadan. “Arag oo maqal oo aamus”, miyaa xaalku?

  • “Aamusi waayay, uurku taalladii baa afku iga xadaayaa

  • Anigoon ogaynbaan oranayaa, ulajeeddadaan abbaarayaa

  • Ayaayaha danbeetaan adkaynayaa.”

Sidii abwaan Cali Sugulle ku qaylinayay dabayaaqadii lixdannnadii iyo horraantii toddobaatannadii, malaha ayay suxufiinta maantana markooda cod dheer kor ugu dhawaaqeen. Tolow suxufiyiintu masii wadayaan dhawaqa mise cadaadiska mas’uuliyiinta xaraashka ayay u dhabar godi doonaan? La arki doonee.

Suxifigii haddaba sidaa usoo gudbiya dareenka iyo tabashada dadkiisa ma dambiilaa? Mise xabsi buu mudan yahay? Duqa degmaduse maxay tahay sharciga iyo qiilka u bannaynaya inuu sidaa yeelo ee uu u adeeg saday xarigga suxufiyiinta xaqa la dhawaaqay.

Laba kee tahay haddaba sababta uu Duqa sidaa u yeelay;

1. In aanu Duqu aqoon kana war la’yahay sharciga iyo nidaamka garsoorka ee dalka, oo aanu u warhaynba habka dacwaynta muwaadinka iyo nidaamka loo maro xaggiisa. Sababaha muwaadinku xarig ku mutaysan karo iyo hay’adaha ku shaqada leh. Hannaanka garsoorka loo mariyo dacwaysanaha iyo cidda qaadda dacwaddiisaba. Waayo halkan duqii isagaa wax dacwaynaya, isagaa haddana dacwaysanihii soo xiraya, haddana xukumaya oo xitaa qaabka loo haynayo iyo sida loo haynayo intaba amraya, isagaa dambi baare isu ah oo waraaqihiisa soo samaysanaya, siina sheegaya in xilligii uu doono dib wax usoo xiriran karo.

2. iyo In uu iskalaba weyn yahay sharciga iyo qaanuunka dalka ee ka yaal garsoorka ee loo qayday habka garsoorka madaniyiinta loo mariyo, tallaabadan dambe oo laf ahaanteedu salka ku haysa aqoon xumo iyo kibir jaahilnimo ka dambayso.

Beryahan dambaba waxaynu aragnaa mas’uuliyiin heer walba leh oo qaanuunka iyo dastuurka dalka aan wax ixtiraama uhayn siday doonaanna ugu tunta, shacbiguna dhibaato iyo cadaadis arxan darro ah kala kulmaan.

Kuwani waxay sharciga iyo dastuurkaba malaha u haystaan in ay yihiin hadba sida qofka mas’uulka ahi ka yeelo ee maankiisa ka helo, tallaabo kasta oo ay qaadaanna ay shirciba tahay.

Haddaba suurta gal ma tahay in duqa magaalada Gaalkacyo uu madaxdan sidaa aaminsan ka mid yahay? Aqoon ama waayo-aragnimo intee le’egse u leeyahay sharciga xagga garsoorka, nidaamka maamulka iyo habka guud ee dawladnimoba?

Bal aan isku dayno in aan sadarro aad u kooban wax kaga tilmaanno takhasuska gaarka ah iyo shaqooyinkii uu soo qabtay duqa magaalada gaalkacyo Xuseen Jaamac Yabaq, xilliyadii kala duwanaa ee dalku lahaa dawladda dhexe iyo xilligii burburkaba intii aanu Dowlad Goboleedka Puntland u magacaabin mas’uuliyadda uu waqtigan Gaalkacyo ka hayo.

Mudane Xeseen Jaamac Yabaq horraantii toddobaataneeyadii (sida loo badinayo 1970 kii ) ayuu ka mid noqday ciidamadii qalabka siday ee xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciiidamadii cirka. xilliyadii uu soo dhawaa dagaalkii Soomaaliya la gashay Itoobiya 1977 kii, xuseen waxay raggii aqoonta u lahaa ee ciidanka lasoo ahaa ku tilmaameen inuu ahaa askari ujajaban shaqadiisa, waxa uuna ciidamada ka gaaray darajada saajinnimo. Inyar kadib asaaskii Jabhaddii SSDF, sannadkii 1979 kii ayuu Xuseen Ciidamada ka baxsaday, isagoo ku biiray Jabhaddii SSDF ee Xarunteedu ahayd Itoobiya. Xuseen, Jabhadda dhexdeeda waxa uu ahaa xubin caadi ah oo aan sidaa caan usii ahayn. Isaga iyo saaxiibadiisii kale ee jabhadduna waxa ay ku taamayeen in ay mar un qoriga caaraddiisa xukunka kaga maquunin doonaan Maxamed Siyaad, Xaruntii Jaalle Siyaad ee Villa Soomaaliyana gacanta ku dhigi doonaan, kuraastii quruxda badnayd ee tiillayna mar un ku dangiigsan doonaan. Waxaase riyadaasi galbatey markii hoggaankii sare ee jabhaddu laba u kala jabbay oo xuseenna labadii garab mid ku biiray. Aakhirkiina khilaafkii jabhadda oo meelsare gaaray wuxuu keenay in madaxdii jabhadda qaar kamida oo guddoomihii jabhaddu ku jiro xabsiga la dhigo, iyadoo ragga la xiray ee garabka guddoomiyaha ka tirsanaa Xuseen ka mid ahaa. Xabsi sannado qaatay kadib, Xuseen waa lasii daayay. Guddoomiyahoodii iyo rag kaloo la xirraaba waxaa bannaanka usoo saaray jabhaddii EPRDF ee qawmiyadda Tigrega ee xukunka ka tuuray kolonel Mingistu.

Intii xilligaa ka dambaysay xuseen wuxu ku noolaa Gobolka Mudug oo uu degaan ahaan kasoo jeedo. Horraantii sagaashannadii Waxa uu ahaa xubin tolkii ku jeclaayeen sidii hagar la’aanta ahayd ee uu uga qayb qaatay dagaalkii sokeeye ee ka socday gobolka Mudug. Jabhadihii isku hayay dirirtii Mudug waxay ugu dambayntii sannadkii 1993kii guddoonsadeen heshiis nabadeed. Waxaa xusid mudan in xuseen ahaa shaqsi si hagar la’aana ugu dadaalay hirgalinta nabaddii lagu heshiiyay, dadaalkaa shaqsiyadeed ee xagga nabadda uu ka gaystay oo amaan mudan waa mid dad badani ilaa iyo maanta Xuseen Yabaq ku tix galiyaan. Maamulladii kala duwanaa ee gobolka soo marayna, Xuseen inta badan wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiinta sare ee dhina ammaanka qaabilsanaa. Hawshaa oo uu xuseen soo waday ilaa intii looga magacaabey duqa Magaalada Gaalkacyo. Sannadkii 1999 ayaa Xuseen loo magacaabay duqa magaalada Gaalkacyo ilaa maantana uu baaqi ku yahay. Xuseen intii uu duqa Gaalkacyo ahaa waxaa shaqada maamulka degmada iyo ka gobolkaba ka tegay afar xoghaye dowlad hoose, iyo laba guddoomiye gobol, kuwaa oo sida la sheegay qaar koodna caddeeyeenba sababsaday wada shaqayn la’aanta iyo isqabasho joogtaa oo iyaga iyo duqa dhexmaray.

Isku soo duuboo waxaa la caddeeyay aqoonta kaliya ama waayo aragnida ugu badan ee Duq Xuseen leeyahay in ay tahay tan ciidamada sidaan hore usoo sheegnana darajo hoose ka gaaray xilligii dawladdii Kacaanka iyo tii jabhaddaba.

Waxa nasiibdarro ah in duq Xuseen oo ka mid ahaa raggii ka soo horjeestay xukunkii xadgudubyada badnaa ee shacabkiisa ku tuman jiray ee kacaankii millatagu, uu maanta isagii gaysanayo wax lamida wixii isaga raggiisu sheegi jireen in ay xukumaddoodii kula dirireen. Sow ayaan daro ma aha in wariyeyaal muwaadiniina oo ra’yigooda xortaa ka run sheegay in xorriyad ka qaadistooda, cabburinta iyo caddaaladdarida lagu sameeyayba uu maanta mas’uuliyaddeeda leeyahay nin ka mida ah raggii qoriga qaatay ee shacabka u sheegi jiray in ay ka gilgisheen xadgudubyadii xukumaddii kacaanku ku haysay shacbigooda ee cabburin, xarig (inta hadda Duqa Gaalkacyo lagu eedaynayo) iyo dil sabab la’aana intaba lahaa. Waxay noo sheegi jireen in ay qoriga u qaateen in ay dulmigaa shacabka uga gargaaraan.

Waa yaabe meeye wixii ay noo sheegayeen raggaasi? Miyaan shacabkan ay maanta dulminayaan aanu ahayn kii shalay gargaarka mudnaa ee dartii dagaalka loo galay? Mise shacabkan ayaan kii shalay ahayn, istaahilinna gargaar iyo caddaalad?

Waxaa ayaan darro weyn ah iyadoo maanta laga joogo 14 sano wax ku dhaw dhiciddii dawladdii kali-taliska ahayd ee millataga, ay maantaa raggii shalay mucaaradka ahaa iyagoo xor ah dadkoodiina utalinaya ay yihiin kuwa iyagu maanta dulminaya shacabkoodii ee ku amar ku taaglaynaya, qofkii hadla ee dhibaatada ka dhawaaqaba afka jabinaya xarig xorroiyad la’aaneed iyo hantidii dadka oo har cad hortooda lagu xaraashto isugu daraya. “Qabta oo jeelka ku tuura” waxan ahayn sowtan ragga Duq Xuseen ka midka yahay afkoda laga la’yahay.

Mise duq Xuseen iyo raggiisaa ka mid ahaa intii horseed la’aanta hayaantay ee hugunka, soo baxaydii iyo waa wareydii barbaarta tolka ee gadootay ka baxaysay run mooddey? Mise waxaa laab qaaddey baroortii hablaha raggoodii la xidhay ama la laayay isagoo ka war la’ waxa meesha loo tagey iyo ujeeddadii fogeyd ee laga lahaa? Mise intii na hoddeysay ee ujeeddo badanta ahayd ee middiyaha qarsoon hoosta ku haystay, xaalkooduna aanu dhaafsiisnayn inay kursiga iyana markooda boobaan oo Jaalle Siyaadyo Cusub noqdaan sidiisiina shacabka u dulmiyaan (sida maanta muuqataba) ayuu ka mid ahaa?

Haddaan arrinku labadaa midna ahayn bal eeg waxa Xuseen Jaamac Yabaq iyo kuwa la ayniga ahi ay ku aqdaamanayaan iyo sida ay shacabkooda u dhibayaan maanta.

Weliba kaaga darane Duq Xuseen saasuu iskula mudan yahay oo ku doonayaa in uu mas’uuliyad ugu sii hayo shacabka Gaalkacyo ee uu sidaa udulmiyo, xarriggana kala daalayo kii yiraahda “hantidaydii aad xaraashteen iyo canshuurtii aan bixiyay meel iigu sheeg”, ama kuwa yiraahda “maxaan canshuur bixinnaa intii aan hore ubixinayba wax nooguma qabataane”. Odagu sidaasuu rabaa inuu Duqa degaanka kusii ahaado.

Mar sii horraysayna waxaabu caddaystay inuu hunguri ka qabo in uu sii ahaado Duqa Maamulka dawladda hoose ee Gaalkacyo. Sida Gaalkacyo laga ogsoonyahayna wuxuu Duqu olole iyo loolan ugu jiraa doorashooyinka la sheegay in dawladaha hoose ee Puntland laga qabanqaabin doono. La arli doone.

Xad gudubyada la gaysanayo markaad eegto, saw ragga imminka taliyaa “ka dar oo dibi dhal maaha” saw xukunkii kacaanka iyaguba baro ma dheeraan. Saw dad badani maanta Ilaah ka baryi maayaan in xukumaddii hore usoo celiyo, illeen wax dhaamay waayeene. Marka Cali la arko Warsamow maandhow” saw xaalka maanta nala baday sidaa maaha. Marka Yabaq iyo saaxiibbadii taliyeen, Maxamed Siyaad iyo Xertiisii, shariif dheh. Yaa arkay maxamed siyaad oo dhul dawladeed xaraashanaya, mid uu usoo celiyo maa hane? Yaase arkay maxamed siyaad oo xashiish beeraya ama bad xaalaufinaya? Xumaanta kalaase badnayd iyo shacab cabburinta, waase laga baray laga badi.

Waa xaqiiq in sidii loo nacay raggii xukumaddii hore horseedka u ahaa kuwanna loo nacayo. Taariikh xumo iyo magac ba’ayna ay dhaxlidoonaan sidii ay dhaxleen saxiibbadoodii ka horreeyay ee Kacaankuba. Maxaa yeelay kuwii hore dadka, dalka iyo diintay dulmiyeen, idinna sidii oo kale iyo si kasii liidata ayaad waddaan. Kuwaa shacabkaa riday idinna waxaad sugtaanba waa shacabka oo ka gadooda cadaadiska aad ku haysaan iyo ku tumashada xuquuqdooda ee aad caadaysateen, aakhirkana furka tuura, sidaana kusoo afxira maalmaha xanuunka badan ee amar kutaaglayntiinna.

Haddii madaxda maanta ee Duq Xuseen ku jiro ee mucaaradka soo ahaan jiray, ay qoriga deegta saareen oo ay dagaalameen shalay markii ay la dirirayeen Maxamed Siyaad, iyana hadday wax dulminayaan maanta, shacabku qori ha u qaato kuwanna marna anigu ku talin maayo. Waayo qorigu xalka ugu wanaagsan oo is baddal lagu gaaro ka mid maaha. Waddooyin kalaa bannaan kuwaasoo qoriga ka xoog badan shacabkana uga kharash yar ugana sahlan.

Guud ahaan xarigga sharci darrada ah iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda dadka ee mas’uuliyiin badan oo Dawlad Goboleedka ka tirsani caadeysteen khasatan xarigga loo gaysto suxifiyiinta oo dhaqan iyo moodo hirgalay ka noqday Puntland, waxay dhaawac weyn u geysan karaan sumcadda iyo magaca maamul-goboleedka Puntland. Waxay kaloo meel-ka-dhac iyo xadgudub ku tahay xorriyadda saxaafadda iyo ra’yiga madaxa bannaan, taas oo xeerarka dunidu xaaraantinimaynayaan in lagu xad-gudbo

Waxaynu ognahay in axdiga dawlad goboleedka ee lagu heshiiyay uu damaanad qaadayo xooriyadda hadalka ama fikirka iyo madaxbannaanida saxaafadda. Ma dhigayo axdigu in muwaadin la iska xirto isagoon xariggiisa maxkamadi amrin ama aan dambi farakula jirin.

Waa ayaan darro in Soomaaliya goboladii maamul hoosaad samaystaaba ay ku fashilmaan fulinta ballanqaadyada axdigoda ku qoran ee damaanad qaadaya madaxbannaanida saxaafadda iyo xorriyadda fikirka madaxabannaan.

Anigoo aad uga xun xarigga afduubka ah ee maxkamadla’aan xorriyadda looga qaado suxufiyiinta, sababta lagu haystaana tahay fikradohooda oo ay gudbiyeen wixii ula muuqday dan guud, waxan la qabaa bareeraha uu arrintaan ka jeediyey wasiir-ku-xigeenka warfaafinta ee maamulka Puntland, tilmaanta uu xarigga suxufiyiintii labada ahaa ee Gaalkacyo dhawaan lagu xiray uu ku tilmaamay tallaabo xad-gudub ah, sharcigana aan waafaqsanayn, isla markaana dhalin karta iska hor-imaad ka dhex dhaca maamul-goboleedka iyo bahda saxaafadda haddiiba waxa lagu haystaa yihiin cabbiridda fikradohooda ku wajahan ka run sheegga baahida horumarinta degaankooda iyo dhaliilaha ka jira, taas oo ah waajibka suxufiga xilkaska ah meel uu joogaba.

Saxaafaddu waxaanu ognahay in ay tahay awoodda afraad ee ummadi yeelan karto. Iyadoo saddexda kale yihiin Golaha Xukuumadda ama fulinta (executive), Wakiillada dadka ama sharci dajinta (legeslative or representative) iyo Garsoorka (judiciary).

Ugu dambayntii waxaan hay’adaha garsoorka ee Puntland ka codsanayaa kuna dhiirri galinayaa in ay ka daba tagaan xad gudubyada loo gaysto muwaadiniinta ay ilaalintooda sharciga ah u jiraan, ayna caddaaladda mariyaan muwaadiniinta tabanaya caddaalad-darrada, gaar ahaan labadii suxufi ee u dambeeyay (Aaden Nuur iyo Daahir C/qaadir) ee Gaalkacyo Duqeeda magaalada isaga xirtay iyagoon xarigooda wax maxgamad ahi amrin, dambi ay faraha kula hjireenna lagu helin.

Suxufiyiinta meel kasta oo ay joogaan waxaan kula dardaarmayaa in ayan cidna uga tanaasulin ka runsheegidda waaqica dhabta ah iyo cabbiraadda fikirkooda xorta ah ee ay kusoo badhigayaan dhaliilaha jira ee toosinta u baahan, iyo tilmaamidda horumarka bulshada ee guud, isla markaana waxaan ku boorrinayaa in ay isaga fogaadaan waxyaabaha sumcaddooda iyo shaqadooda wax yeellaynaya ee eexda, qabyaallada, nin jeclaysiga iyo caadifadda ku salaysan ee aan wax ku kordhinayn danta guud. Waa in ay xarigga, cabburinta iyo caga-guglaynta joogtadaa ee xilliga xun ku lammaansan u dhabar adaygaan oo ayan ka weecin yoolkooda ah gaaridda ummad xor ah oo dimoqraadi ah una bisil dood wadaagga iyo is-cabbiraadda xorta ah.

Mar kale, waxaan guud ahaan maamullada ka jira degaannada Soomaalida ku boorrinayaa in laga waantoobo lagana ilbaxo cabbudhinta joogtada ah ee lagu hayo suxufiyiinta iyo ra’yiga xorta ah.

Caddaalad iyo horumar ayaan Soomaali u rajayn

Qore : Burhaan Axmed Daahir, E-mail : Burhaandaahir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]