SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Beesha Awrtable oo Maxamed Cabdi Yuusuf u dooratay Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada

Axad, August 15 2004  

KU: Gudiga Farsamada IGAD
KU: Wakiilada Beesha Caalamka
KU: Hogaamiyeyaasha Soomaalida ee ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta

OG: Jaaliyada Yuusuf Daarood ee Puntland, Kenya, Yurub, Waqooyiga Ameerika, Australia, Asia, iyo Bariga Dhexe

UJEEDO: Beesha Yuusuf Daarood oo Maxamed Cabdi Yuusuf u dooratay Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada

Wada tashiyo mudo qaatay oo ay lahaayeen waxgaradka, aqoonyahanada, odayaasha, culimada, haweenka iyo dhalinyarada Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) ee ku nool dalka gudahiisa iyo debadiisa ayaa waxey Beeshu si wada jir ah ugu dooratay Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf in uu noqdo Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada ee Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable).

Waxey Beeshu ku wargelineysaa Gudiga Farsamada ee IGAD, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Hogaamiyeyaasha Soomaalida in Mudane Maxamed  Cabdi Yuusuf  haysto taageerada guud ee Beel Weynta Yuusuf Daarood (Awrtable), isla markaana ay Beeshu si wada jir ah ugu dooratay in uu noqdo Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada ee Beesha.

Anagoo daba socona  Bayaan ay Beeshu soo saartay dhowaan ayaan waxaan Ugaaska Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) Ugaas Cumar Geele Maxamed iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf talo ugu soo jeedineynaa in aan xubnaha Beesha uga mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Kumeel Gaarka ah lagu darin dad kasoo mid noqday Baarlamaankii Carta, marka laga reebo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada ee Beesha, kaasoo xaq u leh inuu helo hal kursi, labada kursi ee kalena la kala siiyo xubin meteleysa Beesha Geedi Ibraahim iyo xubin meteleysa Dumarka ama Dhalinyarada Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable).

Waad Mahadsan Tihiin

Waxgaradka Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable)
waxgarad@hotmail.com   

Bayaan kasoo baxay Beesha Yuusuf Daarood
iyo Odayaasha beesha Cali saleebaan oo...
Guji August 13

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2004

<><><>MAQAAL<><><>

Beesha Leelkase iyo siyaasadda Soomaaliya

<><><>

WARARKII AGOOSTO 14
»Dagaalo ay kudhinteen 20 Qof oo ka dhacay Degmada Ceeldheer
»Magacyada xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle...
»Urur la magac baxay SOJTO oo Muqdisho lagaga dhawaaqay
»Dadweynaha Reer Cadaado oo la kulmay Waftigii Xaqiiqo Raadinta
»Carwadii SIMAD oo la soo gabagabeeyay
Dhammaan ka akhri halkan...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD