SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -SOOMAALIYA
SOOMAALIYA & MAANTA:::
  • Nin Soomaali ah oo lagu afduubtay waddanka Ciraaq
  • Dawlada shiinaha oo 100-kun doolar ugu deeqdey shirka nabada soomaalida
  • Magacyada xubnaha Beesha Xawaadle uga mid noqday Golaha Baarlamanka
  • Kulan shalay dhex maray qaybaha kala duwan ee Suxufiyiinta Muqdisho iyo Gudoomiyaha warbaahinta galbeedka Afrika  …..
  • COL. C/LLAAHI YUUSUF AXMED oo sheegay in uusan ku qanacsaneyn qaabkii wax loo qaybiyey….
  • Qaar ka mid ah xisbiyada Somaliland oo soo dhaweeyey xayiraadii la saarey Gen Morgan……
  • Hay’adda DR. Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay fal lagula kacay laba weriye.
  • CULUMADA AHLU SUNNA OO SHEEGAY IN AYSAN JIRIN DALAD KUMISA CULIMADA SOOMAALIYEED..
Nin Soomaali ah oo lagu afduubtay waddanka Ciraaq
 
(48-saacadood kaddib oo  loogu hanjabay in madaxa laga goyn doono)
 
     

Ali Ahmad Musa
Iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan afduubyada ka dhacaya waddanka Ciraaq ee ay wadaan kooxaha muqaawamada ayaa saakay subaxnimadii Telefishinka Aljazeera ee ku hadla afka Carabgia waxa uu soo bandhigay nin Soomaali ah oo lagu afduubtay waddankasai, una shaqeynayay shirkad laga leeyahay waddanka Kuwait oo lagu magacaabo PWC oo la sheegay in ay raashin gaarsiiso cidiammada Isbahaysiga.

      Ninkan la afduubtay oo lagu magacaabo Cali Axmed Muuse (Xaraare) ayaa waday gaari Tareello ah, iyadoo lagu afduubtay meel ku dhow magaallada Baghdad waqti uu ku guda jirey howshiisii caadiga ahayd, waxaana ninkan uu ku dhashay ama ka soo jeedaa magaallada Ber-bera, iyadoo qoyskiisa iyo carruurtiisuba deggan yihiin Ber-bera, waxaana uu ka soo muuqday telefishinka isaga oo ay dul taagan yihiin saddex nin oo wejiyada soo duubtay, kuwaas oo heystay qoryaha darrandooriga u dhaca, waxaana ninka Soomaaligu uu hoos fadhiyey saddexdaasi nin, iyadoo baasaboorkii uu watayna uu ahaa mid Soomaali ah.


Ciidammada Mareykanka oo baaritaan ka wada dalka Ciraaq   

Kooxdan afduubatay ninka Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Jamaacatul Towxiid Wal-jihaad ayaa waxa ay sheegeen in ay qudha ka jari doonaan haddii aan 48-saacadood shirkadda uu u shaqeeyo ee Kuwait aysan ka bixin waddanka Ciraaq ama aysan joojin raashinka ay gaarsiinayaan ciidammada Mareykanka.  Ninkan Soomaaliga ah oo wejigiisu ka muuqday walwal iyo walbahaar ayaa markii la wareysanayay waxa uu ku hadlayay afka Soomaaliga, waxaana uu shirkaddan u shaqeynayay muddo sanad ah, balse waxa uu dalka Ciraaq tegay markii ciidammadii Ciraaq ay soo galeen waddankaasi, isagoo ka yimid dhinacaa iyo waddanka Ciraaq.

Dhowaan ayaa nin kale oo Somaali ah oo isna waday gaari Tareello ah waxa uu si xun ugu dhaawacmay Ciraaq, kaddib markii isna gaarigiisii la gubay, waxaana uu haatan ka soo baxay isbitaal ku yaalla dalka Kuwait, iyadoo lagu warramay in ninkaas uu ka yimid Gobolka Galguduud, gaar ahaan magaallada Dhuusa-mareeb, waxaana adeer u ah Caaqil Axmed Raage Cabdi oo haatan ku sugan magaallada Muqdisho, waxaana haatan awddanka Kuwait ka socda abaabul ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku doonayaan in shirkadda uu ninkani u shaqeeyo ay isaga soo baxdo waddanka Ciraaq, balse way adkaan doontaa in shirkaddaasi ka soo baxdo dalka CIraaq, waayo Kuwait iyo USA waxaa ka dhexeeya xiriir aad u adag.     


Labo Pakistani ah oo lagu qafaashay Ciraaq ayaa lagu soo waram in la diley: magacyadooduna waa: Sajjid Naeem & Azad Khan: ISHA: Paktribune

 Saaka ayaa Telefishinka Aljazeera waxa uu soo bandhigay meydka meydka laba nin oo Pakistan ah oo kooxaha muqaawamadu afduubteen saddex beri ka hor, iyadoo loogu hanjabay in shirkaddii ay u shaqeynayeen ee Sucuudiyaan ah aysan ka bixin dalka Ciraaq, balse taasi ma dhicin, waxaana saaka meydkoodii laga helay magaallada Baghdad, waxaana arrintan ka hdalay madaxweynaha waddanka Pakistan Parves Musharrax oo sheegay in dilkaas iuu yahay mid ka baxsan beni'aadaannimada iyo Diinta Islaamka.


Dhexda: Ali Ahmad Musa

Dalka Urdun ayaa isagu u hoggaansamay dalabkii kooxaha muqaawamada, si loo sii daayo muwaadin u dhashay waddanka Urdun oo u shaqeynayay shirkad Jordan ah oo iyadu ka baxday waddanka Ciraaq, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda la sii daayo  ninkaasi, hase yeeshee xalay ayaa 6-nin oo kale oo u dhashay waddanka Urdun lagu afduubtay waddanka Ciraaq.

Guud ahaan dalka Ciraaq waxaa haatan afduub loogu heystaa illaa iyo 25-qof oo u kala dhashay waddammo kala duwan.

Waxaa isku soo dubaridey: 

Amiin Yuusuf Khasaaro

Wixii kusoo kordhay Warkaan halkan ka akhri... GUJI

<><><>

WARARKA KALE EE SOOMAALIDA EE MAANTA:::::

Shiinaha oo Maanta Kenya Ku Wareejin Doona US$100,000 oo ay ugu Deeqday SHirka Soomaalida

Nairobi: Safiirka Shiinaha u fadhiya kenya H.E Gou Chongli, ayaa galabka 3:00pm waqtiga Afrikada Barie waxa uu laacag dhan $100,000 US Dollars si rasmi ah ugu wareejin doonaa wakiilka gaarka ah ee shirka Soomaalida uga socda kenya; H.E. Ambassador B.A.Kiplagat. Kulanka lacag wareejinta oo ka dhici doona Xarunta Conference Hall ee Wasaarada Arimaha dibada ee Kenya; waxaana lacag wareejintaas goob joog ka ahaan doona wasiirka arimaha dibada ee Kenya Hon. Chirau Ali Mwakwere iyo Hon. Stephen Kalonzo Musyoka iyo xubno kale oo socda IGAD.

abdikarim aden hussein.
Somalitalk. Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

<><><>

Magacyada xubnaha Beesha Xawaadle uga mid noqday Golaha Baarlamanka

Iyadoo weli uu socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee waddanka Kenya ayaa haaan beeluhu waxa ay ku guda jiraan qaabkii ay u qaybsan lahaayeen xubnaha Baarlamanka ee ka mid noqonaya dowladda lagu soo dhisi doono waddanka Kenya, haddaba weriyeyaasheenna ku sugan madasha shirka ayaa shalay noo soo diray magacyada xubnaha Beesha Xawaadle uga mid noqday xubnaha Baarlamanka, waxaana ay kala yihiin:- 

  1. Xasan Cabdulle Qalaad,
  2. Cumar Ugaas Muumin,
  3. Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso),
  4. Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono),
  5. Cali Jeyte Cismaan,
  6. C/raxmaan Cabdi Waarre,
  7. C/llaahi Cali Cilmi,
  8. Colaad Guure Xaayoow,

Waxaa saxiixay liiska xubnahan Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Xasan Cabdulle Qalaad oo isagu ka mid ahaa dadkii saxiixay heshiiskii xabbad joojinta ee 27-kii October 2002. jufooyinka waxaa u soo kala saxiixay Sh. Cabdi Afrax, Cabdulle Faarax Axmed, C/nuur Guuleed Guuleed, C/llaahi Nuur Liibaan, Warsame Faarax Webi, Dhicisoow Xasan Jareer, Diini Maxamed Xasan iyo Maxamuud Siyaad Barkhadle.

Beesha Xawaadle waxa ay noqotay beeshii ugu horreysay ee qaybsata xubneheedii, isla markaana u gudbisa guddiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in beelo ka tirsan Beelaha Hawiye, iyana ay maanta gudbiyaan liiska xubnaha uga mid noqonaya Golaha Baarlamanka, dhinaca kale Beesha Daarood ayaa iyana ku qanci weysay qaabkii loogu qaybiyey xubnaha Baarlamanka, gaar ahaan Beelaha Mareexaan iyo Absame 

Kulan shalay dhex maray qaybaha kala duwan ee Suxufiyiinta Muqdisho iyo Gudoomiyaha warbaahinta galbeedka Afrika  …..

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Saxafi2 ka dhacay kulan aad u ballaaran oo ay isugu yimaadeen suxufiyiinta qaybeheeda kala duwan ee magaallada Muqdisho iyo guddoomiyaha Hay’adda Warbaahinta Galbeedka Afrika Kwame Karikari, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii ay u midoobi lahaayeen qaybaha warbaahinta, isla markaana ay u yeelan lahaayeen xiriir joogto ah.

Guddoomiyaha oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in saxaafadda Soomaaliyeed ay maalinba maalinta ka dambeysa horumar sii gaareyso, balse waxa uu sheegay in ay meesha ka maqan tahay dalladii kulmin lahayd, sidoo kale waxaa iyana ka hadlay qaar ka mid ah suxufiyiinta oo iyagana sheegay in ay diyaar u yihiin in la sameeyo dallad mideysa suxufiyiinta.

Ugu dambeyntii waxaa la isku afgartay in qaybaha kala duwan ee warbaahintu ay yeeshaan kulammo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay u yeelan lahaayeen kulan guud oo looga arrinsado midnimada suxufiyiinta, waxaana kulankaasi uu ku dhammaaday jawi is faham oo aad u wanaagsan. 

COL. C/LLAAHI YUUSUF AXMED oo sheegay in uusan ku qanacsaneyn qaabkii wax loo qaybiyey….

BEESHA Xubnaha Baarlamaanka
Awr-table 3
Lelkase 5
Absame 12
Mareexaan 14
Harti 27

Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Putland oo shalay la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in aysan si caddaalad ah u dhicin qaabkii Beesha Daarood loogu qaybiyey xubnaha Baarlamanka, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in dib loogu laabto liiskaasi.

Inkastoo C/llaahi Yuusuf uusan ku hanjabin in uu ka baxayo shirka haddana waxa uu caddeeyey in ay kulan isugu imaan doonaan Beesha Daarood, si ay uga arrinsadaan qaabkjii loo qaybiyey xubnaha Baarlamanka.

Dhammaan xunaha Beesha Daarood uga qayb galaya shirka dib u heshiisiinta ayaa iyaguna ku qanacsanayn qaabkii loo qaybiyey xubnaha Baarlamanka, iyadoo Beelaha Mareexaan iyo Absame ay ku hanjabeen in ay isaga bixi doonaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

Beesha Leelkase oo Ku Gacansayrtay Qaabkii Xubnaha Baarlamaanka loogu Qaybiyey Beesha Daarood

Qaar ka mid ah xisbiyada Somaliland oo soo dhaweeyey xayiraadii la saarey Gen Morgan……

Qaar ka mid ah xisbiyada dalka la magac baxay Somaliland ayaa soo dhoweeyey go’aankii laga qaatay hoggaamiye kooxeed Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo isagu urur goboleedka IGAD uu ku soo rogay cunno-qabateyn dhinacyo badan leh.

Xisbiyadu waxay sheegeen in loo baahan yahay in General Morogan aan loogu ekeyn cuno-qabateyn oo keliya, balse loo baahan yahay in la soo taago maxkamad caalami ah, si loogu qaado dembiyadii uu ka galay Somaliland.         Moorgan waxaa Waqooyiga Soomaaliya looga yaqaannaa Kawaanlihii Hargeysa, iyadoo la sheegay in uu dad badan ku xasuuqay Magaallada Hargeysa, inkatoo waqtigaasi uu ak amar qaadanayay dowladdii keli taliska ahayd Max’ed Siyaad Barre. Dhinaca kale xoogga waddaniyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey cunno-qabateynta lagu soo rogay General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ay sheegeen in ay mar hore ahayd in cunno-qabateyntaasi lagu soo rogo, si hore ugu sii socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

Hay’adda DR. Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay fal lagula kacay laba weriye.

Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiisay hay’adda Xuquuqda Aadanaha Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa waxa ay ku cambaareysay falkii lagula kacay laba Weriye oo u shaqeysa Idaacadda Horn Afrik oo kala ah Seynab Abuukar iyo Xasan Kaafi qoyste, waxayna hay’addu sheegtay in xad-gudubkaasi uu ka hor imaanayo baaqa caalamiga ah eel eh qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu helo in uu helo xoriyad xagga ra’yiga iyo hadalka, waxaa kale oo uu xaq u leeyahay in aan lagu faragelin ra’yigiisa, isla markaana uu raadsado, helo ama dhiibo warar ama fikrado isagoo isticmaalaya qalab kasta oo warbaahinta ah.

Sidoo kale hay’addu waxaakae oo ay cambaareysay falkii lagu kala kacay Sankuus Axmed Cara boo 24-kii bishan laga afduubtay xaafadda Xamar-jadiid, waxayna hay’addu dalbanaysaa in si deg-deg ah loo sii daayo dadkaasi, waxaana qoraalkan ku saxiixnaa ku simaha Guddoomiyaha hay’adda  Dr. Ismaaciil Jimcaale Dr. Salaad Jimcaale Cosoble.

CULUMADA AHLU SUNNA OO SHEEGAY IN AYSAN JIRIN DALAD KUMISA CULIMADA SOOMAALIYEED..

Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda, waxayna halkaasi ka caddeeyeen in aysan jirin dallad kulmisa culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

“Kooxaha sheeganaya dalladda culimada Soomaaliyeed waa kuwo ku qaraabanaya magaca culimada” ayay ku yiraahdeen qoraal ay soo saareen Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaacada. Waxa ay sheegeen in kooxahaasi ay yihiin kuwo qas gelinaya Diinta Islaamka, isla markaana doonaya in ay iska hor-keenaan culimada Soomaaliyeed, waxaana culimadii halkaa ka hadashay ka mid ahaa Sh. Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif, waxaana uu yiri “Waxaa dhacda in Baasaboor inta sawirka laga fujiyo lagu meel maro, hase yeeshee qofka wata waa uu ku fakadaa ama waa lagu qabtaa, kuwaanna waxa ay ka mid yihiin sidii baasaboorkaasi laga fujiyey sawirka oo mar ay ahaataba waa la qaban ama waqti gaaban ayay ku meel mari doonaan”.

Dalladda culimada Soomaaliyeed illaa iyo haatan wax war ah kama soo saarin qoraalkaa ay soo saareen Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Maxkamadaha Islaamiga ee G/Banaadir oo Samaystay Gole Sare

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2004

WARARKII SHALAY EE SHIRKA NAIROBI
»Leelkase oo Ku Gacansayray hab-qaybintii Baarlamaanka
»Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddomiyaha Shirka...
»Qeylo dhaan ka soo yeertay beelaha Dir iyo Daarood
iyo warar kale oo Goosgoos ah... Guji

<><><>

Maraykanka oo 100,000 oo Doolar Magdhow u Siiyey Laba Soomaali ah
C/naasir Cali Nuur iyo C/naasir Khaliif Faarax oo .. Guji July 28

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD