| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- MINNESOTA
|
|
Sanad-Guuradii labaad ee Sept. 11, Siyaasadda Caalamku waa sidee?
C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
Ceynte@comcast.net
Sept 12, 2003
Shalay ayeey aheyd sanad guuradii labaad ee dhacdooyinkii argagixisada lahaa
ee lala beegsaday magaalooyinka New York iyo Washington ee lagu xasuuqay
kumanaan dad ah oo wax eey galabsadeen la arag. Dhacdooyinkaasi waxeey ahaayeen
kuwa ugu argagaxa badan taariiqda cusub. Wexeey kaloo ahaayeen kuwa loogu
warqaadka badan yahay. Intaas waxaa ka sii daran dhibka dhacdooyinkaasi wuxuu
si dawaali ah iyo si aan dawaali aheynba u wexyeeleeyey dhamaan lixda 6 billion
ee qof ee dunida korkeeda ku dhaqan. Ka billow qofka eey qaraabadiisa soke, ama
asxaabtiisa uga geeriyoodeen, ku gee beeraleyda ku dhaqan bariga fog ee laga
jartay kaalmadii dowladda dhexe, dhaqaale xumo ka timid sept, 11 owgeed. Soo
mar dadyawga caadiga ah ee diintooda darteed baqdimo la jiifan la'a.
Septemper 11, cidii doontaba haka danbeysee, wexeey musiibadeeda ugu badan
soo gaarsiisay dadka muslinka ah ee tiradoodu korka u dhaafeyso 1.5 billion ee
qof. Hadii eey muslimiini soo maleegtay argagaxa intaa le'eg iyadoo is leh
muslinka kale u gargaara, Wexeey dhabtu tahay ineey kuwaasi geeysteen dhibkii
ugu weynaa ee soo mara muslimiinta caalamka, taariiqdan casriga ah. Argagixiso
qeyb kama ahan diinteena Islaamka ee xushmeynta iyo qadarinta ku qotonta.
Marnaba geesiyaal iyo naftood hurayaal laguma tilmaami karo isbiimeeyayaal
halaagay kumanaan aan wax eey galabsadeen la arag. Kuwaas oo isugu jira, Rag,
Dumar, Caruur, Doqow iyo waliba kuwa Muslin kale ah. Diinteena muqaddaska ah
meelna kagama taal in si axmaqnimo ah loo xasuuqo duul aan waxba galabsan. Sept
11 wexeey ahaan doontaa wajiga gabaxi! i ugu weynaa ee abid soo mara taariiqda
Islamka casriga ah.
Siyaasadda iyo Dhaqaalaha
Saaxadda siyaasadeed ee caalamku wexeey u sii siqday silic iyo saxariir
siyaado ah. Sept.11 wexeey amaamuday neceyb ama ugu yaraan shaki iyo mugdi soo
kala dhex gala daris kala diin ah oo nabad kuwada dhaqnaa. Dhacdooyinkaasi
wexeey sidoo kale aafeeyeen dhaqaalihii caalamka oo dhan. Ka soo billow
dhaqaalihii diyaaradaha caalamka oo si aan caadi aheyn u hoobtay. Waxaa suuqa
kabaxay oo kacay shirkado waaweyn oo eey kamid yihiin Swiss-air, Sabena iyo
kuwa kalkaal dowladeed heybsaday sida; United iyo U.S Airways oo labaduuduba
Mareykan ah. Dabcan dhaqaaluhu wuxuu salli goglan u yahay siyaasada caalam
weynaha. Dowladihii deeq bixiyayaasha ahaa ee dunida weey ka dhaarteen ineey
deeq danbe bixiyaan. Sept.11 wexeey horseeday laba dagaal oo Afghanistan iyo
Ciraaq ka dhacay oo salfaday iyana boqolaal nafood oo aan waxba galabsan.
Caalamka waxaa loo kala bixiyey (a) Argagixiso raac (b) Argagixiso diid. Ha!
dii aad argagixiso raac noqotana, kuwii horeba meeshii u danbeeysay baa kuu
danbeysa. Hadii kalena, Argagixiso diid iska noqo.
Dhaqanka iyo Diinta.
Sept.11 wexeey horseeday isku dhicii ugu weynaa ee xadaaradaha dunida. Waxaa
shaashadaha laga arkay sawiro aan hore looga arag caalamka galbeedka oo eey
kamid yihiin; Dumar ku xijaaban Burkada Afghanistan ee buluuga ah oo min madax
ilaa iyo cirib qarsoon. Shaashadaha ayaa sidoo kale laga daawaday wadaado hodan
ah oo ku dhex nool buuro dhagxaan ka sameysan. Sawiradani wexeey fajac iyo
amakaag ku noqdeen caalam aan rumeysan karin xaqiiqda ka jirta caalamka kale.
Waxeey Sept.11 isku furtay dhabayaal dhaqameedyo kala qoqobnaa, wexeeyna isu
sahashay ineey diimo badani is bartaan. Tusaale ahaan, buugaagta looga hadlayo
diinta islaamka iyo tafsiirka Qur'anka kariimka ah ayaa aad iyo aad looga
iibsaday galbeed ka gadaal Sept.11. Iskaba daa in intaas lagu simee, waxaan ka
daawaday mid kamid ah TV-yada Mareykanka kal hore, iyadii oo aayad Qur'an ah oo
gooni kaligeed loo taagay inta afka qalaad Eglish-lagu beddelay lagu soo qora!
y shaashada!
Sept.11, intaas kuma eeysan ekaane wexeey aheyd dhacdo sababtay in tiro aan
caadi aheyni soo galaan diinta Islamka. Sida eey sheegeyso xarunta muslimiinta
waqooyiga America "Tiro aan caadi aheyn ayaa yaqiinsaday diinta Islamka Sept.11
kadib". Nasiib xumo, Tiro aan caadi aheyn oo muslimiin ahna takoor iyo faquuq
ayaa loo geystay Sept.11 kadib.
Culimada iyo Sept.11.
Culimaa'udiinka caalamka islaamka ugu waaweyni waa eey dhalleeceeyeen
dhacdooyinkii Sept.11. Ha yeeshee Culimada xagga culuumta nafsiga ku taqasusay
ayaa iyagu isku howlay ineey bal dhanka cilmu-nafsiga ka soo eegaan sababihii
Sept.11. War cad oo is dul saaran lagama hayo. Culimada Islamku dhankooda
wexeey inbadan iftoodeen ineey tahay xaaraam in dad aan waxba galabsan la laayo.
Wexeey sidoo kale ka dhawaajiyeen ineey fulaynimo iyo baqdin tahay in magaca
Islamka si gaadmo ah wax loogu laayo.
Isku soo duuboo, Sept.11 wexeey geysatay aafo iyo musiibo ka weyn xitaa
middii loo maleynayey. Wexeey isku liqdaartay dunidii oo dhan. Isla markaana
meysan gaarin muhimadii laga lahaa, waaba hadii muhimad laga lahaaye. Hadiiba
Muhimad laga lahaa, Waxeey aheyd mid waxashnimo iyo doqonimo. Wexeey aheyd
magac xumo usoo hoyatay caalamka carabta iyo kan Islamkaba. Wexeey keentay in
hadii aad Muslim tahay maanta oo aad dooneyso inaad Airport uun diyaarad ka
raacdo, si gooni ah il gooni ah laguugu eego. Mana ku eedeysna dhibanayaashu
ineey sidaas sameeyaan, waayoo fal caqliga diidaya ayaa ku dhacay.
Dabcan, Siyaasad ahaan waad ku khilaafsanaan kartaa Mareykanka waxaad doonto,
laakiin taa macneheedu ma ahan in isbiimeyn lagu jawaabo.
Hadii leys weydiiyo, Sanad-Guuradii labaad ee
Sept.11, Siyaasadda Caalamku waa sidee? Jawaab qayaxan looma heli karo. Ha
yeeshee, waxaa lagu soo koobi karaa; Waa ka dar oo dibi dhal iyo furuq iyo
daacuun. Dagaal, Argagax, Qarax, Dil, Dhac, Kufsi iyo Qas uun beey Sept.11 soo
kordhisay.
C/raxman Ceynte
Minnesota
ceynte@comcast.net
QORAALADII HORE EE CEYNTE
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
|
>> Usheeg Asxaabtaada
|
|
|