SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Xaflad balaadhan oo lagu taagerayay halganka shacabka ogaadeenya oo ka dhacday gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
  • Ø Ciidamada Itoobiya oo xabsiyada ka buuxiyay dad aad u badan.
  • Ø Bayaan uu Xisbiga Midowga Gamo ee koonfurta Itoobiya soo saaray.
  • Ø Cisbitaal wayn oo Itoobiya loo dhisi lahaa oo dhismihii la joojiyay.
  • Ø Hantidii dadwayanaha Itoobiya oo madax ku-sheegeedu boobayaan.
  • Ø Qayb ka mid ah Barnaamujikii Habeenkii halganka Ogaadeenya iyo Hobolada London iyo waliba Suugaan halgameed aad ka heli doontaan.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Kaftan maaha Kulanka Waaberi ee Horta Maxaa isu Keenay

Waxaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu qabtay barnaamij wayn oo ay soo qaban-qaabiyeen kooxda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliyeed ee Waabeeri . Barnaamijkaas oo loogu magac daray “Kaftan Maaha Kulanka Waaberi ee Horta Maxaa isu keenay” waxaa ka qayb qaatay dhammaan Hobolada Waaberi ee ku sugan waqooyiga Ameerica iyo qaar ka yimid dalal kale. Haddii aan qaar ka xusno Hoboladii habeenkaas ka qayb qaatay waxaa ka mid ahaa Sangub, Samatar, Saado, Cigaal, Shankaroon, Hiba Nuura, Kimiko, Khadiijo Boqran, Abdi Janan, Luul jaylaani, Cadar, Jangow.

Barnaamijkaas oo noqday kii ugu waynaa ee isu keena Hobolada Waaberi, waxaa loogu talogalay in lagu taageero halganka aayo-ka-talinta shacbiga Soomaliyeed ee Ogaadeenya.

Barnaamijkaas oo lagu qabtay garoon aad u wayn oo lagu qabto ciyaaraha, waxaa ka soo qayb galay dadweyne Soomlaayeed iyo qawmiyado kalaba oo gaadhaya boqolaal.

Waxay hoboladu ku soo bandhigeen waxyaabo wacyi galin iyo abaabul u noqonaya dadwaynaha. Waxyaabihii qiirada iyo xamaasadda galiyey dadwaynaha waxaa ka mid ahaa hadallo ay soo jeediyeen carruur da’doodu aad u yar tahay oo soo bandhigay dhacdooyin muujinaya dhibaatada ay Itoobiya ku hayso shacbiga Somaliyeed ee ay gumaysato iyo kuwa xorta ah ee ku nool Jamhuuriyadda Somaliyeed. Carruurtu wuxuu mid walba ka hadlay xaqiiqo si toos ah u taabatay ehelkiisa.

Qaybtii koowaad ee barnaamijka waxaa lagu soo bandhigay riwaayad gaaban oo ka hadlaysay sidii gumaystayaashu ay u qaybsadeen Africa, gaar ahaan sidii umadda Somaliyeed loogu qaybiyey shan meelood, meel ka mid ahna loo siiyey Itoobiya. Sidoo kale, waxay riwaayaddu muujisay faragalinta siyaasadeed iyo militari ee ay Itoobiya ku hayso Jamhuuriyadda Soomaliyeed.

Barnaamijka wuxuu kaloo lahaa waji maaweelo, waxaana halkaas lagu soo bandhigay majaajillo iyo heeso ay dadwaynuhu aad uga heleen.

Waxaa ka mid ahaa martidii ka soo qaybgashay barnaamijkaas madax sare oo JWXO, madaxda Jaalliyadda Soomaliyeed ee Minnesota, aqoonley, indheergarad iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Xubnihii soo qabanqaabiyey barnaamijnkaas iyo Hoboladii Waabeeri iyo waliba dadwaynihii ka soo qaybgalay waxay ku tilmaameen inuu barnaamijkaas si wayn loogu guulaystay.

Ugu dambayntii, Mudane Cabdullahi Mukhtaar oo ka tirsan Guddiga Fullinta ee JWXO ayaa Hobolada Waaberi Guddoonsiiyey shahaado isugu jirta aqoonsi iyo mahadnaq, wuxuuna u sheegay inay Hobolada Waaberi waligoodba safka hore kaga jireen Xoraynta shacbiga Soomaliyeed ee Ogaadenya iyo Ilaalinta midnimada iyo qaranimada Jamuuriyadda Soomaliyeed.

Ciidamada Itoobiya oo xabsiyada ka buuxiyay dad aad u badan.

Sida uu noo soo tabiyay wariyaha Radio Xoriyo ee Gobolka Qoraxay maxamed cabdulaahi, waxay ciidamada Itoobiya ku xidh xidheen magaalada Shilaabo dad gaadhaya boqolaal Ruux oo shacab ah, waxayna kaxaysteen gaadiid badan oo qaar ay ka soo qabteen 06.09.03 Tuulada Laas-Caano oo aan saas uga fogeen magaalada Shilaabo.

Dadka halkaas lagu xidh xidhay ayaan laga war qabin wax ay xaaladoodu ku sugantahay, balse qaar ku dhadhaw Saraakiisha ciidamad Itoobiya waxay sheegayaan in ayna dadkaasi helin wax adeeg ah oo noloshooda kabaya xaaladooduna ay aad u adagtahay.

Sida oo kale waxaa magaalooyinka Q/Daharre, Shay-goosh iyo Tuulada Galadiid lagu xidhxidhay dad weyne aad u faro badan, dadkaas waxaa ku jira dad waayeel ah oo tabar yar oo jidhdil naxariis daro ah loo geystay, waxaana ka mid ah dadkaas.

  • 1- Nuuro Shafeec Cismaan.
  • 2- Quraysh Cadulaahi Ahmed.
  • 3- Cabdulaahi Ahmed Yaasiin.
  • 4- Carab Ahmeh Faarah.
  • 5- Faadumo Xassan Xussein.
  • 6- Weli Sh. Cabdulaahi.
  • 7- Dahir Mohamed Muxumed.
  • 8- Zaynab Mohamed Muxumed.
  • 9- Nimco Mohamed Yuusuf.
  • 10- Ahmed Mohamed Maxamuud.
  • 11- Ibraahin Goodaad.
  • 12- Shaafi Wacdi Faarah.
  • 13- Bedel Colaad Xirsi.
  • 14- Ahmed-noor Faarah Cabaas & Xaaskiisa Dahabo faarah oo iyada aad loo jidhdila, markay socon kari weyday.
  • 15- Ahmed Jaamac Muuse.
  • 16- Xassan Khaliif Ahmed.
  • 17- Shekh Mohamed Xaji iyo Xaskiisa Masbel.
  • 18- Cabdi-qani Xassan Siyaad & Xaaskiisa Shamxo Faarah
  • 19- Ahmed Faarah Gacan.
  • 20- Ahmed Cali Taraawiix.
  • 21- Ahmed Biixi Xiirey.
  • 22- Faarah Deeq.
  • 23- Cabdulaahi Faarah Dawaare.
  • 24- Cabdi Bedel Sugulle.
  • 25- Cabdi-khadar Cabdi-gaydh.
  • 26- Deeq Colaad khaliif.
  • 27- Ahmed Cali.
  • 10- Carab Mohamed Xirsi
  • 28- Xaliimo Mohamed Ruun.
  • 29- Zaynab aw Cilmi.
  • 30- Ahmed-dahir Xassan Biixi.
  • 31- Bashiir Mohamed Caabi.
  • 32- Bedel Colaad caydiid.
  • 33- Maxamuud Carab Xirsi.
  • 347- Siraad Muxumed Cumar.
  • 35- Taman Mohamed Noor.
  • 36- Zamzam Xussein Kaahin.
  • 37- Naaji Makhtal Ahmed iyo kuwo kale oo badan.

12.09.03 waxay ciidamada Itoobiya ku xidh xidheen magaalada Dhanaan dad aad u badan oo buuxiyay xabsiyada, dadkaas 7 kamid ah ayaa markii la waayay meel lagu xidho waxaa la joojiyay meel bacaad ah oo aad u kulul qoryana dhinacyada ayaa lagala istaagay, 7 daas Ruux ayaa la sheegayaa in ay cagaha iyo jidhkaba Biyo ka galeen Cadceeda oo ad u kululeed awgeed, awaxaana ka mid ah dadkaas.

  • 1- Mahad Cabdulaahi Abiib.
  • 2- Faadumo Mohamed.
  • 3- Wacdi Sh. Mohamed.

13.9.03, waxay ciidamada Itoobiya ka Afduubteen Tuulada Gasan-gas Gabadh magaceeda la yiraahdo Aamin Barkhadle Cabdulaahi hasa yeeshee dadkii deegaankaas ayaa weerar ay dhagaxa adeegsanayaan ku qaday ciidamadii falkaas ku kacay waxayna ka soo furteen gabadhii oo bad qabta.

15.9.03, waxay ciidamada Gardarada ku caanbaxay ee gumaysiga Itoobiya Tuulada Gudhis ku Xidheen waxay hanti haysteena ka qaateen Odoyaasha kala ah.

  • 1- Shariif Cabdi.
  • 2- Mohamed Barkhadle Xussein
  • 3- Xassan Cabdulaahi Cumar (qufac lagu naanayso)

16/9/03, Waxay iyana ku xidhan Magaalada Dhagaxbuur dad badan oy ka mid yihiin:

  • 1- Mohamed Muuse.
  • 2- Aamina Cabdulaahi Ahmed.
  • 3- Maymuuna Cabdulaahi Qodhob.
  • 4- Cabdulaahi Sh. Muuse.
  • 5- Faadumo Cabdi/Razaaq.
  • 6- Cabdulaahi Siyaad.
  • 7- Ahmed Siyaad (indhayare).
  • 8- Faadumo Xassan Barawaani.
  • 9- Safiya Maxamuud C/Raxmaan.
  • 10- Cismaan Sh. Cali.
  • 11- Sooc Cabdi Xassan.
  • 12- Kamas Cabdi Xaji iyo kuwo kale oo badan.

Guud ahaa dadkaas ay ciidamad Itoobiya xabsiyada ka buuxiyeen ayaa laga dayrunaya xaaladooda nololeed, iyada oo aysan jirin cid u tagi karta oo dadkaas wax caawimaad ah u fidin karta.

Bayaan uu Xisbiga Midowga Gamo ee koonfurta Itoobiya soo saaray.

Xisbiga Midowga Gamo ayaa dhawaan soo saaray bayaan uu ku caddeeyay inuu ka baxay isbahaysiga EPRDF oo ay noqonayaan xisbi iskii u tagan oo ka madaxbannaan isbahaysiga EPRDF.

Xisbiga Midowga Gamo waxa uu sheegay in isbahaysiga EPRDF uu qasbo xisbiyada matala qowmiyadaha kale ee Itoobiya, kuwaasoo isbahaysiga lagu daro iyadoo aan la ixtiraamin rabitaanka dadyowga ay matalaan.

EPRDFtu waxay ku qasabtay dadyowga kala duwan ee Itoobiya inay la midoobaan, si ay kor ugu qaaddo awooddeeda siyaasadeed, waxaana xisbiyada matala qawmiyadaha kale ee aan Tigreega ahayn laga gooyaa dhaqaalaha haddii ay ku gacan saydhaan inay ku biiraan isbahaysiga EPRDF.

Isbahaysiga EPRDF, si uu arrintaas u hirgeliyo wuxuu samaystay kooxo kaadiriin lagu magacaabo oo loo ekaysiinayo inay matalaan qowmiyadaha, arrintaasina waxay keentay buuq fara badan, sababtuma waxay tahay, iyadoo koox yar oo calooshood u-shaqaystayaal ah inta la soo uruuriyo laga dhammeeyo inay fuliyaan siyaasadda EPRDF, ka dibna waxay koxdaasi ku dhawaaqdaa inay la midoobeen isbahaysiga EPRDF, sidaasna waxaa lagu sheegay bayaankan ka soo baxay Xisbiga Midowga Gamo.

Cisbitaal wayn oo Itoobiya loo dhisi lahaa oo dhismihii la joojiyay.

Ururka lagu magacaabo Christian Blind Mission ayaa joojiyay dhismaha Isbitaal wayn oo la rabay in indhaha lagu daweeyo, kaasoo Itoobiya uu ka dhisi lahaa.

Sidaasna waxaa sheegay afhayeen u hadlay wasaarada caafimaadka Itoobiya, oo lagu magacaabo Axmed Aamino, kaasoo sheegay heshiiska Isbitaalkan lagu dhisayay ay wasaarada iyo Ururka Christian Blind Mission kala saxiixdeen bishii marso ee sanadkan.

Joojinta dhismaha Isbitaalkan, oo lagu waday inuu noqdo midkii ugu waynaa ee laga dhiso Qaaradda Afrika, waxaa sabab u ah baa la yidhi khilaaf ak dhex-oogmay Ururka Christian Blind Mission iyo xukuumada Itoobiya, kaasoo la xidhiidha shaqaalaha ka sahqaynaya dhismahaas, oo xukuumada Wayaanuhu ay ku adkaysatay inay noqdaan shaqaale ay iyadu soo magacaabato.

Hantidii dadwayanaha Itoobiya oo madax ku-sheegeedu boobayaan.

Wargayska la yidhaahdo Reporter, oo ka oo baxa magaalada Adiss Abeba ayaa qoray in wasiirka guriyaynta ee xukuumada Itoobiya Dr. Biruk Hailu iyo safiirka Itoobiya u fadhiya waddankaasi maraykanka Mr Kassahu ay guryo ka gateen dalka Marykanka.

Joornaalku wuxuu sheegay in guryahaas lagu gatay hantida dadwaynaha ee ay kala boobayaan xubnaha xukuumada Wayaanaha, oo caan ku ah musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadwaynaha.

Waxaan daah saarrayn sida ay xubnaha TPLF ugu xeel-dheer yihiin dhaca hantida dadwynaha, midda gaarka ah iyo midda guud intaba, waxaana horay u dhacday in hantida gobollada kale loo rarto gobolka Tigree oo ay ka soo jeedaan Xubnaha haya xukunka wadanka Itoobiya.

30.09.003

Dhoodi Danwaa.

raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD