SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?????

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

 

Aug 31, 2003

 

QAYBTA KOOBAAD:

abdullahi yusuf ahmed
C/Laahi Yuusuf Axmed

Ama qab qable dagaal oo ma xeeriye ah ka dhigo, ama halyay beelo ummadi ummad kale ka maroorsatay u soodhiciyay, ama horseede u ifiyay ummaddiisa waddo horumarka loo maro sida dhaqaalayahanka ama soosaare mabaadii horumarineed, sidaad toontid ha kugu soo maree waxaan akhriste shaki ku jirin in ummad kastoo soojirtay ay lahayd nin aad uga tilmaaman,taariikhdu astaantay dooni hasiisee.

Ninka aynu horay ugu ballansanayn inuu sheegid mudanyahay, inkastoo aan aad uga soo dib dhacay xiligii aad iga filayseen inaan soo baldhigo,oo aan saaxiibayaal aad taas idiinka cudur daaranaayo indiinkana gogol fadhiyo inaad iska kay cafisaan,ayaynu maanta isku dayaynaa in aan wax ka barano, soona qufnno taariikh nololeedkiisa iyo astaamihiisa, ninkuna waa  Col:Cabdulaahi Yuusuf Axmad Yay.

DHANKAAN KA MARAY MALAHA KAMAAD MARIN!!!:

Wiil soomaaliyeed oo laguyarehe xantay inuu guumaysoobay,oo xiligii Guurka aad uga daahay,ayaa bari isagoo guurloogagaba samray waxaa si lama filaana walaalkii u maqlay in uu dhowrkii habeen ee lasoo dhaafayba gabar xod-xodasho darandoori ah ku hayay.

Walaalkii oo ka yaraa ahaase Rag Ka roone ayaa si wayn abaabul ugu galay u diyaargaraw dhismaha aqalkan uu mudada hiigsanaayay,nasiib xumo aroor kamida waa samood reer u baryay ayuu walaalkii oo gacmo madhan soo hoyaday. garay wiilkii yaraa in walaalkii soo hungoobay balse sheekada waxaa uu u badiyay in walaalka wayni tab iyo xeeshii bar-baar gabar ku xod-xodan jiray kuna soo xero gaynjiray ka madhantahay, go,aansadayna GEESA LO'KULAYLKAA LAGU GOOYAAYE inta gabadha shukaansigii walaalkii ku cusubyahay oo aan boqole inan rageed u daba marin, illeen wuxuu maanka ku hayaa oraah horay udhacday oo oranaysay "KASNAAGEED OO KAMBADHUUDH RAGG KAAGA DANBEEYAY KAAD KU OGAYD MAAHA" soo xero geeyo,oo halkii inta kabooday durba sidii uu filaayay isla galabtii gabadhii walaalkii ku soo guuldaraysta keenay,wuxuuna yiri "kalyo beele gabadhii aad ku dhici wayday ee aad iska keensan wayday waan kuu sidaa"

Markaasuu yiri "walaal waa runtaa oo waan ka soo baqay balse KALYO la,aan igama ahayn"

Markaasoo inta ku jees-jeesay yiri"oo hadii aysan fulaynimo iyo KALYO la,aan kaa ahayn maxay maalmo kuugu qaadatay ugana timid"?.

Markaasoo caruuskii yiri "walaalkay iga yaroow adba soomaad kaxayseen ee malaha gabadha DHANKAAN KAMARAY KAMAAD MARIN;"

inta walaalkii yaraa naxay ayuu gurigii uu gabadha ku hooyay sidegdeg ah u galay labada dacalba gashaantidii dhugasho ugu boobay,soona ogaaday in Caruusadu isha bidix go,antahay oo hadalkii walaalkii yiri isagu dib isugu yiri "DHANKAAN KAMARAY KAMAAD MARIN":

Akhristahayga qaaliga ahoow adigaa mudnaanta leh ee sida aan wiil cadaadigaas Cabdullaahi ah u saafo(udhigo)hadaad u aragtid wax ka gadisan ama hadal ku haboonaa inaan kasheego aan ka tagay, bahwaynta www.SomaliTalk.com waxaan ka codsaday in ay soo daayaan afkaartiinna.

BILLAW:

BOQOR XAYLE ZILLAASE: waxaa uu ahaa nin laba dhinac aad farta loogaga fiiqo,marka layswaydiinaayo "inta ay magac le,ekayd calaamadii u gaarka ahayd aduunkuna ku yaqaannay ee LIBAAX=LION OF AFRICA="ku mutaystay?.

DHANKA DIBADDA=waxaa ay boqortooyadiisu inta qaaradiisa afrika ka sare maray noqotay tanlabaad ee aduunka ugu caansan,!!!

iyadoo tankoobaad noqonayso tan(U.K)ingiriiska.

Dadka qaar ayaa kugu qancinaaya in tan UK uu caanimaddeeda kuheley oo kaliya qabsashadii dalalbadan oo dunida ah,balse xayle zilaase waxaa uu lahaa Haybad Gaar u ah oo sir ah.iyadoo wadamada qaarkood ay dadkoodu ilaahba illaa haatan u haystaan tusaale yar,sida Jamayka oo kale,oo kadib markii uu sadex jeer booqday oo iyaddo sadexdaba roobku aad uga raagay,balse markii uu libaaxu soo cagadhigtay cirkii daruur hilaacay biyo barwaaqeedna shubay.

(afeef:::ninka islaamka ahi wuu ka imaan adagyahay intaas, raxmad eebe keenayna uma nisbeeyo aadame:::ALXAMDULILAAH:::).

DHANKA GUDAHA=waxaa uu dadkiisa u ahaa "waliyul axdi"balan adag xagga samaawaadka ka wata,magaca ah" YA NIGISTINNA NUGUS"=boqorka boqorada,iyo ""YA ANBASOOJ ANBASAA""=libaaxa libaaxyada"uu yahay magac lagu sii qoray looxul maxfuudka,ETHIOPIANA yahay hadiyad xagga eebe uga timid.

Hadaba ninka awood badnidiisu gaadhay in ilaah lalasimo(WALAAXAWLA WALAA QUWA ILLAA BILLAH HILCADIYUL CADIIM) ayaa waxaa igu maqaala ah in uu geed dheer iyo geed hosaadba u fuulay in oo laba gabdhood oo foodlay(dhoocilo yar yar) oo soomaaliyeed isu cadhaysiiyo,isagoo ku balan qaaday in ninkii keene sarkaal soomaaliyeed oo dawlad soomaaliyeed ku mucaarada lasiinaayo miisaankiisa oo dahaba,iyadoo abaal marinta ninka soomaaliyeed ee itoobiya uu waagaas ahaan jiray kiish sonkor ah.TAASOO markii danbe ay golaha la talinta boqortooyada,oo uu ugu danbeeyay"Mr TAFARRE BANTU"ku qanciyeen in SADEXDII kun ee sano oo ethiopia jirtay maadaama aysan dhicin in laba sarkaal oo ethiopia iyo soomaaliya ay miis kuwada cunaan aanu SADEXDA KUN EE soosocotana SUGIN.

MENGISTU HAILU MARIAM=waa ninkii maalintii boqorkii ilaahayba loo haystay markii wax ku dhaca lawaayay barkimada jilicda san ku dilay"sida lasheego".

Waxaa kaloo laga soo wariyay in uu ku dhaartay in uu arimo oo libaaxii afrikaad boqorkii boqoradu ku guuldaraystay isagu ka midho keeno,oo ay kamid tahay in uu lafo geel iyaga isku jabiyo "abuuridda mucarad soomaaliyeed".

MAXAMED S.BARRE=waa ninkii labaad ee ku taamay kuna talaabsaday xoraynta muwaadinka soomaaliyeed meelkastoo laga haysto, isagoo kan koobaad ahaa Halgame AL SAYID MOXAMED CABDULLE XASSAN, riyooyinkiisu wayfarabadnaayeen balse habeenna hortiisa may iman Gondahaaga(labadaada lugood hoostooda")ayay balaayo ka dhalan.

Akhriste sadexdaas nin ee aan kor kusoo sheegnay CABDULAAHI YUUSUF waa ninka riyadoodii wax dhici kara ka dhigay.

WAA KUMA???

Akhri  qaybta labaad...... GUJI.

XagarYare
xagar91@hotmail.com
 
SomaliTalk Germany

Aug 31, 2003

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

WARBIXINTII JAAMACADDA BOOSAASO... GUJI

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD