SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD FURAN

Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta gabayda!!!

B. Adam
soh114@hotmail.com

Assalamu caleykum

  • Hadraawi ummadda haka waaniyo in heesaha muusigada leh iyo isla heesida laba qof oo kala jinsi ah ay xaaraam tahay
     

Hadraawi oo ka khubaynaya Boosaaso

Wlaalkey Hadraawi iyo inta kula bahda ah heesaha, iyo gabayada waxaan rabay in aan u naseexeeyo sababta oo ah, haddii aanu nahay dad muslimiin ah waxaa RABBI naga xarimay heesaha ama gabayada marka laga reebo marka qof ku difaacayo diinteena ISLAAMKA, marka waxaan dhihi lahaa dhamaantood gaar ahaan Hadraawi oo ah nin soomaliya oo dhan laga yaqaan mar dhowna muujiyey ´soomali jecelnimadiisa´ ka dib markii uu wadanka dhamaantii uu soo booqday ee uu san ahayn nin tuulo isku soo qafilay!!!

Marka waxaan dhihi lahaa in uu warbaahinada caanka ah gaar ahaan kuwa afka soomalida ku baxa in uu ummadda ka waaniyo in heesaha muusigada leh iyo isla heesida laba qof oo kala jinsi ah ay xaaraam tahay.

Sababta aan isaga uga dalbanaayana waa in uu isaga yahay nin caan ah isla markaana ay dadka hadalkiisa tixgelinayaan marka loo eego dadka badankii sida aniga oo kale oo cidna waxba iga qoreyn oo aan iska ahay qof aan aqoon fiican ku lahayn mujtamaca soomaalida.

Walaalkey Hadraawi waxaan jeclaan lahaa in akhbaartaan la gaarsiiyo sababta aan u leeyahay qof waliba waa ogsoon yahay, mana ihi nin neceb Hadraawi ee waxaan ahay nin naseexiisa ah, oo waan la soconaa inta heeso uu curiyey hadraawi oo meel kasta yaala, iyo dad ku luqeeyey, rag iyo dumarba.

 

Qore: B. Adam
soh114@hotmail.com

Hadraawi sidii looga soo dhoweeyey Boosaaso...

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]