SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
  • Qado sharaf uu maanta sameeyay Prof:Cali Khaliif Galeyr,taasoo uu ku casuumay Siyaasiyiinta Beesha Daarood,isagoo ugu baaqay....
  • Kolonzo Musyoka"Maadaamo Xilkii la iga qaaday waan sii wadi doonaa Shirka,waxaana u maahdcelinayaa....

Asad Cabdi Axmed (Nasrudiin)
Nairobi, Kenya


<nasrudiin5@hotmail.com>

Prof: Galeyr oo Qado Sharaf u Sameeyay Siyaasiyiinta Beesha Daarood

  • Qado sharaf uu maanta sameeyay Prof:Cali Khaliif Galeyr,taasoo uu ku casuumay Siyaasiyiinta Beesha Daarood,isagoo ugu baaqay....

    Prof: Cali Khaliif Galeyr

Nairobi July 14: Qado sharaf maanta lagu qabtay Hotel-ka Hilton ee magaalada Nairobi,taasoo uu soo qaban qaabiyay Ra’isul wasaarihii Hore ee Dowlada KMG-ka Prof: Cali Khaliif Galeyr isagoo isugu yeeray Hoggamiyaasha Kooxaha, iyo Aqoonyahaniinta Beesha Daarood ee haatan ku sugan Magaalada Nairobi.

Prof: Galeyr oo qadadii ka dib hadal gaaban meesha ka jeediyay ayaa mas'uuliyiintii beesha Daarood u sheegay in Imaatankiisa Nairobi ay ugu weyntahay inuu gacan ka geysto sidii loogu guulaysan lahaa hanaanka wada hadalada Soomaalida ee mudada dheer ka socoda Wadanka Kenya,waxa uuna hadalkiisa ku sii daray inuu illaa iyo hadda wado xiriiro uu la sameeyey dhamaan beelaha Soomaaliyeed, xiriiradaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo uu ku baadi gooboyo in la helo dad Soomaali uuna Doonaayo in uu mar labaad isa sootaago waa Hadii ay suurto gal u noqteen.

Gaba badiina waxa uu Galeyr wax laga xumaado ku tilmaamay in beesha Daarood ay shisheeye wax u soo qeybiyaan,waxa uuna sidoo kale ku nuux nuuxsaday in ay tahay arintaan mid taariqda beesha dilayso,mana ahan ayuu yiri,anagoo walaalo ah in IGAD wax inoo qeybso, waxa uuna xubnihii qadada ka soo qeyb galay ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Sidii la isugu keeni lahaa Beesha Daarood,waxa uuna sheegan in uu isagu Diyaar u yahay wax walba oo loogu baahdo.


Col. C/Lahi Yusuf | Prof. Cali Khaliif

Loolanka uu ka dhax wado Beesha Daarood Prof: Galeyr ayaa waxa ay dad badan oo Xaalada Shirka Indha-dheeya ku tilmaameen mid Cariiri galin karta Hamigii Madaxweynanimo ee Col: Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu dhowr jeer oo hore isku dayay in uu beesha daarood isku keeno waloow uu arintaas ku fashilmay,kadib markii ay Siyaasiyiin iyo aqoonyada beesha Diidmo qeexan la hor yimaadeen.

Si kastaba ha ahaatee taageerada uu doonayo Galeyr ayaa dadka waxa ay is weydiinaan in uu heli karo iyo inkale maadaamo ay Beelaha qaakood ay ka soo horjeedaan Galeyr una arkaan nin dhan u janjeero waloow dadbadan oo xaalada Shirka saadaaliyo ay ku timaameen in uu heli karo ka sumacad wanaagsanyahay Col:Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Asad Cabdi Axmed (Nasrudiin) Nairobi,Kenya

Kolonzo Musyoka"Maadaamo Xilkii la iga qaaday waan sii wadi doonaa Shirka,waxaana u maahdcelinayaa....

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalka Kenya Stephen Kolonzo Musyoka ayaa maanta waxa uu wareysi siiyay mid ka mid ah Warbaahinta wadanka Kenya ,waxa uuna ka warbixiyay shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Kenya,waxa uuna tibaaxay in uu shirka soo maray Marxalado kala duwan,haatana uu maraayo Gaba gabo meel lagu tilmaami karo.

Kolonzo waxaa uu sheegay in kastoo xilkii Wasiirka laga qaaday inuu hadana sii wadi doona shirka Soomaalida doorkii uu ku lahaa,sidoo kale wuxuu mahad buuxda u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dareenkooda soo jiitay isaga. Waxa uu kaloo ka hadlay arrimaha dalka Suudaan oo uu sheegay inuu howlihiisa dib u heshiinta dowlada Suudaan iyo Mucaarka uu sii wadi doona.

Si kastaba ha ahaateen  Kolonzo Musyoka ayaa waxa dad badan oo xalaada Shirka Indha indheeyo waa ku tilmaameen in ay dhabar jab ku tahay Shirka waloow ay suurto gal tahay in uu kolonzo sii wado shirka.

Asad Cabdi Axmed (Nasrudiin)
Nairobi, Kenya

<nasrudiin5@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 14, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]