SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

 Qaadashada Dhalashada Ingiriiska oo la adkeynayo.

inj. Abdirahman Omar Osman | yarisow70@hotmail.com

Koox talo bixin ah ee dowladda Ingiriiska ayaa markay taariikhdu ahayd (03/09/2003) soo saartay qoraal ey kula talineyso Dowladda iney imtixaan ka qaadaan shaqsi walba oo dalbada dhalashada oo la weydiiyo su’aalo ku saabsan luqadda ingiriiska iyo nolosha waddanka oo cidii ku guul dareysato imtixaankana aan la siinin dhalasho ama baasaboor.

Warbixintaan ayaa soo jeedisay in xisooyin la xiriira luqadda iyo nolosha ingiriiska la siiyo shaqsiyaadka soo geleytida ah. Talooyinkan ayaa adkeyn doono sidii lagu heli lahaa dhalashada U.K. oo hadda aan jirin wax imtixaan ama xisooyin lagu xiro qaadashada dhalashada UK. Guddigan ayaa ku tilmaamay qaadashada dhalashada ey qiimo yeelaneyso marka shaqsiga uu la yimaado dadaal ee aan la iska siinin. Waxeyna sheegeen in shaqsigii ku guul dareysta imtixaanka aan laga dhoofin doonin waddanka, ha yeeshee uusan xaq u yeelan doonin inuu coddeeyo ama in la siiyo baasaboor.

Wasiirka arrimaha gudaha ee UK David Blunkett ayaa soo dhoweeyey warbixintaan, isagoo sheegay fahamka taariikhda UK ey xoojineyso dadaalka qiimaha guud, uuna raaciyey in luqadda ingiriiska ey sahleyso wada dhaqanka. is dhexgalka iyo hurumarinta waxbarashada.

Tauhid Pasha ahna Xoghayaha sharciga iyo siyaasadda ee golaha is baheysiga ee kaalmada soo galeytida ayaa ka digay in imtixaanka uu keeni karo midab kala sooc, isagoo sheegay in luqadda barashadeeda ey faa’iido leedahay, haddana waxaan ku diideynaa si qadiyad ah oo in shaqsiga lagu qasbo inuu imtixaan galo. Tauhid ayaa sheegay iney dhici karto in shaqsiga uu ku guul dareysto imitxaanka arrimo ka tan weyn oo ey ka mid tahay aqoon la’aan ama iney ku adkaato wax barashada (learning difficulties), tanoo uu ku tilmaamay iney keeni karto in shaqsiyaad fara badan eyba iska daayaan iney galaan imtixaanka oo ey qaataan dhalashada.

Warbixintan oo maanta soo baxday ma cadda iney dhaqan galeyso ama waqtiga la filayo iney dhaqan gasho. Sidoo kale ma cadda su’aalaha la weydiin doono shaqsiga, walow la carabaabay in luqad ku filan oo aan heer sare aheyn, hay’adaha dowladda, taariikhda waddanka, sharciga guud, iwm. Ha yeeshee waxaa dadka qaarkood ey is weydiinayaan in arrintan la rabo in lagu daydo Mareykanka oo shaqsiyaadka uu siinayo dhalashada la weydiiyo su’aallo.

Arrintan ayaa la filayaa iney saameyn weyn ku yeelan doonto Somalida degan UK oo lagu qiyaasay iney gaarayaan 120,000 (boqol iyo labaatan kun) oo beryahan si joogta u qaata dhalashada ingiriiska. Su’aalaha la filayo ayaa la xirriira aqoonta hay’adaha dowladda, sharciga, taariikhda iyo arrimo badanba waxaa la qiyaasayaa iney xitaa ku adkaan karto dadka u dhashay waddanka ingiriiska oo inta badan barta ama yaqaan arrimaha iyaga quseeya oo keliya. Waxaase lagu wadaa shaqsiyaadka ey ku adkaan doonto ay ka mid yihiin dadka waayeelka ah ama shaqsiyaadka aan wax ku baran waddanka UK.

inj. Abdirahman Omar Osman | yarisow70@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD