SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaal dhex-maray ciidamada gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo sii wada dilka iyo Xadhiga ay kula kacaan Shacabka Reer Ogadenya.
  • Ø Dr. Mohamed Sirad Dolaal oo wareysi siiyey BBC Focus on Africa.
  • Ø Daniel Arab Moi oo ku eedeeyey dawladaha dariska degenaansho la'aanta Soomaliya.
  • Ø Qarama Midoobey oo digniin ka bixisay Xaaladda Xuduuda Itooboiya iyo Eritreya.
  • Ø Muqdisho ou uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo Dagaalada laguna taageerayo nabadda.
  • Ø Wasaarada gaashandhiga ee Itoobiya oo u buuq ka taaganyahay.
  • Ø Qayb kamid ah Riwaayadii iga guur kagama guuro Gumaysi iyo waliba sugaan kala gadisan.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dagaal dhex-maray ciidamada gumaysiga Itoobiya

Dagaal qadhaadh ayaa 13/9/03 dhex maray ciidamada Dabaqoodhiga ee ku sugan meesha lagu magacaabo Faarso oo ka tirsan degmada Dhagax-madow iyo ciidamo kale oo iyagana loo diray inay soo qabqabtaan dadwayne lagu xukumo ganaax dhaqaale. Dagaalkaas waxaa ciidamada Dabaqoodhiga kaga dhintay 7 askari, halka ciidamada kale, oo loo yaqaano Daacad Gaallo, ay kaga dhintee 3 askari. Waxaa kaloo dagaalkaas ku dhaawacmay 7 kale, oo midi tahay qof dumar ah, waxaana halkaas booqasho degdeg ah ku yimid maamul ku-sheegga gobolka. Ma aha markii ugu horraysay ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo maalleeshiyooyinka u adeega ay iskaga horyimaaddaan dagaal ay dad iskaga laayaan. Wuxuu marar badan gacan ka-hadal ka dhex oogmaya ciidamada gumaysiga ee ku sugan dhulka Ogadenya, iyadoo ay sabab u tahay maamul xumada iyo nolol xumada haysata iyo waliba waxyeellooyinka ba’an ee Ciidamada Xoraynta Ogadenya ay u gaystaan.

Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo sii wada dilka iyo Xadhiga ay kula kacaan Shacabka Reer Ogadenya.

Mashruuca Biyo Xidheenka Galbeedka Godey, waxay ciidamada gumaysigu ku dileen laba nin oo reer miyi ah oo lagu kala magacaabo:

Gamaadiid Cabdi-raxmaan Iyo Rashiid Gamaadiid C/raxmaan.

Dilkan oo bishan horraanteedii dhacay lama garanayo sababta keentay, Wayaanuhuna ma ayna sheegin in ay nimankan ku laayeen wax arimo siyaasadeed ah oo ay sabab uga dhigeen dilkooda.

15/9/03 Tuulada Gudhis, waxay ciidamada gumaysigu ku dileen laba nin oo mid magaciisa la yidhahdo: Cabdi Raxmaan Bidaar, midka kalana aanuu magiciisu wali na soo gaadhin, balse aan idiin soo gudbin doono markii aan helno. Nimankaas waxaa la dilay, ka dib markii dagaal Jabhadda iyo ciidamada Wayaanaha dhexmaray lagu dilay 2 Askari oo ciidamada gumaysiga ka mid ah.

Waxaa kale oy ciidamada gumaysigu xidheen dad shacbi ah oo 40 qof ka badan, waxaana ka mid ah dadka ay ilaa iyo hadda magacyadoodu na soo gaadheen:

  • 1- Cabdi-goobe, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa.
  • 2- Khaalid Daa,uud, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa.
  • 3- Sahra Moxamed Macallin Qaasin.
  • 4- Ruqiya Xassan Aaden.
  • 5- Hinda Goobe.
  • 6- Ruqiya Moxamed Cali.
  • 7-Faadumo Axmed.

Dakaas ayaa lasheegayaa in ay ciidamada cadawga Itoobiya u xidh xidheen si ay uga helaan dhaqaale, iyagoo ku eedaynaya in ay niyosami u hayaan ciidamada xoreeynta Ogaadeenya ee dagaalka hubaysan kaga soo horjeda Xukuumada Itoobiya,si ay gobonimo u gaadhsiiyaan Shacabka Ogaadeenya.

13/9/03 Magaalada Qabridaharre waxaa laga kaxaystay nin la yidhahdo Shariif Nuur ooy laba Askari oo ciidamada Itoobiya ahi kaxaysteen, ka dibna siday u dilayeen ayay gaadhsiiyeen dhaawacyo waaweyn oo si xun u naafeeyay. Waxaa kale oo isla taariikhdaas ay ciidamada Itoobiya Ceel-Ogaadeen ka kaxaysteen laban in oon ilaa iyo hadda laga warqabin meesha la geeyay, waxayna labadaas nin kala yihiin:

  • 1- Nuur Mohamed Xariire.
  • 2- Cabdulaahi Mubaarak.

Sida oo kale waxay ciidamada gumaysigu Xudur-ayle oo gobolka Qorraxay ka tirsan ka kexaysteen 3 nin oo kala ah:

  • 1- Carab Cabdi Maxamuud.
  • 2- Mohamed Macalin Cali.
  • 3- Iyo ninka 3/ad oon magaciisa dib ka soo sheegi doono.

Nimankaas ayay dadka deegaanka laga kaxeeska ku nool sheegayaan, in ay ciidamada Itoobiya u afduubteen sidii ay u marin lahaayeen dhulka ayna aqoonin, iyo in ay waliba u qaadaan waxyaabaha ayna qaadi karin ee ay u wataan sahayda.

Dr. Mohamed Sirad Dolaal oo wareysi siiyey BBC Focus on Africa.

Todobaadkii la soo dhaafey waxay Warbaahinta caalamku si aada uga hadleen xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga ka baxaya wadanka Jabuuti oo amar ku soo rogtey inay ka baxaan dalkeeda dadka sharci darrada ku jooga. Qaxootigaas oo intooda badan ka yimaadi wadamada Itoobiya iyo Soomaliya, waxaa ka mid ah dad badan oo Ogadenya u dhashay.


Hadaba Dr. Mohamed Siraad Doolaal oo ah xoghayaha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, ayaa waraysi uu siiyey BBC Focus on Afrika Jimcihii la soo dhaafey sheegay in dadkii u dhashey Ogaadeeniya ee ku noqdey Itoobiya ay Ciidamada Itoobiya ee xuduudku xabsiyada u taxaabeen iyaga oo ka baaraya dadka ay ku tuhunsan yihiin inay taageeroyaal u yihiin Jabhadda ONLF, halkaas oo ay jidhdil iyo ciqaabo kala duwan ku mariyeen dadkaasi aanan waxba galabsan.


Dr. Doolaal wuxuu kaloo warysigiisa ku sheegay in dadkii doortey inay joogaan Jabuuti ay ku sugan yihiin meel lagu magacaabo Hol-hol, halkaas ooy aad ugu silicsan yihiin, in kastoo ay dawaladda Jabuuti iyo Qaramada Midoobey isku dayayaan inay wax ka qabtaan xaalada dadkaasi, hadana ilaa hada majiraan wax la siiyey waraaqaha aqoonsiga qaxootinimada.

Daniel Arab Moi oo ku eedeeyey dawladaha dariska degenaansho la'aanta Soomaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Danial Arap Moi ayaa degenaahso la'aanta iyo iska hor imaadka Soomaaliya ku eedeeyey dawladaha jaarka la ah dalka Soomaaliya.

Moi oo ka hadlayey Jaamacadda American Defence University ee magaalada Washington wuxuu hadalkiisa gundhig uga dhigay waxa uu ku tilmaamey Soomaaliya oo sheegan jirtey qaybo ka mid ah dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Wuxuuna sheegay in, waxa uu ugu yeedhay riyadii Soomaaliya ee ahayd dhulbalaarsiga, ay shaki ku abuurtey dawladaha dariska la ah Soomaaliya. Madaxweyne Moi wuxuu intaas ku daray in wadamada dariska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabaan in haddii Soomaaliya isu timaado oo nabad iyo barwaaqo ka dhacado ay suurtogal tahay inay soo nooleyso sheegashada dhulka ka maqan Somalida.

Qarama Midoobey oo digniin ka bixisay Xaaladda Xuduuda Itooboiya iyo Eritreya.

Madaxa Ciidamada Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ee Itooboya iyo Eritreya Robert Gordon ayaa digniin ku bixiyey in xaaladda soohdintu ay khatar tahay inta laga gaadhayo xal nabadeed oo deg-deg ah. Hadalka Sargaalkaas waxaa si wayn u soo dhaweeyey Xafiiska Midowga Afrika (AU), oo sheegay inay arrintu faraha ka bixi doonto haddii aan xal kama denbays ah loo helin. dhagax-dhigii ama calaamadeyntii soohdinta labada dal ayaa dhawr jeer dib loo dhigay, ka dib markii Itoobiya muujisay caga-jiid badan iyada oo ka biyo-diiddan maagalada Badame oo ahayd xudunta dagaalku ka billowday oo la siiyey dalka Eritreya. Caalamadeynta soohdinta ayaa mar kale dib u billaaban doonta billowga bisha Oktoober ee soo socta iyada oo laga shaki qabo in ay mar kale dib u dhacdo, waayo Itoobiya ayaan ilaa hada soo gudbin shurudihii loo baahnaa, si ay shaqadu u billaabato.

Muqdisho ou uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo Dagaalada laguna taageerayo nabadda.

Banaanbax aad u ballaadhan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho Maalintii Axadda ahayd, kaasoo lagu xusayay maalinta nabadda aduunka.
Banaanbaxaas waxaa ka soo qayb galay Ururada Ardeyda iyo Haweenka, wuxuna ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah magaalada, waxayna ka qayb galayaashu ku muujinayeen sida ay dagaalka iyo colaadda uga soo horjeedaan. Bannaanbaxayaashu waxay markii denbe isagu yimaadeen KM4, waxaana lagu qiyaasay dadka banaanbaxan ka qayb qaatay in ka badan 3000 oo qof.


Dadka banaanbaxayey ayaa waxay xidhnaayeen funaado ay ku qoran yihiin ereyo ku yaboohaya nabadda oo ay ku deeqday kooxda kubadda cagta ee Barcelona ee wadanka Spain. Fannaaniin kala duwan ayaa iyaguna heeso dagaalka lagaga soo horjeedo ka qaaday garoonka kubbada cagta. Maariye kuxigeenka Xarunta Baadhista iyo wada xaajoodka C/qaadir Yaxye oo halkaa hadal kasoo jeediyay ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin in ay Somalia dib udhisaan haduu maraykanku Taageero iyo hadii kaleba

Wasaarada gaashandhiga ee Itoobiya oo u buuq ka taaganyahay

warar aanu ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya ayaa sheegaya buuq aad u ba,an oo ka dhex taagan wasaarada gaashaandhiga Itoobiya. Wariyaha wakaalada wararka Ogaadenya ee ku sugan magalada Addis Ababa ayaa sheegaya in buuqaasi oo ku saabsana saraakiisha ciidamada ee wadanka Itoobiya oo aan wax dalacaad ah helin mudooyinkii u danbeeyay. Shir ay saraakiisha ciidamadu isugu yimaadan 3dii Asbuucba hal mar oo ka dhacay wasaarada Gaashan dhiga ayay saraakiishu ku codsadeen in loo cadeeyo sababaha kalifay dalacaad la,aanta, waxaana loo sheegay in ayna jirin wax dalacaad ah oo labixinayo mudo Labo sano ah, taasina waxay dhalisay buuq saameeyay dhamaanba wasaarada gaashaandhiga. Dhinaca kalana waxaa jira warar sheegaya in duuliyayaal badan oo ay dawlada wayaanuhu ka shakiday la eryay, duliyayaashas oo ka tirsanaanjiray ciidamadii cirka ee xukuumadii mingeste ee Dhergiga, ayay Xukuumada TPLF dib u soo hawlgalisay xiligii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea, hasa yeeshee waxaa soo baxay tuhun loo aaneeyay in ay Duuliyayaashasi wadeen dhaqdhaqaan lid ku ah taliska uu hogaamiyo Zenaawi.

23.09.003

Dhoodi Danwaa.

raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD