SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Qaramada Midoobey xafiis gargaar ka furtay Ogadenya.
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhibaato ku haya dadka magaalada Qudhacjooma.
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay magaalada Buuhoodle.
  • Gudi xaqiiqo raadin ah oo soomaaliya ku sugan.
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu ku waraysanayno Sh. Ibraahim Cabdalaa iyo Maxamed Iamaaciil oo ka mid ahaa aas aasayaashii JWXO.

Qaramada Midoobey xafiis gargaar ka furtay Ogadenya.

Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobey iyo hay’ado kale oo samafal ayaa xafiisyo ka furtay dalka Ogadenya, si ay gacan uga gaystaan macaluul ba’an oo laga baqayo inay Ogadenya ka dhacdo.

Hay’adahan ayaa lagu wadaa inay gargaar gaadhsiiyaan qiyaastii dadwayne gaadhaya 1,3 milyan oo qof oo ku dhaqan gobollada kala duwan ee Ogadenya.

Hase yeeshee tirada dadka ay macaluushu hayso ayaa lagu wadaa inay aad uga badan yihiin tiradii ay markii hore Qaramada Midoobney sheegtay. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inaan si fiican looga soo jawaabin baaqii gargaarka ahaa ee ay u dirtay dalalka deeqda bixiya.

Dawlada Jabbaan ayaa 3.4 milyan oo doollarla Maraykanka ah ugu deeqday Ururrada UNICEF iyo UNDP, si ay ugu maalgeliyaan hawlohooda la xidhiidha ka hortegga iyo la tacaalidda cudurka Dabaysha iyo nafaqa darrada carruurta ku dhacda.

Dawlada Jabbaan waxay tan iyo sannadkii 1999 ugu deeqday Ururka UNICEF adduun gaadhaya 20 milyan oo doollar, si uu ugu maalgeliyo barnaamijyada ka hortaga cudurrada faafa ee uu ka wado Itoobiya.

Shaqaalaha Qaramada midoobay ayaa cabanaya inaan loo oggolayn inay si xor ah dalka Ogadenya dhexdiisa ugu dhex safraan, iyadoo marba la siiyo oggolaansho ku kooban dhul gaar ah, isla markaana laga mamnuuco inay socdaal ku tegaan meel dhulkaas ka baxsan, arrintaasoo caqabad wayn ku ah sidii ay gargaar u gaadhsiin lahaayeen dadwaynaha ku tabaalaysan qaar ka mid ah gobollada Ogadenya.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhibaato ku haya dadka magaalada Qudhacjooma.

Ciidamada Itoobiya ee xooga ku haysta magaalada Qudhacjoome ayaa la sheegayaa in ay dadka deegaankaas ku hayaan dhibaato laxaad leh oo dhinaca dhaqanka ah.

Ciidamadan ayaa deegaankaas soo galiya maandooriyayaasha ay ka midka yihiin Xashiishada iyo Khamrida, waxayna u qaybiyaan dayarta aan aqoonta fiican laheeyn.

Qaar ka mid ah dadka magaalada Qudhacjooma ayaa noo xaqiijiyay in ciidamada wayaanuhu ay dumarka kufsadaan, dadkana ay dil, xadhig iyo dhac u gaystaan .

Ciidamadan ayaa horay dhibaato midan la mid ah ku hayn jiray dadka ku dhaqan dagmada ceelbarde oo ay mudo daganaayeen, hasa yeeshee waxaa kacdoono aan kala joogsi lahayn kala hortagay dadwaynihii dagmada Ceelbarde oo ka dhiidhiyay gumaysiga iyo cadaadiska ay ku hayaan ciidamada wadankooda soo galay, waxayna ku guuleesteen in ay indhaha caalamka ku soo jeediyaan ciidamada deegaankooda xooga ku qabsaday ee cadaadska ku haya.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay magaalada Buuhoodle.

War aanu ka soo xiganay shabakada Internetka ee Qoraxay Online ayaa sheegaya ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Cayn maalintii Sabtida, kuwaas oo aan la sheegin sababta dhabta ah ee ay halkaasi u soo galeen.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay weheliyeen Saraakiil sar sare ee ka tirsan Ciidamada Itoobiya iyo Maamulka Kililka, waxaana la sheegay in ay kula kulmeen Magaalada Buuhoodle qaar ka mid ah Odayaasha Deegaankaas. Lama sheegin waxa ay ka wada hadleen odayaasha iyo Ciimada Itoobiya hase yeeshee waxaa ay u badan tahay in ay ka wada hadleen dhanka amaanka iyo fulinta awaamiirta xukuumada Itoobiya, sida ay u fuliyaan qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya.

Ma’aha markii ugu horaysay ee ay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo koox ka socota Kililka ay soo galaan Magaaladda Buuhoodle, hase yeeshee waxaa ay inta badan soo galaan marka ay dano u gaar ah ka fushanayaan Gobolka.

Soo noqnoqoshada ciidamada Itoobiya ayay wax garadka magaalada Buuhoodle ku macneeyeen mid ay dawlada Itoobiya ku doonayso in ay deegaankaas awood ku yeelato, isla markaasna ay saldhigyo ka sameeysato magaalada Buuhoodle iyo deegaanka ku xeeran.

Gudi xaqiiqo raadin ah oo soomaaliya ku sugan.

Guddi sahan iyo xaqiiqo raadin ah oo ka kooban xubno ka kala socda IGAD, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo guddigii ilaalinta xayiraadda hubka soo gala Soomaaliya ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho, gudigan ayaa la sheegayaa in ay sahan u yihiin sidii ay u indha indheyn lahaayeen xaalada amaanka iyo deegaanada la dejinayo ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika ee la filayo in dhawaan Soomaaliya la keeno.

Guddigan oo uu madax u yahay Col. Khzi oo u dhashay dalka Kenya ayaa la sheegayaa in ay socdaal ku tegi doonaan 8 gobol oo ka tirsan Soomaliya, iyagoo muddo 11 maalmood ahna dalka ku sugnaan doona.

Masuuliyiinta waftigan ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed. Gudigan oo ay la socdaan saraakiil Soomaaliyeed ayaa inta ay Muqdisho joogaana soo booqan doona goobo ay ka mid yihiin dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

10.08.2004

Dhiidhi Nuur
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk.com | August 10, 2004
Afeef: Qoraalkan aragtidiisa waxaa lehradio Xoriyo

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

WARARKII MAANTA:::
»Khilaaf soo kala dhex galay Maamulka G/Shabeelaha Hoose..
»Guudow iyo Darmaan oo damacsan inay Dowlad cusb ku dhawaaqaan..
»Ururka USC/SNA garabka Saciid Bul-bul oo diiday inay qaabilaan ..
»Xarunta Dr.Ismaaciil Jimcaale oo soo saartay Warsaxaafadeed ..
»Beelaha Murusade iyo Mudulood oo soo gudbiyay Magacyada Xil..
»Beesha Gaaljecel oo laba liis u kala gudbisay IGAD..
Dhammaan ka akhri halkan..

Qaramada Midoobey xafiis gargaar ka furtay Ogadenya
iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhibaato ku haya dadka magaalada Qudhacjooma... Guji Aug 10

Musharax Cusub oo kusoo Biiray Tartanka Madaxweynaha Soomaaliya
Muqdisho: Max'uud Xasan Taakow ayaa ... Guji Aug 10

Nabadgalyada Boosaaso oo soo Hagaagaysa
iyo Abaaraha ay ka Dhaga nabteen Hay'adaha Caalamiga iyo Deeq loo fididyey Qaxooti reer Oromo ah
Guji Agosto 9

Qorigii lagu dilay Mussolini oo laga helay Albania
Iyo Hooyo Ruush ah oo canugeedii u dishey gaajo awgeed.. Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD