SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

WARARKA MAANTA:: AGOOSTO 1:::
  • Guddiga Fududaynta IGAD oo xili kale u qabtay Xubnaha baarlamaanka, iyadoo ay dhamaatay xiligii horey loogu qabtay Beelaha Soomaaliyeed.
  • Wariye Abdiaziz Ahmed oo Reer Hindiya ah oo ka Dagey Hargeysa .
  • Taageerayaasha isbahaysiga USC/SNA ayaa manta waxay isugu yimaadeen dibad bax ay ku maamuusayeen Maanta oo ah maalintii uu geeriyooday Gen,Maxamed Faarax Caydiid.
  • Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Gedo oo maata Warsaxaafadeed  ay ka soo saareen Magaalada Muqdisho ugu baaqay  qeybaha ku dagaalamaya Gobolka Gedo inay Dagaalada joojiyaan.
  • Qaarka mid ah Hogaamiyayaasha Soomaalida iyo Dowlada Ethiopia oo isku taagay sidii Cunaqabateeynta looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Ururka SPM Gen,Maxamed Saciid Xirsi Moorgan.
Guddiga Fududaynta IGAD oo xili kale u qabtay Xubnaha baarlamaanka, iyadoo ay dhamaatay xiligii horey loogu qabtay Beelaha Soomaaliyeed.
  • IGAD:: Agoosto 2 ayaa ah kama dambaysta in la soo gudbiyo magacyada xubnaha Baarlamaanka
  • Beelaha Harti iyo Absame iyo Dir oo Laga yaabo in ay shirka gebi ahaanba Qaadacaan

Guddiga fududaynta IGAD ayaa muddo kama danbays ah u qabatay mar kale u qabtay beelaha soomaaliyeed in ay ku soo gudbiyaan magacyada xubnaha baarlamaanka u malaayo.

IGAD ayaa waxa ay u qabatay wakhti kale in ay tahay maalinta ugu danbeysay,sidaas daraadeedna beelaha Soomaliyeed looga baahanyahay in ay soo gudbiyaan magacyada baarlamaanka si shirka loo soo gab gabeeyo loona soo afjaro.

Qoraal ka soo baxay maanta guddiga fududaynta IGAD loona gudbiyay Soomalida iyo beesha caalamka ayaa lagu xusay in 2-da Ogoost ay tahay mudada ugu danbaysta ah,ee laga sugaya beelaha Soomaalidu inay ku soo dhamaystiraan liiska magacyada xubnaha baarlamaanka,iyadoo guddiga intaa ku dareen in 4-ta bishan ay yeelanayaan xubnaha baarlamaanku kulankoodii ugu horreeyay,isla maalintaana uu dhacayo kulanka wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD .

Si kabtaba ha ahaatee lama oga in mudddan danbe ee beelaha Somalida loo qabtay ay ku soo dhammaanaayaan magacyada xubnaha baarlamaanka iyo in kale walaw ay jiraan dadaallo xooggan oo ay wadaan beeluhu si ay u soo afjaraan.

Waxaa kale oo jira in: beelaha ay ka mid yihiin Harti iyo Absame iyo dirta kooforeed ayaa gabi ahaanba waxaa laga yaabaa in ay shirka qaadacaan maadaama ay labo maalmood uun ka hartay xiligii ay u qabteen in gudiga fududeenta IGAD ay jawaab ka soo bixiyaa sida wax u qeybiyeen Guddiga xalinta Khilaafaadka.

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi ,Kenya
<nasrudiin5@hotmail.com>

<><><>

Wariye Abdiaziz Ahmed oo Reer Hindiya ah oo ka Dagey Hargeysa .
 
Maanta Oo bishu Tahay 1 Bisha Sideed waxa ay ii Ahayd Maalin Farxadd Leh Markii Aan ka Dagay  BerBera International Airport..anigoo ka Imid   Hindiya  siina maray Dubai ..
 
Intaanan Warbixin Dhan Aan idinka Siin Siyaasadda  Somaliland Iyo Gabi ahaanba  Xaaladda Dadka Reer Somaliland ay kaga Nool Yihiin Dalkooga Aan Idiin taabto qayb ka Hadlaysa Horumar-ka La Taaban Karo ee Ay Somaliland Ka Gaadhay Xagga Waxbarashadda . 
 
Waxaan Gaadhi Bus ah ka Soo Raacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Berbera waxaan Toos U imi Magaaladda Hargeysa Oo ahayd  Deegaanka Rasimga ah ee aan U dhashay..waxaan ka Soo galay Hargeysa Dhinaca Bari  ilaa Intaan ka Gaadhayay Gurigaygii waxaan Arkaayey Xayeysiis-ka   Boodhadh-ka  School-dda iyo College Yadda Wax Laga Barto ee Magaaladda Hargeysa Kuwaas oo aan Runtii u qashuucay Maadama Aan Anigu ahaa Arday wax ka Soo bartay Dalka India.
 
waxaan u qushuucay Maadooyinka Ay Dadka Barayaan Maclimiinta Reer Hargeysa Kuwaas Oo ay ka Mid Yihiin ..Computer Engineering,  Software Engineering,Account, Database Administrator . iyo Web-desinging... runtii waxa La Odhan Karaa Hargeysa waxa ay ka Mid Noqotay Magaalooyinka Aduunka Ugu fiican Cilmiga Technology-ga Marka Loo Eego Maadooyinka Advance-ka ah ee Lagu baranayo .. Cyber  City of afrika Ayaanu nahay Ayuu yidhi Macalin wax ka bara Macahdada- Hargeysi waxa  aanu aaminsanahay Inaanu Noqono Dal aan La aqoonsan Sida Jamhuuriyadda Taiwan...Ee Eeshiya ..oo aanu Nqono Taiwan Afrika .,.
 
waxaan Aad Ula Yaabay Sida fiican ee dad-ka Reer Hargeysa Ay ugu Heelan Yihiin waxbarashadda Cilmiga  Information Technology-ga ..iyo sida Ay u doonayaan in ay u Barbar istaagaan Aduunka Horumaray.
 
Jaamacada Hargeysa Ayaa iyana Diyaarinaysa Qalin Jabintii Ugu Horeysay Arday Dhamaysa  Waxbarashadda Jaamacadda Hargeysa University....waxa wax lagu Farxa ah in Idaacadda Qaran-ka warbaahinta Gaar-ka Loo Leeyahay ay Si Gaara uga Qayb qaateen Kor u qaadida Qaran-ka Xagga wax Barashadda ..
 
LA Soco Warbixin Dheer oo ka Hadlaysa Xagga Dhaqaalaha Siyaasadda Iyo Diinta Iyo Sida Ay dad-ka Reer Somaliland U arkaan La Midoobidda Qaybta Kale ee Somaliya.
 
abdiaziz Ahmed Mousa   Hargeysa
<abdiaziz2@hotmail.com>

<><><>

Taageerayaasha isbahaysiga USC/SNA ayaa manta waxay isugu yimaadeen dibad bax ay ku maamuusayeen Maanta oo ah maalintii uu geeriyooday Gen,Maxamed Faarax Caydiid.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

 



Dibad baxan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa uu ka dhacay  Xarunta Madaxtooyadii hore ee Dowladii Milatariga ahayd,waxaana ay dibad baxayaashu ay ku dhawaaqayeen erayo ay ugu codeynayaan Hogaamiyihii hore eeUrurka USC/SNA Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydiid waxaana ay sheegeeninysan manta oo kale aysan hilmami Karin maadaamo ay  tahay maalintii uu Geeroyooday Guddoomiyahoodii Marxuun Gen,Caydiid oo ay sheegeen inuu yahay in taariikhda Soomaaliya Baal Dahab ah uga jira,Waa sida ay hadalka u dhigeene.

 

Madaxdii ka qeyb gashay Dibad Baxaasi loogu duceynayay Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydid waxaa ka mid ahaa Ku simaha Guddoomiyaha Isbahaysiga USC/SNA Abuukar Ganey,Xoghayaha guud ee Isbahaysiga USC/SNA Dr,Bashiir iyo xubne kale oo Magac ku leh Bulshada Soomaalliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho. 

 

Dibad baxaasi ayaa waxaa ka hadlay  Madaxda qeybaha kale duwan ee Isbahaysiga USC/SNA oo ku dheeraaday ka hadalka Taariikh nololeedkii Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydiid oo lagu xasuusto inuu qeyb wayn ku lahaa sidii looridi lahaa Dowladii uuhormuudka ka ahaa Marxuun Gen,Maxamed Siayaad Bare oo 21 Sano Dalka Soomaaliya ka talin jirtay.

 

Ku simaha Guddoomiyaha Isbahaysiga USC/SNA Abuukar Ganey oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu Gen,Maxamed Faarax Caydiid uu ahaa Nin aan la mid ahayn Dadka Soomaalida  isagoo sheegay inuu in badan oo ka mid ah waqtigiisa u huray sidii uu wax ugu qaban lahaa Umada Soomaaliyeed  meelkasta oo ay joogto

 

Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydiid waxaa uu ku dhashay Magaala Madaxda Gobolka Hiiraan ee B/Wayne Sanadku markuu ahaa 1934 sida ku cad warqadii qoraalka ahayd ee ka hadleeysay Taariikhda Gen,Caydiid ee laga aqrinayay Meeshii ay isugu soo baxeen Taageerayaasha Isbahaysiga USC/SNA.

 

Xuska loo sameeyay Maanta Marxuun Gen,Maxamed Faarax Caydiid  ayaa ahaa  mid ka duwan kuwii hore loogu sameeyn jiray  marka loo eego Dadka isugu soo baxay  Xuskaasi  oo ahaa kuwo  inban ka jiray kuwii lagu yaqaanay inay ka soo qeyb galaan Munaasabad kasta oo uu qabanayo Maamulka Isbahasiga USC/SNA.

 

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Gedo oo maata Warsaxaafadeed  ay ka soo saareen Magaalada Muqdisho ugu baaqay  qeybaha ku dagaalamaya Gobolka Gedo inay Dagaalada joojiyaan.

 

War Saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Ururka Horumairinta Dhalinyarada Gobolka Gedo Md,Axmed Cabdi Xarbi ayaa waxaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay  Dagaalada daashaday Gobolka Gedo oo ay sheegeen inay kadanbeeyaan Dad u jeedooyin gaar ah ka leh,Waa sida lagu qoray War saxaafadeedkaasi ay soo saareen Ururkaasi.

 

War Murtiyeedkan ayaa waxaa dhanka kale lagu sheegay in Dagaalku uu yahay mid  uu Wiil ku dhinto oo uusan ahayn mid uu Wiil ku dhasho,laakiin waxay sheegeeninay taasi ku fikireen Dadka hurinaya Colaadaha Sokeeye eeka jira qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Gedo.

 

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Gedo waxaa uu War saxafadeedkiisa ku xusay in Magalada B/xaawo ay tahay meesha ugu daran  oo ay Dagaalada Sokeeye ku soo noq noqdaan,waxaana ay shaacaka qaadeen inay Magaaladaasi tahay Magaalo Marti u Noqotay Dagaalo aan macno ku dhisnayn.

 

War Saxaafadeedka Ururkaasi soo saaray ayaa waxa lagu sheegay  4-Qodob  oo ay ku sheegeen inay muhiim u tahay  wax ka qabashada Dagaalada Sokeeye ee dariska la Noqday Gobolka Gedo,waxaana kamid ahaa.

 

1= In shuruud la’aan la joojiyo Xabadaha Dagaalada Sokeeye.

2=in wixii laiska tabanayo lagu dhameeyo Miiska wada hadalka.

3=in lagu soo celiyo Magaalada B/xaawo Maleeshiyoyinkii horay looga qabsaday.

4=in laga hor tago colaad danbe oo ka dhacda Gobolka Gedo.

 

Waxayan ugu danbeyntii ugu baaqeyn Culumada,Ganacsatada,Dhalinyarada,Odayaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanada Gobolka Gedo inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa Colaad Sokeeye oo markale ka dhacda Gobolka Gedo.

 

Qaarka mid ah Hogaamiyayaasha Soomaalida iyo Dowlada Ethiopia oo isku taagay sidii Cunaqabateeynta looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Ururka SPM Gen,Maxamed Saciid Xirsi Moorgan.

 

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Col.C/laahi Yuusuf Axmed  isaga iyo Hogaamiyayaal uu ka mid yahay ayaa waxay ay Madasha Shirka Soomaalida ee Embagati ka wadaan isku dayo ay ku doonayaan bal sidii ay IGAD uga laaban lahayd go’aankii ay horay Cunaqabateeynta ugu soo rogtay Hogaamiye Kooxeedka Gen,Maxamed Sacid Xirsi “Moorag”.

 

Hogaamiyayaashan ayaa waxa uu yahay hadafkooda ugu wayn sidii Gen,Maxamed Saciid Xirsi “Moorgan” loogu diri lahaa Diyaarad isaga u qaas ah oo keenta Madasha Shirka Soomaalida,waxaana ay isku dayadaasi u muuqdaan kuwo aan u cuntamin qaarka mid ah  Urur Goboleedka IGAD.

 

Wakiilka Ethiopia u qaabilsan Arimaha Soomaaliya C/casiis Axmed  ayaa waxa u ka mid  yahay xubnaha isku howlaya sidii cunaqabateeynta looga qaadi lahaa Gen,Maxamed Saciid Xirsi “Mooragn” isagoo sheegay inay IGAD hadii ay Ethiopia ka dhaadhicin doonaan sidii shirka lookeeni lahaa Gen,Moorag oouu shegy inuu yahay shaqsi muhim u ah Shirka oo ay la’aantiisna aysan waxba socon Karin.

 

Hadalka kasoo yeeray Wakiilka Ethiopia u qaabilsan Arimaha Soomaaliya C/casiis Axmed oo hadana kamid ahaa Wakiilkii Ethiopia u saxiixay Go’aankii Cunaqabateeynta loogu soo rogayay Gen,Maxamed Saciid Xirsi “Moorgan” ayaa waxaa la iswaydiinayaa sababta ay Ethiopia uga gil gilanaynso go’aankii Cunaqabateynta lagu saraay Gen,Maxamed Saciid Xirsi “Moorgan” oo ah Hogaamiye Kooxeedyada ugu Magaca dheer Hogaamiyayaasha Soomaalida.

 

Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo ugu baaqay qolyaha  Ninka Soomaaliga ku haysta Ciraaq inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku siidaayan.

 

Dr,C/qaasim Salaad Xasan Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo ka hadlayay  Telifishinka la iska argo ee afka carabiga ku  hadla ee la yiraahdo AL-Jazeera ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka xiriirkii qotada dheeraa ee kasoo dhexeen jiray  Umadaha Ciraad iyo Somaliya,waxaana uu sidoo kale C/qaasim sheegay inay Umada Soomaaliyeed jeclaysan Hadalada baryahan ka soo yeeraya Kooxaha wax iska Caabinta  Ciraaq ee sheegaya inay Gacanta ku hayaan Nin Dhalashadiisa tahay Soomaali oo ay sheegeen inay Noloshisu ku xiran tahay hadba sida loo fuliyo Dalabyada ay u soo jeediyeen Shirkada uu shaqeeyo Ninkaasi Soomaaliga ah.

 

Madaxwayne C/qaasim Salaad Xasan mar  uu ka hadlayay  bal sida ay ula muuqato Dagaalkii lagu qabsaday Wadanka Ciraaq ee uu Maraykanka hor kacayay ayaa waxa uu sheegay inay aad uga xunyihiin hadii ay Soomaaliwayn yihiin,waxaana u shegay inay jeclaan lahaayeen inay arkaan  Dadka Reer Ciraaq oo markale oo u tashanaya Wadankooda.

 

Dr,C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu dhanka kale uu si toos ah ula hadlay Qolyaha Gacanta ku haya Ninka Soomaaliga ah  isagoo u sheegay in Ninkaasi Soomaaliga ah ee lagu Magacaabo Cali Axmed Muuse (Xaraare) uu yahay nin aan wax xiriir ah la laheen Dhinaca Siyaasada,sidaa darted ayuu C/qaasim uu sheegy inuu ka codsanayo inay Siidaayaan Ninkaasi Soomaaliga ah.

 

Madaxwayne C/qaasim ayaa ah Mas’uulii labaad ee ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee ka hadla Haysasha la haysto Ninkaasi Soomaaliga ah ,waxaana uu gu danbeeyntii uu Dr,C/qaasim Salaad Xasan Madaxwaynaha Dowlada KMG  ah ee Soomaaliya uu u soo jeediyay Ninka isla leh Shirkada uu u shaqeeyo Ninkaasi Soomaaliga ah inuu wax ka qabto waxyaabaha  ay rabaan Kooxaha wax iska caabinta Ciraaq ee Ninkaasi Soomaliga Gacanta ku dhigay.

 

  

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

<><><>

WARARKA JULY 31::

  • Ciraaqiyiinta Jooga Soomaaliya oo Loogu Hanjabay in Surka Laga guri doono
  • MADAXWEYNAHA  D.K.G.OO KA CODSADAY MAS'UULIYIINTA REER CIRAAQ IN AY SII DAAYAAN SOOMAALIGA AFDUUBKA LOO HAYSTO
  • Ururka Kaalo Ee Magaalada Garoowe Oo Saaka Beeralayda Deegaanka U Qaybisay 24, Matoor.
  • Shirkii 9-aad ee Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD oo la rajaynayay inuu qabsoomo Shalay ayaa markale dib xilli kale loogu qabtay qabsoomidiisa.
  • Gen,Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo lagu jahwareersan yahay halka uu joogo.
  • IGAD oo gacanta loo saaray Diidmada Culumada Soomaaliyeed ee ku wajahan ka qeyb galka Shirka Kenya.
  • Culummada Soomaliyeed oo gaashaanka ku dhuftay  fariinta soo daahday ee IGAD, una mahad celisay safiir maxamad afey sida uu daaha uga qaaday wajiga xun ee shirka
  • Shir ay soo Qababan-qaabiyeen Gudiga Horumarinta Gobolka Mudug Oo Saaka Lagu Qabtay Hoolka Shirarka Ee Dugsiga Sare Ee Cumar Samatar
  • Madaxwayne Kuxigeenka DGPL, Oo Magacaabay Hanti Dhowrka Guud.
  • Wafti Kasocda Xukuumadda DGPL Oo Gaaray Magaalada laascaano.

Ciraaqiyiinta Jooga Soomaaliya oo Loogu Hanjabay in Surka Laga guri doono

Waa haddii la dilo Soomaaliga Lagu Qafaashay Ciraaq

Sida ay werisey jariidada aljazeerah.info, mid kamid ah musharaxiinta Jagada madaxweyne ee Soomaaliya ayaa ku hanjabey in uu taageerayaashiisa ku dhiiri gelin doono in ay laayaan Ciraaqiyiinta ku nool Soomaaliya, waa haddii surka laga jaro Soomaaliga lagu afduubay Ciraaq. Waxaa warku intaas ku daray in Hussein Ali Elmi oo ah musharax madaxweyne Soomaaliya uu yiri :"Haddii Ciraaqiyiintu surka ka jaraan kuwa aan jecelahay, waxaan surka ka jari doona kuwa ay jecel yihiin". Waxana uu Hussein Ali Elmi sheegay in Soomaaliya ay joogaan dhawr boqol oo ciraaqiyiin ah, gaar ahaana ay dukaamo ku haystaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo Ciraaq ka soo cararay xilligii xukunkii Saddam Xuseen. Soomaaliga lagu afduubay Ciraq waa Cali Axmed Muuse (Xaraare).

Waxaa warku intaas ku daray in uu Hussein Ali Elmi sheegay in uusan asagu gacantiisa surka kaga jarayn Ciraaqiyiinta, laakiin uu weydiisanayo taageerayaashiisu in ay surka ka guraan. Waxa kale oo uu sheegay in hadddii (asaga iyo inta la fikrada ah) ay madaxweyne Soomaaliya ka noqdaan in ay markiiba Ciraaq u diri doonaan ciidamo Soomaaliyeed oo taageera  dawlada cusub ee  Ciraaq,  Waa sida warku u dhigaye EEG: [Iraqis in Somalia Threatened With Beheading]

Dhanka kale wargeyska 'TheAge TheAge' ee Australia waxa uu weriyey in Muuse Suudi Yalaxow uu ka codsaday taageerayaasha ninka lagu eedeeyey in uu al-Qaeda uga hawlgalo Ciraaq, Abu Mussab al-Zarqawi, in ay sii daayaan ninka Somaaliga ah ee lagu qafaashay Ciraaq, asagoo intaas ku daray in ninkaas (Soomaaliga ah) uu fakhri geeyey Khaliijka, waa sida jariidadu u dhigtaye..  WIxii kusoo Kordhay warkaan akhri...

MADAXWEYNAHA  D.K.G.OO KA CODSADAY MAS'UULIYIINTA REER CIRAAQ IN AY SII DAAYAAN SOOMAALIGA AFDUUBKA LOO HAYSTO
 
Canab mumtaz,
Somalitalk,Nairobi.
 
HALKAN KA AKHRI WARKII AFDUUBKA...
Shir  oo uu maanta ku qabtay magaaladda Nairobi Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayuu kaga hadlay  soomaaliga ah iyo kuwo kale oo u dhashay dalka kenya ee ay dhawaan afduubeen qaar ka mid ururadda islaamiga ee ku sugan dalka ciraaq.
 
C/qaasim waxa uu ka codsaday  ururada muslimiinta ah,Dowladda ciraaq iyo shacabkeedaba in ay ku dadaalaan in ninkaas soomaaliga ah iyo kuwa kale ee kenyanka ahba la sii daayo maadaama aysan ka qayb qaadanaynin dagaal ee ay ahaayeen dad u shaqaynayay shirkado oo shaqaale ahaa.
 
waxa uu xusay madaxweynaha D.K.G in uu jiro xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya shacabka soomaaliyeed kuwa reer ciraaqba soomaaliyana waxay jeceshahay nabad ka dhalata ciraaq.
 
Sidoo kale waxa uu codsaday in la sii daayo muwaadiniin kale oo u dhashay dalka ay soomaaliya dariska yihiin ee kenya intaasna ku daray in somaliya,kenya iyo ciraaqba uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah ayna ka rajaynayaan in ay afduubayaashaasi sii dayn doonaan muwaadinka soomaaliga ah iyo kuwa kale ee u dhashay dalka kenya.
 
Soomaaliga la afduubay oo lagu magacaabay Cali Axmad Muuse,oo laga qabtay magaaladda baqdaad ee caasimad ciraaq waxay waxaa faafiyay sawirkiisa qaar ka mid ah talafishanada sida ALjazeera.waxa ayna ugu hanjabeen afduubayaashaasi in ay dili doonaan muwaadinka soomaalig ah iyo kuwa kale ee lala afduubayba.
 
Ugu dambayna sheegay in uu ku raja wayn yahay in la sii dayn doono oo aysan ku dhaqaaqin afduubayaashaasi falalka dilka ah ee ay sheegeen in ku samayn doonaan soomaliga iyo kenyankaba.
 
Soomaalida ku nool magaaladda Nairobi ayaa muwaadinkan soomaliga ah ee lagu afduubtay ciraaq si wayn u hadal haya kana walwalsan kuna tilmaamay in ay tahay fal laga naxo iyagoo si aad ahna ula socda guud ahaan xaalladda dalka ciraaq iyo gabi ahaanba wararka barriga dhexe,
 
Shacabka kenya ayaa laf ahaantooda muujiyay sida ay uga walwalsan yihiin kenyanka ay haystaan afduubayasha reer ciraaq iyagoo rajaynaya in ay afduubayaashaasi sii dayn doonaan muwaadiniinta kenya iyo soomaaligaba.
 

Ururka Kaalo Ee Magaalada Garoowe Oo Saaka Beeralayda Deegaanka U Qaybisay 24, Matoor.

Galkacyo(Somalitalk) Sabti,July 31, 2004

Waxaa saaka lagu qabtay xaflad si wayn loo soo agaasimay xarunta Kuliyada PCC ee Magaalada Garoowe taasoo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Puntland, oo ay ka mid ahaayeen Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha, Axmed Xusseen Doonyaale,Agaasimayaasha Wasaarada Beeraha,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/casiis DiiriyeXusseen(Baahane)Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal C/rishiid Bulshaale ,Madaxa Hay’ada Care ee Gobolada Nugaal iyo Mudug Asli Maxamed,Gudiga beeralayda deegaanka,iyo dadwayne kale.

Ugu horayntii waxaa ka hadlay munaasabadaas Gudoomiyaha Ururka Kaalo Dr.Maxamuud shiikh Xaamid isagoo sheegay in u jeedada Xafladaani ay tahay in Ururka Kaalo uu u qaybiyo beeraleyda deegaanka Darele,Rabaable,iyo Laacdheeere,Matooro dhan 24 oo ay ku deeqday Hay’ada Care iyadoo soo marisay Ururka Kaalo.

Dr.Maxamuud ayaa sheegay in labadii qofba la wadaajinayo hal matoor,islamar ahaantaasna waxa uu beeralayda ka codsaday in ay sameeyaan wax yaalihii ay ku soo barteen (Workshops)yadii ay soo qaateen ugana faa’iidayaan beeralayda deegaanka iyo in ay badalan qaabkii hore ee ay wax u beeran jirteen kuna xisaabtamaan khasaaraha iyo faa’iidadaba.

Dr.Maxamuud waxa uu intaas ku daray in ay jiraan tabaro kale oo la xiriira habka wax loo beero oo la siin doono beeraleyd

Madexa Hay’ada Care ee Gobolada Nugaal iyo Mudug Asli Maxamed,ayaa iyna warbixin kooban oo ay halkaas ka jeedisay ku sheegtay in ay jecelyihiin in ay bulshadu kala qayb qaadato hormarinta deegaanka oo ay ku bixiyaan dhaqaalahood (Contribution) ahaan si ay ugu xisaabtamaan wixii ay ku darsadaan

Sidoo kale waxay sheegtay in ka Hay’ad ahaan doonayaan in iyaga iyo bulshaduba ay noqdaan talo wadaag si loo gaaro hurukac dhinaca beera ah.

Dhanka kale Guddomiyaha Gobolka Nugaal C/casiis Diiriye Xusseen(baahane) ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in uu arko beeralayda deegaanka oo loo qaybinayo matooro, iyo in ay beeralaydu ka midtahay wax yaalaha ugu muhiimsan ee bulshadu horumar ku gaari karto marka lahelo dalagyo ka soo go’a dhinaca beeraha.

Waxa uu sheegay in maamulka Gobolku uu ka codsadanayo Wasaarada Beeraha iyo deegaanka in laga hortago dhulka sida sharci darada ah loo xirmaysanayo oo aan ku haboonayn dhinaca istaatijo ahaan in la xirmaysto ama la beerto.

Ugu dambayntii Waxa uu Gudoomiyuhu ammaan iyo mahadnaq balaaran u soo jeediyay Ururka Kaalo oo runtii si wayn uga shaqeeya arimaha Bulshada ee Gobolka marka la eego dhinaca tababarada ee beeraleyda, Waxbarashada iyo arimo kale oo ku saabsan horumarinta deegaanka, hadana suura galiyay qaybinta matooradaan marka laga reebo Hay’ada Care oo iyadu ku deeqday.

Gabagabadii xafladaasi waxaa 24 matoor ku gudoonsiiyay Wasiir kuxigeenka X. X.Beeraha iyo Deegaanka Axmed Xusseen Doonyaale 46 beeraleyda deegaanka Gobolka Nugaal ah.

Galkacyo(Somalitalk)
sahrosiglan@hotmail.com

<><><>

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare@yahoo.com

Shirkii 9-aad ee Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD oo la rajaynayay inuu qabsoomo Shalay ayaa markale dib xilli kale loogu qabtay qabsoomidiisa.

Shirkan ayaa dib u dhac uu ku yimid kadib markii ay Beelaha Soomaaliyeed soo gudbin waayeen Xubnaha Baarlamaanka beelkasta uga mid noqonaya,iyadoo ay beelaha Soomaaliyeed ay ku mashquulsan sidii ay ugu hishiin lahaayeen Qeybta beelkasta uga Soo aaday Baarlamaanka Soomaaliyeed ee lagu soo dhisi doono Shirka Soomaalida uga socda Duleedka Magaalada Nairobi ee Kenya.

IGAD ayaa waqti kale u qabatay kulanka Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD waxaana ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee ah halkii uu ka dhici lahaa shirkaasi in ay wasiirada Arimaha Dibadda IGAD ay isu yimaadaan Maalinta Arbacada oo ay taariikhdu tahay 4-ta bisha Ogost,wararka waxay intaasi ku darayaan inay maalintaasi tahay maalinta la caleemo saari doono Baarlamaanka mustaqbalka ee Soomaaliya.

Marka laga hadlayo waxa sababta u ah baaqashada Shirkaasi Wasiirada ee dhici lahaa Shalay ayaa waxaa dadka qaar ay ku micneeyeen iyadoo a ysan beelaha Qaarkood ku hishiinin sidii ay u soo gudbisan lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka uga mid noqonaya iyo waliba Beelaha qaar oo diidanba sida ay IGAD wax ugu qeybisay,waxaana ay ahayd shalay maalintii hore logu qabtay in beelkasta ay ku soo magacaabato Xubnaha Baarlamaanka uga mid noqonaya oo ahayd 30-ka Luuliyo.

Hadaba maalinta Arbacada oo ay taariikhdu tahay 4-ta Ogost ayaa markale ay IGAD ugu qabatay Beelaha Soomaaliyeed inay ku soo afmeeraan khilaafaadkoooda u gaar ka ah oo ay fiiriyaan dhibaatooyinka haysta Dadka Soomaaliyeed ee kala jooga Dal iyoDibad intaba,waxaana lagu wadaa in Munaasabada lagu caleemo saarayo Baarlamaanka Soomaaliya ay heegan ku ahaan doonaan meesha ay ka dheceyso Dhamaan Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD.

Su’aasha iswaydiinta mudamn ayaa waxay tahay waqtiga Cusub ee loo qabtay Caleemo saarka Baarlamaanka Soomaaliya ma ka soo bixi doonaan Beelaha Soomaaliyeed ee iminka laga dareemayo inaysan isku soo dhawayn xitaa hadii ay qeybinta xubnaha Baarlamaank ay ku yeelanayaan ay gacan ka gaysteen Gudiga Fududeeynta IGAD mise waxaa sii socon doonta arinta maantaba keentay in Dib loo dhigo Kulankii Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD,la argi doonee halka ay ku danbeeyso Arinta Beelaha Soomaalida ee ah mid Wajiyo kale duwan leh.

Gen,Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo lagu jahwareersan yahay halka uu joogo.

Gen,Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo ay dhawaan IGAD dul dhigtay Cunaqabateen ayaa la isku heystaa halka uu ku sugan yahay,kadib markii ay beenin soo jahday hadal uu dhawaan sheegay ee ah inuu ku sugan yahay Deegaanka Ceel-barde iyo Xudur.

Waraysi uu siiyay Gen,Maxamed Saciid Xirsi "Moorgan" ayuu ku shegay inuu joogo Deegaano ka tirsan Gobolka Bakool sida Ceel-barde iyo Xudur,iyadoo uu intaasi ku daray in xitaa halkaasi loogu soo diri karo Diyaaradii u qaadi lahayd Shirka Soomaalida uga Socda Dalka Kenya.laakiin Urur Goboleedka IGAD aya qudheeda war murtiyeedkii ay soo saartay aan ku cadeeyn halka uu joogo Gen,Moorgan oo ay ku soo koobtay oo kaliya inuu ku sugan yahay Meel ka mid ah Soomaaliya.

Madaxda Gobolka Bakool oo ah cidii ugu war dambeysay Gen,Maxamed Saciid Xirsi "Moorgan" ayaa sheegay inuusan moorgan joogin Gobolka Bakool,Gudoomiyaha Gobolka Bakool Xasan Macalin Ibraahim iyo Xubno kale ayaa cadeeyay inuusan Moorganku sugneyn Gobolka Bakool,waxayna ay intaasi ku dareen inysan qaabili Karin Gen,Moorgan oo ay sheegeen inay dhibaatadiisa ugu filan tahay markii uu Bakool la yimid Sheekh Aaden Madoobe oo ah Guddoomiyaha Garab ka mid ah RRA-da,waxayna sidoo kale sheegeen inuu Gen,Moorgan ku sugan yahay Gudaha Wadanka Itoobiya.Waa sida ay hadalka u dhigeene.

Danjiraha Itoobiya u qaabilsan Arimaha Soomaaliya C/casiis Axmed ayaa isna ka hadlay arinta Gen,Maxamed Saciid Xirsi "Moorgan’ ee ah Cunaqabateenta lagu soo rogay,waxaana uu sheegay inay Saaxiib dhaw la yihiin Gen,Moorgan oo ay marar badan xiriir la sameeyeen Gen,Moorgan,Balse ma carabaabin Danjire C/casiis Axmed waxa ay kawada hadleen Gen,Maxamed Saciid Xirsi "Moorgan". 

IGAD oo gacanta loo saaray Diidmada Culumada Soomaaliyeed ee ku wajahan ka qeyb galka Shirka Kenya.

Urur Goboleedka IGAD ayaa markii ugu horeeysay la gaarsiiyay go’aanka ay Dallada Culimada Soomaaliyeed ka qaadatay Casumaadii loo fidiyay si ay shirka Kenya,iyadoo ay Culimada Soomaaliyed ee iminka la soo gaarsiiyay Casumaada ay qaadaceen inay tagaan Shirkaasi.

Guddiga Fududeynta IGAD ayaa la sheegay inaysan jeclaysan Dhawaqa diidmada ahee ka soo yeeray Culumada Soomaaliyeed,kuwaasoo lagu waday inay Toddobaadkan ku biiraan Xubnaha ka qeyb qaadanaya Shirka Soomaalida uga Socda Dalka Kenya oo ay ugu wayn tahay sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka dhex-taala Beelaha Soomaaliyeed oo ay qaar ka mid ah jeclaysan qeybta uga soo aaday Baarlamaanka Soomaaliya,halka inta kale ay isku hayaan bal qaabdii ay ugu hishiin lahaayeen Magacaabista Xubnaha Baarlamaanka uga mid Noqonaya. 

Wararka ka imaanya Magaalada Xarunta u ah Wadanka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaya in IGAD ay ku howlan tahay sidii ay Casumaad ugu diri lahaayeen Culimo Soomaaliyeed,kuwaasoo la sheegay inay rabaan inay ka qeyb galaan Shirka Somalida oo ay arintaasi horay u gala soo xiriireen IGAD.

Dallada Culimada Soomaaliyeed ayaa khamiistii aynu soo dhaafnay sheegay inay soo dhaweeynayaan waxa ka soo baxa Shirka Soomaalida ee Kenya,laakiin waxaa ay sheegeen inaysan ka qeyb gali doonin Shirkaasi oo ay sheegeeninuu yahay mid dhamaaday,waxayna sidoo kal ay Culimadaasi ay ku doodayan inaysan jeclaysan qeybt alaga siiyay Shirkaasi Kenya ee ah inay Wacdiyaan una Duceeyaan Soomaalida ka qeyb galaysa Shirka Kenya,taasoo ay sheegeen inay tahay mid aan u cuntamin,iyagoo qeyb wayn ku leh Dib u hishiisiinta Soomaalida sida uu qabo Guddoomiye ku xigeenka Dallada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

<><><>

Culummada Soomaliyeed oo gaashaanka ku dhuftay  fariinta soo daahday ee IGAD, una mahad celisay safiir maxamad afey sida uu daaha uga qaaday wajiga xun ee shirka
 
Shir ballaran oo ay yeesheen Culummada Soomaaliyeed kana dhacay xarunta daladda culummada ee magaalada Muqdisho maalinimadii talaadada ee ay taariikhdu ahayd 10/6/1425 oo ku beegnayd 27/7/2004 ayay uga wada hadleen culumadu sidii ay uga jawaabi lahaayeen fariin aan qoraal ahayn oo  uga timid urur goboleedka Igad.

Kulankaas waxay ku gorfeeyeen culummadu fariintan oo ay Igad u soo marisay ganacsato soomaliyeed oo ay kulan kula yeelatay wadanka Djbouti.waxayna gaareen culumadu o'aanadan soo socada:

1. Culummada soomaaliyeed waxay soo dhaweynayaan dhisme dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, taas oo ilalinaysa ku dhaqanka shareecada islaamka, dhaqanka suuban iyo caqiidada ummadda soomaaliyeed ee 100% Muslimka ah.

2.Ayadoo la dhowrayo qarannimada iyo sharafta dalka iyo dadka, culumada soomaaliyeed marna ma ogolaanayaan in  la keeno dalka ciidamo shisheeye, sababtoo ah ayay yirahdeen:

In aysan ciidamadasi dalal badan oo horey loogu diray ka keenin wax natiija ah oo wanaagsan, waxaana ka mid ah soomaaliya.

Dhaqaalaha ku baxaya oo aad u fara badan

Anshax xumi ay dalka soo galinayaan

Cuduro halis ah oo ay dalka keeni karaan

Ayagoo dhaawacaya madaxbananida dalka oo 44 sano jirsatay               

3. Culummada soomaaliyeed waxay go'aan ku gareen in aysan ka qeyb galeen shirka ka socda Impaghati kana cududaaranayaa fariintii afka ahayd ee ganacsatada loo soo dhiibay.waxay go'aankas sabab uga dhigeen:

Shirka oo socday muddo ku dhow labo sano, lagana soo gudbay qeybihiisii ugu muhiimka, kuna dhow in uu dhamaado, horeyna waxtixgalin ah aan laga siin culummada soomaaliyeed, maxkamadaha islaamiga, bahweynta waxbarashada iyo ururada bulshada u haya adeegyada lagama maarmaanka ah sida, kuwa dhakhaatiirta, injineerada, ganacsatada iyo kuwo kale oo badan.

In dastuurka loo dajiyey umadda soomaliyeed aan lagu saleyn caqiidada iyo diinta umadda soomaaliyeed ee 100%muslimka ah.

Intaas oo dhami ayadoo ay jirto ayaa uu danjiraha Kenya u qaabilsan soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Afey daboolka ka qaaday wajiga xun ee shirka ka socda Kenya, ka dib markii uu ku soo koobay kaalinta culumada in ay tahay  shirka oo ay ka duceeyaan oo kaliya,hadalkaasi waxa uu markhaati cad u yahay ayay yiraadeen culumadu in go'aankan aan gaarnay uu yahay mid aan lagu gabood falin.

4. Culumada soomaaliyeeed waxay diyaar u yihiin in ay la kulmaan Igad, haddii ay dalka yimaadaan.

5 Culumada soomaaliyeed waxay shacabka soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay ilaalsadaan diintooda, joojiyaana colaadaha dhexdooda ah iskuna duubnaadaan.

6. Ugu danbeyn waxaan caalamka u cadeynaynaa in kaalinta culumadu ka xeeldheer tahay in shir la dhmeystay ka duceeyaan.

Intii uu shirku socday waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gudiga guurtada Hawiye oo yiri annaga ayaa culumada ka xaal marinayna gefka uu u geystay safiir Maxmed Afe, Dawlad ku dhisan shareecada islaamka ayaan rabnaa culumaduna waxay ahaayeen horseedkii umada soomaaliyeed xilli walba oo ay soo martay.

Cali xaaji oo ah gudoomiyaha gudiga sharciyada ee barlamanka DKM ah ayaa isna yiri (safiir Maxamed Afey wa nin soomaaliyeed oo daacad ah oo run ka sheegay waxa meesha ka jira). Sh.Nuur Baaruud gurxan oo ah kusimaha gudoomiyaha dalada culumada ayaa si wanaagsa u hadalay dawka culumada soomaliyeed kii hore iyo kan  danbaba waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in culumada soomaaliyeed ay ahaayeen kuwii gumeysiga ka xoreeyey dalka iyo dadkaba, laga soo bilabo Imam Axmed Gurey, culumadii darawiishta iyo sayid Maxamed, sh. Xasan barsame iyo kuwo kale oo fara badan, ayna ahayeen kuwii loo laayey ayagoo difaacaya diinteena xaniifka ah.

Mudadii uu dalku dhibaatada ku jiray culumada ayay ahaayeen kuwii u istaagayey xallinta dhibaatooyinka, heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee wax kala galaan, adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqalaha, iyo caawinta danyarta iyo agoomaha soomaliyed, ayuu ku daray hadalkiisii.

Waxa xusid mudan in sh.nuur baaruud uu ka mid aha culumadii soomaaliyeed ee toogashada logu xukumay iyagoon waxba geysan in ay ka dhiidhiyeen mooyee doorinta diinta umada.

Waxa kaloo xusid mudan in gumeysigii caalamka islaamka qabsaday cidii la dirirtay oo ka kicisay ay ahaayeen culumo, sida Cumar Mukhtarkii reer liibiya, C/xamiid bin baadiiskii reer aljeeriya, Mahdigii Suudaan iyo sheikh DHaarigii reer ciraaq oo aha hogaamiyihii kacdoonkii 1920  reer faaluuja isaga kiciyee ciidankii ingiriiska, maantana wiilkii sheikha oo la yiraahdo Xaaris al Daari ayaa ah gudoomiyaha hay'ada culumada muslimiinta ee kula diriraya gumeysiga mareykanka dhulka reer Ciraaq.  

Waxa ka qeyb galay shirkaas oo go'aandan ka soo saray:  

1. SH.Nuur Baruud guxan                             ku simaha gudoomiyaha dalada culumada

2.SH. SHariif SH.Axmed                                godoomiyaha golaha sare max.isl

3.SH.Cali Xaaji Yuusuf                                  lataliyaha dalada culumada.

4.SH.Cumar Iimaan Abuubakar                     xubin culumada soomaaliyeed.

5 SH.Axmed Cabdi DHicisow                        xubin culumada soomaaliyeed.

6. SH.Mxamuud Ciise                                     xubin culumada soomaaliyeed.

7.SH.Nuur Macalin C/raxmaan                        xubin culumada soomaaliyeed.

8.SH.Cali Maxamuud Xsan (wajiis)                 xubin culumada soomaaliyeed.  

Cumar Maxamuud Cabdi Xanaf
Xanaf2001@hotmail.com
 
 
<><><>

Shir ay soo Qababan-qaabiyeen Gudiga Horumarinta Gobolka Mudug Oo Saaka Lagu Qabtay Hoolka Shirarka Ee Dugsiga Sare Ee Cumar Samatar

Jimce, July 30,2004
Galkacyo (Smalitalk)

Hoolka shirarka Dugsiga sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay shir ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Horumarinta Gobolka Mudug.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Gobolka, Aqoonyahanka Gobolka, iyo xubno ka mid Jaalliyadda dibadda ee gobolka u dhalatay oo hadda joogta magaalada Gaalkacyo ayaa ajandaha ugu wayn ee looga hadlayay ay ahayd hirgelinta iyo socodsiinta Qorshaha dhisme ee Jaamacadda Puntland State (PSU), oo dhawaantan uu dhagax dhigay Madaxwaynaha DG Puntland Md. Abdillahi Yusuf Ahmed. Waxaa kale oo lagaga hadlay dhibaatooyinka qalab, tayo, macallinimeed iyo hawleed ee haysta dugsiga sare ee Cumar Samatar.

Shirka oo uu furay Prof. Maxamed Jaamac Salaad (Takar) oo ka mid ah aqoonyahanada dadaalka dheer u galay aasaaska Jaamacadda Puntland State ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee aasaaska Jaamacaddu uu soo maray, itijaaha ay ugu jireen hirgelinta qorshaha Jaamacadda, baaxadda hawsha hor taal, wixii u qabsoomay illaa hadda, taageerada ay ka heleen Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, wejiyada kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshaha dhidiba-u-aasidda Jaamacaddu iyo carqaladaha ay filan karaan in ay soo wajahaan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Md. Maxamed Warsame (Jabhad) oo intaas ka dib hadal gaaban halkaa ka jeediyay ayaa mahad celin ballaran u gudbiyey aqoonyahanada gobolka oo suurta galiyay in ardayda gobolka mustaqbalkooda uu soo iftiimo; waxaa uu sheegay in aqoonyahanadan ay taariikhdu xusi doonto; dhammaan ciddii ka qayb qaadanaysa horumarka gobolka, khaasatan waxbarashada, ayaa uu sheegay Md. Jabhad in uu soo dhawayn doono.

Dugsiga sare ee Cumar Samatar oo ay ka qalin jabiyeen arday 200 ku dhow sannad dugsiyeedka 2003-2004, isla markaana qaadanaya arday intaa ka tiro badan sannad dugsiyeedka 2004-2005 ayaa waxaa ragaadiyey dhibaatooyin xalkoodu uu daahay oo ay ka mid yihin qaybta boodhinka oo ay degganaayeen Agoonta magaalada Gaalkacyo muddo aad u dheer, illaa iminkana aan wax xal loo helin. Marar badan ayaa madaxda Maamulka DG Puntland iyo kuwa Gobolkuba ayaa ku celceliyeen in ay hoy cayiman u heli doonaan agoonta, si markaa dugsiga sare ee Cumar Samatar uu u noqdo mid dabooli kara baahida waxbarasho ee ardayda Gobolka Mudug. Sidoo kale, waxaa iyana ballan qaadyo dhinaca dayactirka, qalabaynta iyo horumarinta tacliineed ee dugsiga sare ee Cumar Samatar sameeyey Jaalliyadda Dibadda oo waxqabadkooda si aad ah loo rajaynaayo.

Dhammaan mas'uuliyiintii kulankan maanta ka hadlay ayaa ku guubaabiyey Guddiga Horumarinta Gobolku in ay ka mira-dhaliyaan fursadan qaaliga ah ee gobolku nasiibka u helay. Waxa ay sidoo kale ku celceliyeen in aanay ka caajisin horumarka gobolka iyo u adeegidda danaha dalka iyo dadka.

 

Madaxwayne Kuxigeenka DGPL, Oo Magacaabay Hanti Dhowrka Guud.

Arbaca, July 28,2004

Galkacyo (Somalitalk) – waxaa Maanta digreeto ay ka soo baxday  xafiiska Madaxwayne ku Xigeenka DG Puntand, ahna ahna siihayaha xilka madaxwaynaha, ayaa magacaabay Guddoomiyaha Hanti Dhowrka Guud ee D/G Puntland.

Dikreetada oo ay ku qornayd in Xilka loo magacaabay Md. C/naasir Siciid Maxamed ayaa dhigaysay  kadib markii ay Madaxwayne ku Xigeenka soo gaareen cabashooyin kala gadisan  oo ka timid dhinaca xukuumadda iyo shacabka reer PL oo ku saabsan in lasameeyo cid si gaara u kontaroosha hantida maamulka soo gasha iyo midda ka baxda ayadoo la cadeynayo sababaha ay u baxen dhamaanba dakhliyada soo gala xafiiska maamulka. 
 
Md. Maxame Cabdi Xaashi oo tixraacaya dastuurka, sida ku qeexan dikreetada, ayuu tilmaamay in kadib markii uu arkay baahida loo qabo in la magacaabo mas'uul qaabilsan Hanti Dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka PL.

Markii uu arkay aqoonta, hawlkarnimada iyo firfricoonida Md. C/naasir Siciid Maxamed uuna u magacaabay Guddoomiyaha Hanti Dhowrka Guud ee DG Puntland.
 
uuna mar labaad hirgaliyay cabashooyinka ka dhextaaagan Shacabka DG Puntland oo in badan cabashooyin ka soo jeediyey musuqmaasuq iyo xisaab xumo baahday oo lagu eedeeyey mamulka ayaa soo dhaweeyay magacaabidda Hanti Dhowr Guud. In kasta oo aanay jirin xaqiiqooyin la taaban karo oo cadaynaya in ay jirto hanti lunsi ay samayso xukuumaddu ayaa hadana waxaa jira tuhun badan oo shacabku ay ka qabaan in Madaxda hay'adaha Dawliga ahi ay ku takri falaan hantida dawladda iyo tan dadwaynahaba.

Wafti Kasocda Xukuumadda DGPL Oo Gaaray Magaalada laascaano.
Galkacyo (Somalitalk)
Arbaca, July 28,2004

Wafdi ka tirsan xukuumadda PL ayaa maanta gaaray magaalada laascaano ee Gobolka saal,
Waftigan ayaa isugu jira Wasiiro, Taliska Ciidanka Daraawiishta ayaa maanta socdaal uga bilawday magaalada Lascaanod ee xarunta gobolka Sool.

Wafidgan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Md. Axmed Cabdi Xaasbade ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey Wassirka Maaliyadda Md. C/raxmaan Cayroow iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Col. C/laahi Jaamac Gayre.oo ah taliyaha cusub ee haatan xilka loo magacaabay.

Ujeedada safarka ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay safar hawleed Wasiirada iyo Saraakiisha ciidanku ay ku kala bixinayaa guud ahaanba Gobollada Puntland ka dib dhismihii Xukuumadda cusub ee horaantii bishan la soo dhisay.iyo U kuurgalid xaaladda ammaan, nololeed iyo maamul ee ka jirta gobollada Puntland, gaar ahaan Gobolka Sool ayaa ah muhiimadda koowaad ee booqashada Madaxda maamulku ay ku tageen gobolka sool.

Sida ay wararka laascaano naga soogaaraya sheegayaan madaxbannaan oo jooga Lascaanod, mas'uuliyiintan ka socota xukuuamdda Puntland ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Lascaanod oo ay socodkooda ka bilaabeen; waxaana isla maantaba ay bilaabeen inay la shiraan maamulka gobolka oo ay kala hadleen xaaladaha gobolka ku sugan tahay.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Col. Gayre oo saxaafadda u waramay ayaa sheegay in uu booqan doono xarumaha Ciidamada Daraawiishta, uuna u kuurgali doono tayada iyo xaaladda guud ee ciidanka Daraawiishta; wuxuuna intaasi ku daray in magaalada uu joogi doono si uu wax qabad muhiim ah uga muujiyo xaaladda ammaan ee magaalada Laascaanood.
 

Galkacyo(Somalitalk)
sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD