|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu
ka koobanyahay.
- Ø Dagaalo dhexmaray ciidamada Jabhada
wadaniga Xoreeynta iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.
- Ø Maamul ku sheega Klililka oo ku eedeeyay dawlada dhexe magacabidii
Ca/shid
Duulane loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada Biyaha.
- Ø 700 oo Boolis ah oo shaqadoodii laga eryayo.
- Ø Xaflad aad u balaadhan oo ay dadka reer Eritrea ku qabteen magaalada
Copenhagen.
- Ø
Wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya oo shirar isdabo joog ah la yeeshay qaar ka
mid ah hoggaamiye kooxeedyadda ku suggan shirka haatan ka socdo dalka kenya.
- Ø
Barnaamujkii Halgan iyo halgame oo aanu ku soo qaadanayno waraysi aanu la
yeelanay Mudane Maxamuud Ugaas Muxumed iyo Mudane Axmed C/laahi iyo waliba
Suugaan halgameed.
Dagaalo dhexmaray ciidamada Jabhada wadaniga Xoreeynta iyo ciidamada
gumaysiga Itoobiya.
sida uu noo soo tabiyaya wariyaha Radio Xoriyo
ee ku sugan jiida hore cee ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya, waxuu dagaal
kadis ah ku dhex maray 25.08.03 duleedka magaalada garbo, qaar ka mid ah
ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo koox sahan ahaa oo ka tirsan ciidanka wadaniga
Xoreynta Ogaadeenya, halkaasna waxaa Ciidamada cadawga ee Itoobiya lagaga dilay
8 Askari waxaana lagaga dhaawacay tiro badan oo kale balse aan la soo xaqiijin.
Isla Bishii hore dagaal ay labada dhinac iskaga
hor yimaadeen oo ka dhacay meesha la yiraahdo dhoore oo ka tirsan dagmada Danaad,
waxaa Ciidamada Itoobiya lagaga dilay 4 Askaro waxaana lagaga dhaawacay 5 Askari
oo kale.
2.09.03 dagaal gaadmo ah oo ay ciidamada
Xoreeyna Ogaadeenya ku qaadeen, ciidamo Itoobiyan ah oo marayay Kudunbuur oo ka
tirsan gobolka Qoraxay waxaa ciidamada cadaadiska iyo gardarada ku jooga
Ogaadeenya lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 7 Askari oo kale.
Isla 2.09.03 dagaal ay ku qaadeen ciidamada
dagaalyahmiinta Xoreeynta Ogaadenya, ciidamao Itoobiyaan ah oo ku sugnaa meesha
layiraahdo Siiga-Wayne oo ka tirsan Dagmada Garbo, ayaa waxaa ciidamada Itoobiya
ee Doolka ku jiiga Ogaadeenya lagaga dilay 7 Askari waxaana lagaga dhaawacay
tiro kale oo badan walise aan la soo xaqiijin.
04.09.03 dagaal kulul ayaa waxuu ku dhexmaray ciidamamada dulmiga waheshada ee
gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada geesiyiinta xoreeynta Ogaadeenya, Karin-Dabayl
oo ku taala duleedka magalada dhagax-Buur. Dagaalkas oo ay ciidamada Xoreeyntu
iskaga difaacayeen duulaan ay ku soo qaadeen kuwa cadawga Itoobiya ayaa waxaa
ciidamada nacabka lagaga dilay 12 Askari waxaana lagaga dhaawacay qaar badan oo
kale balse aan tiro dhab ah laga haynin, waxaana dib loogu celiyaya xeryihii ay
ka soo duuleen.
Maamul ku sheega Klililka oo ku eedeeyay dawlada dhexe magacabidii Ca/shid
Duulane loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada Biyaha.
joornaalka Reporter ee ka soo baxa magaalada
Adis Ababa ayaa sheegay in ay ka xunyihiin maamulka magaalada Jigjiga ee
Itoobiya u adeega magacaabista loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada
Biyaha C/Rasgiid Duulane, oo horay u ahaan jiray ninka madaxda u ah maamulkaas.
Xubnaha u waramayay joornalkaas ayaa waxay
Xukuumada dhexe ku eedeeyeen in ay xil u magacaabeen nin ay ku soo eedeeyeen
musuqmaasuq iyo in uu gudan waayay waajibaadkiisi shaqo.
Dhinaca kalana Saraakiisha TPLF ee gacanta ku
haya maamulka Ogaadeenya ayaa wargayska u sheegay in ay ceeb ku tahay Gobolka
Soomaalida iyo saraakiisha TPLF ee la hawlgala in ninkii ay soo eryeen abaal
marin looga dhigo wasiir ku xigeen dawlada dhexe ah.
Si kastaba ha ahaatee warkan ayaa waxuu ku
tusayaa in ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala Ogaadeenya ay midkay doonaana
meesha keenayaan kay rabaan ka caydhinayaan.
700 oo Boolis ah oo shaqadoodii laga eryayo.
sida aanu ka soo xiganay wakaalada wararka
Ogaadeenya waxaa shaqadii laga eryay 700 oo ka tirsan ciidanka Booliska Itoobiya,
kadib markay qiimeen ku sameeyeen koox u tababaran Xisbiga TPLF oo isha ku haya
cid kasta oo ka soo horjeeda maamulka Taliska Malis Zenaawi. Kooxdaas oo lagu
magacaabo kaadiriyiinta ayaa waxay qiimayn ama waxa ay yiraahdaan (Gimgama) ku
qaadeen 14 Dagmo oo ka tirsan 28 Dagmo ee ay ka koobantahay magaalada Addis
Ababa Booliskii ka hawlgalayay.
Wararku waxy intaas ku darayaan in ciidamadaas
qaarkood la waydiiyay lacagta aad ku guursatay xageed ka keentay iyo waliba
dharka aad qabto.
Nin ka mid ah ciidamada shaqadoodii waayay oo u
waramayay wariyaha wakaalada waraka ayaa u sheegay in ayna ujeedadu ahayn
ladagaal musuq maasuq ee ay tahay arimo siyaasadeed, waxuuna intaas raaciyay in
maalin walba la kiraysto diyaaradaha Elikbtarada ee ciidamada oo Soomaaliya
lagaga soo qaado alaabo koontaeabaan ah, waxna aan laga qaban.
Xaflad aad u balaadhan oo ay dadka reer Eritrea ku qabteen magaalada
Copenhagen.
Maalintii sabtidii ee bisha September 6 didii ayaa waxa magaalada Copenhagen
lagu qabtay xaflad aad u balaadahan oo ay dad badani ka soo qayb galeen.
Xafladan ayaa waxa lagu maamuusayay aassasidii halgankii ay Eritria la soo
gashay gumaysiga Itoobiya, kaas oo dhidibada loo taagay 6dii September 1961kii.
Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka tageera dhaawaca iyo Ururka haweenka ee
Eritrea ayaa waxa tabaruc dhaqaale loogu uruuriyay halgamayaashii ku soo
dhaawacmay dagaaladii lagula jiray gumaysiga Itoobiya. Waxa xafladan si rasmi ah
u furay qusulka Eitrea u fadhiya wadanka Denmark mudane Baraket-ab, halkaas oo u
ka sheegay horumarka ay dawlada Eritre ka samaysay arimaha bulshada, dhaqaalaha
iyo horumarinta dimoqraadiyada.
Wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya oo shirar
isdabo joog ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadda ku suggan
shirka haatan ka socdo dalka kenya..
Sida aanu ka soo xiganay Shabakada Internetka
ee Qoraxay Online, waxaa maal mihii lasoo dhaafay magaalada Nairobi soo gaadhay
Maxamuud Dirir oo ka mid ah wasiirada xukuunada Itoobiya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in uu kulamo
isdaba joog ah la yeeshay Golaha lagu magacaabo SRRC ee gacan saarka la leh
xukuumada Itoobiya, lamana sheegin wax kulamadaas kasoo baxay.
Socdaalkan ayaa la tuhun sanyahay in uu
xoojinayo fariimihii ay horay u soo gudbiyeen saraakiishii todobaadkii hore soo
gaadhay goobta shirka, kuwaas oo xalinayay khilaafaad soo kala dhex galay golaha
ay taageerada ka hela Itoobiya.
Dhinaca kalana waxaa jiray in ay eedeen bada u
soo jeediyeen Dawlada Itoobiya masuuliyiin badan oo Soomaali ah, kuwaas oo
muujiyay in ay soomaaliya ka dagi ladahay dhinaca Itoobiya oo mar walba Hub ku
soo daldalaysa kooxaha gacansaarka la leh, hubkaasina uu sii hurinaya dagaalka
Sokeeye ee wadanka ka socda iyo waliba in ay fara galin ku hayaan geedisocodka
shirka kooxaha Soomaaliyeed uga socda magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Radio Xoriyo
12.09.003
Danjire.
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|