|
Taariikh
Samatalis Xussen Xayle
Email: hail0029@umn.edu
Faafin: September 16, 2003
Kan kor ku xusan waa Arday Jaamcadda Minnisota cilmi ka raacda, Sanadkii lixaad,
baranayna Culuumta Falsafadda, Cilmu nafsiga, iyo Culuumta Siyaasadda Talaado,
January 27, 2003
Qormadan soo socota waxaan u hibeeyay gabadh lo oran jiray Deeqo Cusmaan oo
daganaan jirtay xaafadii Dabka ee dagmadii Waaberi, Gobolka Banaadir,
Jimhuuriyaddii Dimuqraadiga Soomaaliya.
Akhristow iga gudoon, sheekadaan tixana ahaandoonta, Eebe idinkiis.kala xiriir
qoraaga fariimahan Emailka soo socda
hail0029@umn.edu
Soomaaliga iyo Waayihii hore
Gacanka cadmeed( ama gacanka Berbera, magacan dambe ayaa loogu yeeri jiray
gacan biyoodkan u dhexeeya Yemen iyo woqooyiga dhulka Soomaalida) ee badda cas
iyo badwaynta Hindiya dhanka soo xiga Geeska Afrika, waxay ahaayeen goobo
safarku uu ku badan yahay. Badda cas waxay isku xiri jirtay Masar iyo wadamada
kulaala badda meditereeniyaanka( sida Giriiga, Ruum, iyo woqooyiga Afrika),
Hindiya, gacanka carabta( ama Jasiiratu al-carab), faaris( Iiraan), iyo bariga
shishe( sida shiinaha) iyo dabcan Bariga Afrika. sidaa awgeed Geeska Afrika
qayb ayuu ka ahaa dunidii hore.
Bulshaawinimada Aadanaha iyo Taariikhda
Adamigu waxaa uu ka mid yahay noolayaasha bulshaawiga ah( social animals), taas
oo aan ula jeedo In Aadamigu yahay noole ka hela wehesha Aadamiga kale. Labo
sababood ayayna iila muuqataa in ay arintan ugu wacan tahay:
1- Aadimaga musiibooyin ayaa ku dhaca( uusan
awoodi karin inta badan in uu ka hortago), sida cudurada, abaaraha iwm, sidaa
darteed, waxaa uu u baahanyahay cid uu kaalmaysto si uusan u dhiman xiliga
rafaadka.
2- Madaama Aadamigu uu ka taag daran yahay xayaawanada kale badankood( sida
shabeelka, libaaxa iyo masaska iwm), waxaa uu bartay waayo aragnimo dheer
bacdigeed in uu gaashaanbuurayto( xaalufaysto) kuwa asaga la midka ah si ay
isku difaacaan.
Labadan arimood( difaaca nafta xiliga halista
iyo iskaalmaysiga xilliga rafaadka) ayaa ka dhigaysa aadamiga noole u baahan
wehesha iyo wadashaqaynta Aadamiga kale.
Haddaba, Markii dadku uu helo waxyaalaha lama huraanka u ah nolosha, sida
raashinka, iyo nabadgalyada, waxaad moodaa in ay dabiici tahay in la raadiyo
waxyaalaha dheeraadka ku ah nolosha. Sida walxaha lagu raaxaysto oo ay ka
midyihiin dharka quruxda badan, dahabka,iyo waxyaalaha la isku carfiyo ama wax
lagu carafsado.
Ma daama qolo walba ay ku nooshahay meel
cayiman juqraafi ahaan, qolo kaligeed ma soo saari karto wax walba oo ay u
baahantahay ama ay jeceshahay in ay hesho. Si haddaba walxaha loo baahanyahay
ama la jecelyahay loo helo iskaalmaysiga iyo wadashaqayntu waa lama
huraan.Sidaa darteed, Ganacsigu waxaa uu ogolaadaa in qolo walba waxa ka maqan
ay hesho. Tusaale, u fiirso xiriirk u dhexeeya reer guuraaga iyo dadka degan
tuulooyinka amba magaalooyinka, reer guuraagu waxay keenaan magaalooyinka xoolo
nool waxayna ku badashaan sokor, shaah, bur, tumbaako iyo walxo kale oo ay
markaas u baahanyihiin oo magaalooyinka laga helo. Reer magaalka waxay u
baahanyihiin caanaha iyo hilibka, reer guuraagu waxay u baahan yihiin sokor iyo
shaah iwm. Labada baahi waxaa astura iswaydaarsiga amaba ganacsiga.
Waa su’aale maxay tahay xiriirka ay leeyihiin
taariikhda geeska Afrika iyo wadashaqayntu ama iskaalmaysiga iyo
bulwaashinimada Aadamiga aan ka soo sheekaynay?.
Wadashaqayntu iyo iskaalmaysiga waxay ka mid
yihiin xooggaga qaybta balaaran ka qaata dhalashada ilbaxnimoooyinka, maxaa
yeelay, shakhsiyaadka wadashaqeeya oo iskaalmaysta waxay u badan tahay in ay ka
badbaadaan musiibooyinka wareega( sida abaaraha, iyo cudurada waxdabargooya),
ayna ku guulaystaan in ay aska difaacaan cadowgooda. Labadan arimood waxay
fududaysaa in ay tarmaan( bataan), bacdina ay hantiyaan( tiradooda awgeed) dhul
balaaran. Tiro badnida, ka amaan noqoshada cadowga, iyo iskaalmaysiga xiliga
musiibooynka waxay u qaaraamaan soo bixitaanka tuulooyin iyo magaalooyin, kuwaa
soo saldhig u ah xadaaradaha Aadamiga.
Xadaarad waa eray Afcarabi ah, macnihiisuna
yahay kulmid ama isku imaansho, tusaale ahaan afcarbeedka waxaa la yiraahdaa
Xadara, oo macneheedu yahay waa yimid, iyo Xaadir wuu joogaa, sidaa darteed,
marka ay dadka isku yimaadaan oo ay meel wadadagaan ayaa waxaa la yiraahdaa
halkaa xadaara ayaa ka jirta, laakiin dadka reer guraaga ah meel cayiman ma
dagaan, maxaa yeelay mar walba waxay ku jiraan hayaan ay ku doonayaan in ay ku
helaan biyo iyo daaq farabdan si baahida xoolahooda loo asturo. Sidaa darteed,
dadka reer guraaga ah inta badan aduunka ma aysan samayn xadaarooyiin waawayn
ayagoo wali ah reer guraa,maxaa yeelay nolosha reer guraagu saldhig uma
noqonkarto xadaarad ama ilbaxnimo salbalaaran. laakiin waa macquul in ay
dhagaxdhigaan ilbaxnimooyin hanaqaada, bacdi markii ay ka haraan eryashada
nolosha reer guraaganimada, tusaale waxaa u ah arintan qabaa’ilkii Saljuuka oo
tarixi jiray bartamaha Eeshiya, qabaa’ilkan waxay ku guulaysteen in ay cagta
mariyaan boqortooyadii Baysantiine( waxay ahayd boqortooyo ka faliirmatay
boqortooyadii Room) oo xuruntoodu ahayd magaalada Itanbuul( oo barigaa la oran
jiray Konstantanoobal) oo xarun u ah maanta dalka cusub ee loogu yeero Turkiga.
Saljuukiyiinta oo ahaa qabaa’il badawiyiin ah oo xoolaha dabagala ayaa noqday
mudo ka badan 500 oo sano madaxdii dunida Muslimka iyo xitaa qaybo badan oo ka
tirsan Yurub iyo Eeshiya.
Akhristwo, waxay ila tahay in aad fahmi kartid
hadda sababha u qaaraama dhalashada magaalooyinka, bacdamaa aan soo sheegnay in
jecaylka aadamigu uu jecelyahay naftiisa iyo nolosha raaxada leh ay ku
kalifayaan in uu raadiyo duruufo ka gadisan duruufaha dabiiciga ah( sida reer
miyinimada oo kale). Raadintan uu raadinayo nolol wanaagsana ayaa aakhirka ku
kalifaysa in uu dago magaalo, bilaabana in uu la ganacsado dadka kale si uu u
helo walxaha aan laga helin deegaankiisa, bacdina waxaa uu suurta galaysa in uu
noolaado nolol wanaagsan oo raaxo leh. Noloshan reer magaalka ayaana saldhig u
ah ilbaxnimooyinka aadamiga, sida aan soo sheegnayba.Haddaba, Geeska Afrika
waxaa ka jiray dal la oran jiray Bunti, oo lahaa magaalooyin islamarkaana
laganacsan jiray dunidii hore.
Haddaba taariikhda qoran waxay markhaati ka
tahay ilbaxnimadii ugu horeeysay ee wax laga qoro( ee Geeska Afrika) in ay
ahayd tii dhulka Bunti( arintan waxaa taageeraaya qormo ku xardhan dhagax ay ka
tageen Masaaridii hore oo la yiraahdo Boleermo, dhagaxan gadaal ayaan ka
faahfaahin doonaa). Hadaba, cutubkaan soo socda waxaan si qotodheer ugu
falanqaynayna qoraalo dadkii hore ay ka tageen oo ku saabsan dhulkii faca
waynaa ee Bunti( Bunti waa magac la soomaaliyeeyay, waxaana ka bartay in la
isticmaalo erayga Bunti Gen Ibraahim Liiqliiqato, oo asaga qoray buug uu u
magac daray, Bunti dalkii faca waynaa, erayga afingirisiiga ah ee u dhigma
Bunti waxaa la dhahaa Punt, laakiin waxaan doorbiday kaas la soomaaliyeeyay in
aan isticmaalo).
Ilbaxnimadii Bunti
Ganacsi ayaa ka dhexeeyay umadihii hore, sida uu ku bilowday ganacsigan waa mid
u baahaan cilmi baaris qoto dheer, laakiin qormadan kuma falanqaynayno
taariikhdii dhaqaalaha, laakiin waxaan gudagalaynaa ka sheekaynta xiriirkii
Soomaalida iyo Masaaridii hore.
Faaris( Iiraan) Baabilooniya ( Ciraaq) Ciilaam
(Sayloon/Sirilaanka) iyo Masartii faraaciinta waxay ahaayeen dad horayumarsan
marka loo fiiriyo dadyowgii hore ay isku waaga ahaayeen. Nolosha dadyowgan aan
soo xusnay waxaa saldhig u ahaa isweydaarsiga badeecadaha,qodashda dhulka iyo
dhaqashada xoolaha. Dalkii Buntina ayaga ayuu la mid ahaa.
Goobtii Bunti
Bunti( asalkii erayga, waa eray afmasri ah, ka
soo Masaaridii hore ay u isticmaali jireen dalalka koonfurta ka ah Nubiya(
Sudan) amaba dalalka babaryaala badda cas) waxaa mararka qaarkood loogu yeeri
jiray dhulkii Ilaahyada, mid ka mid ah sababaha dhaliyay in magacan loogu yeero
Bunti waxay ahayd fooxa oo ahaa walxaha lagu sharfo Ilaahyadii dadkii hore,
sidaa darteed, Masaaridii hore waxay aaminsanaayeen in fooxa iyo ilaahyada ay
xiriir leeyihiin, , oo inta badan aysan kala fogayn, lagana yaabo in ay
ilaahyada qaarkood dagaanayeen arligii Bunti( waa sida Masaaridii hore qabeene,
tusaale, ilaahyada masaarida waxaa ka mid ahaa Heedar( Heathor, oo ahayd
ilaahadii Miyuusika, jecaylka iyo quruxda), oo mararka qaarkood loogu yeeri
jiray gabadhii Bunti( fiiri qormada Heathor, ilaahadii Musika, jecaylka iyo
quruxda ee Caroline Seawright, 2003, bogga kowaad), sababahan aan soo sheegnay
ayaana masuul ka ahaa in Bunti mararka qaarkood loogu yeero dalkii Ilaahyada(
ama god’s land).
Fooxa oo ahaa guud ahaan walxaha ugu faraha
badan ee laga dhoofin jiray dalkii Bunti, waxaa loo isticmaali jiray, sharfidda
Asnaamtii Masaarida,carfintii maydka, daawaynta dadka xanuunsan, iyo carfinta
iyo qurxinta jirka Aadamiga guud ahaan, sidaa darteed, fooxu waxaa uu lahaa
kaalin muhiim ah marka la fiiriyo dhaqankii, diintii, iyo nolol maalmaadkii
Masaaridii hore, la yaab malaha marka, in xiriirkii u dhexeeyay Masartii hore
iyo Bunti in uu ahaa mid aad u qotodheer. Maqaamkii uu ku lahaa dalka Bunti
ilbaxnimadii Masar waxaa daliil u ah dhumucda qormo oo ay ka tageen
faraaciintii hore oo ku saabsan dalkii Bunti, kuwaaso qaarkood aan qormooyinkan
soo socda aan ku soo bandhigi doono, hadii Eebe yiraahdo.
Xagge bay ahayd Bunti?, su’aashan khad badan
ayaa ku daadatay, waxaa la sheegaa dalalkan soo socda in ay ka mid ahaayeen
dalkii Bunti lo oran jiray ;Soomaaliya( erayga Soomaaliya waxaan qormadan u
isticmaali doonaa dhulka ay dagaan dadka Soomaalida ah, Soomaali waxaan ula
jeedaa qof walba oo aaminsan in uu yahay Soomaali ama ku hadla Afsoomaaliga
lahjadihiisa kala duwan,Soomaaliya, haddaba, waxaan ula jeedaa dhulka
Soomaalidu taraxdo ee Geeska Afrika, ee ulama jeedo Jamhuuriyadii Soomaaliya oo
kaliya), Yemen, Ereteriya, iyo Sudan.Waxaa jira qormooyin taariikheed oo ay
masaaridii hore ka tageen oo taageeraya in dalalka Soomaaliya,Ereteriya, Sudan
iyo Yemen ay ka tirsanaayeen dalwaynihii Bunti. Tusaale ahaan waxaa jirta qorma
sheegaysa in markii roob lixaad leh uu ka da’o Bunti in wabiga Niil uu buuxsami
jiray, waxaa cad xiligan aan joogno in wabiga Niil uu ka soo burqado dhulka
buuralayda ah Xabashida, gaar ahaan waqooyiga dalkan cusub ee la yiraahdo
Itoobiya, sidaa darteedna, dad badan ayaa adeegsada arintan si ay hoosta uga
xariiqaan in dhulka Xabashidu uu ka tirsanaa dalkii Bunti(fiir bogga, 2, ee
qaybta uu tafatiray Mustafaa Xaaji nuur, ee buugga History of Somalis and
Somalia, gaar ahaana qormada uu ciwaankeeda afingiriisigu yahay Somaliland the
“Land of Punt” and its ties with ancient Egypt,).
Ereteriya waxay ku andocootaa in ay dalkii
Bunti ka tirisanaayeen, maxaa yeelay, waxay soo saari jireen walxii ugu
muhiimsanaa ee dalkii Butni u dhoofin jiray Masar oo ahaa Fooxa iyo walxaha
kale ee wax lagu carfiyo. Waxay kaleeto oo ay arintan ku daraan in Masar markii
loo fiiriyo Soomaaliya iyo Ereteriya, in dalkan dambe uu u dhowyahay Masar
fogaan ahaan, sidaa darteedna, aysan jirin wax loo aado Soomaaliya bacdamaa
Ereteriya laga heli karo walxaha loo aadi lahaa Soomaaliya. Waxaa kaleeto jirta
oo aad moodaysaa in ay taageerayso sheegashadaan Ereteriya arintan soo socota,
waayihii hore ganacsiga Masar iyo Bunit waxaa uu mari jiray dhulka. Laakiin,
waa dambe ayaa la sameeyay kanaal isku xira badda cas iyo wabiga niil, markaas
ayayna bilaabatay in laga kaaftoomo safarkii dhulka,
Haddaba maxay tahay sababaha nugu kalifaya
taariikh ahaan in aan sheegano in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalkii Bunti,
amaba in Somaaliya ay hayd xaruntii dalkii hore ee Bunti. Aqoonlayda iyo
qormooyinka taariikheed ee aan soo sheegi doono ayaad moodaa in ay nagu
kalifiyaan in aan u eexano oraahdan; Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka ahayd
dalkii Bunti, waxaana laga yaabaa in ay ahayd xuruntii dalwaynahaas la oran
jiray Bunti.
Aqoonyahan ka mid ah dadka dhulka qoda oo
taariikhii hore daba gala (oo Arkiyoolajiiste ah) laguna magacaabo Neville
Chittick, ayaa waxaa uu ku sheegay waraysi uu bixiyay intii uusan dhiman ka hor,
in labo arimood ay halbowle u tahay in Soomaaliya ay ka tirsanayd dalkii Bunti.(
( fiir bogga, 2, ee qaybta uu tafatiray Mustafaa Xaaji nuur, ee buugga History
of Somalis and Somalia, gaar ahaana qormada uu ciwaankeeda afingiriisigu yahay
Somaliland the “Land of Punt” and its ties with ancient Egypt,).
Kow, Bunti waxay caan ku ahayd dhoofinta walxaha wax lagu carfiyo sida fooxa,
labo, Bunti waxay lahayd Buuro u dhow xeebta iyo togag ama baliyo badda u
muuqda, sida ku cad sawir gacameedyada ku xardhan mowlaca Xitshabuut,( fiiri
isla marjicii hore) (safarkii Xitshabuut oo faahfaahsan gadaal ayaan ka soo
sheegi doonaa, laakiin hadda waxaa nagu filan in aan ogaano in Xitshabuut ay
ahayd boqarad reer Masar ah, oo safaro u soo dirtay dalkii Bunti, islamarkaana
diiwaan galisay waxyaabihii lagala soo kulmay safarkaas, qormada safarkan waxay
ku xardhantahay mowlaceeda oo ku yaala bartamaha dalkan cusub ee Masar).
Sidaa darteed waxaa dhici karta dalal ay ka mid yihiin Ereteriya in ay soo
saari jireen foox, inkastoo fooxoodu uu ka liitay kii Soomaalida iyo Carabta
tayo ahaan, laakiin wali Ereteriyiintu way ku andacoon karaan in ay ka
tirsanayeen dalkii Bunti, bacdamaa ay foox soo saari jireen, laakiin Ertertiya
ma laha dhul buuralay ah oo ku gadaaman badda iyo baliyo biyood barbaryaala
badda nawaaxigeeda, sababahan ayaana dhalisay in aqoonyahaynkan uu aamino in
Bunti ay ku tiilay Soomaaliya( ama in Soomaaliya ay ka tirsanayd dalkii Bunti),
bacdamaa Soomaaliya ay leedahay astaamihii lagu xardhay darbiga mawlaca
xitshabuut( gaar ahaana woqooyiga Soomaaliya). Fikradan ayaana ah tan ay qabaan
taariikhyahanada ku takhasusa taariikhda Masaaridii hore. Cadaymahan meesha
kama saarayaan in Ereteriya, Itoobiya iyo yemen ay ka tirsinaayeen dalkii Bunti,
laakiin waa cadaymo hoosta ka xariiqaya in Soomaaliya ay ka tirsanayd dalkii
Bunti.( Fiiri isla marjicii hore)
Neville iyo rag badan oo culumo xagga Akadeemiyada( jaamiciyiin) ah waxaa kale
oo ay qabeen in xariirkii u dhaxeeya Soomaalidii hore iyo Masaarida in uu ahaa
mid ka qoto dheer xiriir bicshaaro oo kaliya, oo uu jiray mid af, dhaqan, iyo
mid dineed intaba. Culumo badan oo Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Maxamed
Jamac Xabashi, Cabdulaahi sheekh Xusseen, Cabdirahman sheekh Xassan, iyo Dr
Cali Cabdiraxman Xirsi ayaa qabay in xiriirka iyo isasaamayntii Masarida iyo
Soomaalidii hore in uu ahaa mid aad u dhumuc wayn. Dr Cali Cabdrihaman Xirsi oo
mudo dheer daraasaynayay taariikhda Soomaalida, islamrkaana qoray buug aad
qiimo badan oo loogu magac daray sidan: Arab factor in the Somali History; The
origins and the development of Arab enterprise and cultural influence in the
Somalia Peninsula,” Phd dessertation, University of California, Los Angeles,
1977.[ Isirka carbeed ee Taariikhda Soomaalida; asalkii iyo horayumarkii
shirkadda carabta iyo saamayn dhaqan[kii] gudaha gacanka Soomaalida]
Dr Cali oo ka hadlayana xiriirkii Soomaalidii
hore is Masaaridana waxaa uu yiri:
Sida ka muuqata qabriga laksar ee uu leeyahay sarkaal ka tirsan dowladii
masaarida, si wayn ayay iskugu ekaayeen qaabdhismeedka doomaha Bunti yo kuwii
Masaarida, shiraacooda xataa waxaa la soo wariyay in ay isku ekaayeen. Maanta
reer guuraaga Soomaaliga ah waxaa mar walba uu wataa barkin alwaax ah si uu
tintiisa uga ilaashado[ wasakhda] tan waxay la mid tahay tii masaaridii hore[
ay isticmaali jireen]. Taa waxaa u dheer, barkintan Soomaalida waxay u taqaanaa
Barkin ama Barshin,[ masaaridana waxay u taqiinay Barsi, labada erayna aad ayay
iskugu dhowyihiin]( fiiri qormadii uu tafaray Mustafaa Xaaji nuur, ee aan horay
u soo xusanay)
Waxaa sababo loo hayaa in uu jiray xiriir
dimeed, maxaa yeelay masaaridii hore qofka markii uu dhinto waxay la aasi
jireen alaabtiisa qayb ka mid ah, sidaas oo kale dhulka Soomaalida waxaa laga
helaa qubuuro loo yaqaano taamuli, qubuurahan dadka waxaa lala aasi jiray
alaabahooda, waxaa kaleetoo laga yaabaa in ay jirtay kala amaahasho xagga
dhaqanka ah, tusaale, waxaa jira shibmir masaaridii hore ay u haysteen in uu
ahaa mid ka mid ah Ilaahyadooda, Soomaalidana shimbirkaas waxay u yaqaaneen
shimbir fircown.
Intaa waxaa dheer, in dhulka Soomaalida looga feesteeyo sanadka cusb sida
Masartii hore, dabaal dabaga sanadka cusub oo dhulka Soomaalida qaarkiis looga
yaqaano dabshid, dab ayaa la shidaa, bacdina afarta koone ayaa loo firdhiyaa,
si la iskaga xijaabo xooggaga shaydaanka iyo waxyaabaha xunxun, bacdina
feestadaan ka dib waxaa la sameeyaa alabari lagu baryaayo in beeraha ay si
fiican u soo baxaan sanadkan bilaabanaya. Arimahan oo dhan waxay ku tusayaan
xiriirkii qotada dheeraa u dhexeeyay Soomaalidii hore iyo Masaarida.(
faahfaahin arintan ku saabsan ka fiiri qormadii uu tafatiray Mustafaa Xaaji
nuur iyo buugga Dr Xirsi aan soo sheegnay ciwaankiisa).
La soco qaybaha kale
Samatalis Xussen Xayle
Email: hail0029@umn.edu
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
|