MINNESOTA: Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta
Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya
Wq. Maxamed Cali | SomaliTalk.com |
Minneapolis, Minnesota | Jan 12, 2003
Qaybta 1aad | Qaybta 2aad
Shirweyne aad u ballaaran oo xalay
(Jan 12, 2003) lagu qabtay
Jaamacadda Minnesota ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u farabadan oo
buuxiyey dacallada qol-weyne kamid ah kuwa ugu waaweyn Jaamacadda oo lagu
magcaabo Humphrey Institute Hall. Kulankaas
ujeedadiisu waxay ahayd mid lagu taageerayo Jaamacadda Bariga Afrika (Boosaaso,
Soomaaliya). Shirkaan oo si weyn maalmahan looga hadal hayey Minnesota, saxaafadana
lagu sheegay, ayaa xalay lagu tilmaamay mid ay kasoo qayb galeen
Soomaalidii ugu tirada badnayd ee sanadahan hal meel isugu timaada magaalada
Minneapolis. Shirkaas waxaa ka hadlay Hormuudka (kulliyadda ganacsiga) ee
Jaamacadda Bariga Afrika, prof. C/Weli C/raxmaan Geyre, oo Isniintii hore
kasoo dhoofay Boosaaso si uu reer Minnesota ugaga xog-waramo heerka ay mareyso
Jaamacaddu, waxa ay higsaneyso, iyo sidii ay Soomaalida ku dhaqan qurbaha (gaar
ahaan Soomaalida deggan Maraykanka) ay u taageeri lahaayeen tacliinta sare ee
dalka. waxaana halkaas dadweynihii loogu soo bandhigay filim kusaabsan aasaaskii
Jaamacadda iyo heerarka ay soo martay, cajladaas oo laduubay dhagax-dhigii
Jaamacadda ilaa bishii shanaad ee 2002. Marti sharaftii kale ee halkaas xalay ka
hadlay waxaa kamid ahaa Profossor Cali Khalif Galaydh oo ah bare-sare oo wax ka
dhiga jaamacadda Minnesota, waxana uu dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay
in ay taageeraan tacliinta Sare ee Soomaaliya ayagoo aan siyaasad ka dhigayn ama
dhexgelinayn. waxaa kale oo kahadlay, Sheekh CabdiRaxmaan
Sh. Cumar, Dr.
CabdiRaxmaan Diiriye Maxamed, Maxamed Xuseen Fariid, C/risaaq Cumar Bile, Xaliimo
Faarax, iyo gabayaa Cismaan Ducaale Daahir. Xiriirinta iyo agaasinka shirka waxaa qaabilsanaa Maxamed Xasan iyo Cabdirisaaq
Lafoole. Waxaana dadkii madasha ka hadlay dhammaantood muujiyeen baahida loo
qabo in la taageero dhamaan tacliinta Sare ee Soomaaliya, oo weliba la taageero
Jaamacadaha hadda jira oo ay ka mid tahay Jaamacada waftigu ka yimid ee Boosaaso,
iyo jaamacadaha Booraame, Hargeysa iyo Xamar.
Haddaba SomaliTalk.com
oo xubno ka tirsani ay xalay madasha shirka joogeen ayaa halkan idiinku soo koobaya sidii uu u
dhacay shirkaasi. Qodobadii looga hadlay shirku waxay ahaayeen:
- Taageeridda Tacliinta Sare ee Soomaaliya
- Isku Xirka Waxbarashada Dalka iyo Dibadda
- Doorka Dadka Dibadaha Kunool & Midaynta
Waxtarkooda
- Diinta Islaamka iyo Tacliinta
- U Gurmadka Mustaqbalka carruurteena
- Gabay
- Daawasho Cajlad lagasoo duubay Jaamacadda
Boosaaso
- Xog-warran Xaaladda Jaamacadda Bariga
Afrika
- Su'aalo iyo Jawaabo
- Dib-u-dhiska Tacliinta Sare
waana kuwan ayagoo faahfaahsan:
Taageeridda Tacliinta Sare ee Soomaaliya
Ugu horayntii markii shirkii lafuray, waxaa
madasha lagu soo dhoweeyey C/risaaq Cumar Bile oo ah arday Soomaaliyeed oo
kasocdey ururka ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadda Minnesota (MSSU),
waxana uu ka hadlay "Taageeridda Tacliinta Sare ee Soomaaliya".
Warbixin kooban oo kusaabsan aasaaskii
ururka MSSU ee ardayda Soomaaliyeed kaddib, waxa uu soo jeediyey afar
farriimood oo kala ah: 1. Fariin kusocota ardayda Soomaaliyeed ee dhigta
Jaamacadaha Maraykanka (gaar ahaan minnesota), taas oo ah in ay ogaadaan (ka war
qabaan oo taageeraan) ardaayda wax ku baranaya Soomaaliya maadaama ay kuwa
halkan (USA) joogaa haystaan fursado ka badan kuwa ay haysaan ardayda ku
hartay dalkii. 2. Farriin ku socota ardayda Soomaaliya joogta, fariintaas oo ah
in ay ogaadaan in tacliinta ay hadda haystaan tahay mid ay idiin fureen dad
yar, kuwaas oo la ogyahay in ay dhib badan usoo mareen, hadaba waa in aad idinku
ku fikirtaan carruurta yaryar ee idinka dambaysa sidii ay u heli lahaayeen
waxbarasho sahlan. 3. Fariin guud oo ahayd in aan ka sinaano sidii aan
indhaha ugu hayn lahayn waxbarashada. 4. Fariin ku socota bulshada oo ahayd
in aan ka sinaano taageeridda arday kasta oo wax baranaya. C/risaaq waxa uu
xusay dhacdadii naxdinta lahayd ee ardayda
lagu laayey Muqdisho dabayaaqadii bishii hore, halkaasna waxa uu tacsi ugu
diray eheladii carruurtaas iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
Isku Xirka Waxbarashada Dalka iyo Dibadda
Kaddib
waxaa cod-tebiyahaya lagu soo dhoweeyey Maxamed Xuseen Fariid oo ka
socdey Ururka Macallimiinta iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota
(SPTA), waxana uu ka hadlay "Isku Xirka Waxbarashada Dalka iyo Dibadda".
Ugu horayntiina waxa uu xusay in ururka SPTA uu ku bilaabmay kaddib markii la
arkay baahida kasoo fool leh ubadka Soomaaliyeed ee aan markii hore luqada (ingiriisiga)
garanayn, sidaasna loogu baahday macallimiin laba-luqadood-layaal ah oo kaba
baahida ubadkaas.
Waxaa meelkale lagui xusay in hadda macalimiintaas loo
baahanyahay si ay ugu kala turjumaan waalidkii iyo carruurtooda maadaama ay
carruurtii Soomaaliyeed luminayaan luqadii ahayd afsoomaaliga
(afkoodii hooyo).
Asagoo arinta caarruurta Soomaaliyeed ee qurbaha aad ugu
dheeraaday waxa uu Maxamed Xuseen yiri "waxaad arkeysaa in carruurtii Soomaaliyeed
uu ka lumay dhaqankoodii, hidohoodii, diintoodii, iyo xataa abtirsiinyohoodii waayo
waxaadba arkeysaa in ay kuu sheegayaan oo keliya saddexdooda magac ee u horeeya
kan ugu dambeeya, waxay luminayaan riximkoodii iyo xiriirkoodii" taasi waa
dabar go' ayuu yiri Maxamed Xuseen Fariid.
Asagoo weli ka hadlaya carruurta
Soomaaliyeed waxa uu Maxamed Xuseen sheegay in marka aad tagtid wadamada Yurub
aad ku arkeysid carruur Soomaaliyeed oo ku hadlaya Af Holand, af Jarmal,
Dutch, iwm, halkaasna uu ku dabar go'ayo afSoomaaligii. Hadaba ayuu yiri haddii la helo dhul Soomaaliyeed oo wax lagu barankaro in carruurta la
geeyo. Asaga oo aan arintaas hore weli kafogaan waxa uu yiri "Qofka
haysta Islaamka waa nimco qof haysta, Soomaaliduna waxay ku abtirsadaan Islaamka.
Carruurteeniina waxay yimaadeen dhul diimo kale haysta, waxaana halista (ah in
diintoodu lunto) looga
gudbi karaa in la dhiso waxbarashada Soomaaliya". "Dadka haddii la
dhiso dhulkuna waa dhismayaa" ayuu ku akeeyey dadkii madasha isugu yimid,
aadna waa loogu riyaaqay hadaladaas. Waxana uu intaas ku daray asaga oo yiri
"Dadka hadda waxbaranaya waa in ay wax kasoo dhigaan Jaamacadaaha
Soomaaliya". Waxa uu Maxamed Xuseen u mahad naqay wafdiga Jaamacada bariga
Afrika, Dadka Soomaaliya hadda ku sugan ee dadka waxbarana wuxuu ku tilmaamay
"Shahiidiin dadka jahliga kasaaraya", waxaana uu ugu duceeyey in
Allah xilkaas weyn u sahlo, waxana uu ku booriyey in ay sabraan asagoo kusoo
gabagabeeyey "inna macal-cusri yusran".
Doorka Dadka Dibadaha Kunool & Midaynta
Waxtarkooda
Dr.
CabdiRaxmaan Diiriye Maxamed ayaa lagu soo dhoweeyey madasha, waxana uu ka
hadlay "Doorka Dadka Dibadaha Kunool & Midaynta Waxtarkooda". Ugu
horrayn si uu u muujiyo inay sahlan tahay in la dhiso tacliinta waxa uu tusaale
ugu soo qaatay booqasho uu ku tegey dalka Afqanistaan taas oo kusaabsanayd
dhisida Jaamacad. Waxa uu yiri waxa ay la xiriireen 1000 qof oo daggan
Maraykanka oo qofkiiba lagu qoran $100 bishiiba, sidaasna ay ku heleen 1000 x
$100 = $100,000 (boqol kun oo doolar) bishiiba. Hadaba ayuu yiri, Dr.
CabdiRaxmaan, immisa Soomaali ah ayaa deggan Minnesota (qof ayaa gadaal ka
qayliyey oo yiri 60,000), hadaba ayuu yiri haddii aan wax ka qaban weyno arinta
hadda ina hortaal waa gaf. Waxa uu Dr. CabdiRaxmaan sheegay in waxbarshadu ay
leedahay qiimo sare, aniga ayey wax ii tartay ayuuna hadalkiisa ku adkeeyey,
waxana uu yiri Soomaaliya waajib ayey igu leedahay.
Dr. CabdiRaxmaan oo ah nin
aad u xigmad badan ayaa ka sheekeeyey qiso dadkii goobta fadhiyey aad u
gilgishey taas oo ahayd in uu yiri "1975 ayaa Soomaaliya lagu laayey
wadaado, waqtigaas waxaan dhiganayey dugsi dhexe ayuu yiri, markaas ayaa anagoo shan ah
waxaan ka doodnay arintaas, mid ayaa yiri hala dilo madaxeynaha, waan
aamusay, ilaa waagaas waa la ogaa xaalada lagu jirey'e, mid ayaa yiri anigu
kuma jiro oo in aan naar galo ma rabo, mid kale ayaa yiri sidoo kale, markaas
ayaan iri sidoo kale anigu kuma jiro oo marabo in aan naar galo, kii hadalka soo
jeediyey ayaa isaguna hadalkiisii ka laabtay oo jiri kuma jiro.... ku xisaabtay
waxaan ahayn 12jirro..... Haddaba isla magaaladii ayaa sannadkii 2000 waxaa
tegey nin Soomaaliyeed oo rabey in uu wax kala qabto waxbarashada, wuxuu helay
laba wiil oo da'dii aan waagaas ahayn kujira, waxay markiiba ku yiraahdeen
adigu afkaagu waaba af soomaalilayn, wuxuu ninkii kuyiri war baal iska daaya'e
idinku xagee degan tihiin, waxay wiilashii yiraahdeen anagu guri malihin oo
waalidkana waa ladiley oo hadda waa iska qaraabanaa, ninkii iyo wiilashii waa
israaceen bal si uu cunto u siiyo, qayb kamida dadkii magaalada ayaa maqlay
ninkaan cusub, waana u yimaadeen ninkii iyo wiilashii oo wada jooga, markaas
ayey ku yiraahdeen lacagta aad wadid ee waxbarashada anaga noo dhiib anagaa wax
ku qabanayna'e, hadal kabacdi markii ay ka
tageen ayaa labadii wiil waxay ninkii ku yiraahdeen anagaa odayaashaan naqaan ee
haddii aan $10 doolar bixisid anagaa keeneyna sidoo loo dili lahaa" taasi
waa jirid bax ayuu yiri Dr. CabdiRaxmaan, asagoo halkaas ku muujinayey isbedelka
ku dhacay dalkeenii Soomaaliya, taasna waxaa lagaga bixi karaa in la dhiso
tacliinta ayuu yiri. Waxana uu yiri "tacliintu waxa ay dhistaa asaaska
qofka, nolosha furideeduna waa cilmiga haddii aadan cilmi lahayna mugdi ayaad ku
jirtaa". hadaba ayuu yiri 'waa in aan dhisnaa tacliinta dalkeenii"
waxana uu madasha xusuusiyey in Nebigeena Muxamed SCW kelmedii u horeysey ee Jibriil
kuyiri ahayd "IQRA" halkaasna laga qaadanayo faa'iida weyn ee cilmiga
in la barto.
Dr. CabdiRaxmaan waxa uu hadalkiisii kusoo gabagabeeyey asaga
oo yiri "Shiikh Mukhtaar (waa nin soomaaliya laga yaqaane) waxa uu yiri
Soomaali labo ayaa lagu aqoon jirey, labona waa kusoo darsantahay, labada lagu
oqoon jirey waa DHEH iyo DHIIB, waxaase hadda kusoo biiray DHAW iyo DHIG....
kelmedda DHAW waxaa yaqaan ayuu yiri reer dhoobeyda... waxayna u macno dhowdahay
garaac ama dil... Kelmeda DHIG waa wax la dhigay, tusaale asagoo u soo qaadanaya
website-yada Soomaaliya waxa uu yiri waxa ay ka badanyihiin 300 dhammaantoodna
waa wax la dhigay". Hadaba waa in aan dhisnaa waxbarashada ayuu yiri, ilaa
tacliintaa wax dhista'e.
Diinta Islaamka iyo Tacliinta
Sheekh CabdiRaxmaan Sh. Cumar ayaa
kaddib lagu soo dhoweeyey madasha, waxaana hordhac yar kabixiyey Cabdirisaaq
lafoole oo sheegay in Sheekh C/Raxmaan uu ahaan jirey sarkaal sare oo
katirsaanjirey ciidankii cirka Soomaaliyeed, kaddibna uu ahaa arday ka mid ah
ardaydii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kulliyadii Beeraha, oo ay qabtii ku
dhacday ama la kulmay burburkii waxbarasha Soomaaliyeed. Haddana wuxuu ku mid yahay culimada Soomaaliyeed ee magaalooyinka
mataanaha (Minneapolis/St.Paul).
Sh. C/Raxmaan waxa uu ka hadlay "Diinta
Islaamka iyo Tacliinta", waxana uu ugu horayntii u mahad naqan Allah ina
hanuuniyey ee cilmiga na baray, waxa kale uu u mahad naqay jaamacadda uu
waftigu ka yimid ee Bariga Afrika. Waxana uu dadweynihii madasha xusuusiyey in
la fiiriyo sida Allah u sameeyey Insaanka, taasina ay ku filantahay cibro
qaadasho.
Cilmiga barashadiisa asagoo xusayana wuxuu yiri "diinta Islaamka iyo cilmigu iskama
hor yimaadaan", waa fardul kifaaya oo ay tahay in qof uun isu taago
barashada cilmiga.
Asagoo xusaya sida Islaamku u leeyahay xadaaradda dheer waxa uu Sh.
C/Raxmaan yiri Islaamka waxaa u dhowaa Giriigii hore iyo Beershiya, waxayse u
badnaayeen cilmiga falsafadda, Islaamku markii uu yimid waxa uu tarjumay culuun
badan, kaddibna wuxuu soo siyaadiyey waxa hadda loo yaqaan "cilmi baarista"
iyo in wax la tijaabiyo, waxayna Islaamku soo saareen xisaabta Aljebra oo asaas
u ah xisaabaha uu hadda Computer-ku ku shaqeeyo, waxa kale oo Islaamku soo
saaray cilmiyo badan oo ah Fiisigis iyo Kimistari. Waqtigii Islaamku xadaaradaas
lahaa Yurub mugdi ayey kaga jireen ayuu yiri. waa sida ay qireen reer Oroba (yurub)
ayuu ku adkeeyey hadalkiisa. Tusaale wuxuu u soo qaatay buugga lagu magcaabo
Making Humanity oo uu yiri qoraagu wuxuu ku qiray in ay u qaamaysanyihiin
carabta,
waxaana ugu qaamaysanahay cilmi baarista, macluumaadka oo la ururiyo, iyo
baaritaanka qotada dheer ayuu qoraagaasi xusay.
Dhammaan tusaalayaashiisa Sh. C/Raxmaan ku
muujinayey derejada sare ee Islaamku gaarsiiyo tacliinta iyo in ay aas-aas
lagama maanmaan ah u tahay aadamiga. Kaddiba Sh. C/Raxmaan wuxuu soo jeediyey
fariin uu tusaale ahaan ku muujiyey taas oo hayd in uu yiri "WAAGII HORE
SOOMAALIYA: waxaa la bixin jirey deeq-waxbarsho oo lagu tegi jirey Yurub,
maalintii dambe ayaa koox lasoo dhejiyey, intii liiskaas aan iska helin ayaa Bus
lasaari jirey si magaalada loogu celiyo, wadihii baska ayaa yiri war kuwiina
inkaartu ku dhacday soo raaca baska (waa intii aan waxbarashada dibada helin)...
waxaa dhacday in intii Yurub maalintaas aadey wax laga waayey ama aan wax kasoo
noqon, intii baska raacday ee laga tegey ee lagu tilmaamayey inkaar qabooyinka
ayaa wax noqday oo dadkii wax u taray...... HADDA SOOMAALIYA: idinka dalka jooga
ayaa u hari doona dalka, ee hore u mariya waxbarashada.
Sh. C/Raxmaan waxa uu ugu
dambayntii aad hadalka ugu adkeeyey in Jaamacadda la taageero, waxana uu yiri
waxaan nahay dad wax loo gartee yeynaan burburin waxa dhisan ee aan wax ku
siyaadino, yaan la burburin ilaha noo shidan ee aan taageerno ayuu yiri.
U Gurmadka
Mustaqbalka Carruurteena
Kaddib waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Xaliimo
Faarax oo ah hooyo, macalimad Soomaaliyeed oo ka hadashay "U gurmadka
Mustaqbalka Carruurteena". Waxay markiiba xustay in ay halkan (waa qurbaha'e)
ay naga waraystaan sidee dumarku Soomaaliya ugu xirxiraan jireen, sidee loo
gumaysan jirey sidee ahaydeen.... waxaan u sheegayaa in aan Soomaaliya boqorro
ku ahayn, in Soomaaliya ay gabdhuhu qiima sare ku lahaayeen, waxana ay xustay
gabdho badan oo Soomaaliya meelo wanaagsan ka gaarey, waxana ay sheegtay in
hadalada xun kuwa sheegayaa aysan wax war ah u hayn Soomaaliya. Mar ay ka hadleysey sida ay Soomaalidu dunida
ugu faafeen waxa ay tiri tusaale ayadoo soo qaadanaysa "nin ayaa nacay
yaman, markaas ayuu iskaga tegey oo yiri waxaan aadayaa meel aan yamani joogin,
markaas ayuu tegey magaalo aad u qabow, maalintii dambe waxaa kusoo
baxay nin yamani ah oo jagaf-jagaf leh, hadda meel kasta oo aad dunida ka tagtid
Soomaali ayaa kaaga soo baxaya" ayey tiri. Waxa ay Xaliimo dumarka Soomaaliyeed ku
adkaysay in ay jagadooda buuxiyaan, oo ay soo ceshadaan doorkii ay ku lahaayeen
qoyska dhismihiisa, taas ayadoo ka hadlaysana waxay tiri "Hooyooyinka iyo
gabdhahow waa in aan u gurmanaa qosaskeena (carruurteena) oo soo ceshanaa
doorkeenii sharafta lahaa". Waxbarashada ayadoo ka hadlaysana waxay tiri
waa in aan taageeraa Jaamacad kasta oo ku taal Soomaaliya, waayo ayey tiri
ayagaa asalkeenii ah, waa meeshii aan ku noqon lahayn. Ayadoo la hadleysey
gabdhaha waxa ay tiri "gabdhaha ku faana wiil kaygu hadalkiisa ingiriisiga
ahi wax kuma labna, oo afsoomaaliba ma yaqaanow ogaada in ay jiraan kuwo
carruurtoodii iyo ayaga loo kala tarjumo". Waxaa dhacda ayey tiri carruurta
lagu celiyo Soomaaliya in ay isku dagaalaan luqadohooda oo kala duwan ileyn
wadamo kala duwan ayaa laga kala keenaye. Hadaba ayey tiri aan wadankeenii
dhisano, cidina uma maqna ceelna uma qodna'e.
Gabay
Kaddib waxaa cod-laliyaha lagu soo dhoweeyey
gabyaa Cismaan Ducaale Daahir, oo halkaas kasoo
jeediyey laba gabay oo uu yiri mid waxaa iga codsaday dhakhtar Soomaaliyeed,
gabaygaas oo kusaabsanaa cudurka AIDS-ka, wuxuuna ahaa gabay markii uu dhameeyey
dadkii sawaxan isla keceen si uu mar labaad ugu celiyo, dulucda gabaygaasi waxay
ahayd in AIDS-ku yahay ciqaab iyo caro Allah oo dusha kaga dhacaysa qofkii
xad-gudba ama xera-dhaafa. Gabayga labaad wuxuu ahaa gabay dheer oo cinwaankiisu
ahaa JAHLI, oo uu ku halqabsanayey [JAHLAA DARAN] kaas oo uu ku tilmaamay sida jahligu uu mugdi u yahay,
waxana uu gabaygaas ku sheegay sida shahaadada qabiilku ay u tahay in qofku ku
dhaqaaqo wixii xumaan ah oo dhan, jahligu in uu dulmi yahay, in Jahligu qofka
bado in uu falo xumaan oo dhan, in uu raaco kufri, ku kaco dulmi, dadka laayo,
wanaag oo dhan dafiro marka uu jahli qofku ku sugan yahay. Dulucda gabaygaasi
waxay ahayd sidii dadka jahliga looga saari lahaa.
Qaybtii hore ee shirku markii ay halkaas
mareysey ayaa la qaatay biririf, kadibna la isugu soo
laabtay kulankii, sidii ay ku dhacday Qaybtii 2aad
ka akhri HALKAN.... GUJI...
QAYBTA LABAAD
AKHRI ... GUJI...
January 12, 2003
Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Cali (SomaliTalk.com
Editor-in-chief)
webmaster@somalitalk.com
XUSUUS: Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh
SomaliTalk.com. Websitekasta iyowargeyskasta oo qoraalkaan dib u daabaca waxaa
shardi u ah in uu qoraalkasi ahaanayo sida uu yahay isla markaana uu shardi
ahaan wadanayo xuquuda qoraaga iyo websiteka www.SomaliTalk.com.
om
|