SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

WARARKA SOOMAALIDA KU HOOS NOOL GUMEYSIGA ITOOBIYA "QARNIGAN"

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Itoobiya oo beddashay qorsheheedii millatari ee Ogadenya ku aaddanaa.
  • Ø Shir waynnihii TPLFta oo la filaayo in u kala jab wayn ka dhex abuurmo.
  • Ø Ururro xaquuqal insaanka daneeya oo codsaday inay booqadan maxaabiista Itoobiya.
  • Ø Xubin ka mid ah aasaasayaashii TPLF oo baxsaday.
  • Ø Waraysi uu tilifishin Lobnaani ah la yeeshay madaxwaynaha Eritreya.
  • Ø Wadamada maalgaliya shirka dib u heshiisiinta oo war cad ka soo saaray.
  • Ø Barnaamujkii Halgan iyo halgame oo aanu ku soo qaadanayno waraysi aanu la yeelanay Mudane Maxamuud Ugaas Muxumed iyo Suugaan kala gadisan.

Itoobiya oo beddashay qorsheheedii millatari ee Ogadenya ku aaddanaa.

Xukuumada Itoobiya ayaa wax ka beddashay qorsheheedii Millatari ee ay ka wadday dalka Ogadenya, ka dib markii ay ku guul-darraysatay siyaasaddii ay horay u dejisatay ee ahayd in Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya JWXO laga tirtiro dhulka ay Itoobiya gumaysato ee Ogadenya ama dibaddaba looga saaro haddii la tirtiri kari waayo. Sida lala wada-socdo waxay Itoobiya ku soo daabushay dhulka Ogadenya ciidamo fara badan oo ka tirsan jabhaddii talada Itoobiya la wareegtay ee EPRDF, gaar ahaan qawmiyada Tigreega, qorshoha ugu waynee ciidamadaasi ay ku hawl-galayeena wuxuu ahaa inay jiritaanka JWXO ka tirtiraan geyiga Ogadenya. Hase yeeshee qorshahaasi wuu u hirgeli waayay, khasaare lixaad lehna wuu ka soo gaadhay, taasoo keentay in ciidamadii Tigreega u badnaa lagu soo beddalo ciidamo isu keen-keen ah oo xasuuq lagaga soo uruuriyay qawmiyadaha kale ee Itoobiya.

Balse waxay taasina ku denbaysay in ciidamadii la soo xasuuqay ay iyaga dhexdoodii iska horyimaaddaan, isla markaana uu batay baxsadkii, iyadoo boqollaal ciidamadaas ka tirsan ay dhuumasha ku galeen dalalka deriska ah. Sidaas darteed waxay hadda xukuumada Itoobiya billowday inay siyaasaddeedii hore wax ka beddasho, waxayna ciidamadeedii isugu soo uruurisay magaalooyinka waawayn ee Ogadenya, iyadoo kharashka ku baxana laga gooyo miisaaniyada gobolka loogu talagalay. Magaalooyinka yaryar iyo tuulooyinkana waxaa loo diraa ciidamo dabaqoodhi ah oo cuntooda oo kaliya la siiyo. Qorshaha cusub ee ciidamada gumaysiga Itoobiya ay hadda ku hawlgalayaana waa sidii loo yarayn lahaa khasaaraha lixaadka leh ee ka soo gaadha weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee ay ku hayaan ciidamada xoraynta Ogadenya. Dhinaca kale dagaal adag oo 28 bishii hore ee agoosto magaalada Garbo ku dhex maray ciidamada xaq u dirirka ah ee Xoraynta Ogenya iyo kuwa dulmiga weheshada ee gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, tiro kale oon la ogayna waa lagaga dhaawacay.

Shir waynnihii TPLFta oo la filaayo in u kala jab wayn ka dhex abuurmo.

Wariyah wakaaladda wararka Ogadiniya (ONA) ee jooga magaalada Addis Ababa ayaa noo soo tabiyay in shirwaynihii TPLFta la qabandoono bishan September, wuxuuna shirkani socoon doonaa muddo 3 maalmood ah. Keligii taliye Meles Zenawi ayaa gelgelin cidla’ ah ka taagan taageeradii xubnaha TPLF, arrintaasina waxay keentay inuu isagu qof-qof u magacaabo xubnaha ka qayb galaya shirka, isla markaana uu liiska golaha dhexe u yeedhiyo. Dadka arimaha TPLFta ku xeeldheer waxay saadaalinayaan inuu khilaaf wayn iyo kala-jab culus ka dhalan doono shirkaasi, iyagoo tilmaamay sida ay uga biyo-diiddsan yihiin** ruugcadaagii **TPLF ee kaalinta wayn ka soo qaatay dagaaladii ay TPLF u soo gashay hanashada talada dalka Itoobiya.

Ururo xaquuqal insaanka daneeya oo codsaday inay booqadan maxaabiista Itoobiya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ururka Xuquuqul Insaanka Afrika uu Itoobiya ka codsaday inuu booqdo maxaabiista u xidhan xukuumada Itoobiya, oo la xaqiijiyay inay yihiin maxaabiista ugu tirada badan Qaaradda Afrika. Ururka Xuquuqul Insaanka Afrika, oo ku talajira inuu booqashadan hirgeliyo bisha oktober ee soo socota, wuxuu kaloo booqan doonaa maxkaamadaha Itoobiya xaafiisyada ciqaabta iyo argagaxa ee Nabada Sugidda Itoobiya. Arrintani waxay ka danbaysay, ka dib markii uu ururka Oromada ee OLF gaadhsiiyay ururrada caalamiga ah dacwad ka dhan ah xukuumada Dhigyacabka ah ee Addis Ababa oo uu sheegay inay si xun oo bani’ aadamnimada ka baxsan ula dhaqanto maxaabiista ay gacanta ku hayso ee siyaasada u xidh-xidhan.

Xubin ka mid ah aasaasayaashii TPLF oo baxsaday.

War aanu ka soo xiganay Wakaaldda Wararka ee Ogadeniya(ONA) ayaa sheegaya in

xubin ka mid ah aasaasayaashii TPLF oo lagu magacaabo Shewit Gebre-Kristos uu iska dhiibay wadanka Marykanka oo uu markii hore arrimo caafimaad ugu safray. Wararku waxay intaas ku darayaan in uu Shewit markii uu la shaqayn kari waayay kali taliye Meles Zenawi uu door-biday inuu wadanka isaga tago. Waxaa la wada ogsoon yahay in baryahan danbe ay aad u badatay baxsashada ay baxsanayaan madaxda sare ee dawlada wayaanaha ee wakhtigeedii dhamaaday.

Waraysi uu tilifishin Lobnaani ah la yeeshay madaxwaynaha Eritreya.

Telefishan uu fadhigiisu yahay wadanka Lubnaan ayaa warysi la yeeshay madaxwaynaha wadanka Eitreya Asayas Afwerke, waxaanuu madaxwaynuhu waraysigaas ku sheegay in wadaninimadu ay laf-dhabar u tahay dadka reer Eitreya iyo jiritaanka qaranimada Eirtreya. Warysigan oo madaxwaynaha lala yeeshay arbacada la soo dhaafay wuxuu kaga hadlay waxyaabo aad u faro badan oo ay ka mid yihiin siyaasada wadanka Eritreya, xidhidhka wadamada carabta iyo Eritreya ka dhexeeya, khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritreya iyo horumarinta siyaasada gobolka Geeska Afrika iyo tan caalamiga ahba. Madaxwayunu wuxuu kaloo sheegay in ay gumaystayaashii ay hub ahaan u isticmaali jireen mabda’a qaybi oo xukun, taasoo ay gumaystayaashu u isticmaaleen wadamo badan oo Afrikaan ah.

Wadamada maalgaliya shirka dib u heshiisiinta oo war cad ka soo saaray.

Kulan dhowr saacadood qaatay oo ay shalay yeesheen wakiilada beesha caalamka & guddiga farsamada ee IGAD loogana hadlaayay qaabka uu shirka Soomaalidu usocdo, ayaa wakiilada Modowga Yurub waxey soo hor dhigeen qodobo dhowr ah oo uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto haddii la doonayo inuu najaxo shirkaasi Waxaana ka mid ah :

in loo howl galo inta ka maqan shirka sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen maalmaha soocodda.

In siyaasad mideysan ay la soo shir tagaan guddiga farsamada ee IGAD iyagoo lagu eedeeyey iney la kala safan yihiin Kooxaha Soomaalida.

In shirka laga keeno natiijo maadaama uu sii daba dheeraanaayo isla markaana uu sii badanayo khilaafaadka Kooxaha

Waxayna wararku intaa kudarayaan in ay wakiilada beesha caalamku kuhanjabeen haddii aan si dhaqso ah wax looga qaban qodobadaasi ay joojin doonaan dhaqaalaha ay ku bixinaayaan shirka, ilaa hadda lama oga waxa uu ku dambeyn doono shirka oo maalmahaan galay hakadkii ugu dheeraa lagana yaabo inuu fashilmo.

Radio Xoriyo

05.09.003

Dhoodi Danwaa.



raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD