SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DUBAI

Cali Khaliif Galayr oo Taageero Ka Helay Beesha Cali Saleebaan ee Imaaraadka

Baaq aysoo saareen beelaha cali saleebaan ee imaaraatka caraba.taageero balaaran oo ay u direen muharax cali khalif galaydh iyo nusmalyuun doolar oo ay ugu deeqeen shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee kenya iyo qodobo kaloo muhiim ah

Prof: Galeyr oo Qado Sharaf u Sameeyay Siyaasiyiinta Beesha Daarood
Waxana uu muujiyey in uu Doonaayo in uu mar labaad isu soo taago jagada ugu saraysa hoggaanka Soomaaliya Guji
 
shir wadatashi ahaa oo ay isugu yimaadeen beelaha cali saleebaan ee degan dalkaan isutaga imaaraatka carabta ayaa ka dhacay  magaalada shaariqa gaar ahaan hotel miliniom habeenimada 15-7-2004 ayeey beeshu kaga hadleysay arimaha ka taagan puntland iyo shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee haatan ka socda duleedka magaalada nairobi ee dalka kenya iyo siday beeshu uga qayb qaadan lahayd shirkaas wixii kaga aadan.

Xubnaa kasoo qayb galay oo gaarayey ilaa ilaa 250 qof oo isugu jira qaybaha bulshada ee beeshaas ayaa hal mar u codeeyay in taageero hiil iyo hooba leh ay siiyaan beesha daarood mudane cali khaliif galayr inuu noqdo musharaxa beesha ee madaxweynenimada soomaaliya sidoo kale ayeey xubnaha qaybtood ku tilmaameen muadane cali khaliif galayr inuu yahay nin geesi ah; kartina u leh jagadaas inuu hogaamiyo qaranka soomaaliyeed; waxaan qoraal dheer jaaliyadu u qortay dhamaan xubnaha darood ee shirka ka gayb gelaya, 

waxaa kaloo beeshu qorshaysay dhaqaale gaaraya nus malyuun doolarka maraykan ka ah oo ay beeshu  kaga qayb qaadanayso shirka dib u heshiisiinta soomaalida, dhaqaalahaas oo dhowaan la gaarsiin doono shirka iyo ergo xoogan oo beeshu u dirto shirka yadoo aysan beeshu horay ugu lahayn ergo muuqata shirka laakiin beeshu go,aansatay inay si rasmiya hada wixii ka dameeya uga qayb qaadato shirka.

Waxaa kaloo beeshu ka wada hadashay arimaha ka taagan puntland waxayna beeshu ugu baaqday dhinacyada siyaasada inay dhowraan amniga iyo xasiloonida ka jirta puntland xasiloonidaas oo ku timi rabitaanka shacabka balse aysan ahayn mid ay sameeyeen madaxda puntland; waxay kaloo shacabka walaalaha ah ugu baaqeen inay ilaaliyaan nabadgelyada ayna iska ilaaliyaan fidmada ay ka shaqaynayaan dad u dhashay puntalan oo aan raali ka ahayn xasiloonida aan haysano.

Beesha oo ah beel ku tiirsan ganacsiga ahna beelaha ugu balaaran ee samaysa ganaciga puntland waxay   go,aansatay inay dhinto ganacsiga puntland boqolkiiba konton inta la helayo hogaan toosan oo puntland yeelato iyo guud ahaan soomaaliya; waxay kaloo jaaliyadu baaq u dirtay maleeshiyooyinka haysta magaalada kismaayo oo ay ugu baaqday in la xaq dhawro dadka degaanka ah ee degan magaalada kismaayo kuwaas oo ah dad maato ah.

xohayaha jaaliyada cali saleeaan ee imaartka caraba
abwaan yuusuf mohamed tel-97150 5655211 dubai
e-mail ayusefm@yahoo.com
Ama xsangaale@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2004

Afeef: Aragtida baaqan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD