SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 JAWAAB QARAALKII C/WAAXID KA QORAY TII XAGARYARE

FARAH WARSAME

 bile1971@hotmail.com  

WAXAA AAD IIGA FAJICIYAY QORAAL UU QORAY NIN MAGICIISA KU SHEEGAY C/WAAXID OO INTA BADAN WAX KU QORA BOGGA SOMALITALK OO DAD BADANI AKHRISTAAN. WAXA UU KA JAWAABAYAY QORAAL UU QORAY NIN MAGICIISA LA YIRAAHDO XAGAR YARE OO AAN FILAYO IN UU YAHAY QORAA IYO WERIYE AAD LOOGA YAQAANO SOOMAALIYA SIDA UU C/WAAXID-BA XUSAY. WAXAA RUNTII MARKAAN AKHRIYAY LABADA QORAAL SOO XASUUSTAY SHEEKO BERI I QABSATAY . 1988-DII ANOO MAGAALADA MUQDISHO JOOGA AYAA WAXAA II YIMID WIIL AAN SAAXIIBO AHEYN MARKAASUU IGU YIRI " NINYAHOW MA MASJIDKII AAN WAAGII TAFSIIRKA QUR'AANKA KA AKHRISAN JIRNAY OO UU NINKII WAAYEELKA AHAA NOOGA AKHRIN JIRAY BAAD WELI WAX KA AKHRISATAA?? MARKAASAAN KU IRI "HAA" MARKAASUU IGU YIRI "WAR ADDUUN LAMA SOCOTID MASJID HADDA LA FURAY OO DHALINYARO WAX KA BARAAN AYAA JIRA EE JAAHILNIMADA INTAAD ISKA DEYSO KAALAY DHALINYARADA WAX KA BARO INTAAD ODAYAAL WAQTIGOODII DHAMAADAY OO WAXBA GARANEYN HOOS FADHIN LAHEYD!!". SHEEKADAA WAXAA I SOO XASUUSIYAY MAR! KAAN ARKAY SIDA C/WAAXID OO AYAAMAHAAN DHOWR JEER WAX KU SOO QORAY BOGGAN UU DOONAYO IN UU U AAMUSIYO NIN WALIGII WERIYE AHAA, WAXNA QORAYAY.

MAANTA MARKA AAD U FIIRSATO SOOMAALIYA WAXA KA JIRA WAXAA DHACDA IN DAD BADANI AYAN GARAN HALKA SARTU KA QURUNSAN TAHAY. NIMANKA SHEEGANAYA IN AY MADAX KOOXEEDYO YIHIIN MID AMA LABA MOOYEE MA JIRO MID 1990KII KAHOR LA YIQIINAY, TAA WAXEY KALIFTAY IN NIN AAN WELIGII LA ORAN MEEL KA TALI IN UU ISKU TAAGO AMA YIRAAHDO WAR KA LEEXO MEESHA ANIGAA MEESHA SOCODSIINAYEE, NIN WELIGII MAAMUL HAYAY. TAA WAXEY KALIFTAY IN AAN MAANTA MUDDO 13 SANO AH AAD DOWLAD LA'AAN AHAANO. MARKAAD U FIIRSATO HADALADA C/WAAXID EE UGU JAWAABAYO XAGAR YARE WAA KUWAA OO KALE.

WAXA KALE OO AAD IIGA FAJICISAY NINKAN ISAGA AH MARKA UU WAX QORAYO WAXA UU INTA BADAN KU SOO QAATAA XADIISYO LAGA SOO WERIYAY RASUULKEENII SCW, ISAGOO UGA JEEDA DADKU HA RUMEEYO WAXA AAD SHEEGEYSO OO RASUULKII U SII MAR, HADDANA MA XISHOODEE WUXUU DABA DHIGAA AFLAGAADO UU QOYS AMA REER KU AFLAGAADEYNAYO, MASE IS RAACI KARAAN HADALADII RASUULKEENII SUUBANAA IYO AFLAGAADO. BAL AAN WEYDIINEE MARKII UU BARANAYAY AXAADIISTA MA WUUSAN AKHRIN ANSHAXA IYO ASLUUBTA WANAAGSAN EE LAGA DOONAYO QOFKA ISLAAMKA AH.

DABCAN HADII AAD ARAGTO QOF QOF WAX KA SHEEGAYA, CIDDUU DOONO HA NOQDEE MANSABKA UU DOONO HA YEESHEE, MA HABOONA IN AAD U RIYAAQDO HADALADIISA ADIGOO AANAN HEYN DALIIL CAD OO QOFKAAS AAD KA HEYSO. TAARIIKHDUSE WAA WAX QORAN SIDA UU U BAYAANSHAY XAGAR YARE-NA, WAXEYNA LEEDAHAY WAQTI LA YAQAAN OO WAX WALBA LAGU XUSO. WAXAAN KU ORAN LAHAA C/WAAXID ARAGNAY SIDA AAD U NECEB TAHAY C/LAAHI YUUSUF, DHIBNA UMA ARAGNO OO KUWO ADIGA KULA MID AHBA WAA NA SOO MAREEN, WAXNA WAAD KA SHEEGI KARTAA SABABTA OO AH WAA NIN MADAX AH, DIMUQRAADIYADA AYAANA OGOL LAAKIIN LABA WAXYAALOOD ISKA ILAALI OO MIDI DARAN TAHAY. AAN KU HOREEYO TAN DARAN MARKA AAD RASUULKEENII SHARFANAA SOO QAADDO, CEYDA IYO AFXUMADA AAD DABA DHIGTO JOOJI, TAN KALE QOFKA WAX KAA BADIYA AMA KAA AQOON ROON AMABA KAA WAAYO ARAGSAN KA DAMBEE OO TIXGELI, ILEYN WAXA WAX NABARAY WAA MACALINE . (HE WHO KNOWS AND KNOWS THAT HE KNOWS IS A WISE LEARN FROM HIM). kaadal! mucalimu an yakuuna rasuulaa. XAGAR-NA HADDAAN BEEN ISKA DHOWRO MACALIN WUU KUU NOQON KARAA MARKAAN ISU BARBARDHIGO SIDA AAD LABADIINU WAX UKALA QORTEEN.

HADALKA IDINKU DHEEREYN MAYO SIDA DAD BADANI AAMINSAN YIHIIN IN NINKII AAN BOQOL BOG BUUXIN UUSAN WAXBA SHEEGIN LAAKIIN WAXAAN HADALKEYGA KU SOO GABA GABEYNAYAA DHIBAATADA MAANTA SOOMAALIYA KA JIRTA WAXEY KELIFTAY OO AAD ARKEYSAA IN DAD AAN ISKU MEEL MARI LAHEYN HADDII AY DOWLADI KA JIRTO WADANKEENA IN AY MAANTA IS HOOS FADHIYAAN, WAADSE ARKI WIIL YAR OO WAARIDKII ISKU TAAGAYA ILEYN MACALINKUBA WAA WAARIDE. MARKA AKHRISTE WAX WALBA FILO INTA AAN DOWLAD LA'AANTA NAHAY LAAKIIN DHULKII WAA LOO NOQON HADDII RABBI IDMO.

FARAH WARSAME

 bile1971@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]