SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA

Galabta ayaa la'aasay faadumo kaddib markii isfahan laga gaaray Arinta kusaabsanayd aaska marxuumadda.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Nairobi,Kenya.

ridwanhaji@yahoo.com 

6/1/2003 

Cabdulaahi jaamac oo CID kenya ay shalay ku xireen in warqad cadayn ah lakeeno  kahor inta aan la aasin marxuumad Faadumo  ayaa isfaham laga gaarey, sidaas darteedna galabta ayaa Faadumo lagu aasay xabaalaha Kariyoko ee magaalada Nairobi oo dad aad ufara badan ay kasoo qayb galeen aaska.

dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka kenya ayaa si wada jir ah waxay tacsi ugu direen qoyskii iyo qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Fadumo oo kamid ahayd labo arday oo la dhigay Kenyatta Hospital markii dhakhaatiirta muqdisho ay wax ka qaban waayeen.

Shariif Xasan Maxamed oo ardayga kale ah waxaa dadwaynaha loogu baaqay in ay gacan ka gaystaan kaalmada loo fidinayo ee dawayntiisa.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli 
Nairobi,Kenya

BOGGA TACSIDA MARXUUMADA.....GUJI 

(wararkii hore ardayda xamar lagu toogteyHoos Akhri

 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Jan 5, 2003

WAR DEG-DEG AH
Fadumo cabdulahi jaamac oo Geeriyootey
Allah ha u naxariistee waxaa goor dhowayd geeriyootay mid kamid ah labadii arday ee lakeenay cisbitaalka Kenyatta Hospital, Fadumo cabdulahi jaamac, oo madaxa ay xabadu uga taalay sida uu ii xaqiijiyay dhakhtarkooda Maxamed Maxamud. [Ridwaan Xaaji, IQRA/SOMALITALK]

wararka galabta:

Beri ayaa loo dib dhigay aaska ardayadii geeriyootay

Allah ha unaxariistee faadumo cabdulahi jamac ayaa maanta 10.00 aroonimo ku geeriyootay Kenyatta Hospital waxaan cisbitaalkaas lakeenay fadumo iyo sharif xasan markii dhakhaatiirta muqdisho ay wax ka qaban waayeen.

iyadoo qorshuhu ahaa in galabta la;aaso ayayna suurta galin waxaana u sabab ah sirdoonka Kenya (CID) oo sheegay in ay doonayaan cadaynta xabad gabadha lagaga soo dhuftay muqdisho.

galabta (5/1/2003) oo aan aaday xabaalah Kariyoko ee dadka muslimiinta waxaa dad fara badan oo soomaaliyeed ay udiyaar garoobayeen in ay ka qayb qaataan aaska galabta laakiinse beri ayaa loo dib dhigay.

janadii ilaahay haka waraabiyee, faadumo cabdulahi jamac, waxay katirsanayd ardaydii axmed gureey ee 24kii december koox hubaysani rasaas ooda uga qaadeen.

Ridwaan Xaaji

Nairobi,kenya

Bahda SomaliTalk.com, iyo bahda Idaacadda IQRA waxay halkan ugu tacsiyadaynayaan qoyskii, qaraabadii, eheladii, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo iskuulka Axmed Gurey (muqdisho) ee ay ka geeriyootey Marxuumad fadumo cabdulahi jamac iyo ardaydii kale ee toogashada lagu diley 24kii December 2002. Allah samir ha idinka siiyo.

<><><>

Jan 4, 2003

Waa sidee xaalada 2dii arday ee Kamid ah ardaydii muqdisho lagu xabadeeyay kuna sugan Kenyatta Hospital.
OGEYSIIS: Shirweyne Soomaaliyeed oo ku saabsan Horumarinta iyo taageerista East Africn University , Boosaaso, Soomaaliya, oo lagu Qabanayo Jaamacada Minnesota, USA GUJI.... 

Booqasho aan ku tagay cisbitaalka Kenyatta International Hospital caawa ayaan kula soo kulmay 2 arday oo kamid ah ardaydii 24kii December lagu xabadeeyay magaalada muqdisho iyagoo kayimid dugisiga Axmed Gurey.

labadan arday oo shalay laga soo qaaday magaalada muqdisho ayaa waxaa kaalmo u fidiyay qaar kamid ah hay'adaha muqdisho iyo dadwaynaha ku dhaqan iyadoo loo baahanyahay in cidii ka qayb qaadan karta ay gacan ka gaysato.  

labada arday oo lagu kala magacaabo Fadumo Cabdulahi Jaamac oo 16sano jirta iyo Shariif Xasan Maxamed oo 15sano jira, waxaa ay ku jiraan qolalka 1 iyo 2 oo ku yaala dabaqa 10.aad ee Cibitaalka Kenyatta oo ah cisbitaalka ugu wayn dalka kenya waxaa ku socotay faleenbo lasuray oo daawo lagu daray.

waxaa la joogay dad qaraabadooda ah iyo kalkaaliyaal caafimaadka qaabilsan iyadoo faadumo mar aan dul istaagay ay miyir la'ayd waxaana usabab ah madaxa oo xabadda ay kaga dhufteen mooriyaan miyir la' oo ku xad gudbay xuquuqda ardayda aan waxba galabsan ee mustaqbalka soomaaliya.

laakiin shariif oo isagana ay xabadu kaga dhcday dhabarka ayaa aad uga duwanaa gabadha oo miyirkiisu uu joogay inkastoo uu xanuun uu dareemayay hadana waxaa uu iisheegay in uu biyaha cabo oo rajo wanaagsan qabo.

dhakhaatiirta cisbitaalka ayaa sheegay in maalinta isniinta labada arday lasaarayo raajo si loo ogaado in ay qaliin ubaahanyihiin iyo inkale iyadoo maalmaha sabtida iyo axada dhakhaatiirta waawayn ay fasax yihiin.

labada arday waxaa ay kamid ahaayeen dhowr iyo labaatan arday oo 24kii December rasaas ooda looga qaaday iyagoo kayimid iskuulka ay wax ku bartaan oo mid kamid ah ardaydaas oo geeriyooday alaha unaxariistee.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Kenyatta Hospital

Nairobi,Kenya

Xasuuqii ardayda loo gaysatay iyo dadwaynaha muqdisho oo ka xumaaday: Maalintii shaley aheyd ayaa waxaa magaalada muqdisho ka dhacay Xasuuq loo geystey ardey dhigata dugsiga sare fasalka koowaad ee AXMED GUREY ee.. IQRA...  25/12

Munaasabadii xil wareejinta kenya siday u dhacday?
Madaxweynaha Cusub Mwai kibaki oo la dhaariyey GUJI... 
»»Isu soo bixii dadweynaha ee Uhuru Park.. GUJI...
»»Taariikh kooban ee Madaxweynaha Cusub GUJI....  
»»Kenya oo ka gudubtey Nidaamkii Halka Xisbi GUJI.... 30/12
 

I  I  D  H  E  H

Guushii Kibaki Halkan ka akhri: 
Mwai Kibaki oo Ku Guuleystay 64% Doorashadii Madaxtinimada Kenya: 
warbixintii: Mohamud Yusuf Garre 

WARARKII DOORASHADA KENYA 
Dad aad u tiro badan ayaa saakay isugu soo baxay barxada Uhuru Park, Nairobi, halkaas oo lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee Kenya, Emilio Mwai Kibaki. GUJI 30/12 

HALKAN KA BAAR WARARKII  IQRA


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD