|
Kiplagat: Soomaaliyeey magtii (4.5) miiskeey idiin
saarantahay!
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum.
Maalin ayaa nin tuug ahi kusoo baxay nin sheekha oo ka
yimid beertiis, ninii tuugga ahaa wuxuu rabay inuu dharka kala baxo siikha
waxaana dhexmaray sheekadaan:
Dharka ii bixi.
Sheekhii: Maxaa keenaya inaan dharkayga kuu bixiyo?
Tuuggii: Anigaa kaaga xaq leh dharkaaga!
Sheekhee: Xaggeed warkaas ka keentay?
Tuuggii: Walaalkaa faro-maran baan ahay, adna hanti
baad haysataa.
Sheekhii wuxuu yiri: belaayooy ka dhac.
Tuuggii: waxaan rabaa inaan u labisto sidaad u
labisatay.
Sheekhii: ma i qaawinaysaa si cawradaydu u muuqato?
Tuuggii: Dhib ma leh, waxaan Maalik nalooka wershay
inuu yiri dhib ma leh in ninku qubaysto isagoo qaawan.
Sheekhii: dadkaa igu soo baxaya oo cawradayda
arkaya?
Tuuggii: haddii dad halkan kugu arkayo kuuma soo
ban-baxeen.
Sheekhii: waxaan kuu arkaa nin caqli badan ee ii
ogoloow inaan beertayda ku noqdo oo aan dharka kuu soo bixiyo oo kuu keeno.
Tuuggii: maya waxaad rabtaa inaad igu soo dalbatid
afar addoon oo ay suldaanka ii qaadaan kaddibna xabsi la i dhigo,
karbaashna la igala daalo anoo silsilad lugaha la iga jabshay.
Sheekhii: Maya waan kuu dhaaranayaa inaan balanta
ka soo baxayo oo aan ku xumayn doonin.
Tuuggii: Waxaa Imaam Maalik nalooka wershay in
aysan wax ka- soo-qaad lahayn dhaarta tuugada loogu dhaarto.
Sheekhii: waxaan kuugu dhaaranayaa inaanan
xeeladaysi wadan.
Tuuggii: waa uun dhaar dhaar kale lagu daray oo
tuug ku jeedda.
Sheekhii: naga daa doodda ee Ilaah baan ku dhaartee
waan kuu keenin dharkaan anoon cuqdad kuu qabin.
Tuuggii oo madaxa hoos u rogtay wuxuu shiikhii ku
yiri ma garanaysaa waxaan ka fekerayo?
Sheekhii: Maya.
Tuuggii: waxaan maskaxda ku soo kulmiyey
waxyaalihii ay tuugadu sameeyeen laga soo bilaabo waqtigii Nabiga (SCW)
ilaa maanta mana maqal tuug qaatay “nasii’o” (dayn ama dib-u-dhigasho)
waxaanan nacayaa in aan Islaamka ku bilaabo bidco dambigeedu dushayda
noqdo iyo waliba dambiyada dadka (tuugada) kale ee igu dayda ilaa
Qiyaamaha ee ii bixi dharka.
Sheekhii: waan u bixiyey dharkii isna intuu qaatay
buu iska tagay.
Soomaalaay ma maqasheen qof raba intuu wax
dilo oo u tagay dadkii uu rabay inuu wax ka dilo inuu ku yiraahdo hebel baan
dilayaaye magtiisa sheekta oo kaalaya aan ka tashannee intaanan dilin?
Dadkii Sweden kula kulmay Kiplagat waxay
sheegeen inuu ku yiri iska ilooba Soomaliweyn. Annaga iyo Itoobiya ayaa
shirka wadna waana nasiib aan helnay. Wuxuu ka wadaa waxaa naga go’an
inaysan Soomaaliya dib dambe usoo kaban marka magtiina qaata oo qabiil kasta
qaybtiisa ha qaato (4.5). Fiicnaan lahaydaa hadduu gobolaysi noo siiyo magta
oo aan helno 8 ama 16 ama 18.
Kiplagat wuxuu wax noogu qaybiyey sidii nin
reer baadiye ahi wax u qaybshay mar uu kusoo hoyday reer. Reerkaas ayaa
waxay sosheen/soleen hal digaag. Reerku wuxuu ka koobnaa oday iyo habrtiis,
labo wiil iyo labo gabdhood oo ay dhaleen. Markii digaagi diyaar noqday ayey
ku dhaheen ninkii reer baadiyaha ahaa noo qaybi. Reer baadiyihii wuxuu yiri
madaxa waxaa iska leh madaxa reerka (odayga) waa tunka digaaga oo hilib ma
saarna. Dabadana islaanta. Iyadana wax kuma yaalaan sida tunka. Labada garab
ee aan hilibka lahayna labada gabdhood. Labada lugoodna labada wiil. Inta
soo hartayna waxaa leh ninka martida ah wuxuuna qaatay digaagii badankiisii.
Maalintii dambe ayaa odaygii wuxuu solay/shiilay
shan digaag markaasu ku yiri reer baadiyihii noo qaybi. Reer baadiyihii
wuxuu yiri waxaan filayaa inaydaan ku farxin qaybtaydii shalay? Odaygii
wuxuu yiri dhib ma leh ee noo qaybi. Reer baadiyihii wuxuu yiri ma tiro is-le’eg
baan wax ku qaybshaa (dhaban) mise mid is-dheer (kissi)? Waxay dhaheen mid
is-dheer. Reer baadiyihii wuxuu yiri: odayga iyo habarta iyo hal digaag ah
waa isku seddex. Labada gabdhood iyo hal digaag ahna waa isku seddex. Labad
wiil iyo hal digaag ahna waa isku seddex. Aniga iyo labo digaag ahna waa
isku seddex. Reerkii waxay dhaheen tiro is-le’eg noogu qaybi. Reer
baadiyihii wuxuu yiri waxba kama qabo. Wuxuu yiri habarta iyo labada
gabdhood iyo hal digaag ahi waa isku afar. Odayga iyo labada wiil iyo hal
digaag ahina waa isku afar. Aniga iyo seddex digaag ahina waa isku afar.
Reer baadiyihii inta xagga ula jeestay buu seddexdiisii digaag cunid ku
bilaabay isagoo Ilaah ugu mahadinaya qaybta uu baray.
Marka waxaa ka baqayaa in loo darsado
qaybtii Ina Cumar Geele ee aan wax laga dheefin. Waxaan shakki lahayn
inuusan Ismaaciil Cumar Geele ka rabin Soomaali inuu dhul ka qaato ama dhib
kale oo ay ku hayso kaliya waxaa dhici karta in xiriir uu ka dhaxeeyey isaga
iyo C/Qaasim. Sidaan horay usheegay is-bahaysiyadu waxay ahaayeen labo labo
ama saas oo kale waqtigii Carta laakiin hadda way sii balaarteen.
Ninkastoow xassuuso Xaddiiskii Nabiga (SCW)
uu kulahaa ninkii walaalkiis caloosha laga hayey sii malab. Oo ninkii
haddana Nabiga (SCW) oo yiri Nabi Alloow (SCW) walaalkay malabkii xanuun buu
ka sii qaaday. Nabigu (SCW) wuxuu yiri sii malab waxaa been sheegaysa
caloosha walaalkaa. Ilaa markii dambe uu ninkii buskooday. Ma garanayo in
qab-qablayaasha iyo hogaamiye dhaqameedyadu ogyihiin waxaynaan ogayn oo ay
fahmayaan in qabyaaladu sida malabkaas marka dambe keeni doonto qaran iyo
nabad.
Marka waxaan qab-qablayaasha iyo hogaamiye
dhaqameedyada ku leeyahay sheekada qaran-dhisku yey noqon sidii haweenaydii
inta ninkeedii iyo rag la socda oo safar ka yimid gurigeedii yimaadeen oo
aan u diyaarin wixii dumarku raggooda u diyaarin jiray(sida oodkaca iyo wax
kaloo diyaarsan) damacday inay khiyaano isku maameeliso iyadoo inta biyo ku
shubtay haan/aagaan u saartay lulid. Ninkii wuu fahmay hadday meesha caano
ku jiraan in haweenta ragga siin lahayd xittaa haddii aysan subag badan
dhalin maxaa yeelay caanahaa markaas dhib loo qabaa. Ninkii wuxuu yiri
“WALLEE biyoow subag dhashe ama lulliin dambe la idiin ma celiyo”. Marka
waxaan leeyahay WALLEE qabyaaladii qaran iyo is-jecayl keentay ama Soomaali
waa ka waantoobin inay qabyaalad wax ku qaybsato”
Nabigu (SCW) wuxuu ka taga qabyaalada waa
qurune.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|