|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu
ka koobanyahay
- Ø Dagaalo dhex maray Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya iyo Ciidanka
Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya.
- Ø Shir balaadhan oo ay yeesheen Xubnaha Jaaliyada Suudaan.
- Ø Ciidamadii safka hore ee Itoobiya oo Maqale loo soo raray si ay nabad
galyada Meles sugaan.
- Ø Lacag la sheegay in ay Yurub ugu deeqday doorashooyinka Itobiya oo
Meel ay martan aan la ogeeyn.
- Ø Seminar ay soo abaabuleen dad reer Eritrean ah oo lagu qabtay wadanka
Denmark.
- Ø Laba duuliye oo Itoobiya ka baxsaday.
Ø
Barnaamujkii Halgan iyo halgame oo aanu
ku soo qaadanayno qaybtii sadexad ee waraysigii aanu la yeelanay Mudane
Maxamuud Ugaas Muxumed iyo Mudane Axmed C/laahi iyo waliba Suugaan halgameed
Dagaalo dhex maray Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya iyo Ciidanka
Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya.
Dhamaadkii bishii hore dagaal ay Geesiyaasha
Ciidanka xoreeynta ogaadeenya ku qaadeen saldhig ay ciidamada nacabka gumaysiga
Itoobiya ku lahaayeen Biya xidheenka Goday, ayaa waxaa ciidamada xaqdarada ku
caanbaxay ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4
Askari.
07.09.2003 weerar dhabogal ah oo ay ciidamada
wadaniga Xoreeynta Ogaadenya ku qaadeen ciidamada cadawga Itoobiya oo marayay
Dharkanley oo u dhexaysa Dhagax-Buur iyo Dhagax-Madaw ayaa waxaa ciidamada
Itoobiya lagaga dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay 14 Askari oo kale.
Shir balaadhan oo ay yeesheen Xubnaha Jaaliyada
Suudaan.
Shir Balaadhan ooy isugu yimaadeen Xubnaha
Jaaliyadda iyo Unugu Jwxo, ee Wadanka Suudaan 13 Sept,2003 ayaa lagu dhisay
Maamul Cusub oo Daadihin doona Hawsha Jaaliyada. Shirkaas ooy ka soo qayb Galeen
dhamaan Laamaha Kala Duwan ee Jaaliyada reer Ogadenya ee Sudan iyo Xubnaha unuga
JWXO waxaa laysla lafa Guray Dhamaan sidii loo huru Marin lahaa Halganka
Gobanimo doonka ee Kasocda Ogadenya ee ay Majaraha U hayso JWXO, Waxaa Warbixino
la Xidhiidha Wax Qabadkii Jaaliyadda ee Sanadkii tagay soo Jeediyey Xubnihii
Gudida ee Hawshaas hayey, waxaana mahad balaadhan looga soo jeediyey Munaasibada
Shirka Xubnaha Gudidaas, waxaa sidoo kale halkaa lagu doortay maamul cusub oo
halkaas kasii wadi doona hawlih jaaliyada iyo tan halgankaba, waxaana lagu
dhiiri galiyaya in ay xilkooda ugutaan si xilkasnimo iyo firin fircconi leh.
Ciidamadii safka hore ee Itoobiya oo Maqale loo soo raray si ay nabad galyada
Meles sugaan.
Warka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ayaa
sheegaya in amaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay iyada oo laga cabsi qabo in
weerar lagu so qaado kaligii taliye Malese Zanawi, cabsidan ayaa kadambaysay
kadib markii ay soo baxeen kooxo aad uga cadhaysan dilka iyo xadhiga uu u
geestay
kaligi taliye Malese saraakiishii TPLF ee
maamulkiisa ka soo horjeetay.
Sidookale waxaa magaalada maqale iyo
nawaaxigeeda la soo dhoobay ciidamadii ku teedsanaa xuduuda Eritrea iyo Itoobiya
si ay u ilaaliyaan amaanka shirka halkaas uga socda Xisbiga TPLF.
Shirkan ayaa aad laysugu khilaafsan yahay,
waxaana laga yaabaa in uu gacan kahada ka dhasho labada kooxood ee la kala safan
Zenaawi iyo wasiirka Arimaha dibada Seayum Madfin oo si xoogan isaga
soo hor jeeda. Ciidamada nabad sugida ee Meles
ayaa waxay aad uga taxadarayaan in ay rabshado halkaas ka dhashaan waxayna aad
ula socdaan dhaqdhaqaaqa kooxaha ay ku tuhunsanyihiin in ay ka soo horjeedaan
Melis Zenaawi, iyagoo waliba dhagaysanaya Telefoonada ay dadku isudirayaan.
khudbad dheer uu kaligii taliye Meles ku furay
shirkaas ayay Daadka siyasada indha indheeya ku tilmaamay in ay ahayd mid caajis
badan oo aan wax nuxur ah xanbaarsanayn, waxyaabaha u ka hadlayna waxay ahayeen
waxyaabihii awalba lagu yaqiinay sida khilaafka Ethio-Eritrea, abaaraha soo
noqnoqonaya & waxa uu dimoqraadiyada ku tilmaamay.
Lacag la sheegay in ay Yurub ugu deeqday
doorashooyinka Itobiya oo Meel ay martan aan la ogeeyn.
Wariyaha wakaaladda wararka ogadeniya u jooga
magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in u shaaca ka qaaday gudoomiyaha gudiga
doorashooyinka Itoobiya Asafa Birru, in aysan jiran lacag ay ugu deeqday midowga
Yurub oo lagu horumarinayo arimaha doorashooyinka. Gudoomiyihu waxaa kaloo uu
sheegay
in ay dhibaato u keeni karto xisbiyada
doorashada ka qaybgalaya hadaysan lacagtaas nasoo gaadhin.
Todobaadkii hore ayaa warbaahinta Aduunka lagu
faafiyay in midawga yurub ugu deeqay Itoobiya lacag gaadhaysa 500 oo kun oo
Euro, lacagtaas oo lagu abaabulayo doorashooyinka lafilayo in ay ka dhacaan
sanadka 2004 wadanka Itoobiya. Warkaas ka soo
baxay gudiga doorashooyinka ayaa waxuu dhalinayaa tuhun laga qabo in ay
xukuumadu lacagtaas sikale u isticmaashay.
Laba duuliye oo Itoobiya ka baxsaday.
Joornaal magaciisa layidhaado Sayfenabalbal
ayaa waxuu sheegay in ay dawlda Itoobiya ka baxsadeen Laba duuliye. Duuliya
yaashan oo lakala odhan jiray Hadhis ALAalamayow iyo corenel Minilik Dasalayn
waxa ay wax barasho u joogeen wadanka Taalyaaniga, hasayeeshee waxay wararku
sheegayaan in ay magangalyo siyaasadeed ka codsadeen wadanka Talyaaniga.
Khuburada u dhuun duleela arimaha Ciidanka ayaa sheegaya in ay Tayada Ciidanka
Cirka ee Itoobiya aad hoos ugu dhacday Baxsashada Saraakiisha Ciidamada Cirka ee
Itoobiya oo badatay darted.
Seminar ay soo abaabuleen dad reer Eritrean ah oo lagu qabtay wadanka
Denmark.
Sida aan kaso xiganay WWO, Seminaar ay soo
qabanqaabiyeen Jaaliyada Eritrea ee Denmark iyo safiirka Eritrea u fadhiya
wadanka Denmark ayaa lagu qabtay magaalada Åhrus oo ku taala wadanka Denmark,
Seminaarkan ayaa waxa lagag hadlayay arimaha dadka reer Eritrea ee kunool dibada.
Dadkii seminarkaas ka soo qayb galay ayaa uga
mahad celiyeen dawlada Eritrea sida ay dadkeeda ugu dadaalayso in ay hurumaraan.
Dawlada Eritrea ayaa u magacawday wakiil daneeya hawlaha dadka dibada ku maqan
ee u dhashay wadanka Eritrea, Koomishinkaas oo ka caawin doona dadka reerEritrea
dhibaayoonka soo wajaha iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u dhiska
wadankooda hooyo.
Ninn ka mid ah ka soo qayb galayaasha
seminaarka ayaa waxa uu yidhi” arintani waxay kor u qaadaysaa horumarinta iyo
mooraalka dadka reer Eritre ee ku nool dibada waxayna dareen siinayasaa in wadan
leeyihiin.
19.09.003
Dhoodi Danwaa.
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|