SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

WARAR GOOS GOOS AH::

  • MAXKAMADAHA ISLAAMIGA EE GOHOLKA BANAADIR OO SAMAYSTAY GOLE SARE

  • Shir ay isugu yimaadeen Beelaha Hawiye oo shalay lagu kala dareeray

  • National Endowment for Democracy (Washington DC) oo siminaar u qabatey soddon haween ah,

  • Xarunta Machadka SIMAD oo ay ka socoto is diwaan gelinta shirkadaha ka qayb galaya carwada labaad…….

MAXKAMADAHA ISLAAMIGA EE GOHOLKA BANAADIR OO SAMAYSTAY GOLE SARE

            Waxaa saaka xalad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay xarunta maxkamada islaamiga ah ee Shiirkole ee degmada Hodan, waxayna xafladaas ku saabsanayd gole sare oo kulmiya maxaakiimta islaamiga ah ee gobolka banaadir oo lagu abuuray, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta 9-maxkamadood, ganacsato, shirkadaha, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, jaamacadaha dugsiyada iyo dhaqaatiir, waxaana ka mid ahaa xubnihii ka hadlay madaxa isbitaalka Xayaat Dr.Maxamed Dheere wuxuuna sheegay inay soo dhawaynayaan samaysashada golaha mideeya maxkamadaha Islaamiga wuxuuna u soo jeediyey shacabka inay maxkamadaha gacan siiyaan oo iyaga qabtay howlo muhiim ah, mar uu ka hadlayey ciidamo shisheeye in la keenayo dalka wuxuuna yiri “ciidamadaasi waxay soo kordhinayaan ma leh, waxay badalayaan dhaqankeena, waxay nagu abuurayaan  cuduro Qatar ah”, wuxuu intaa sii raaciyey “hadii ciidamadii dalka dib u dhis lagu sameeyo maxkamdahana is kaashadaan dalka iyagaa nabad ku soo dabaali kara”.

Waxaa kaloo ka hadlay madaxa Jaamacada Niileyn Prof.Geedi wuxuuna sheegay inay gacan siin doonaan maxkamdaha islaamiga wuxuu kaloo sheegay in shacabka looga baahanyahay inay garab istaagaan maxkamdaha oo ay raacaan kitaabka ALLE.

Waxaa kaloo ka hadlay gudoomiyaha hay’ada u dooda xuquuqda Islaamka Dr.C/laahi Jimcaale wuxuuna sheegay in shareecda Islaamka ay ku idishahay dhamaan xaquuqda dadka.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay madaxa golaha sare ee maxaakiimta Sh.Shariif Sh.Axmed wuxuu sheegay in golahani uu yahay fursad u soo hoyatay bulshada Soomaaliyeed waxaa kaloo uu sheegay in talaabadaani ay tahay mid lagu hormarinayo ku dhaqanka shareecada islaamka isagoo sheegay in maxkamdaha islaamiga ah ay qabteen howlo aad u balaaran oo dhinaca nabadgalyada.

Weerar Lagu soo Qaaday Masjid ku yaal Gaalkacyo

Aqoon iswaydaarsi Cilmiyeed ka Furmay Gaalkacyo

BAYAANKII CULIMADA SOOMAALIYEED EE KU AADANAA DASTUURKA

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob

W/D:- Amiin Yuusuf Khasaaro
e-mail:-
amiinkhasaaro@hotmail.com

Shir ay isugu yimaadeen Beelaha Hawiye oo shalay lagu kala dareeray

Shir shalay ay isugu yimaadeen ergooyinka ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Beelaha Hawiye, kaasoo looga arrinsanayay qaabka rasmiga ah ee loo qaybsanayo xubnaha Baarlamanka ayaa waxaa la sheegay in shirkaasi lagu kala dareeray.

Shirkan ayaa waxaa ka istaagay beelaha Shiikhaal iyo Duduble oo sheegay in aysan marnaba qaadan doonin wixii loo soo qoondeeyo, hase yeeshee waxa ay soo jeediyeen in aysan marnaba caqabad ku noqon doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. “Waa in si caddaalad ah loogu qaybiyaa Beelaha Hawiye 61-xubnood, waayo 49-xubnood oo shirkii Carta ah ayaan si caddaalad ah ku qaybsannay, maanta oo 61-xubnood ah ma aha in aan is qab-qabsanno ee way na kala gaartaaye waa in aan si caddaalad ah ku qaybsannaa” ayay yiraahdeen waxgaradkii beelahaasi. Beelaha Hawiye oo keliya ma aha kuwa is haysta, waxaa iyana is haysta Beelaha Daarood, Digil iyo Mifirle iyo Dir, waxaana dadka u kuurgala dhinaca siyaasadda ay sheegeen in aysan suurtogal ahayn in guddiga fududeynta uu fara-gelin ku sameeyo qaybsiga xubnaha Baarlamanka.   “Waqti ayaa nagu socda, waxaana baxaya kharash aad u fara badan, ma aha in aan wax aan sidaa u buurneyn aad isku qabsataan” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan guddiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Beesha shanaad ayaa noqotay beeshii ugu horreysay ee ay faragelin ku sameeyaan guddiga fududeynta, hase yeeshee waxgaradkooda ayaa aad uga xumaaday in shisheeye uu wax u qaybiyo, waana ayaan darro la soo gudboonaatay Beesha shanaa 

Beesha Cali Saleebaan oo Taageeray Cali Khaliif

Prof: Galeyr oo Qado Sharaf u Sameeyay Siyaasiyiinta Beesha Daarood

National Endowment for Democracy (Washington DC) oo siminaar u qabatey soddon haween ah,

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta IIDA ee magaallada Muqdisho lagu soo geba-gebeeyey siminnaar socday muddo saddex maalmood ah oo ay soo qaban-qaabisay xarunta xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale, waxaana maal gelisay hay’ad Mareykan ah oo lagu magacaabo National Endowment for Democracy (Washington DC), waxaana ka qayb galayay 30-haween ah oo ka kala socotay NGO-yada, ganacsatada iyo haween kale.

            Intii uu socday siminnaar-kaasi ayaa haweenku waxay si aad ah ugu baranayeen xuquuqda Aadanaha iyo barnaamijyo la xiriira dhinaca gudniinka fircooniga ah iwm.

Waxaa xiritaankii siminnaarkaasi ka hadashay Guddoonka Sare ee hay’adda xuquuqda Aadanaha Dr. Ismaacil Jimcaale Marwo Maryan Xuseen Owreeye waxayna sheegtay in siminnaarkan uu ka mid yahay siminnaarro is daba joog ah oo loo qabanayo dadka, si loo fahamsiiyo waxa la yiraahdo “Xuquuqda Aadanaha”, waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka ururka Horseedka Nabadda iyo nolosha ee ee HINNA Caasho Shaacuur oo iyadu u mahad celisay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale.

            C/llaahi Calas Jimcaale oo ah madaxa baarista hay’adda Dr. Ismaaciil ayaa sheegay in hay’addu ay dadaal ugu jirto xuska halyeygii iyo u doodihii xuquuqda Aadanaha Dr. Ismaaciil Jimcaale oo la filayo in ay dhacdo toddobaadka soo socda.

Soomaalida washington Dc.oo soo dhaweeyay Walaalahooda Somali Bantuu:

Xarunta Machadka SIMAD oo ay ka socoto is diwaan gelinta shirkadaha ka qayb galaya carwada labaad…….

Mar aan shalay booqday xarunta Machadka SIMAD ayaa waxa ay indheheygu qabana-yeen mas’uuliyiin ka socotay shirkadaha, madaxda warsha-daha yar-yarka ah, ganacsatada, Isbitaallada oo halkaa iska diiwaan gelinaya, si ay uga qayb galaan bandhig carweedka furmi doona 5-ta Bisha August.

Madaxdii iyo shirkadihii halkaa yimid waxa ay sheegeen in ay si aad ah ugu farxeen markii ay maqleen in mar kale la qabanayo bandhig carweed, iyagoo sheegay in ay si aad ah uga qayb qaadan doonaan, waxayna machadka SIMAD uga mahad celiyeen sida uu ganacsatada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayo in ganacsigoodu uu kobco, sida caalamkaba ka jirta. Madaxa diiwaan gelinta Daahir Xasan Carab waxa uu sheegay in machadka gudihiisa xitaa ay ka bilaabatay isagana diyaar garoow ku saabsan bandhig carweedkaasi oo uu sheegay in kii hore ay shacabku si weyn ugu faa’iideen, isla markaana ay ka heleen dhiirri gelin fara badan.

SEMINAARAKA WACYIGALINTA ARDAYDA JAAMACADAHA IYO DUGSIYADA SARE EE MUQDISHO

W/D:- Amiin Yuusuf Khasaaro

e-mail:-  amiinkhasaaro@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD