SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Ciidankii Jamhuuriyadda iyo sida dib loogu abaabuli karo
bashir issa diiriye,toronto

Asalaama calaykum dhamaan walaalaha soomaaliyeed iyo maamulka somailtalk ee sharfan

 
 
Kuligeen baa u 'ooman in aan helno dawladeenii oo u' adeegaysa shacabkeedii hadana waxaan la dafiri karin marka laga reebo caatifadda aan u qabno qarankeenii iyo waxa aan jecelnahay in aysan ahayn arin si sahlan loo oran karo dawladeenii weey dhismaysaa. hadana waxaa muuqata in uu jiro dadaal caalami ah oo lagu doonayo in soomaalidu soo ceshato dawladnimadeedii qaabkii la doono haloo maree, saluug kasta hajiree ayaa waxaan doonayaa inaan qormadaydaan diiradda ku saaro doorka ciidamadda iyo habka loo dhaqancelin karo maleeshiyaadka hubaysan.
 
Waxaa maalmahaan wadanka marayey gudiyo saraakiil ciidamada caalamigaa  oo hor-udhac u 'ahaa ciidamo la doonayo in wadanka la keeno ayagoo la tashanayey saraakiishii rugcadaaga ahaa ee x.d.soomaaliyeed iyo qaybaha muhiimkaa ee bulshadaa waxeeyna ka soo aruursadeen talooyin ay koleey qaar ka mida qaadan doonaan dabcan koleey ayagana qorshe kale ayaa meel u yaala inkastoo ay ila hadda ay leeyahiin ciidamada imaanayaa waxeey ahaanayaan kuwa uun eega cunaqabatayntii lagu soo rogay hubka  ee qaramada midoobay ee soo gala soomaliya , cidda ku xadgudbaysa iyo tababridda maleeshiyaadka intii markaa laysku raaco in ay noqon karaan ciidan, ayaa waxaa durba soo baxaysa in ama wadanka gudahiisa ama dibadiisa hadiiba ay muuqato in lagu qaybsanyahay imaashaha ciidankaa iyo qaabka ay doonayaan in ay uga hawlgalaan wadanka sidaa awgeed ayaan doonayaa inaan u qaybiyo dhawr nuuc oo kooban sida layskuugu qilaafsanyahay imanshaha ciidankaa.
 
1) Qaar waxeey doonayaan in ay ciidamadu noqdaan kuwa caalamiya xoogan oo awood u leh in ay wadanka oo idil hub ka dhigid ku sameeyaan.
 
2) Qaar waxeey doonayaan in ciidamadu noqdaan ciidamadeenii oo dib loo soo aruuriyo oo laysku daro ayadoo laga keenayo gobol kasta dibna loogu furo tababar gaaban in ay noqdaan kuwa qabanaya shaqadaa.
 
3) Iyo qaar kale oo doonaya in la helo ciidama caalamiya oo kooban oo la hawlgala ciidankeena ,inta badana shaqada ay qabtaan soomaalida ciidamada ajnabiguna ay noqdaan kuwa ka saacida ciidankeena tababarada, taliyeyaalka (commanders).
 
Waxaa kaloo jira dad oranaya ciidamada laga keenayo afrika siiba wadanka koofur afrika waxaa suurta gal ah in ay inoo keenaan cuduro qatar ku ah bulshadeena siiba aidska dilaaga ah in kastoo uu jiro sharci caalami ah oo marka ciidamo caalamiya oo nabad ilaalin wadan kale  loo gaynayo in kuligood la hubiyo, la baaro  cafimaadkooda, kii markaa laga helo cudurna laga reebo hawshaa amaba laga saaro ciidanka.
 
Dadka qaar baa oranaya sideey suurta gal ku tahay in maleeshiyooyinkii sida aadkaa uga qayb galay dagaaladii ahliga amaba hadda ah kuwa qafaasha dadka in ay inoogu noqon karaan ciidankii qaranka.
 
Walaalayal arimahaa aan ka soo hadlay weeye hadalka sida aadka maalmahaan doodeenu ugu badnayd lakiin hadaan aniga aragtidayda mid ka mida qaanadaha aan ka soo sheekeeyey ku  buuxiyo waxaan aaminsanahay hadaan dib ugu noqdo taariikhda askariga soomaaliyeed inta badan waxaa laga soo xuli jiray miyiga waxaa suurta gal ahayd in askarigaa uu ka mid ahaan jiray intaanu ciidanka noqon nin ka qayb gala dagaal qabiileedka ,  marka ma  jirin record laga hayey ninkii sifaha lahaa iyo midkaan waligii qori gacntiisu galin marka laga reebo shaqsiyaad si aada caan u ahaa oo uu boolisku baadi goobi jiray  , marka uu ninkaa askariga noqonayo waxaa la eegi jiray in cafimaadkiisa iyo jirkiisaba ay yahiin kuwa caafimaad qaba intaa ka dibna waxaa la siin jiray tababar askaranimo oo buuxa laga bilaabo marka timaha laga xiiro oo loo galiyo dresska ciidanka waxaa lagu dhaarinayaa loona sheegayaa in uu yahay askari ka tirsan ciidanka xdsoomaliyeed waxaana la dhihi jiray shalay waxaad ahayd nin civil ah ,xoola dhaqato ah ama waxaad ahayd  dagaal yahan reer hebela maanta waxaad tahay ilaaliyaha qaranka soomaliyeed waxana sharaaxaad dheer laga siin jiray haddii uu ku xadgudbo hawshaa loo dhaariyey ciqaabta uu mudanayo waxaana kaloo loo sheegi jiray asagana xaqa uu wadanka ku leeyahay  waxaan uga jeedaa maanta waxaan la soconaa in ay arintu sidii ka gadisantahay maxaa yeelay maleeshiyaadka dagaalka ka qayb galay maaha tiro yar oo aan oran karno wa laga maarmaa  waxaa marka loo baahan yahay in ayaga ruuxooda loo qaybiyo dhawr nuuc ragii markoodii hore ciidanka ahaa waxaa lagu xaraynayaa meel gooniya waxaana lagu samaynayaa dhaqancelin waxaana la xasuusinayaa dishipiliinkii iyo amar kala qaadashadii waxaana lagu dhiiri galinayaa garaadahiisii iyo mushaarkiisii kii xirfad ciidanka dhaxdiisa ku lahaana waxuu aadayaa xirfadiisii ayadoo loo kordhinayo aqoontiisii farsamo, midkaan aan waligii noqon ciidanka ayaga ruuxooda waa lakala qaybinayaa dhawr nuuc  ayaadoo qiimayn lagu samaynayo da'diisa ,haddii la dhaqan celin karo iyo hadii la leeyahay hawl kale oo aan ciidanka ahayn haloo sameeyo ayadoo loo jihaynayo hayad kale oo magacii la doono la siin doono.
 
Waxaan aaminsanahay doorka dhaqancelintu in uu daawo u yahay shaqsigii xaaladda xun ku jiray oo naftiisa halaagayey iyo bulshadii ayaduna weysay in ay nabad ku marto dariiqyada ayagoo dabaranaya hawlahooda daruurigaa maxaa yeelay waxaa laga xakameeyey magaalooyinkii ayagoo lagu xareeyey goobahaa loo cayimay oo lagu aruuriyey.
 
Doorka ciidanku waa hayadda ugu muhiimsan ee suurta galisa in lahelo dawlad awood leh oo salka u dhigta qawaaniinteeda iyo awaamiirteeda oo la adeeco waana hayad aysan sahlanayn in si sahlan loo taaba galiyo hadaan lahelin dhaqaale caalami ah ,ciidanka dhaqalaha ku baxaya waxuu ka badan yahay inta ku baxaysa dhamaan inta ay ka koobantahay wasaaraadka dawladaa waana mida muhiimadeedu.
 
Waxaa ila haboon in ciidanka soomaalidu noqdo midaka sida aadkaa shaqada u qabanaya ciidamada ajaaniibtuna noqdaan kuwa naga caawiya tababarada ,dhisidda baraha talisyada ,shaqo kasto oo ay qabanayaana ay jiraan saraakiil la go'aamisa hawshaa ay qabanayaan ,waa lagama maarmaan in ciidankeenu noqdo midka hawsha qabanaya shaqada xoogeeduna ku dhacayso ayagoo ka xigsanaya in aan lagu xadgudbin mawaadiniinteena karaamadooda iyo diintooda ,haddii laysku daro xataa dhibaato kuma jirto lakiin aysan dhicin in ay ciidamada ajaaniibtu noqdaan  kuwa u madax banaan hawlo an laysla ogayn.
 
 
Doorka saraakiisha waxaa muuqata ina ay gaboobayn ama ayba yahiin hawlgab  inta badan saraakiishii hore laakiin hadda si ku meel gaara waa u sii shaqayn karaan laakiin waxa loo baahan yahay in dib loogu noqdo inta sii ahaan karta ciidanka oo hawshooda sargaalnimo ama saraakiil xigeen u gudan karo si fir-fircoon ,waa lagama maarmaan saraakiisha ruuxooda in ay helaan tababar  gaaban oo ay dib ugu noqonayaan buugaagtoodii iyo qaab dhismeedkii ciidanka iyo maamulkaba .
 
Hubka wadanka yaala oo ay haystaan maleeshiyaadku maaha hub ay ciidanku dib u 'isticmaali doonaan maxaa yeelay maaha hub u qaabaysan habkii ciiidamada ,maaha hub loo soo qorsheeyey in laga nabad galo hadii uu qalad yimaado ,waxaa inta badan la saaray baabuur qoryaha waa wayn ee lidka dayuuradaha kuwaasoo aan ahayn qoryo loogu talagalay in lagula dagaalamo bani'aadamaka ,marka laga reebo in yar waxaan u badinayaa in la gubi doono waana hub ka caagan in lagu dhaxhaaysto magaalo ama meel uu shacab joogo.
 
 
marka dhinac laga fiiriyo ciidanku waa hayadda ugu ururin sahlan maxa yeelay waxeey leeyahiin qaab ay isku garan karaan sida ay u kala madaxsanyahiin iyo sida ay salaanta u kala qaadanayaan mana aha dad isku qasma xaalad kasta oo ay ku jiraan waxeeyna  inta badan isku garan karaan si aad u sahlan ayagoon wealigood is arkin.
 
Marka la hubiyo tayada ciidanka la helay dishipiliinkoodana  la xaqiijiyo si sax ahna layskuugu milmiyo (layskuugu daro)ciidamadii laga soo aruuriyey gobalada dalka  oo idil,  ciidamadii ajaaniibtuna aysan ka maqnayn hawlgalkaa ,mushaarkoodana meel la saaro qaabkii ay u kala sareeyeena la waafajiyo waxeey markaa samayn karan hub ka dhigis dhaba waxeeyna cagta marin karaan cid kasta oo markaa maaro loo waayo diidana in soomaliya xaladda ka baxdo .
 
Waxaan hadalkyaga ku soo koobayaa maadaama aan arimaha ciidanka ka soo hadlay iyo sida mileeshiyaadka loo dhaqancelinayo arimaha ciidanka boliska waa arimo ayagana ku dhax jira arimahaa aan ka soo sheekeeyey laakiin waa kala shaqo booliska iyo milatarigu.
 
wabilaahi tawfiikh bashir issa diiriye ,toronto

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2004

WARARKII AGOOSTO 14
»Dagaalo ay kudhinteen 20 Qof oo ka dhacay Degmada Ceeldheer
»Magacyada xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle...
»Urur la magac baxay SOJTO oo Muqdisho lagaga dhawaaqay
»Dadweynaha Reer Cadaado oo la kulmay Waftigii Xaqiiqo Raadinta
»Carwadii SIMAD oo la soo gabagabeeyay
Dhammaan ka akhri halkan...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD