|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
WARARKA SOOMAALIDA KU HOOS NOOL GUMEYSIGA
ITOOBIYA "QARNIGAN"
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya
waxuu ka koobanyahay.
- Ø Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo xabsiyada u taxaabay dad badan oo ka
soo laabatay Jabuuti.
- Ø Shir balaadhan oo ka dhacay wadanka Australia.
- Ø Eritrea oo qaabilaysa qoxootigii Oromada ahaa ee wadanka Djabuuti
lagasaaray.
- Ø Hayada lacagata ee aduunka ee IMFta oo Itobiya shuruudo badan ku
xidhay sidii lacag dayn ah loo siin lahaa.
- Ø Madaxwaynaha Eritrea oo Itoobiya u sheegay in ay u hogaansanto sharciga
caalamiga ah.
Ø Shirka Soomaalida uga socda Kenya oo
isku cakiran.
Ø
Faalo aanu kaga hadlayno cadaawada ay Itoobiya u hayso Shacabka Soomaaliyeed
iyo Suugaan halgameed.
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo xabsiyada u taxaabay dad badan oo ka soo
laabatay Jabuuti.
Wararka naga soo gaadhaya Xuduuda Itoobiya iyo
Jabuuti ayaa sheegaya dad badan oo ka soo laabtay wadanka Jabuuti oo ay
Ciidamada Itoobiya xabsiyada u taxaabeen. Sida uu u sheegay wariyaha Radio
Xoriyo ee magaalada Diridhaba nin lacag madax furasho ah lagu soo daayay, oo
lagu magacaabo cabdi maxamed, waxaa xabsiyada Xeryaha ciidamada ee Xuduuda
Itoobiya iyo Jabuuti ku jira dad badan oo u dhashay Ogaadeenya, kuwaas oo ay
qaar ka mid ah ciidamada Itoobiya u sheegeen in la sii dayn Ruuxii bixiya 500 oo
Bir, halka qaar kalana lagu ee deeyay in ay ka tirsan yihiin Jabhada wadaniga
Xoreeynta Ogaadenya, kuwaas oo lo gaysto buuyidhi jidhdil aad u balaadhan oo ku
argagax galinaya.
Dhinaca kale 4.9.03 waxay ciidamada Itoobiya ku
dileen tuulada Laanjaleelo nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Xaaji
Biixi. Dilka ninkaas ayaa waxaa ka dhashay kacoon ay sameeyeen dadkii ku noolaa
deegaankaas, waxuuna sababay in ciidamada Itoobiya halkaas lagaga dilo 3 Askari
tiro badan oo shacab ahna uu ka soo gaadho dhaawac.
Shir balaadhan oo ka dhacay wadanka Australia.
Sida uu noo soo tabiyaya wariyaha Xoriyo ee
wadanka Autralia Dubada Kooreeye.
waxaa 06.09 03 ka dhacay magaalada melbourne ee wadanka Australia shirwayn oo ay
isugu yimaadeen jaaliyada ogadenia ee ku nool Australia, shirkaa oo qaatay waqti
aad u dheer waxaa uu ahaa shir ay dumarka' Ogadenia ee golbolka victoria soo
qabanqaabiyeen uguna talagaleen inay isugu keenaan dadka u dhashay Ogaadeenya ee
ku nool gobolka victoria, oo ay haweenku ka dareemeen gaabis iyo kala daadsanaan,
kuwaas oo ah arimo aan u adeegayn himilada ay hiigsanayso ummadda Ogaadeeniya oo
ku jirta halgan adag.
Dumarka Ogaadeeniya waxay soo bandhigen dhaliilo badan oo ay u soo jeediyeen
Raga ku nool gobalkan, waxaa kale oo ay soo bandhigeen jaangoyn ay ugu
talogaleen in kor loogu qaado halkan qadayida xaqa ah ee shaciga Ogaadeeniya,
isla markaana laga feejignaado dibindaabyada gumeysiga iyo xeeladahiisa guracan
ee ah (qaybi oo xukun). waxuu shirku isku raacay in la sameeyo gudiyo soo baadha
meelaha haweenku wax ka saluugayaan, isla markaana waxay gabdhaha reer
ogaadeeniya balan qaadeen inay qaban doonaan shirwayne kale oo dhici doona 11
bisha soo socota ee Oktober, kaa soo lagu soo bandhigi doono war bixin ku
saabsan xogtay dumarku soo ururiyeen islamarkaana lagu dooran doono gudiyo isugu
dhafan rag iyo dumar oo u wada adeegi doona qadiya guud Ogaadeeniya iyo garab
istaaga halganka xaqa ah ee Shacabka Ogaadeenyo ku doonayo madax banaanidiisa.
si kasta ha ahaatee waxaa hubaala in gabdhaha
Ogaadeeniya ee jooga melbourne wadanka Australia ay qaadeen tallaabooyin waa
weyn oo kor u qaadaya halgan shacbiga Ogadeniya ku doonayo in uu kaga hoos baxo
gumaysiga Itoobiya.
Dhinaca kale waxaa Xaflad balaadhan oo lagu soo
bandhigo dhaqamada wadamada Aduunka ka qayb galay Ururka Haweenka Ogaadeenya ee
wadanka Jarmalka. Xafladaas oo lagu qabtay 07.09.03 Magaalada Ludwigshafan ee
wadanka Jarmalka, ayaa waxay qolo walba ku soo bandhigaan waxyaabaha ay hidaha
iyo dhaqanka u leeyihiin sida Cuntooyinka, Labiska iyo Ciyaaraha, halkaasna
waxaa ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka oo aad loo jecleeystay ka ciyaaray koox
dhaninyaro ah oo ay soo abaabuleen Ururka haweenka ee wadanka Jarmalka.
Gudoomiyaha Ururka haweenka ee wadanka jarmalka Asiili Xaaji Macoow oo aan wax
ka waydiinay siday u aragto kaalinta ay xafladan ka qaateen ayaa noo sheegtay in
ay aad ugu qanacsantahay kaalinta ay ka qaateen bandhigaas. Xafladan ayaa ah mid
Sanadiikba mar laqabto, waxayna gudoomiyuhu noo sheegtay in ay Sanad walba ka
qayb galaan, aadna looga bartay dhibaatada qadiyada Ogaadeenya.
Eritrea oo qaabilaysa qoxootigii Oromada ahaa ee wadanka Djabuuti lagasaaray.
Warar aanu ka helay wakaalada wararka
Ogaadeenya ayaa sheegaya in dawlada Eltria ay ogolaatay in dadka u dhashay
qoomiyada Oromada ee laga celinayo wadanka jabuuti la keeni karayo wadankooda oo
ay ku qaabilayaan, warkaasna waxaa xaqiijiyay hogaanka Arimaha Dibada ee Jabhada
Xoreeynta Oromiya.
Ururka Oromada ayaa waxa uu ka codasaday hayada
arimaha qaxootiga aduunka u qaabilsan ee UNHCR in aan dadkaas faraha loo galin
dawlada wayaanaha ee Itoobiya, ee gacan lagu siiyo sidii ay u gaadhi lahaayeen
goobaha ay ku amaan helayaan ee wadamada dariska ah.
Warku waxa u intaa ku daray in ay Jaaliyda Oromada ee Canada warqad balaadhan oo
cabasho ah u qoreen midowga reer Yurub, warqadaas oo ay kaga codsadeen sidii xal
dagdag loogu heli lahaa dadkaas dhibaataysan.
Hayada lacagata ee aduunka ee IMFta oo Itobiya shuruudo badan ku xidhay sidii
lacag dayn ah loo siin lahaa.
war uu noo soo diray wariyaha Radio Xoriyo ee magaalada Addis Ababa ayaa
sheegaya in ay Hay, ada Lacagta Aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo
yaqaano IMF u diiday dawlada Itoobiya lacag dayn ah oo ay dalbatay. Diidmada
Lacagtaas ayaa waxay ka danbaysay markii ay dawlada Itoobiya ka soo bixi wayday
shuruudihii laga doonayay in ay soo buuxiso. Shuruudahaas ayay hay,adu ku
sheegtay in ay mahiim u tahay horumarka Bulshada soo koraysa ee Aduunka.
wararku waxay intaas ku darayaan in ayna
dawlada Itoobiya wax horumar ah oo dhinaca dhaqaalaha samaynin sanadihii ugu
danbayay, taassina waxay keentay in ay ku kalsoonaan waydo Ha,ada Lacagta
Aduunku Xukuumada Itoobiya.
Madaxwaynaha Eritrea oo Itoobiya u sheegay in ay u hogaansanto sharciga
caalamiga ah.
Waraysu u Tvga Yuni la yidhaahdo la yeeshay
madaxwayne wadanka Eritrea Isayasa Afwirk ayaa madaxwaynuhu ku sheegay in ay
dawlada Itoobiya runta aaminto oo ay si habsami ah u isticmaasho dakadaha
wadamada dariska la ah, oo ayna isku dayin in ay xoog military isticmaasho.
Waxaa la wada ogsoonyahay in ayna 14 dawladood oo qaarada Afika ka tirsani
lahayn dakad ay wax uga soo dagaan, dakadaha oo ka qayb qaata horumarka wadamada.
Madaxwaynuhu waxa uu intaa raaciyay in ayna dawlada Itoobiya lahayn dakado oo ay
dakadaha Eritrea uun isicmaali jireen. Waxa lawada ogsoonyahay in ay dawlada
Itoobiya soo weerartay wadanka Eritrea iyadoo sheeganaysa in ay dagmada Badame
leedahay, laakiin in ay Badame wadanka Eritrea ka tirsantahay caalamka ayaa u
xaqiijiyay, taasuna waxay keentay in aanu kaga guulaysano siyaasada Itoobiya ee
xooga ku dhisan.
Waxa uu Mr.Isayaas hadalkiisii ku soo gabo gabeeyay waxa wanaagsan in ay dawlada
Itoobiya u hogaansato sharciga caalamiga ah oo ay arintu sida ay gudida
soohdinta caalamiga ahi soo go’aamiyeen ku dhamaato, oo ayna mar labaad isku
dayin in u dagaal na dhex maro, kaas oo keeni kara in ay dad badani ku
dhamaadaan.
Shirka Soomaalida uga socda Kenya oo isku
cakiran.
Sida aanu ka soo xiganay Shabakada Internetka
ee Qoraxay Online shirkii soomaalida uga socday duleedka magaalada Nairobi ayaa
waxuu marayaa marxalad qalafsan oo laysku mari layahay.
Ismariwaagan ayaa waxuu ka danbeeyay, kadib markay kooxaha Soomaaliyeed ee
halkaas ku shirsan isku afgaran waayeen qodobka 19aad oo qeexaya qaabka ay u
shaqaynayaan maamul Goboleedyada iyo awoodoodu sida ay noqonayso. Wakiilka
wadanka Kenya ahna godoomiyaha shirka ayaa soo jeediyay in qodobkaas la hor
keeno ka qaybgalayaasha shirka, kadibna cod loo qaado si dhinaca codku u bato
loo raaco. Dhinaca kalana waxaa Magaalada Nairobi soo gaadhay Wafti uu
hogaaminayo nin jeneraal ah oo ay Itoobiya u soo dirsatay in uu u soo kuurgalo
arimaha shirka iyo in uu soo xaliyo khilaaf kulul oo soo kala dhex galay kooxaha
gacansaarka la leh ee SRRC. Khilaafkan ayaa lasheegayaa in uu ka dhashay kulan
ay lahaayeen Golaha SRRC oo ka doodayay sidii ay u wajihi lahaayeen Qodobka
19aad waxaana isku af dhaafay Wakiilka xuseen caydiid Naaleey iyo Co. C/Yuusuf.
Si kastaba ha noqotee waftigan Itoobiya ka socda ayaan lagaranayn si ay u xalin
doonaan khilaafkan ba,an ee soo kala dhexgay kooxdooda.
Radio Xoriyo
09.09.003
Dhiidhi Nuur.
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|