W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com
Dibad baxan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyadii hore ee Dowladii Milatariga ahayd,waxaana ay dibad baxayaashu ay ku dhawaaqayeen erayo ay ugu codeynayaan Hogaamiyihii hore eeUrurka USC/SNA Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydiid waxaana ay sheegeeninysan manta oo kale aysan hilmami Karin maadaamo ay tahay maalintii uu Geeroyooday Guddoomiyahoodii Marxuun Gen,Caydiid oo ay sheegeen inuu yahay in taariikhda Soomaaliya Baal Dahab ah uga jira,Waa sida ay hadalka u dhigeene.
Madaxdii ka qeyb gashay Dibad Baxaasi loogu duceynayay Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydid waxaa ka mid ahaa Ku simaha Guddoomiyaha Isbahaysiga USC/SNA Abuukar Ganey,Xoghayaha guud ee Isbahaysiga USC/SNA Dr,Bashiir iyo xubne kale oo Magac ku leh Bulshada Soomaalliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Dibad baxaasi ayaa waxaa ka hadlay Madaxda qeybaha kale duwan ee Isbahaysiga USC/SNA oo ku dheeraaday ka hadalka Taariikh nololeedkii Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydiid oo lagu xasuusto inuu qeyb wayn ku lahaa sidii looridi lahaa Dowladii uuhormuudka ka ahaa Marxuun Gen,Maxamed Siayaad Bare oo 21 Sano Dalka Soomaaliya ka talin jirtay.
Ku simaha Guddoomiyaha Isbahaysiga USC/SNA Abuukar Ganey oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu Gen,Maxamed Faarax Caydiid uu ahaa Nin aan la mid ahayn Dadka Soomaalida isagoo sheegay inuu in badan oo ka mid ah waqtigiisa u huray sidii uu wax ugu qaban lahaa Umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto
Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydiid waxaa uu ku dhashay Magaala Madaxda Gobolka Hiiraan ee B/Wayne Sanadku markuu ahaa 1934 sida ku cad warqadii qoraalka ahayd ee ka hadleeysay Taariikhda Gen,Caydiid ee laga aqrinayay Meeshii ay isugu soo baxeen Taageerayaasha Isbahaysiga USC/SNA.
Xuska loo sameeyay Maanta Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydiid ayaa ahaa mid ka duwan kuwii hore loogu sameeyn jiray marka loo eego Dadka isugu soo baxay Xuskaasi oo ahaa kuwo inban ka jiray kuwii lagu yaqaanay inay ka soo qeyb galaan Munaasabad kasta oo uu qabanayo Maamulka Isbahasiga USC/SNA.
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Gedo oo maata Warsaxaafadeed ay ka soo saareen Magaalada Muqdisho ugu baaqay qeybaha ku dagaalamaya Gobolka Gedo inay Dagaalada joojiyaan.
War Saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Ururka Horumairinta Dhalinyarada Gobolka Gedo Md,Axmed Cabdi Xarbi ayaa waxaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay Dagaalada daashaday Gobolka Gedo oo ay sheegeen inay kadanbeeyaan Dad u jeedooyin gaar ah ka leh,Waa sida lagu qoray War saxaafadeedkaasi ay soo saareen Ururkaasi.
War Murtiyeedkan ayaa waxaa dhanka kale lagu sheegay in Dagaalku uu yahay mid uu Wiil ku dhinto oo uusan ahayn mid uu Wiil ku dhasho,laakiin waxay sheegeeninay taasi ku fikireen Dadka hurinaya Colaadaha Sokeeye eeka jira qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Gedo.
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Gedo waxaa uu War saxafadeedkiisa ku xusay in Magalada B/xaawo ay tahay meesha ugu daran oo ay Dagaalada Sokeeye ku soo noq noqdaan,waxaana ay shaacaka qaadeen inay Magaaladaasi tahay Magaalo Marti u Noqotay Dagaalo aan macno ku dhisnayn.
War Saxaafadeedka Ururkaasi soo saaray ayaa waxa lagu sheegay 4-Qodob oo ay ku sheegeen inay muhiim u tahay wax ka qabashada Dagaalada Sokeeye ee dariska la Noqday Gobolka Gedo,waxaana kamid ahaa.
1= In shuruud la’aan la joojiyo Xabadaha Dagaalada Sokeeye.
2=in wixii laiska tabanayo lagu dhameeyo Miiska wada hadalka.
3=in lagu soo celiyo Magaalada B/xaawo Maleeshiyoyinkii horay looga qabsaday.
4=in laga hor tago colaad danbe oo ka dhacda Gobolka Gedo.
Waxayan ugu danbeyntii ugu baaqeyn Culumada,Ganacsatada,Dhalinyarada,Odayaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanada Gobolka Gedo inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa Colaad Sokeeye oo markale ka dhacda Gobolka Gedo.
Qaarka mid ah Hogaamiyayaasha Soomaalida iyo Dowlada Ethiopia oo isku taagay sidii Cunaqabateeynta looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Ururka SPM Gen,Maxamed Saciid Xirsi Moorgan.
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Col.C/laahi Yuusuf Axmed isaga iyo Hogaamiyayaal uu ka mid yahay ayaa waxay ay Madasha Shirka Soomaalida ee Embagati ka wadaan isku dayo ay ku doonayaan bal sidii ay IGAD uga laaban lahayd go’aankii ay horay Cunaqabateeynta ugu soo rogtay Hogaamiye Kooxeedka Gen,Maxamed Sacid Xirsi “Moorag”.
Hogaamiyayaashan ayaa waxa uu yahay hadafkooda ugu wayn sidii Gen,Maxamed Saciid Xirsi “Moorgan” loogu diri lahaa Diyaarad isaga u qaas ah oo keenta Madasha Shirka Soomaalida,waxaana ay isku dayadaasi u muuqdaan kuwo aan u cuntamin qaarka mid ah Urur Goboleedka IGAD.
Wakiilka Ethiopia u qaabilsan Arimaha Soomaaliya C/casiis Axmed ayaa waxa u ka mid yahay xubnaha isku howlaya sidii cunaqabateeynta looga qaadi lahaa Gen,Maxamed Saciid Xirsi “Mooragn” isagoo sheegay inay IGAD hadii ay Ethiopia ka dhaadhicin doonaan sidii shirka lookeeni lahaa Gen,Moorag oouu shegy inuu yahay shaqsi muhim u ah Shirka oo ay la’aantiisna aysan waxba socon Karin.
Hadalka kasoo yeeray Wakiilka Ethiopia u qaabilsan Arimaha Soomaaliya C/casiis Axmed oo hadana kamid ahaa Wakiilkii Ethiopia u saxiixay Go’aankii Cunaqabateeynta loogu soo rogayay Gen,Maxamed Saciid Xirsi “Moorgan” ayaa waxaa la iswaydiinayaa sababta ay Ethiopia uga gil gilanaynso go’aankii Cunaqabateynta lagu saraay Gen,Maxamed Saciid Xirsi “Moorgan” oo ah Hogaamiye Kooxeedyada ugu Magaca dheer Hogaamiyayaasha Soomaalida.
Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo ugu baaqay qolyaha Ninka Soomaaliga ku haysta Ciraaq inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku siidaayan.
Dr,C/qaasim Salaad Xasan Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo ka hadlayay Telifishinka la iska argo ee afka carabiga ku hadla ee la yiraahdo AL-Jazeera ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka xiriirkii qotada dheeraa ee kasoo dhexeen jiray Umadaha Ciraad iyo Somaliya,waxaana uu sidoo kale C/qaasim sheegay inay Umada Soomaaliyeed jeclaysan Hadalada baryahan ka soo yeeraya Kooxaha wax iska Caabinta Ciraaq ee sheegaya inay Gacanta ku hayaan Nin Dhalashadiisa tahay Soomaali oo ay sheegeen inay Noloshisu ku xiran tahay hadba sida loo fuliyo Dalabyada ay u soo jeediyeen Shirkada uu shaqeeyo Ninkaasi Soomaaliga ah.
Madaxwayne C/qaasim Salaad Xasan mar uu ka hadlayay bal sida ay ula muuqato Dagaalkii lagu qabsaday Wadanka Ciraaq ee uu Maraykanka hor kacayay ayaa waxa uu sheegay inay aad uga xunyihiin hadii ay Soomaaliwayn yihiin,waxaana u shegay inay jeclaan lahaayeen inay arkaan Dadka Reer Ciraaq oo markale oo u tashanaya Wadankooda.
Dr,C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu dhanka kale uu si toos ah ula hadlay Qolyaha Gacanta ku haya Ninka Soomaaliga ah isagoo u sheegay in Ninkaasi Soomaaliga ah ee lagu Magacaabo Cali Axmed Muuse (Xaraare) uu yahay nin aan wax xiriir ah la laheen Dhinaca Siyaasada,sidaa darted ayuu C/qaasim uu sheegy inuu ka codsanayo inay Siidaayaan Ninkaasi Soomaaliga ah.
Madaxwayne C/qaasim ayaa ah Mas’uulii labaad ee ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee ka hadla Haysasha la haysto Ninkaasi Soomaaliga ah ,waxaana uu gu danbeeyntii uu Dr,C/qaasim Salaad Xasan Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya uu u soo jeediyay Ninka isla leh Shirkada uu u shaqeeyo Ninkaasi Soomaaliga ah inuu wax ka qabto waxyaabaha ay rabaan Kooxaha wax iska caabinta Ciraaq ee Ninkaasi Soomaliga Gacanta ku dhigay.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com
Beesha Cabdi Koombe oo Baaq Kale u Dirtay IGAD
- Bootaan Barre: IGAD haka laabteen go'aan koodii Khaldanaa ee Qaybinta Xubnaah Baarlamaanka Beesha Daarood
Beesha Cabdi Koombe (Jambeel) waxa ay mar labaad ugu baaqayaan guddiga Fulinta IGAD in ay ka laabtaan go'aankii aan caddaalada ku dhisnayn ee ay xubnaha baarlamaanka ugu qaybiyeen beelaha Daarood. Go'aan kaas oo haddii aan laga noqon Soomaaliya u hor seedi doona xaq-darro hor leh. Go'aankaas oo aan qoraalkii hore ku cambaaraynay.
Waxaan IGAD iyo beesha caalamka mar kale xusuusineynaa in haddii baarlamaaka ay qorsheeyeen uu sidaas ku hir galo ay macneedu tahay in aan IGAD rabin in Soomaaliya ay ka dhalato dawlad caadil ah oo ay Soomaalidu ku qanacsan yihiin. Sidaas daraadeed IGAD waa in ay ka fiirsdaan meelmarinta go'aankaas khaldan. Waxaana IGAD u furan oo keliya in ay go'aankaas ka laabtaan, soona agaasimaan hab ay ku qanci karaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed.
Soomaaliya heerka ay maanta joogto waxaa gaarsiiyay waa caddaalad darro. caddaalad darradii oo mar kale la hir geliyaana waa khasaare hor leh oo aan la aqbali karayn. IGAD haddii ay qabiil wax ku qaybinayaan waa in ay ka run sheegaan, oo si siman qabaa'ilada Somaaliyeed wax ugu qaybiyaan. Haddii ay IGAD taas diidaan, markaas waxaa loo qaadan doonaa in ay kharash iyo waqti badan ku bixiyeen arin aan dhinacna u dhaafayn madasha shirka Kenya, waa arin aan Soomaaliya haba yaraatee ka socon doonin, haddii ay hir geliyaana ay xididada u aaseen caddaalad darro qoto dheer oo hor leh - Ogaadaana taas dambe ma ahan mid ay beesha Cabdi Koombe (Jambeel) aqbali doonaan.
ENGLISH VERSION: Abdi Kombe (Jambeel) Clan Rejects the Unwise & Unfair Distribution of the Darod MPs [.doc]
Bootaan Barre Samatar
Af-hayeenka Beesha Cabdi Koombe (Jambeel)
Nairobi, Kenya
Email: cabdikoombe@yahoo.com
<><><>