SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
WARARKA MAANTA::: AGOOSTO 14
  • MAGACYADA XILDHIBAANADA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE OO DHAMAYSTIRAN
  • URUR LA MAGAC BAXAY SOMALI JOURNALIST TRANING ORGANIZATION
  • DAWEYNAHA REER CADAADO OO LA KULMAY WAFDIGII XAQIIQO RAADISKA
  • carwadii SIMAD oo shalay la soo gabagabeeyay
  • DAGAALO AY KU DHINTEEN 20-QOF OO KA DHACAY AGAGAARKA MASEGAWAA

W’D. Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

MAGACYADA XILDHIBAANADA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE OO DHAMAYSTIRAN

Waxaa na soo gaaray liiska magacyada xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle waxaana saxiixay 24-hogaamiye dhaqameed siyaasadeed, waxaana dhinaca siyaasada ka  mid ahaa Cabdala Deeroow Isaaq, Xasan Maxamed Nuur Shaargaduud, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sh.Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed Saalax, waxayna kala yihiin magacyada:

Magaca Beesha
Xuseen Ma’ed Sh.Xuseen Dabarre
Xasan Macali Xuseen Dabarre
Madoobe Nuunoow Maxmed Dabarre
Saalim Caliyoow Ibroow Jiido
Axmed Cabdi Cumar Jiido
Caasho Cabdi Shiikh Jiido
Cabdikaafi Macalin Xasan Garre
Ismaaciil Cabdi Maxamed Garre
Ibraahim Isaaq Caymooy Garre
Ing.Munye Saciid Cumar Tunni
Mukhtaar Munye Bishaar Tunni
Maxamed Nuuraani Bakar Tunni
Cali Sh.Max’ed Nuur Sh.Caleemood
Isaaq Maxamuud Maxamed Sh.Caleemood
Macalin Maxamuud Jiis Sh.Caleemood
Xuseen Cusmaan Xuseen Galladi
Muna Maxamed Abiikar Galladi
Dr.Khaalid Cumar Cali Galladi
Avv.Axmed Ibraahim Max’ed Galladi
Sh.Aadan Madoobe Hadamo
Yuusuf Maxamed Kheyr Hadamo
C/Laahi Aadan (Black) Hadamo
Sareedo Maxamed Cabdalla Hadamo
Sh.Nuur Cali Aadan Geledle
C/laahi Cabdi Garuun Geledle
Luul Cabdi Aadan Geledle
Gen.Muumin Ibraahim Luwaay
C/laahi Aadan Cali Shalayte Luwaay
Sh.Aadan Sh.Max’ed Deer Luwaay
Cabdalla Deeroow Isaaq Jilible
Maxamed Xuseen Isaaq Jilible
Macalin Nuur Xasan Hubeer
Maxamuud Cabdi Beegoos Hubeer
Xasan C/nuur Aadan Yentaar
Ibraahim Xuseen Cali Yentaar
Amiin Axmed Sh.C/raxmaan Gasargude
Cusmaan Liibaan Ibraahim Gawaaweyn
Cali Aadan Xuseen (Eylow) Eyle
Col.Xasan Ma’ed (Sh.Gaduud) Hariin
Xasan Maxamed Idiris Hariin
Ibraahim Cabdi Nuur Hariin
Maxamed Ibraahim Xaabsade Liisaan
Ibraahim Aadan  (kiish Bur) Liisaan
Maxamed Cusmaan Isaaq Liisaan
Ibraahim C/laahi Cismaan Eelaay
Cabdi Xaaji Yariis Eelaay
Fowsiyo Maxmed Shiikh Eelaay
Axmed Maxamed Cabdi Jiroon
Shariif Saafi Rooble Jiroon
Ibraahim Maxamed Isaaq Macalin.Weyne
C/qaadir Aadan Jibaar Macalin.Weyne
Shariif Saalax Maxamed Asharaaf
Shariif Xasan Sh.Aadan Asharaaf
Isaaq Maxamed Nuur Disoow
C/qaadir Sh.Maxamed Nuur Disoow
Maxamed Mursal Booroow Qoomaal
Ibraahim Isaaq Yaroow Garwale
Faadumo Sh.Nuur Nuuroow Reer Dumaal
Cusmaan Mukhtaar Max’ed Heledi
Sh.Aadan Macalin Isaaq Xeroow
Aamino Maxamed Mursal Wanjeel

URUR LA MAGAC BAXAY SOMALI JOURNALIST TRANING ORGANIZATION

Waxaa maalintii khamiista ahayd muqdisho lagaga dhawaaqay urur la magac baxay Somali Journalist Training Organization (SOJTO), waxaana ujeedada loo aasaasay kaddib markii dhalinyarada Soomaaliyeed ay u baahdeen meel ay tababar ku qaataan si ay mustaqbalka ugu adeegsadaan xirfadooda saxaafadeed.

Gudoomiyaha ururka Maxamed Cusmaan Xuseen (New York) wuxuu sheegay in ururkaani uu gacan siin doono cid kasta oo daneyneysa kamid ahaanshaha saxaafada iyadoo machadka Al-cimra branch laba-dhagax qaybtiisa saxaafada ay waxbareen ilaa iyo 17-dufcadood.

Ururkaan waxaa gudoomiye ku xigeen ka ah C/risaaq Maxamed Ibraahim (Bakistaan) gudoomiye ku xigeenka labaad C/laahi Macali Faarax, xoghayaha guud Jabriil Cabdule Macalin Jabra, xoghayaha xiriirka saxaafada Maxamed Maxamuud Dhoore, xoghayaha xiriirka dadweynaha C/samad C/qaadir Faarax (Hanad), xoghayaha dhaqaalaha Ayaan Nuur Guutaale, xoghayaha arimaha dibada C/laahi Max’ed Xuseen (Taajiroow), afhayeenka ururka Axmed Cali Axmed (Axmed Yare).

DAWEYNAHA REER CADAADO OO LA KULMAY WAFDIGII XAQIIQO RAADISKA

Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd magaaldaas ay booqdeen wafdigii xaqiiqo raadiska ahaa ee ka socday Jaamacada Carabta IGAD, iyo midowga Africa, waxayna kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan degmadaasi iyadoo lagu soo dhaweeyay banaanbax aad u balaaran.

Wafdigaan ayaa waxay booqdeen xeryaha ciidamada iyo waliba xero ay ku jiraan Taangiyo, waxaana mar kasta warbixin siinayay gudoomiyaha degmada Cadaado Maxamed Maxamuud Suuleey oo sheegay in dadweynaha degmada Cadaado ay diyaar u yihiin in hubka laga dhigo kooxaha Maleeshiyooyinka ah.

Wafdigaan waxay kaloo booqdeen kontoroolka degmada Cadaado iyo garoonka diyaardaha ee degmadaasi,  waxayna isla shalay dib ugu laabteen magaalda Gaalkacyo iyadoo maanta ay booqandoonaan magaalada Garoowe 

carwadii SIMAD oo shalay la soo gabagabeeyay

waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay machadka SIMAD carwadii labaad oo ay ka qeybgaleen ilaa iyo 40-shirkadood oo isugu jiray warshado, shirkado, iyo hay’ado waxayna socotay muddo sagaal maalmood ah waxaana loogu tala galay inay carwadaan socoto mudo 7-maalmoo, hase yeeshee codsi ka yimid dadweynaha ayaa loogu daray maalmihii khamiista iyo Jimcaha.

Daahir Xasan Carab oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii gudiga qabanqaabada ee carwadaasi, wuxuuna sheegay in dad fara badan ay ka faa’ideysteen carwadaasi.

Wuxuu sheegay in shirkadihii, warshadihii ka soo qayb galay carwadaasi la gudoonsiiyay abaalmarino kala duwan kaddib markii ay muujiyeen firfircooni dheeraad ah.

Ganacsatadii ka qeyb gashay carwadaasi ayaa u mahad celiyay machadka SIMAD, waxayna sheegeen in carwadani ay ahayd mid ah si wayn isugu fahmeen dhamaan qaybihii ka qayb galay waxayna u soo jeediyeen in mar kale la qabanqaabiyo carwada.

Carwada waxaa si aad ah u sii bilay qaybaha warbaahinta ha noqoto wargeysyada idaacadaha iyo wabsiteyada oo iyaga markasta la socodsiinayay dadweynaha  

Reer Shabeelle oo Carwada ku Soo Bandhigay Geed Mireed aan Hore Loogu arag Soomaaliya...

DAGAALO AY KU DHINTEEN 20-QOF OO KA DHACAY AGAGAARKA MASEGAWAA

Wararka naga soo gaaraya degmada ceeldheer ee gobolka galgaduud waxay sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Xagar oo u dhexeeya Mazagawaa iyo Ceeldheer ay ka dhaceen dagaalo beeleed waxaana dagaalkaasi ku dhintay ilaa iyo 20-qofood.

Dagaaladaan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa waxaa sabab u ah aano qabiil oo ilaa iyo haatan wax xal laga gaaray aysan jirin iyadoo odeyaasha deegaankaasi ay dadaal ugu jiraan sidii loo qaboojin lahaa xasaradaasi isla markaana deegaanda degmda ceeldheer ay u noqonlahaayeen goobo nabdoon oo ka caagan dagaalada sokeeye

W’D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com .

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2004


Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje)
oo Taageero Weydiistey Dhammaan Mujtamaca Soomaaliyeed.. wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka, maanta taageero ayuu kaa sugayaa


Ciidamada Itoobiya oo si badheedh ah u dilay oday caan ah oo Ogadenya laga yaqaano
iyo Dad shacab ah oo lagu xidh-xidhay magaalada Dhagaxbuur ee Wadanka Ogadenya...
Guji

Bayaan kasoo baxay Beesha Yuusuf Daarood
iyo Odayaasha beesha Cali saleebaan oo...
Guji August 13

Saameynta Shirka Kenya iyo Waxyaabaha la Gudboon Soomaalida: Faallada Toddobaadka: Afyare & Dr. Barise

OGEYSIIS REER MINNEAPOLIS:: Shirweyne Ku saabsan Doorashada Maraykanka iyo xuquuqdaada .... Guji

U.N. IYO GACANTII AY KU LAHAYD FARAGALINNO UU MAREYKANKU KU SAMEEYAY WADDAMO ISLAAM AH!!:::

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD