SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xildhibaan iib ah; shacab xood ah; iyo xukuumad dhoob-dhoob ah

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 
 

 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ka warran haddii xaaladdeenu taagantahay: 

  • Xildhibaan iib ah; shacab xood ah, iyo xukuumad dhoob-dhoob ah?
  • Xeer-beegti xurquun qaate ah; ducaad xaraashleey ah, iyo dumar xammaali ah?
  • Amxaaro xabiib ah; shisheeye xil-kas ah, iyo gaalo xaq-soor ah?

Markaas oo kale waa marka qiyaamaha la sugo. Waa marka arrimiha laga weeciyo sidii fidrada ahayd. Waxaan mar maqaal ahaan usoo qoray: kursiga Soomaalidu ma kabihii cagba-cagta ahaa baa? Waxaan ka waday, kabahaasi makala lahayn midig iyo bidix oo cagtaad rabto baa dalaq ku siin; hadda kursiga Soomaalidu soow sidii oo kale ma noqon? Kii kursigaas halkaas dhigay iyo kii cadow u kaalmaystay  si uu aboor ugu baxo ayaa hadda leh aan ku fariisanno! 

Haddii dadkii qabiilooyinku iska soo xuleen oo hogaamiye-dhaqameedyadeenna iyo dagaal-oogayaasheennu soo xuleen ay xoolo joogaan soow xoolo noqon mayno? Soow loo qaadanmaayo in qolo kasta soo xulatay dadkii u mudnaa inay u metelaan Soomaali dhexdeeda si ay danta reerkooda ugu qumaan? Haddii xulkeennii xoolo raqiis ah joogo ka warrama xaabadeenna (inteena kale een lasoo xulin)? 

Oo xanuunkii Soomaali ka soo gaaray ciidamadii shisheeyaha ee hore ma iloobeen? Dagaaladii sokeeye waa lagu arkay dumar la kufsanayo laakiin soom lama lahayn ciidamadii caddaanka ahaa waxay kufsadeen rag Soomaali ah? Miyeynaan Kismaayo ku arag ciidamo ka yimid Beljam oo carruur dubanaya? Mise kuwa madoowgaan markaan tijaabinaynaa? Waxay i xasuusinaysaa sheekooyin laga sheegi jiray reer baadiyaha oo ahayd: 

In dhallinyaro reer baadiye ahi yaqaaneen in miinada baabuurta loo dhigo aysan ku qarxin hal qof iyo wax la mid ah oo ay rabto culays badan dabadeedna  waxay isku raaceen inay miinada culays badan saaraan si ay u ogaadaan intay ku qarxayso. Dabadeed waxay sameeyeen inta awr raran soo qabteen bay ku dul arrumeen/fariisiyiin miinadii korkeeda markaasaa awrkii intaas oo dhallinyaro ahi sidii duduntii kor uga baxday si ay culayska miinadu ku qaraxdo u gaaraan! Hadda Soomaalidu waa sidii oo kale oo waxay leeyihiin xabbad ka soo daalnee aan aragno cudurada kale ee dilaaga ah siday dadka u xaaqaan! 

Hadraawi si uu Beerlula u arko wuxuu ku ducaystay in baabuurkay ku safrayeen uu xumaado oo dadka kale danahooda seegaan si tiisu u meel marto. Wuxuu yiri: 

Biri may xumaatoo, betroolka daadshoo kan wadaa bukoodoo, bogsan waayo maan oran. 

Marka dagaal-oogayaashu hadday xukun helayaan ma kala jecla wax kasta oo nagu dhaca ha ahaato ciidamo cuduro keena ama cadow noogu soo dugaala oo carruurteenna dubta. Marka waxay maraysaa isla sidii uu Hadraawi u lahaa: 

  • Wuxuu yiri degmadayada

  • Cudurada dillaacee

  • Aayaadka diintiyo

  • Dadku uu Ilaahay

  • Daa’inkeen ka magangalo

  • Waaba lagu ducaystaa.

Run ahaantii waxaaba la arkayey dagaal-oogayaal lahaa annagaa ciidamada Afrikaanka u hayna xarumo ay ku soo degaan iyagoo u xulay halkii  ehelkeedu joogeen. 

Dumarku waa inay kaalintooda qaataan 

 “Naa waa kanoo rag ma haynee; ha hayeen ubadkee aannu weerarka aadno”. Waxaan filayaa inay ku jirtay riwaayaddii Xorriyo nin geyaa ha guursado. Sangub markaan dhulkeenna hal geel ah kuma sheegin ee gabar buu ku sheegay marka gabar iyo hal intee isu jiraan? 

Waxaan xasuustaa dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, haween iyo carruur isugu soo baxay magaalo qabiil kale weerar ku soo yahay iyagoo dhallinyaradii iyo raggii ku leh: keen shaarka, hoo shaashka! Markay arrintu halkaas ka degayso qofkaan shareeco xakamaynayn waa markuu dhaho: rag ciil cadaab ka dooray. Erayadaas waxaysan saamaynayn oo keliya waa weli Ilaahay laakiin waaba iska yaryahay qof ahe laakiin xitaa fulayga waxay ku shidaysaa dab bal ugu yaraan waxay ku khasbaysaa inuu isa sii taago goobta dagaalka haba iska dhabacdo meel cidla’ ahe. 

Arrintaas haweenka Soomaalida kaliya uguma horrayso ee waa mid horay u jirtay. Waxaa jirtay dagaalkii Uxud in Hinya Binti Cutbah oo Abuu Sufyaan haweentiisa ahayd markay gaalada ahaayeen ilayn ninkeeda Abuu Sufyaan baa ciidanka mushrikiinta watay markaase waxay lahayd erayo ah: 

إن تقبلوا نعانق   ونفرش النمارق                                                                                                     

أو تد بروا نفارق    فراق غير وامق                                                                                                                                     

Hindi waxay mushrikiinta markaas ku lahayd haddaad xarbiga qaabishaan, xubi baan idin ku salaamaynaa waxaana idiin gogleynaa xariir laakiin haddaad dhabarka xijisaan waan idin ka xarig furanaynaa, xarig furasho aan xubbi dambe jirin. Hadalkaas Hindi iyo kaas haweentaas Soomaaliyeed soow isma laha? 

Oo yaa u diidaya dumarka Soomaaliyeed ee Nayroobi jooga in marka xubnaha baarlamaanka la doorto ay dhahaan erayada soo socda iyagoo dhiirigelinaya inaan qof caaqa madaxweyne usoo bixin ka dib markuu gato ergada baarlamaanka? Iyagoo leh: hoo coodka; keen codka (xubanimada). 

Xalka keliya oo haray waa in dumarku kaalintooda qaataan oo ku orshaan oo dhiiri geliyaan  odayaasha dhaqanka ee dagaal-oogayaashu dulleeyeen; kuwa culumada iska dhigaya ee aaad mooddo inuusan waddankooda xil ka saarnayn; dhallinyarada meelaha iska dhooban ee aad mooddo xoolo dabaax ah iyo raggoo dhan. Haddii dumarku dhinac fiican ay ragga u xamaasad geliyaan waxaa la arkaa in rajadu noo soo noqoto.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

 cabdulwaxid@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2004

»M. C. Xaashi oo xirid looga baqayo iyo Cali Khaliif oo... c/waxid

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD