|
WAX QAYBSIGII HARTI OO LA ISKU MARI LA YAHAY
Warbixintii:
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk | Nairobi |
imdeeq@yahoo.com
Iyadoo ay badiba qabiilooyinka Soomaaliyeed gudiga fududaynta IGAD u
soo gudbiyeen liisaskii xildhibaanadooda balse aysan weli beesha
Daaroodku ku guulaysan inay ilaa iyo hadda wax liis ah soo gudbiyaan
ayeey beesha Harti weli isku maan dhaafsan tahay sidii ay tirada ka
dhaxaysa u qaybsan lahaayeen. Waxaana fashilmay oo guul darro ku
dhamaaday kulamo ay uga gol lahaayeen inay wax ku qaybsadaan, kaddib
markii ay qolo waliba soo ban dhigtay tiro kuwo kale aysan ku
raacsanayn oo ay doonayaan. Gudigii loo saaray inay wax soo qaybiyaan
ayaa markay laba fadhi qaateen oo ku heshiin waayeen qoraal u gudbiyey
Isimada iyo hogaamiyaaysha siyaasadda ee Harti oo ahaa marjica loogu
talo galay in loo soo noqdo haddii hab qaybta la isku mari waayo,
waxayna qoraalkooda ku caddeeyeen inay qaybinta tirada u maaro waayeen.
Waxyse arrintu cirka isku sii shareertay markii ay Isimadii iyo
hogaamiyaashii siyaasaduna tiraba ku laba goor ku kala fogaadeen
fekrado is diiddan oo ku saabsan sida ay qolo waliba u doonayso in wax
loo qaybsado. Dhulbahantaha ayaa dalbaday (10) xubnood, Majeerteenka
ayaa soo jeediyey inay doonayaan (14) xubnood, Warsangeliguna waxay
sheegteen (7) xubnood, Dashiishe ayaa dalbaday (3) xubnood, halka ay
beesha Kaski Qabena ka doonayso (1). Doodihii hore waxay socdaanba
waxaa aakhirkii dhinacna loo dhaafi waayey Dhulbahante oo Sagaal
fadhiistay, Warsangeli oo taagan (6), iyo Majeerteen oo (13) doonaya.
Ergada Dhulbahante oo uu hogaaminayo Boqor Cabdillaahi Axmed Cali ayaa
weli si xooggan ugu dhegan inaysan aqbali Karin tiro Sagaal ka yar.
Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo ergada Waresangeli hogaanka u hayaana
wuxu ka dhaqaaqi layahay lix, Gen. Cadde Muuse oo ergada Majeerteen wax
qaybsiga u meteleyaana wuxuu doonayaa inuu tolkii Saddex iyo Toban u
qaado. Boqor Cabdillaahi Axmed Cali
oo aan kula kulmay hoteelka uu degan yahay ee Ambasadure Hotel iyo
Garaad Cabdillaahi Cali Ciid ayaa labaduiba rejo wanaagsan ka muujiyey
in lagu heshiin doono qaybsiga xildhibaanada harti ka dhexeeya.
Si kastaba ha ahaatee hab qaybtan oo ah tii ugu kululayd ee beelaha
Harti dhex marta ayaa mar kale galabta shantii galabnimo la isugu soo
noqday, si loo sii wado ka wada hadalka arrintaas oo ku soo aaddey xili
uu gabaabsi yahay wejigii saddexaad ee shirka, isla markaana la filayo
in 19ka bishan xafladdii dhaarta xildhibaanada lagu qabto xerada
Mbagathi ee uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu ka socdo, taas oo
la filayo inay ka soo qayb geli doonaan wasiirada arrimaha dibedda ee
urur goboleedka IGAD oo iyagu shirka Soomaalida iminka si toos ah u
daadihinaya.
Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Nairobi
imdeeq@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | August 16, 2004
WARARKII HORE..
»Dagaalo
ay kudhinteen 20 Qof oo ka dhacay Degmada Ceeldheer
»Magacyada
xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle...
»Urur
la magac baxay SOJTO oo Muqdisho lagaga dhawaaqay
»Dadweynaha
Reer Cadaado oo la kulmay Waftigii Xaqiiqo Raadinta
»Carwadii
SIMAD oo la soo gabagabeeyay
Dhammaan ka akhri halkan...Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|